Get Adobe Flash player

 

Waraysi Khaas ah: Cabdinuur Allaale iyo Xusuusta Halabuurkii weynaa ee Ibraahin-Gadhle – Qaybtii 2aad

W/Q. Maxamed Saleebaan Cumar

Su’aal: Markaa ma dadkaa reer-reerka isku raacay, mise waxay ahayd aragti uu Mustacmarku ka danbeeyay?

Jawaab: Sida runta ah dadka kama iman kartoo Isticmaarkii dalka joogay ayaa ku qasbayay inuu qolo walba qabadsiiyo cidda ay yihiin, dadkiina markii dambe

 ayuu caadeystay. Runtii habeenka ay qolo Riwaayad dhigayso, labada reer ee kaleba way shiidi jireen. 6/12/1969-kii, ayaa waxa magaalada (Jabuuti) yimid Cabdi Tahliil Warsame oo loogu talo-galay inuu xafido Riwaayaddii la baxday: Ma dhabbaa jacayl, Waa loo dhintaa!, ee uu hal-abuuray Ibraahim Gadhle. Habeenkii marka uu marqaamo ayay isaga (Ibraahim Gadhle) iyo Xasan Cilmi I dhegaysiin jireen. Waxa xusid mudan inay waqtigaas Fannaaniintu aad ugu yarayd Jabbuuti, xilliyadaasna waxa heesi jiray rag kooban, sida: Siciid Xamar Qoodh, Sunne Cirro, Ismaaciil Caynaan, Ibraahim Bee, halka ragga ay ka midka yihiin Fursheed, Cabdi Baw-Baw iyo Siciid Ismaaciil Buux ay ahaayeen rag tumidda Qalabka lagu yaqaanno waloow ay hees hees qaadi jireen. Maalin maalmahaas ka mid ah ayaa abbaara 11:00 aroornimo Ibraahim Gadhle soo helay gurigii aan galayay, dabadeedna waxa uu yidhi: “Cabdi ma joogaa?” intaas dabadeedna wuxuu ii kaxeeyay gurigii ay fadhiisan jireen ee Fannaaniinta. Cabdi Tahliil oo Kaban haysta ayuu ku yidhi: “Ninkan imtixaan ka qaad,” waxaanuu ii tumay saddex heesood oo kala ahaa: Onkod roobku ma daayo, Subcis oo codkii Qaraamiga ah iyo hees kale oo iyadna Sucis ahayd oo aan anigu Sahra ku dhegaystay. Tahliil ayaa markaan dhammeeyay yidhi: “Ninkani waa Fannaan buuxa.” Da’ ahaan markan aan ka hadlayo waxaan ahaa 15-jir, kii 16-naadna markaas ayaan galayay. Ibraahim inta uu fasax I siiyay ayuu yidhi: “Fannaan buuxa ayaad tahay, iminkana waan ku fasaxayaa ee aniga uun iga war sug.”

Riwaayaddii baa la dhigay, in yar dabadeedna waxa la dhigay Riwaayad dambe oo magaceeda la odhan jiray: Hawaala Adduun, oo uu curinteeda lahaa Ibraahim Gadhle taas ayna dhigtay kooxdii Booniis Baraanis. Ibraahim Gadhle iyo Xasan Cilmi labada reeroodba way ku kala jireen, laakiin marka ay labadoodu wax dhigayaan way isku tegi jireen Abwaannadoodu. Riwaayaddaas waxa aan ka noqday Actor (Jilaha 1-aad), waxaana ila jilaysay gabadh la odhan jiray Hodan X. Maxamuud (Hormo) 1968-kii Hargeysa nooga timid iyo Habboon C/laahi oo aniga inta badan ila dhigaysay, dhawaann Hargeysa ku geeriyootay. Heestii iigu horreysay ee aan qaaday oo Riwaayaddaas ku jirtay waxay ahayd Xiddigtii-----, heesaha daradoorriga loo qaadayay waxa ka mid ahayd; Maxaan kuu hawaawiyay, Ama hillin bannaanoon, Ka huleelo daydayay. Idaacadaha waxay ku taallaa magaca ah: Hawaawi. Nin Nuux Ismaaciil la yidhaahdo ayaan isna xusayaa oo ka mid ahaa raggii Riwaayadda ila dhigay. In yar ka hor intii aan Riwaayadda la dhigin ayaa la yidhi: “Illeen ninkan maanta ayaa masrax ugu horreysee, billoo uu nax-naxaa!” Naadi ay kooxdu lahayd oo kubadda ciyaara la ii soo ururiyay si la igu sii tijaabiyay, markii masraxa la tegay-na waxay noqotay uun: “Nin meeli u caddahay, meeli ka madaw.”

