Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

2015 – Sannad baqasho badani iga hayso – W/Q. Maxamed Cali Bile

Habaar waa dibad oo Ilaahay innaguma keeno. Ma ihi belaayo sheeg, bal se mid shaki igagama jiro, oo waa wax aan hubo! Sannadku markuu yahay 2015, mujtamaca reer

Somaliland aad ayay u qoomameyn doonanan cawaaqib xumada ay kala kulmi doonaan siyaasadda ku waajahan goonni isku taagga ee aan ku dhaqmaynay 22-kii sannadood ee ina soo dhaafay. 2015, waxa ay noqon doontaa sannadka ay si cad u soo bixi doonto in siyaasaddii goonni isku taagga Somaliland ay fashilantay. Waxa ummadda hor iman doonta in hammigii iyo hadafkii ay u soo samraysay muddo rubuc qarni ah, inay ahayd biyo col dhaanshay oo aan guul laga gaadhin. Fashilkaa siyaasadeed waxa sal u ah 4ta arrimood ee aan hoos ku koobay:
1. 22 sanadood dabadeed markii goonni isku taagga lagu dhawaaqay, weli meel lama dhigin, mana jirto siyaasad cad oo cilmiyaysan oo lagu kabay qorshe hawleed muddeysan oo ay ku cad yihiin inta tallaabo ee la qaadayo iyo goorta la damacsan yahay in hadafkii ummadda la gaadho. Rubuc qarnigaa waxa lagu socdaa “Siyaasadda maalin-dagaalka” oo ah in kolba waxa maalintaa soo kordha uun wax laga yidhaa ee aan lagu socon istaratijiyad meel la dhigtay.
2. Ummadda reer Somaliland oo aad ugu jibbaysan goonni isku taagga, kuna qanacsan, bal se aan marna naaqishin sida ay wax u socdaan, is-diidsiiyana inay maqlaan wax allaale iyo wixii arrintaas ka duwan ee la soo hadal-qaado, iyada oo ay xaqiiqdu tahay in arrimuhu aanay dhinaca la moodayo u socon.
3. Maamullada dalka ka jiray oo aad mooddo inay mar kasta heshiis ku ahaayeen iminkana ku yihiin inaanay ummadda talooyin soo hor dhigin bal se ku celceliya uun in hawluhu ay si fiican u socdaan oo ictiraafkii soo dhow yahay, iyaga oo laftoodu si fiican u og in arrintaasi ay runta ka fog tahay bal se aanay doonayn inay ummadda ku waajahaan war laga naxo, balse ay ka door bideen iney hugunka uun dhinac ka raacaan.
4. Shicibka oo aan loo diyaarin natiijooyinka kala duwan ee ka soo bixi kara hammiga goonni isku taagga oo rajaynayana in natiijadu ay tahay Somaliland oo madax bannaan, halka xaqiida muuqataana ay sidaa ka fogtahay. Taasi waxa ay keeneysaa, ummadda oo si lama filaan ah uugu waaberiisata hammigoodii oo fashilmay oo aanay wax kalena u diyaar ahayn, taasi oo keeni doonta niyadjab aad u weyn oo dhalin doona is ciilkaambi, calaacal, niyad jab iyo faro isku fiiqfiiq la leeyahay hebel iyo koox hebel iyo reer hebel ayaa fashilka ka danbeeyey, iyadoo la ogsoon yahay in aynaan uuba dhaqaaqin.
Fursadda wax lagaga qaban karo dhibkaa soo socda aad ayay u yar tahay, bal se haddana waxa muhiim ah in iminka uun runta la waajaho, wax la isweydiiyo, riyada laga baxo, xaqiiqda la isku sheego, talo cadna meel la dhigto, xattaa haddii ay tahay in talada dhinac kale loo rogo. Haddii kale xaalku waa sidii gorayadii ciidda madaxa gelin jirtey iyada oo is diidsiinaysa inay aragto dhibta soo socota.
Maxamed Cali Bile
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Aragti © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.