Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Muxibo Iyo Sanadka Cusub !! – W/Q Maxamed-Amiin Cabdiraxmaan

Siyaasiga araggiisa, uurkaan ka necebehee, aan ooyee albaabka ii xidha.” Waxa is dhaafaya fariimo faro badan iyo waliba ubaxyo arag qurxoon oo aad u bidhaan wacan.

Waxad se moodaa in aan qabatimay quruxda aan indhaha dhaafayn iyo salaantan caadada noqotay ee aan dareenku wehelin.

xiiso badan iguma hayo in aan wax ka idhaa mawduuca maanta la gorfaynayaa, in badan buu dhagahayga ka batay, laguma heshiiyo sidoo kale lama hilmaamo maalintanoo kale. Hadii laga tagi waayo waxan difaacay in xaaraan iyo xalaal nimadiisa marka la ga yimaado in waagii baryaaba Sannad Cusub yahay sidoo kale suugaanta Soomaalidu ay meel- adag iska taagtay waqtiga iyo qiimayntiisa, waxaan cuskaday hees ay qaado fanaanad an si gaara uga helo heesaheeda   Saynab Xaaji Cali ‘BAXSAN’ oo uu leeyahay Sheekha wayn ee Cabdillaahi Diiriye Cali ‘SOORAAN’, taasi oo macne ahaan aan ka dhadhan saday heerka  caqiido, fikir,  falsafadeed iyo waliba qiime ahaan uu u taagnaa waqtigu bulshada Soomalida ah. Waxa ka mid ah erayada heesta weedhahan; “ Maalin waliba waa kaw, waqtiguna ma kaadsado ma kaaftoomo nooluhu”. Meerisyadan koobani  waxay udub dhexaad dhumuc leh u noqdeen jawaab celintayda aan salka lahayn ee badanaaba u nugul in ay u habrato ama dhex bariiqato waydiimaha dabiicaga ah amaba samayska ah ee la hal-maala nolol maalmeedkayga.

Waxa isa soo taray codka booyaya ee dhiilada xambaarsan “ alla hoogayeey, dhulku idin la go’ dhe” waan ka warqabay inaan wali go’gosha la laabin oo reerka nagu dhagani geeriyaysan yahay, ruun yar baa ii sheegtay in gabdhahan ay saaxiibka yihiin inankoodii waynaa tahriibay, kadibna isagoo koonfurta-Sudan maraya ay kaneeco ku dishay. Laba habeen ka hor baa se la soo sheegay oo tacsi baa loo fadhiyay sida badanaaba dhaqanka iyo diintu ina faraysana waa danbi in laga oohiyo qof geeriyi ku tumid sidaas awgeed waan yaabanahay dumarka xilligan isla oogsaday. Waxan ka jawaabay dhawr fariimood oo isla daqiiqadahaa an dhagaysanayay qaylada isoo galay, waxaad moodaysay in hal qof fariinta soo wada diray, sida ay isugu egyihiin xarfuhu iyo sida ay dareenka uga madhan yihiin kaliya in kalmada “RAJJO” ku xardhantahay mooyee waan saari waayay macnaha dadku ugu rabaasayaan dhalashada sanadkan cusub. Waxa iisoo gashay Ruun  yar oo neef tuuraysa , huu hiih huuno dalmarow  “ Dugsi muxubo” askar baa dishay. Wadnahaa hoos ii go’ay, madaxayga aya jidhkii kale ka cuslaaday, bac biyo lagu shubay oo kadibna salka shay culus loo dhigay baa waxa markaliya iga soo booday dhidid kulul oo aad moodo in  timuhu ii kaydinayeen markaliya dharkaygii qooyay.