Muddo kooban kadib Riwaayaddaas ayaa Sahra Axmed Jaamac oo uur siddeed bilood ah ku sidda gabadha Arag-san ay noo keentay Riwaayad duuban oo dib uun naloo xafidsiiyay, uuna lahaa Muuse Cali Faruur, lana odhan jiray: Waalida ragga iyo Weerarka hablaha, Hargeysa-na ay ku soo dhigeen rag oo Maxamed Yuusuf ka mid ahaa. Niman Red Star (Xiddigta Cas) la odhan jiray oo uu madax ka ahaa Idiris Cumar Geelle ayaa dad isku dhaf ah oo xul ka soo sameeyay saddexdii kooxood, waxaanay noqotay Riwaayaddii ugu lacagta badnayd ee Toddoba habeen la dhigo. Aniga waxa Riwaayaddaas ila heesaysay gabadh la odhan jiray Hodan X. Maxamuud, Nimco Jaamac waxay la heesaysay Ismaaciil Caynaan Sahra Axmed-na waxay la heesaysay Siciid Xamar Qoodh. Lix-daydaas ayaa ahaa Jilayaashii laf-dhabarta u ahaa masrixiyaddaas. Waxay Riwaayaddaasi noqotay middii ugu faa’iidada badnayd dhaqaale ahaan, ay ku kulmeen mudanta heesaagii saddexda kooxood, isla mar ahaantaasna dadkii kala qoqobnaa kob iskugu wada geysay. Dhacdadaas ayay 1971-kii ka abuurantay kooxdii la odhan jiray Gacan Macaan oo tiradoodu ahayd 71.

Halgankii Gobonimo-doonka ayaa waqtiyadaas bilaabmay, annagana waxa na fuushay masuuliyad culus oo ah inaannu dadka isku soo dhaweynno. Tiroba afar Xisbi ayaa waddanka markaa ka jiray. Shacabku waxa uu u badnaa Xisbigii LPE oo uu Xasan Guuleed madax ka ahaa, waxaana u mideeyay oo ummadda hoos-keenay, sida la odhan karo kooxda Gacan Macaan. Dabadeed waxaannu dhignay Riwaayaddii Geeddigii Koowaad oo uu dhigay Ibraahim Gadhle. Waxa xigtay Riwaayaddii Ilma Geeska Afrika oo uu lahaa Xasan Cilmi, kana warramaysay siyaalihii Gumeystuhu ku yimid Geeska Afrika. Geeddigii Labaad iyo Gaashaanle muu dhiman oo ahayd Geeddigii Saddexaad, kuna socotay Taariikhdii nin Gaashaanle la odhan jiray oo ka mid ahaa raggii Gobonimada u soo halgamay ayaa iyana daba raacay. Taxanayaashaas iyo isku-xidhnaantayadii oo aannuu raalli ka ahayniba waxay ahaayeenbaa la odhan karaa dareennadii dhaliyay in Gumeystuhu aad noola sii colloobo.

Su’aal: Xilligaas aad ka hadlayso, waxa Soomaaliya ka jiray dhaq-dhaqaaq Gobonimo-doon, waloow aanay Mustacmarad ku hoos jirin, hadana waxa jirtay aragti Soomaali-Weyn la odhan jiray, markaas inna wax xidhiidha ma lahaydeen baad odhan kartaa kooxihii Faneed ee Soomaaliya gudaheeda ka jiray?

