Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Suxuunta Madhan – W/Q. Musharraf Awil

Waa wax laga khajilo in lagu hadaaqo oo lagu doodo in dhammaan Shabakadaha wararka Somaliland ay wada khaldan yihiin oo aanay dhexdhexaad ka ahayn run ka sheegista wararka iyo siyaasadaha Somaliland, waana

gef  in dhamaaantood lagu wada dhaleeceeyo in ay u adeegaan faafinta iyo baahinta siyaasadaha guracan ee caddaalad darada ah ee salka ku haya eexdda iyo qaraabakiilka siyaasadeysan.
Sidaas oo ay tahay waxaan si sharaf leh oo kalsooni iyo aqooni ku jirto ugu dhiiradey  in aan bulshadda Somaliland ee xushmadda iyo maamuuska  mudan uga digo uguna iftiimiyo xeeladaha sida aadka ah u liita ee saaqidnimadda iyo aqoondarada qabiilku dhaamisay ee laga xishoodo ee ay caadaysteen qaar ka mid ah Website goboleedyadda warrarka ee sida beenta ah ugu abtirsada baahinta wararka Somaliland, kuwaas oo qof kasta oo muwaadin xalaal ahi oo ka caafimaad qaba aafadda qabyaaladdu marka uu akhriyo waxa ay faafinayaan uu si fudud u garan karo cida ka danbaysa iyo ujeedooyinkoodaa aadka u liita ee ay sida aqoondarada ah ugu majara habaabinayaan bulsho weynta nadiifta ah ee Somaliland gudo iyo dibadba, Website Goboleedyadda noocan ah oo loogu yeedho (Weelasha Madhan ee WEBSITE-Isku Sheegyadda ama Suxuunta Madhan)
(Weelasha Madhan ee WEBSITE-Isku Sheegyada) ee aan tilmaamayaa waa inta ugu bahdilan uguna daciifsan maskax ahaan iyo aqoon ahaanba dhamaan ummadeena kuwaas oo si indho iyo dhego la’aana iskugu qaatay in ay yihiin kuwo ka hawlgala mihnadaha ugu qiimaha badan ee adeegga ummadeed ee Warbaahinta.
Akhriste. Cida aan u ujeedaa maaha degellada warbaahinta soomaaliyeed oo dhan, se waa qaar ka mida kuna abtirsada warbaahinta  madhan ee uu dhaamisay hinaasaha iyo xaasidnimada eexdda ku suntan ee ka aradan garashada iyo garaadka xoriyatul qawlka ee ka hawlgala qaar ka mid ah Website Goboleedyadda Somaliland ee u adeega baahinta siyaasadaha guracan ee cadaalad darada ah, Kuwaas oo qaafil ka ah xorriyada qoraalka iyo fidinta warrarka isla markaana aan haba yaraatee dhaadanayn xuduudda karaamada qofka iyo wadanka ee ay mareegahan aradan u haystaan inay iyaga oo keli ahi ku saxsan yihiin faafinta warrarka u adeega qabiilka iyo nin jeclaysiga gobalaysiga ku dhisan.
Sidaa awgeed, waxaan gundhig uga dhigayaa qoraalkaygan oo aan marnaba la dafiri Karin oo ay si weyn uga wada dheregsan tahay gebi ahaanba bulsho weynta xalaasha ah ee Somaliland ee ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisu in Website-Goboleedyadaasi ay caado ka dhigteen faafinta siyaasado aan caafimaad qabin oo u adeega qabiil iyo gobol.
Weelasha madhan ee ka hawlgala warbaahinta Somaliland oo ay ku jiraan kuwo jaahiliin ahi waxay dhaqan ka dhigteen in ay si qaawan u aflagaadeeyaan Shabakaddaha warrarka ee caalamiga ah ee ugu kalsoonida iyo amaantaba badan yihiin shacbi weynaha xalaasha ah ee u dhashay dalka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku kala nool gudaha dalka iyo dibadaba kuwaas oo ku caan baxay kasbashada shacabka iyo faafinta warrar xaqiiqo ah oo hufan oo dhexdhexaad ah oo u adeegaya danaha iyo horumarka dadka iyo dalka Somaliland, kuwaas oo ay ku xajiimoodaan kana hinaasaan mareeg Goboleedyadu.
