Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

FACEBOOK iyo Furihii Kalgacalka - W/Q. M. M. Tiyo (Q. 3aad)

Barasho intii ugu fiicnayd lays baray. Habeenkii koowaad farxad iyo xusuus wanaagsan ayaa lagu kala seexday. Muddo markii ay Facebook iskala xidhiidhayeen ayaa laysku qanciyay in lays arko.

waliba isagoo farxaan dalabka lahaa in badana waydiiyay goormaynu is aragnaa dharaartan way ka aqbashay u sheegtay in meel u dhow gurigooda uu yimaado isna ka aqbal habeenkaasina farxaan jimcale waxa uu u ahaa habeen taarikhiya  waa habeenkii ugu horeeyey ee uu gabadh u tago niyad sami ku seexay habeenkaasi ,waagii markuu dilaacay ee ay barqo ku dhawdahay ayuu wacay hoodo isagoo salaan kalgacal leh ku hafiyay iyana ay la khushuucday hadalada dareenka leh ee farxaan ku hadaaqaayo .

Goor sheegtadu mar ay ku sii dhawdahay cadceed dhac salaadii makhribna dhawdahay wac mar labaad isagoo markan hubinaaya in balantii wax iska badaleen , hoodana u sheegtay inay balantii ay sidii tahay ayna sugayso, si fiican u diyaar garaw is daaway dhowr jeer ,salaadiina sii tugay meharad halkana sii mar oo nin ay saaxiiba yihiin haystay, waydii waxa ugu fiican ee jacayl cusub hadiyad looga dhigo,ilayn waa khabiir ku takhasusay hadiyadaha laysku qaado.Oo tolow hadiyadahaasi maxay ahaayeen.?  mooji bal adba !

Waxa uu sii raacay baska u baxa dhinacaas iyo xaafadii hoodiyo waxa uu la sii luudaba baskii gaadhsii meeshii uu rabay isagoo ku socda tilmaantii hoodo iyo hagistii taarka (telephone) ee ay hoodo soo hogaaminaysay soo gaadh garayna goobtii isagoo naxsan oo talow maxuu la naxsanyahay mooji mooji. Cabaar markuu taagnaa isagoo alaab hadiyad u eeg gacata bidix ku haya ta midigna dhagta ku haya(telephone)  oo hareeraha eeg eegaaya .dhinac waa uu baqanayaa inuu cid garanaysaa ku soo baxdo. meesha uu taaganyahay waa maddoow dhinacna waxa uu ka baqanayaa in meeshan madow lagu baadho.Isagoo il-bidhiqsiga dagdagsanaaya oo dhowr iyo toban jeer wacay ayay ku odhanaysaa waa I kane kumee naxdintii intay ka badato ayuu odhanayaa haa waa I kan

Lays arag oo cabaar la sheekaysay si kaftan ku jiro iyo si badheedh ahaba farxaan oo inta uu ku odhanaayo hoodo soo xifdiyay ayaa halkan daboolka ka qaadaaya oo haraaqiyaaya sidii daad soo rogmaday wax kale kuma garatide oday waayeel ah oo dardaarmaaya oo kale. Hadaladiisa waxa ka mid ahaa ( been kuu sheegi maayee caawa waa habeenkii ugu horaysay noloshayda een gabadh sidan ula haasaawo ,takale waa habeenkii igu horaysay een gabadh meel ku balanno caawa waxaan kuu sheegayaa inaad tahay wadnahaygii iyo jeex ka mid ah noloshayda aanan aad iyo aad kuu jecelahay. Waxaan doonayaa inaan caawa is dhaarsano jacaylkeenanna aynu dhidib iyo udubo adag u aasno .takale waa caadi aniguba waan la hadlaa hablo aanu isku kalaas ahayn kaftan iyo sheeko wadaagba waanu nahay way jiraan adiguna waad yeelan kartaa inamo aad sidaaso kale iskula socotaan laakin jacaylkeenaa ka wayn wax walba .hada ayaan ku hor joogaa wixii aad I odhanyso I dheh hada wixii aan kugu idhi ee aad qalad u aragto ii sheeg hada ayaynu isla joognaaye )

Hoodo oo khajilaad iyo qurux kusii biirtay oon wajigeeda kor u qadi karynin hadalna kaga gudhay “waa sax waxba kama qabbo” iyadoo aad u xishoonaysa labadooduba iyadoo kalgacayl la saaqay ood mood in naxariistu ka tan baddatay ayaa  farxaan gacanta u galinayaa hadiyadii talow hadiyadu maxay ka koobnayd aan ana u qaado dee xaajiyadiiye ? mooji mooji bal adba!

Halkaasi ayaa kalgacalykii ugu waynaa ka abuurmayaa layskuna macasalaamaynayaa farxaanna u soo kacayaa dhincii baska xaafadana soo gaadhayaa isagoo iska gilgilay waran ku taagnaa oo muxuu aha warankaasi talow bal idinkuba sheega …………. Lasoco qaybaha dambe haddii alle idmo......

Maxamed Muuse Muxumed “Tiyo”

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Taxane © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.