Jawaab: Marka aan Soomaaliya ka hadlo, xilligaas xidhiidh aan sheegi karo oo naga dhaxeeyay ma jirin, laakiin markaan iskay ugu kuur-galay Taariikhdaas, waxaan ogaaday in ninkii Halgamaaga ahaa ee la odhan jiray Maxamuud Xarbi ee u dagaallamayay Gobonimada Jabuuti ay jireen Fannaaniin reer Soomaaliya ah oo dhinacyada wacyi-gelinta kala shaqayn jiray, siiba raggaasi waxay ahaayeen niman dhinacan Waqooyiga (Somaliland) ka soo jeeda. Tusaale ahaan; Cali Sugulle oo ay Riwaayadihiisa ku jireen: Bal ila jiidaay, Waa Jabuutiye, Jidkii Gobanimee, run ahaanna Ina Sugulle kaalin weyn buu ka qaatay halgankii Gobonimo-doonka ee Jabuuti.

Su’aal: 1970-nnadii Riwaayadihii Jabuuti laga dhigay ee dhaq-dhaqaaqa Gobonimo-doonka xidhiidhka la lahaa ee sidaan maqlay aad Jile-ha ka ahayd, sida aad-ka ah u baahay, dadkuna wada-yaqaannaan, waxa ka mid ahayd Riwaayad uu Gadhle lahaa oo mar aan weydiiyay magaceeda uu iigu sheegay: Adduunyada isha keliya leh, heesaheedana ay ka mid ahaayeen; Maxaa deyr-cad geel hallaabayoo, bal hadda markaa Riwaayaddaas doorkeed ku lahayd, maxay se ku saabsanayd?

Jawaab: Riwaayadda asalkeeda nin Abiib Siciid la yidhaahdo ayaa dhigay, wuu nool yahay, waana nin reer Hargeysa ah. Mar labaad oo lagu celiyay ayaan anigu wax ka dhigay. Maxamed Mooge ayaa markaas oo ahayd 1973-kii, mar labaadkii aannu ku celinaynay magaalada yimid. Waxa kale oo iyana jooga ragga uu ka mid ka yahay Cabdi Qays iyo Bashiir Xaddi, waa waqtiyadii ay Siinleydu bilaabmaysay. Hadaannu kooxda Gacan Macaan nahay waxaannu dhaqan u lahayn in fannaanka nagu soo dega aannu soo dhaweynno, sooryo u sameynno, lacagta keydka noo ahna aannu 100,000 Fr. gacanta laga geliyo, kaddibna aanu weydiinno bal ka uu rabo in uu annaga wax nala dhigayo iyo haddii uu Barnaamij isaga khaas u ah wato. Riwaayaddan oo socota ayaa dabadeed Maxamed Mooge la xafidsiiyay. Maadaama aannu ka shaki qabnay in Maxamed Mooge laga reebo, waxa dhacday in labadayadaba sawirka nalagu dhejiyo, waayo waraaqo Baasaabboor-Soomaali ah ayuu sitaa. Mar kasta oo Riwaayad la dhigayo, laba Toddobaad ka hor dhigitaankayaga ayaa Censura nala soo marin jiray xagga Bilayska ah, illaa ay dhiga yidhaahdaanna lama dhigi jirin. Markii ay Censura-dii soo baxday ayaa la yidhi wax Soomaaliya ka yimid masraxa ma soo fuuli karo. Sidaas darteed, Riwaayaddii oo uu Maxamed Mooge ku lahaa Lix hees, anigay igu soo noqotay, illeen haddii kale ma dhigmaysee.

La soco qaybo kale oo xiise badan……..

Halkan ka akhri Qaybtii 1aad ee Taxanahan: Waraysi Khaas ah: Cabdinuur Allaale iyo Xusuusta Halabuurkii weynaa ee Ibraahin-Gadhle

F.G. Xasan Maxamed Yuusuf waxa uu Xogwarrankan u hibeeyay bahda WEEDHSAN

©Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.