Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Waa kuwee saddexda Xisbi-Qaran ee soo socdaa? – W/Q. Garyaqaan Muuse Yuusuf Maxamed

Akhriste, innaga oo ku salaynaynna natiijada hordhaca ah ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka, si aynnu u saadaalin karno saddexda xisbi-qaran ee tobanka sannadood ee innagu soo aaddan – waxaynnu qormadan kaga bogan

doonnaa shaxda muujinaysa tirada codadka ee habka boqolleyda ah ay ururrada/xisbiyadu kaga kala heleen 19 degmo oo Somaliland ka tirsan, kuwaas oo ay ka dhacday doorashadii goleyaasha deegaanku. Gobolladaasi waxay kala yihiin:
1.    Gobolka Maroodi-jeex: 4 Degmo oo kala ah Hargeysa, Gabiley, Balligubadle iyo Sallaxley.
2.    Gobolka Togdheer: 3 Degmo oo kala ah Burco, Buuhoodle, iyo Oodweyne.
3.    Gobolka Sanaag: 3 Degmo oo kala ah Ceerigaabo, Garadag, iyo Ceel-afweyn.
4.    Gobolka Awdal: 4 Degmo oo kala ah Boorame, Saylac, Lughaya, iyo Boon.
5.    Gobolka Sool: 3 Degmo oo kala ah Laascaanood, Caynabo, iyo Xuddun.
6.    Gobolka Saaxil: 2 Degmo oo kala ah Berbera, iyo Sheekh.
Codka Gobolka Maroodi-jeex = 318581 iyo saamiga ay u kala helen xisbi/ururradu
Ummadda    28544 = 9.0 %
Ucid        55185 = 17.6%
Kulmiye 84834 = 26.9%
Dalsan    24578 =   8%
Rays       19053 =   6%
Waddani   56109 = 17.8%
Xaqsoor 46360 = 14.7%
Codka Gobolka Togdheer =162336 iyo saamiga ay u kala helen xisbi/ururradu
Ummadda    29144 = 18%
Ucid       09541 =   6 %
Kulmiye 47228 = 29.2 %
Dalsan   03185 =   2.1 %
Rays     27097 = 16.9%
Waddani   38624 = 23.9%
Xaqsoor 05641 = 3.7%
Codka Gobolka Awdal= 115273 iyo saamiga ay u kala helen xisbi/ururradu
Ummadda    12477 = 10.9%
Ucid     14103 = 12.2%
Kulmiye 39794 = 34.6%
Dalsan   08795 = 7.7%
Rays     06465 = 5.7%
Waddani   24239 = 21%
Xaqsoor 08579 = 7.6%
Tirada codka Gobolka Saaxil=57324 iyo saamiga ay u kala helen xisbi/ururradu
Ummadda      2362 = 4.1%
Ucid        14562 = 25.4%
Kulmiye   21859 = 38.2%
Dalsan     01426 = 2.5%
Rays       04026 = 7.0%
Waddani   10298 = 18%
Xaqsoor   02710 = 4.8%
Codka Gobolka Sanaag = 115800 iyo saamiga ay u kala helen xisbi/ururradu
Ummadda    16921 = 14.7%
Ucid        07840 = 6.8%
Kulmiye   34331 = 29.8%
Dalsan     04604 =  4.1%
Rays       19916 = 17.3%
Waddani    25604 = 22.2%
Xaqsoor   05426 = 4.8%
Codka Gobolka Sool = 49681 iyo saamiga ay u kala heleen xisbi/ururradu
Ummadda     5241 = 10.6%
Ucid         3876 = 7.9%
Kulmiye 16740 = 33.7%
Dalsan     2092 = 4.2%
Rays       7039 = 14.2%
Waddani    8907 = 18%
Xaqsoor   5488 = 11.1%
Waxa la soo gaadhay gebogebada hawlaha Guddida diiwaangelinta ururrada siyaasadeed iyo ansixinta  axsaabta. Hawshaas oo haatan ku aaddan wakhtigii shaacinta iyo soo-saarista saddexda Xisbi qaran ee tobanka sannadood uu qaranku yeelan doono, waxaanay guddidu raacaysaa kuna soo saari doonta maxsuulka.
Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasa    dda Xeer No. 14/2000-2011
Qodobkiisa 6aad: Kala reebidda Xisbiyada/Ururrada ku tartama doorashada Deegaanka oo u qoran sidan:
1. Saddexda xisbi/Urur ee doorashada Dawladaha Hoose ka hela 20% codadka gobol kasta ayaa loo aqoonsanayaa Xisbi qaran, lana siinayaa shahaadada aqoonsiga xisbi.
2. Haddii hal xisbi oo keliya ku guulaysto doorashada oo uu ka helo 20% codadka gobol kasta, Guddidu waxay u aqoonsanaysaa  xisbiyo-qaran isaga iyo labada xisbi/urur ee ku xiga isu gaynta codadka boqolleyda  gobol kasta.
3. Haddii ay is leekaato tirada boqoleyda gobollada ee laba urur ama ka badan waxaa lagu kala saarayaa sida ay ugu kala bataan tirada guud ee codadka.
4.Haddii ururrada siyaasadeed midna gaadhi waayo 20% waxay guddidu u aqoonsanayaan Xisbiyo Qaran saddexda Xisbi ee ugu tirada badan codadka doorashooyinka boqolleyda gobollada dalka.
Marka aad eegtid qodobkan kor ku qoran waxa ay afartiisa faqradood sharraxayaan habka loo raacayo natiijada codadka, waxayna u kala muhiimsan yihiin sida ay u kala horreeyaan. Waxa kuu muuqanaysa markaad eegtid natiijada codadka xisbi/ururradu ka kala heleen dhammaan gobollada ee habka  boqolleyda { %}, waxaad ka arkaysaa habka loo dabaqaayo faqradaha qodobkiisa 6aad: Kala-reebidda xisbiyada/ururrada ku tartama doorashada Deegaanka, markaad eegtid qodobkan korka ku qoran xisbiyada/ururrada tartamayay  may buuxin shuruudda 1aad ee qodobkan oo ah in ay 20 % ka haystaan 6 gobol, taas oo aan jirin haddii la qaato natiijadan hordhaca ah.
Marka ay sidaas tahay waxaa la dabbaqayaa faqradda 2aad ee qodobkan oo nuxurkiisu yahay, Haddii  1 xisbi/urur oo keliya uu ka helo 20% codadka gobol kasta, waxa noqonaya  xisbiyo-qaran isaga iyo labada xisbi/urur ee ku xiga isu-geynta codadka boqolleyda  gobol kasta
Haddaba haddii la sharciyeeyo natiijada hordhaca ah ee Komishanku soo saaray oo uu ka dhashay muran badani waa kuwee saddexda xisbi/urur ee natiijadani ay ka dhigayso 3da saddexda xisbi qaran ee tobanka sannadood haysanaya xisbiyo rasmi ah oo waafaqsan sharciga.
1. KULMIYE 2.WADDANI 3.UCID
 Dastuurka Somaliland, qodobkiisa 9aad faqraddiisa 2aad oo u dhigan sidan:
Qodobkiisa 9aad Nidaamka Siyaasadeed: 2. Tirada xisbiyada siyaasiga ah ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland kama badnaan karaan saddex (3) xisbi.
Garyaqaan Muuse Yuusuf Maxamed,
Email: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Aragti © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.