Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Haddaan loo kala ab-tirin, Ubadka way deeqaysaa! – W/Q. Maxamed Cali Bile

Laba arrimood ayaa isbarbar yaacaya oo kala ah doorashada maayarrada iyo xilakaqaadista iyo magacaabista badhasaabbada. Ta hore waa doorasho oo golayaasha la soo doortay ayaa iska soo dhex xulaya qofka ay isku raacaan inuu

Mayor noqdo, halka badhasaabkana magaabistiisa uu leeyahay madaxweynuhu.
Haddaba iyada oo ay jirto cabashooyin iyo tabasho ku saabsan doorashadii deegaannada iyo maayarrada, ayaanan fahmin waxa barbar eryey magacaabista badhasaabbada oo aad mooddo iney bansiin ku sii shubayso muranka jirey maadaama ay badhasaabbada la magacaabey ay dhan u janjeedhaan.
Awal hore inkastoo doorashooyinka lakala badin jirey haddana cidina may qadi jirin ee si kale ayaa wax la iskugu miisaami jirey. Anigu libin aan walaalkey ila qeybsan libin uuma arko. Waa dhab oo Kulmiye ayaa doorashadii deegaanka uugu xoog roonaadey, cabasho ha iska jirto balse taasi waa mid meel martay. Xisbigiina cid ayaa nasiib u heshay inay madax ka noqoto ama sawirkuba ku soo baxayaa marka teenii ardaaga laga eego. Doorshaddii Mayorka Hargeisa waxa ku soo baxay xildhibaan ka soo jeedaa xisbul xaakimka, inkastoo kalsoonida uu haystaa ay daciiftahay marka loo eego 25kii xildhibaan inta uu codkooda helay, waxbase maaha oo waa wax laga wadahadli ka wkaro oo wuxu u eegyahay nin kalsoonida inta kale buuxsan kara haddii khaakhaayiraadda iminka jirtaa dhammaato.
Waxa aanan fahmin waxa soo dedejiyay magacaabista badhaasaabyada oo ad mooddo inay dabka wax ka sii hurinayaan. Maadaaama madaxweynuhu akhtiyaar u leeyahay inu magaacaabo qofku doono, waxa ay aheyd inu sugo oo uu u isticmaalo isku dheelli tirka dadka deegaanka wada dega. Qabyaaladi meesha kama maqna, haddii an jecelnahay iyo haddii kaleba.
Haddii taa laga tegi waayo, badhasaabnimada ha lagu wado farsamadii Ina Cigaal (AHUN) oo aheyd in badhasaabbadu ay u muuqdaan dad dawladda dhexe ka wakiil ah oo aan qabiil sawir qabiil laheyn. 1995kii, badhasaabka Sanaag wuxu ahaa nin ka soo jeeda Boorama, halka badhasaabka Booramana ahaa nin ka soo jeeda Berbera. Iminka se, xaalka waa Xisbul-xaakimku waa annaga, Mayorka magaaladuna waa annaga. Gartey labadaba doorashaa lagu soo baxay, balse marka lagu daro ee la yidhaa badhasaabkuna waa annaga, waxa u muuqaneysaa NINKII ROONOW REERKA U HADH.
Maxamed Cali Bile
Email: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Aragti © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.