Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Xusuustii Daroor Maanku Xamili waa inuu xafido kaligii ! W/Q Cawil Cabdi Cumar

Waa subux arooryaad waxa ay noogu bariday si wanaasan dhulku waa dagan yahay maxaa yeelay xalay ayaa roob shuux ahi na helay cadceeda falaadhaheedu maaha qaar ku dhibaaya kaliyaata

 waxa ay usoo iftiimayaan si ay dhulka u ifiyaan waxa aadba moodaa in ay xalay ahayd laylatul qadar wallow ay bishii ramaadan wali curan . mardhawd uun waxa curtay xilgii gu’ga oo dadka iyo xooluhuba adaroosayeen in waxaa wajigooda ka dheehan kartaa yididiilo aad u wacan , anigu qudhayduba qaarkay ayuunbaan laqaabaaye waxaa aan diyaar u ahay in aan doorkan daawasho iyo caano dhamidba ugu baxo meel aan maankaygu koobi Karin amaanteed oo maskaxdayda in badan ka dhex guuxaysay hadaba waa halkee meeshu meelkale maahe waa xagaa iyo carigii iyo ciidii abtiyaashay si kale hadii aan tilmaamo waa Deegaanka daroor oo ka mid ah ismaamulka kilidhka shanaad ee ethopia oo doorkaa ay deeganka baraawqadeedu iyo nimcodeedu in badan aan maqlaayeey gaar ahaan anigu waa meeshii aan ku barbaaray wallow aan ku dhalan hadana waa deeganka aan ilaa hada aaminsanahay in ay xuduntaydu ku aasan tahay waayo waa magaalo xusuusteedu marna maskaxdayda ka bixin oo maxay uga baxaysaa waaba magaaladii aan ku tisqaadaye kuna noqday nin gaashan qaad ahe . Hadaba aroordayaa waan jarmaadaya xagaa iyo daroor mar ay ku began tahay cabaaro 3:15pm ayuu gaadhigu nagala baxay hargeisa kadib markii aan qaraabadii iyo asxaabtiiba ismacasalaamaynay ayaa waxaa sheeda bidix meel kaga began kasoo baxday gabadh aad quruxda iyo qaayaha ilaahay saaray aad malayn Karin waa dhool oo iyana hada ayuunbay soo tafaxaydatay iyda oo iyana igu wehelin doonta safarka xiisaha wata wallow aan markaa waxa aqoon iyo garsho ah naga dhaxayn hadaba aduun war kama dhamaadee gabadhii waxa ay ugacan haadisay darwalkii gaadhigii hadii uu istaajiyay waxa aan maqalnay hadal iyada iyo darwalka dhex maraaya oo uu darwalkii gaadhigu dhool ku leeyahay walaal booskaagi aad shidka ku lahayd ayeeyo canbaro ayaa fadhiidee adigu xaga sare iska fuul iyana hadalba kumay celine ileen ayeeyo canbaro ayay aragtaa da’da iyo xanuunka ka muuqdee waxa ay ku qanacday in ay dusha gaadhiga iska fuusho wallow ay hore u kiraystay dhanka hore ee gaadhiga (shidka) hadana waxa uga tanaasushay ayeeyo canbaro oo hargeisa loo keenay caafimaad dibna loogu wado xagaa iyo aarjoog . Hadaba inkasta oo dhool ay booskeedi wayday hadana aniga waa ii Nasiib wanaag aniga oo dhuxul ahina waa ku farxay maxaa yeelay dhool muuqeeda ayaa ideeqay in aan wajigeed iyo xishoodkeeda ku ildoogsadana waan jecelahay maxaa yeelay anigu waxaa aan dusha uga baxay oo aan saaranahay meel foogiyabaaraha la yidhaa oo qofkasta aad ka arki karto, lkn waxa naasib xumo noqotay in uu gaadhiga nala saran yahay abtigeed dhabeeye oo isna nala saran xagaa iyo foogiyabaaraha , ileen talo xumaan waa laysku nacaaye nin aan sxb ahayn oo safarka isna aan isku baranay ayaan ku xan qarsaday oo ku yidhi : Aniga : waar dhuubane inanta iiga wrn(aniga oo ujeedo dhool) Dhuubane:sxb waa inan gayiga oo dhan laga yaqaano oo reer adagna ka dhalatay oo quruxdeeda iyo qawlkeeda raga badani isku dileen Aniga: oo markaa inanta ma reero dumisbaa maxay raga iskuga jabisay Dhuubane: maya sxb lkn inanta hanashadeeda iyo hadalkeeda ayaa laysku dilay Aniga : waan gartay sxb ayaan ku tiraabay Hadaba ina rag damac iyo dacar kama dhaamatee, hamigaygii aan inanta u qabay dhool ahayd ayaa sii laba laabmay aniga oo ku tiraabay: Dahabadii ay raga oo dhani u duur galeen Ee reero badani darteed afka ukala duubteen In aan dadab lagalaabaan naftayda kula dardaarmay Alla waar raga damac waynaa hadaba waxa dhacday in rag iyo dumar hadal iyo dood makala daayeen in nin awmuxumed la yidhaa dumarkii ku jeestay oo ku yidhii “wallee dumaroow dood iyo dagaal madaysaan “ , iska oo hadalka ku duraaya marwo caasha lkn waa loo jawaabo waxaa lagu yidhi iyada oo caasha hadalka qaadanaysa “wallee in ragoow dumarka hadal diiqad leh iyo duur xul kama daysaan” Waxa la kaftamaba gaadhigii waxaa uu gaadhay tuulo aan Hargeisa aad uga durugsanayn oo la yidhaahdo Qoolcaday, bankii qoolcaday markaa aanu marayno ayaa nasiib daro gaadhigii taayir ka banjaray oo waxa la go’aamiyay habeenkaa in banka loo dhaxo, hadaba aniga hurdo uma qabanayso inta aan dhool aan arkaaye waxaa aan u ruqaansaday xagaa iyo dhool oo meel banaaan tagaan oo waliba keligeed ah alla nasiib wacaniyee ma nebi suliemaan ayaan tafiirtiisi ahay alle ayaa oge gabadhii dhool ayaanu isku keliyaysanay salaam iyo bariidin ka bacdi hasaawe qurxoon ayaa na dhex maray oo ay markhaati ka ahaayen dayax iyo xidgihu hadaba haasaawagaygii sida tan ayuu u dhacay

Dhuxul: wallal timahaagu ma dheeman baa way dhalaalayaane

Dhool:wallal adigu dheemantaba dhulka ka uruurso

Dhuxul: inaabti wajigaaga quruxdiisa ayaa isoo jiidanaysa

Dhool:wll hadalkaa dabacsan qaar hore ba way ku dagmeen

Dhuxul:inaabti hadalkaa aad sarayso saafida ayaan ka jeclaa

Dhool:barasho ayaad diyaar u tahee bi’I waaye waa doonanahay

Dhuxul: hadalku inta uu runta yahay ayuu hawraar leeyahay wll

QAYBTA 1AAD

© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.