Get Adobe Flash player

 

Waraysi Khaas ah: Cabdinuur Allaale iyo Xusuusta Halabuurkii weynaa ee Ibraahin-Gadhle

W/Q. Maxamed Saleebaan Cumar

Qormadani waxay koobaysaa xog-waraysi khaas ah oo uu weriye Xasan Maxamed la yeeshay Fannaanka Cabdinuur Allaale. Waraysigan waxa uu Allaale kaga warbixinayaa maraaxiilkii suugaaneed ee ay soo martay maansada Abwaan Ibraahim Gadhle. Wuxuu sidoo kale si faahfaahsan uga warramayaa taariikhaha, dhacdooyinka iyo sababaha ay ku curteen qaar ka mid ah heesaha Gadhle ee uu qaado AHN Maxamed Mooge. Ugu horreyn se, aynu milicsanno Allaale oo ka jawaabaya weydiimo ku saabsan sooyaalkiisa faneed iyo mahadhooyinkiisa kale. Waraysiguna wuxu u dhacay sidan:

Su’aal: Ugu horreyn, bal nooga warran sidii aad Fanka ku soo gashay?

Jawaab: Anigu heesaha aad baan u dhegaysan jiray. Nimankaan sida gaarka ah u dhegaysan jiray waxa ka mid ah: Maxamed Warsame Qaasaalli, Cabdi Tahliil Warsame iyo qaar kale weliba Qaasaalli ayaan aad u jeclaa heesihiisa. Aniga oo ciyaalka iskala heesa ayaa habeenkii marka dadku seexdo ee ay 02:00-da tahay, meel Jabuuti ku taalla oo la yidhaahdo Afniifaansiis dhallinyarada ku soo ururin jiray aniga oo daasado u tumaya, una heesaya. Muddo way ii hir-geshay oo wixiiba joogto ayaabay ii noqotay, kal-gacalladaydiina way sii bateen, mar haddiiba 15 ciyaal ahi i dhegaysanayaan, nin markaaba isu-gartay inuu Fannaan yahay baan ahaa. Inta badan waxaan ka ag-dhowaa meelaha Fannaaniintu wax ku tumaan, khaasatan qolo la odhan jiray Artist Associa oo u dhiganta Isku-tagga Fannaaniinta. Xilligaasi waxa uu ahaa 1968-kii, sannad dabadeedna (1969-kii), qolyahaas fannaaniinta ah ayaan aad isku sii tusi jiray si ay ii arkaan, heesahaygana aan u maqashiiyo, laba-daraale xilliyada galabtii ee ay ama sii qayilaad tegayaan ama Qaadka ka soo kacaan. Inta badan ragga aanu is arki jirnay waxa ka mid ahaa: Ibraahim Gadhle, Xasan Cilmi, Caateeye Xuseen, Xasan Seed, Axmed Qalinle Bariis iyo qaar kale oo badan. Berigaas fannaaniintu waxay u qaybsanaayeen saddex kooxood: Iniyoodaleeshanees oo ahayd Isaaq, Boonis Baraanis oo ahayd Gedo-biirsi iyo Caarrey oo ahayd kooxda Ciise-ha.

Su’aal: Markaa ma dadkaa reer-reerka isku raacay, mise waxay ahayd aragti uu Mustacmarku ka danbeeyay?

Sida runta ah dadka kama iman kartoo Isticmaarkii dalka joogay ayaa ku qasbayay inuu qolo walba qabadsiiyo cidda ay yihiin, dadkiina markii dambe ayuu caadeystay. Runtii habeenka ay qolo Riwaayad dhigayso, labada reer ee kaleba way shiidi jireen. 6/12/1969-kii, ayaa waxa magaalada (Jabuuti) yimid Cabdi Tahliil Warsame oo loogu talo-galay inuu xafido Riwaayaddii la baxday: Ma dhabbaa jacayl, Waa loo dhintaa!, ee uu hal-abuuray Ibraahim Gadhle. Habeenkii marka uu marqaamo ayay isaga (Ibraahim Gadhle) iyo Xasan Cilmi I dhegaysiin jireen. Waxa xusid mudan inay waqtigaas Fannaaniintu aad ugu yarayd Jabbuuti, xilliyadaasna waxa heesi jiray rag kooban, sida: Siciid Xamar Qoodh, Sunne Cirro, Ismaaciil Caynaan, Ibraahim Bee, halka ragga ay ka midka yihiin Fursheed, Cabdi Baw-Baw iyo Siciid Ismaaciil Buux ay ahaayeen rag tumidda Qalabka lagu yaqaanno waloow ay hees hees qaadi jireen. Maalin maalmahaas ka mid ah ayaa abbaara 11:00 aroornimo Ibraahim Gadhle soo helay gurigii aan galayay, dabadeedna waxa uu yidhi: “Cabdi ma joogaa?” intaas dabadeedna wuxuu ii kaxeeyay gurigii ay fadhiisan jireen ee Fannaaniinta. Cabdi Tahliil oo Kaban haysta ayuu ku yidhi: “Ninkan imtixaan ka qaad,” waxaanuu ii tumay saddex heesood oo kala ahaa: Onkod roobku ma daayo, Subcis oo codkii Qaraamiga ah iyo hees kale oo iyadna Sucis ahayd oo aan anigu Sahra ku dhegaystay. Tahliil ayaa markaan dhammeeyay yidhi: “Ninkani waa Fannaan buuxa.” Da’ ahaan markan aan ka hadlayo waxaan ahaa 15-jir, kii 16-naadna markaas ayaan galayay. Ibraahim inta uu fasax I siiyay ayuu yidhi: “Fannaan buuxa ayaad tahay, iminkana waan ku fasaxayaa ee aniga uun iga war sug.”

La soco qaybo kale oo xiise badan……..

F.G. Xasan Maxamed Yuusuf waxa uu Xogwarrankan u hibeeyay bahda WEEDHSAN

©Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.