Muxxibo waxanu daris ahayn ku dhawaad todoba sanno, waxay leedahay shan caruura saddex hablood iyo laba wiil, iyada ayaa aabbo iyo hooyoba u ah. Waxa qabay Sheekh Muuse oo ahaa maareeyaha wakaalada biyaha ee degmada. Magaalada borama waxa soo food saartay abaar daba dheeratay, ma ahayn mid dabeecadu keentay oo roob la’aani ma dhicin laakin magaladoo durugtay awgeed waxa is qaadan waayay xadiga biyaha ah ee magalada soo gala iyo oonta ay qabto bulshadu. Markiise Xaaji Muuse xafiiska yimid qadadu kamay habsaamin xaasas badan, waana laga raystay shaqaalihi dabeecada qalafsanaa ee kawda bisha hadaad lacagta bixin waydo goyn jiray biyaha. Sheikh Muuse kaliya marka laga yimaado inuu yahay masuul dawladeed wuxu ahaa shakhsi aad uga duwan dhigiisa marka uu bulshada dhex joogo. Wuxuu bare aan joogto ahayn ka ahaa   dugsiga hoose-dhexe ee “GALBEEDI” oo aan wax badan ka fogayn gurigiisa. Fasalka shanaad ilaa fasalka sideedaad wuxu u dhigi jiray maadada juquraafi ga, wuxu si dabacsan oo maaweelo ku jirto uga warami jiray deegaanka iyo fayo-dhawrka, maalinta arbacada ah nusasaacaha wixii ka danbeeya saddex daa fasal waxa la gayn jiray “hall”ka wayn ee dugsiga. Ardaydu  si wadara oo waliba teel-teel ah ayay isku dhex fadhiisan jireen  isaguna wuxu boorin jiray labadaas saacadood in arday waliba ardayga kale ee fasalka ka sareeya am aka hooseeya ka soo wareegay uu bariidiyo, waydiiyo magiciisa oo saddexan ka dib na uu la saaxiibo. Ardayda oo kali ya maaha waxa sidan u jecel Sheekh Muuse sidoo kale xaaskiisa muxubo iyo hablihiisa yar yar marka uu la fadhiyo waxad moodaa foodlay is laa leeg, sida ay u kaftamayaan iyo jawiga diiran ee ay ku jiraaan. Sideed bilood ka dib markii uu xilka qabtay Sheekh muuse ayaa waxu ka qayb galay aqoon is waydaarsi lagu qabtay jaamacada Hargaysa kaasi oo loogu magac daray “BAD-BAADI NOOLAHA”. Waa masuul kii inta an garanayo isagoo xil dawladeed haya hadana ka qayb qaata aqoon is waydaarsi ka duwan kuwii ururada iyo haayaduhu ku dhamays tiri jireen heeshiis yada been abuurka ah ee bulshada caalamka iyo xukuumadaba  la galaan.

Qor qornaanta iyo jidhkiisa yar aw geed kama garatid Sheekh muuse ardayda ka qayb qaadanaysa aqoon is waydaarsiga, ardayda soo qaban qaabisay barnaamijku waa arday aad u wada heelan, xiisaha madasha ruxaya marka la ga yimaado in laga doodayo deegaanka iyo aafada samayska ah ee lagu hayo.  waxa xiiso gaara iyaduna u samaysay madasha,  dooda Sheekh Muuse oo bartay la tacaalida aafooyinka dabiiciga ah iyo xallinta khilaafaadka “ national disasters and conflict management” . Gababadii aqoon is waydaarsiga ayuu mar kale ka hadlay Sheekh Muuse, hal daqiiqo ku dhawaad ayuu aamusnaa, uma qoslayo sidii markii hore uu dhoola cadaynayay, waxabad moodaa in ilmo indhihiisa kusoo taagtaagan tahay, wuxu ku bilaabay;    “Adeer walaahi waynu guulaysanay. Wuxuu aad isha ugu celceliyay safka midig ee aan cidi ku wehelinin hablaha timaha daban ee da’doodu labaatanka hoos uga hoganayso. Sheikh muuse marka hore ba qof dareen buu ahaa oo ma qarsan karo xaalada uu la darso, waxay se u muuqataa weel muggii ma dhaafo baa la yidhee in ay ka daadanayso farxada iyo rayn-rayntu. Erayo guubaabin iyo guul-adkayn isugu jira markii uu yidhi wuxuu ku soo gaba gabeeyay, guusha Ilaahay (sw) baa bixiya, ciduu donaana siiya laakiin aadamahaa  guntada haduu garan waayana isagaa ka gaajooda, adeer Ilaahay(sw) baa inoo hiiliyay in maanta mabaadi’da iyo muuqaalka nololeed ee aynu yeela nayno ay jaan-gooyaan laba kunoo dhalin yara ah, oo aan labaatan sanno u buuxsamin. Waa guul Ilaahay(sw) si gaara inoo siiyay in labadaa kun een sheegay kun iyo kabadani hablo yihiin. Talo waalid waxaan idinka ga tagayaa adeer Nimcadaa Ilaahay(sw) idin siiyay nasiib ha ka dhigina, idinku waad hesheene u sameeya ku wa idinka danbeeya , mashruucan maanta waynu isku waafaqnay in aynu dhamayn karno tiiyoo aan haayadi idin hor socon sidoo kale uma baahnidin gacan qabad dawladeed idinkaa fulin kara dadka na wacyi galin kara in ay dhawraan uun maahee inay waliba dhulka dhirreeyaan.”

