Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

YEMEN oo sheegtay inay dishay Dagaal-yahanno Soomaali ah oo Al-Qaacida ka tirsan

Sana’a, November 17, 2011, (Weedhsan) – Saraakiisha ammaanka dalka Yemen ayaa sheegtay inay ku dileen duqeyn ka dhacday magaalada Zinjibar ee Koonfurta dalka Yemen toddoba dagaalyahan oo ka tirsan Al-Qaacida oo ay ku jiraan laba ruux oo Soomaali ah.

Saraakiisha ciidamada Yemen ayaa sheegay in dagaalyahannadan ka tirsan Al-Qaacida la dilay Arbacadii shalay, kaddib dagaalo iyo duqeymo ciidamadooda iyo Al-Qaacida ku dhexmaray gobolka Abyan.

“Ciidamada Yemen waxay dileen toddoba dagaalyahan oo ay ku jiraan laba Soomaali ah, mid Iiraani ah iyo mid Bakistaani ah,” ayay sheegeen saraakiisha u hadlay ciidamada ammaanka dalka Yemen.

Dagaalkan ayaa qayb ka ahaa olole ay dawladdu ku doonayso inay dib ugu qabsato magaalada Zinjibar iyo magaalooyin kale oo ku yaalla Koonfurta dalka Yemen oo gacanta ugu jira tan iyo bishii May ee sannadkan xoogagga Al-Qaacida ee ku sugan dalkaas.

Colaadaha ka taagan Koonfurta dalka Yemen ayaa waxay dad ka badan 100,000 oo qof ku qasbeen inay guryahooda ka barakacaan oo ay degaan meel ku dhow magaalada Cadan oo ku taalla Koonfurta Yemen.

Si kastaba ha ahaatee, Saraakiisha u hadlay Yemen may sheegin magacyada labada qof ee Soomaalida ah, ruuxa Bakistaaniga ah iyo ruuxa u dhashay dalka Iiraan oo ka mid ahaa toddobada ruux ee lagu dilay dagaalkii iyo duqeyntii ka dhacday magaalada Zinjibar ee dalka Yemen.

Dhacdadan ayaa imanaysa iyada oo ay Yemen hore u sheegtay in dagaalyahanno ka tagay Soomaaliya ay qayb ka yihiin dagaalka ka socda Yemen.

Yemen waxa tan iyo bilowgii sannadkan ka taagnaa rabashado u dhexeeya kooxo mudaaharaadayaal ah oo dalbanaya inuu xukunka ka tago Cali Cabdalla Saalax oo 33-sanno xukumayay dalkaas iyo ciidamada ammaanka.

©Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.