Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Goleyaasha Deegaannada ee cusub iyo Adeegyada Aasaasiga ah – W/Q. Garyaqaan Muuse Yuusuf

Waxaynnu dhammaadkii sannadkii hore soo doorannay golayaasha deegaannada Somaliland kuwaas oo la kowsaday sannad cusub, kuna soo beegmay xilli ay dadweynuhu aad u tabayaan kaalinta waxqabad ee

dawladaha hoose, marka loo eego adeegyada bulshada ee ay ka mid yihiin; nadaafadda, fayo-dhawrka, garoommada ciyaaraha, iyo intan ku qeexan qodobkan 68aad ee xeerkan ismaamulka gobollada iyo degmooyinka oo ah qaybta arrimaha bulshada ee dawladda hoose oo leh waaxyo ku salaysan derejada degmada oo u qoran sidan:
Xeerkan ismaamulka gobollada iyo degmooyinka Qodobka 68aad – Waaxyaha Degmooyinka Darajada “A”
D. XILKA WAAXDA ARRIMAHA BULSHADA
1. Ilaalinta Nadaafadda, Fayo dhawrka, bilicsanaanta iyo quruxda Degmada
2. Horumarinta Deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah ee Degmada.
3. Horumarinta fanka, isboortiga, suugaanta, Hiddaha iyo Dhaqanka
4. Noolaynta shacaa’iirta islaamiga ah, waddaniga iyo Caalamiga ah.
5. Daryeelka faya-dhawrka Guud iyo ka hortagga cudurrada faafa.
6. Daad-guraynta iyo u gargaarka dadweynaha haddii aafo dhacdo iyo u gargaarkooda.
7. Dhisidda iyo dayactirka Dugsiyada aasaasiga ah, kuwa quraanka iyo daryeelka Masaajidyada.
8. Daryeelka iyo dhismaha xarumaha Xannaanada Hooyada iyo Dhallaanka iyo Dugsiyada dhaqaalaha guriga (Hoyga).
9. Habaynta, Qorshaynta, Hubinta iyo isku dheelli tirka baahida Goobaha Biyaha “Kiosks” iyo waxqabadkooda.
10. Maamulidda iyo kormeerka la xidhiidha horumarinta miyiga.
11. Habaynta hawlaha aasidda iyo Qabuuraha.
12 Qorshaha kaltanka Rugaha Caafimaadka iyo Farmasiyayaasha Iyo heegan galintooda.
13. La socodka isticmaalka dhaqan-galka daawooyinka iyo Cuntada Qasaacadaysan iyo la   socodka muddada isticmaalka.
14. Casriyeynta Suuqyada dalagyada waddaniga ah iyo dhiirrigalinta cuniddooda
15. Ilaalinta anshaxa, wacyi galinta iyo taakulaynta dadka tabaalaysan.
16. Sicir Goynta qiimaha Badeecadaha iyo ilaalinta maceeshada quutal daruuriga.
17. Ilaalinta Anshaxa, wakhtiga goobaha lagu daawado fiidiyoyaasha, Silimada iyo Xafladaha Aroosyada.
18. Diiwaangelinta iyo tiro koobka Dadweynaha iyadda oo loo raacayo igmasho laga helo iyo xeer nidaamiye ay diyaariso wasaaradda arrimaha guduhu si laysu waafajiyo qodobka hadlaya arrintaas iyo xilka wasaaradda ee ku cad xeerka jinsiyadda.
Haddaba haddii aynu rabno in aynu ka helno inay inoo fuliyaan dhammaan adeegyada ku qeexan 18ka faqradood ee qodobka 68’aad. Ee kor ku xusan iyo xilka waaxahan kale  Waaxda Arrimaha Bulshada.Waaxda Maamulka & Maaliyadda, Waaxda hawlaha guud & dhulka, iyo Waaxda cashuuraha oo aanan halkan ku soo koobi karin oo ah waajibaad aynu xaq ugu leennahay Dawladaha Hoose oo ah adeegyo muhiim ah oo aynu xoog u tabeynno tusaalena waxa inoogu filan qorshe la'aanta qashinka suuqyada tuulan.
Miyaanay Habboonayn in aynu Haddii aynu nahay shacbiga Somaliland in aynu fulinno innaguna wixii inagu waajibay ama masuuliyaddeeda aynu leennahay ee ay ka midka yihiin bixinta cashuuraha Xeer waajibiyay, Is-abaabulka iyo wax wada qabsiga oo ku dhisan degmooyinka,  xaafadaha, dugsiyada, shirkadaha iyo suuqyada,. Kuwaas oo samaysta guddiyo isku xidha bulshada iyo dawladda hoose una gudbiya sida ay u kala muhiimsan yihiin baahiyaha hadba taagan iyo sida laysaga kaashan karo wax ka qabashadooda taas oo ah dariiq sahli kara in shacbigu la xisaab tami karo masuuliyiinta degmooyinka Ugu danbeyn waxaan u soo jeedinayaa golayaasha deegaanada ee cusub in ay ku dedaalan sidii ay u soo celin lahaayeen kalsoonida bulshada ee ay uga saari lahaayeen fikirkii uu kaga tagey kuwii idika horeeyay si ay u helo wada shaqeyn iyo iskaashi u dhexeeya iyaga iyo Bulshada ay u adeegayaan  oo fudaydiya fulinta adeegyada baahsan ee sugaya, Shacbigana waxaan leeyahay waar aynu fadhiga ka kacno oo aynu fahanno masuuliyadda ina saaran iyo ta inaga maqan sida aynu u heli lahay.
Garyaqaan Muuse Yuusuf Maxamed
Kala xidhiidh Qoraha
Aragti © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.