Ka dib markii uu nabad galyeeyay maamulkii iyo ardaydii ay galabnimada wada qaateen wuxu u amba baxay Sheekh Muuse halkaa iyo wasarada macdanta iyo biyaha, kumuu raagin oo waxa la socda Dugsi yare oo fasax schoolkiisi yahay sidaa awgeed wuxu u rabaa inuu u geeyo edadii  Asli oo dagan idaacada “Radio Hargaysa”. Asli waxa qaba maamulaha dugsiga biyo dhacay sidaa awgeed gabalka oo sii dhacaya darteed  Sheekh Muuse wuxu ka baqay in uu baska haduu raaco uu gaadhigu ka tagi doono wuxu ku balamiyay Dugsi yare mid ka mid ah shaqaalaha wasarada oo ku yidhi waxa kuu iman doona maamule Jimcaale Nuur ee kan yari ha kula sii joogo. Dugsi yare waxa ka yar gabadh kali ah waa laba iyo toban jir wuxu dhigtaa fasal ka shanaad ee dugsiga  Al-aqsa, magaciisu waa Liibaan laakiin hooyadii baa aad u jecel, isaguna aallaa bogga ayuu ka ga jiraa oo kama xiiso go ‘o, sidaa awgeed iyadaa u labaxday “DUGSI”. ciyaalkuna markii danbe waxay ku naanaysi jireen DUGSI MUXUBO ,maadama ay hooyadii aad u jeclayd.         Sheekh Muuse  markii uu saladii maqrib tukaday buu wuxu u ambabaxay halkaa iyo istaankii gawaadhida, isu socodka gaadiidku maaha mid ballan adag leh waxa laga yaabaa in hal gaadhi baxo aroortii maqribkiina mid hadaanu oolin ba. In yar goortuu u jiro bartii gawaadhidu ka rakaabsanay say ayaa waxa u dhawaaqay cod “ sheekh muusoow” waa Haybe ,waa nin ganacsade ah oo ay salada subax ku wada tukadaan masaajidka, se xiliyada kale mashquulka magaladu kala qariyo. “Sheekh muuse saw ma nabad maaha” waxa yidhi Haybe. Waa nabad haybe, shaqo ayaan leeyahay aroorta sidaas awgeed inaan noqdo ayan rabay, istaankan gawadhida Booraama ayaan u socday. “Sheikh muuse aniga qudhaydu caawa ad baxdid baan isleeyahay ka waran hadaynu sii sheekaysano” waxa yidhi Haybe.