Haddaba Website-GOBOLEEDYADA iyo suxuunta madhan ee ka hawl gashaaba uma qalmaan in wakhti badan lagu lumiyo, waxaanay beryahan danbe caadaysteen in ay ceeb aanay lahayn ay marmariyaan cid kasta oo si waadix ah wax uga sheegta warrarka ka dhaca Somaliland.
Sidaa awgeed, waa dhab in Website-GOBOLEEDYADANI, yihiin buro ceebeed ku taal wejiga hore Website-GOBOLEEDYADA tirada beelay ee ku caan baxay qabyaaladda iyo qudhunka ee ka jira Somaliland. Xaqiiq ahaana Garasho iyo garaadba way ka arradan yihiin waxaana markhaati cad u ah maangaabnimada aanay ku kala sooci karin xayndaabka u dhexeeya xorriyada, xaqa qofka kale, iyo qiimaha qaranka iyo in aanay haba yaraatee garanayn waajibka waddaninimo ee saaran iyo xuquuqda iyo karaamadda uu mudan yahay xurmaynta xoriyatal qawlku.
Warfidiyeeno isku sheega Mareegahani waa kuwo moogan sida ay ugu khajilsan yihiin ee ay ula yaaban yihiin cid kasta oo ka caafimaad qabta fayraska qabyaalada iyo eexdda, sidaa awgeed ma oga in qalinka ay sitaan uu hadh iyo habeenba habaarayo!
Ugu danbayntii, aniga oo ka naxaya cida uu qoraalkaygani sida tooska ah ugu socdo, waxaa aan kula talin lahaa in ay joojiyaan oo ay ka waantoobaan hinaasaha iyo xaasidnimada ay dadka ku jahawareerinayaan, waxaad moodaa in ay la col yihiin dhamaan wariyayaasha iyo haya’addaha warbaahineed ee xorta ah ee ka jira Somaliland ee soo tabiya warrarka xaqiiqdda ah ee dhexdhexaadka ah waxaanay Website Goboleedyadani sii gubtaan marka war xaqiiq ah laga soo tabiyo waddanka ama siyaasada ay moodayaan in ay iyagu ka xigaan dadka inta kale iyaga oo ku mamay shilimaanta iyo dufanka yare ee uu ku naas nuujiyo shakhsigay dhabarka ku sitaan.
Gebagebadii, waxa la yaab leh oo wax laga xishoodo oo laga khajilo ah sida aanay suxuunta madhan ee ka hawl gasha Website qabiileedyada, ee u adeega danaha gaarka ah ee jar iska xoornimadda ah ee aanay u aqoonin waajibka qaran iyo dareenka wadaniyadeed ee saaran. Waxaad arkaysaa iyagoo doonaya inay dhaliilaan qaar ka mid ah kuwa loogu jecel yahay looguna kalsoonida iyo aaminka badan yahay Shabakaddaha Wararka ee ku hadla Af Soomaaliga, oo haddana ku hadaaqaya wax lid ku ah oo si qaawan oo qaafilnimo iyo faaruqnimo ah uga hor imanaya karaamada wadanka iyo haybada qarankooda sharafta iyo qadarinta ka mudan, sidaa awgeed waxaan idin kula talinayaa in aad ka waantowdaan Aflagaadada iyo cayda joogtada ah ee badheedhka ah ee  Website- Goboleedyada Qabaa’ilka iyo xaafadaha ku dhisan aad ku soo feegaraysaan maalin iyo habeenba, ogaadana in ay idiin khajilsan yihiin shacbiga wanaagsan ee xalaasha ah ee waddaniyiinta ah, ee daacaddana ah ee bulsho weynta Somaliland.
W/Q: Musharaf Awil
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Kampala/Uganda
Aragti © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.