Goor abaara koob iyo tobankii habeenimo ay marayso saacadu ayaa talefoon soo dhacay, waa saldhiga dhexe, waxa qabatay Nuura, waa gabadha uu ku curtay sheekh muuse wax badan intaanay kor u haynin dhagtii talefoonka sarajooga ayay ka dhacday ba, “alla! alla!, naa inanta uurka leh” waa lagu soo yaacay waxa la moodayay dhiig yaraan iyo in malaha fooli ku soo dhawdahay,  waxa se  la dhugtay waxay maqashay  “duleedka magaalada intaan la soo galin waxa ku rogmaday gaadhigii uu saarnaa sheekh Muuse”. Mid ka mid ah askarta ayaa soo xaqiijiyay in sheekh Muuse iyo Haybe ba dhinteen. Maaha shill geeridani, goobtani wa goob goblamisay dhammaan ba wax garadkii bulshada, olole kasta oo siyaasadeed waa goob awrka la gu kacsado laakin in boodh laga xaadho mooyee aan cidina u kuur galin. Asli baa la soo hadashay Muxxibo  una sheegtay in Dugsi yare iyada la joogo, nabar hor leh baa ka go’ ay inkastoo xanuunku xanuun yahay, hadana Muxxibo waxa indho kulul ku eegay sanadkan cusub ee caawa wixii ka danbeeya ay tahay in ay iyada oo aan sugayn Sheekh Muuse ay iyadu la macaamisho.  Maaha ka lagu qabanayo xafladiisa garoonka hanuuninta, maaha ka hambalyadiisa dadku iskula dag-dagayan. waa ku kawsigiisu wiiqay gacanteedii midig ee xoogeeda iyo xadantadeedaba  ay ku gam’i jirtay si nabdoon. Waxay si guud iyo si gaara u boydaba muxxibo runta ayaa u run sheegtay waxayna gar waaqsatay in aanay waxba ka qaban Karin isbadalka nololeed ee la soo gudboonaday, waxay se si dag daga isku tustay hadii ay waqtiga u calaacasho in aanu ka sii dar mooyaane ka roonaan doonin sida xaalku yahay cid aan iyada ahayn oo xal u keeni karta reerkeeduna ka danbaynin. Mar kaliya ayay istaagtay dhexdana xidhatay isku daydayna in aanay si fudud u dumin noloshii xiisaha iyo kalgacaylku seeska u ahaa ee sheekh Muuse u sameeyay iyada iyo caruurteedaba.

“waar dalmar ma fiicantahay” waxa tidhi ruun, ma xasuusto goor aan dhulka fadhiistay, waxase mar labaad i hor yimid sawirkii Dugsi yare ‘liibaan’. Wuxu aha sagaal iyo toban jir liibaan caawa, waxa buuxsamay toban sanno ka dib geeridii ku timid aabihii Sheekh muuse, laba habeen ka hor wuxu ahaa hablaha ay walaalaha yihiin iyo hooyadood ba garabkii ay ku ilmo iyo oohinba  dhamaysteen markii lasoo sheegay geerida ku timid inankoodii waynaa ee Deeq Muuse . Wuxu ka mid ahaa kolayo arday ah oo laga soo ururiyay jaamacadaha, si ay u kor-meeraan diiwaan galinta golaha deegaanka ee ka socoto degmooyinka iyo gobolada dalkoo dhan.

Tiro ayaa is badashay dadku se sannad cusub bay ku sheegayaan ,Waa galin danbe oo habeenimo, abaara laba iyo toban kii iyo badhkii waxan dib u fiiriyay dhambaalada dhiilo   sidayaasha ah sida aan anigu u aqaano, waayo bulshadayada waxa war u’ ah malinta dhibi dhacdo. Waxa is dhex wareegaya laba aan meel wada galin, hambalyo iyo bogaadin xubnaha dawladu isla dhex ordayso, iyo dhagar iyo dhiillo ay dhanka kale ku baaqayaan dad aan garan waayay waxa madaxooga dhiigga aan dheemantu goynin ee dhalintu ugu daato.

Caawa ka hor sidan umaan xuurtoobin, dhacdo aan aniga igu abtirsanina sidan ii may saamayn, maah-maah hore ayaa odhan jirtay “geeridu nimaanad garanayn iyo geel jiray ku wacantahay”. Malaha dareenkani waligiiba wuu jiraye Muxxibo aqoonta gaarka ah een u leeyahay baa hurdada iga toosiyay. Inkastoo tirsigu  is badalay, filashada wacanina ay waajib tahay, anigu lama qabo caawa dadka in xareedi dhulka xasho maryo xariirana la wada xidho filanaya, waayo waxan garwaaqsaday in dhacdadani aanay ugub ahayn. In tii aan ku foognaa  dhalashada sanadka cusub iyo in Qaza qalad lagu gumaadayo inay jireen Muxxibooyin faro badan oo waagii baryaba ku waabariista curad ay ku xoog iyo xoolo ba beeshay, in maydkiisa oo madaxa xabadi ka ga taalo uu dhex yaalo faras magaalaha. La wadaagi kari maayo  hiirtaanyada iyo heerka cidlo ee ay dareemayso Muxxibo, waxase an aad uga gubtay heerka la gaadhsiiyay damiirkii iyo dadnimadii “madax waynuhu muu tacsi yadayn ciyaalkii ciidanka boolisku ku dhug barteen!”.

Q/Q Maxamed-Amin Cabdiraxmaan

Email: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.