Get Adobe Flash player

 

Waraysi Khaas ah: Cabdinuur Allaale iyo Xusuusta Halabuurkii weynaa ee Ibraahin-Gadhle – Qaybtii 3aad

W/Q. Maxamed Saleebaan Cumar – Nimankii asxaabta ahaa ee u yeedhay Maxamed Mooge oo uu madax u ahaa Cali Cabdi Faarax (Wasiirka Warfaafinta Jabuuti ee hadda) ayaa Maxamed si weyn u qaabilay, intii uu meesha joogeyna damaannaddiisa tunka u ritey. Markii aannu Riwaayaddii dhignay ayaannu damacnay inaannu

duubno, iyada oo uu Xudeydi-na nala joogo. Habeenkii aannu duubitaanka u ballansanayn ayaannu Maxamed weynay meel lagu casuumay. Hore waxa uu Maxamed Mooge iigu yidhi: “Cabdi Nuuroow Waan qaadanayaa labadaas heesood,” anna waxaan ku idhi waa sax. Sidaas oo ay tahay, waxaannu jeclayn inuu gabadha la qaadaysa habeennimadan la duubo, markii aannu se ka quusannay ee aannu garan waayay meel uu qabtay ayaan anigu gabadhii la qaaday, habeenkaas dabadeedna ma qaadin, oo wixii ka danbeeyay sida u caan-baxday waxa qaadayay Maxamed Mooge. In kasta oo ay jirto mar danbe oo ay gabadha Qormo ila qaadayso oo aannu Show ku dhignay jirtay, idaacadaha qaarna qaateen. Sidaas ayaanay Riwaayaddu u ahayd mid maldahan oo Siyaasiya, kuna saabsan Gumeystaha Faransiiska ah.

Sidoo kale waxa jirtay in; 1977-kii Riwaayad kale oo Gumeystaha ku lid ah uu iyadana Ibraahim Gadhle curiyay. Diyaaraddii aannu soo raacnay ee Xamar oo aannu ka dhigaynay nagu waddau ayuu Ibraahim ku dul sameeyay silsiladdii Riwaayaddaas oo la baxday: Halgankii umadda & Hoogistii naar. 72 habeen ayay Riwaayaddaasi dhigantay. Anigu waxaan metelayay laba nin oo Faransiiska loo af-duubay oo Cadan lagu kala beddeshay, Safaaradda Faransiiska Xamarna laga af-duubay; Cumar Cismaan Raabe ayaanan metelayay. Ereyada qaar ka mid ah heesihii Riwaayaddaas waxa ka mid ahaa:

“Alloow yaa dadkaygii,

Danahooda wada fara,

Dulligiyo gumeysiga,

Degdeg nooga soo rara,

Yaa duulal Carabiyo,

Afrikada dunteediyo,

Dimuqraaddi naga dhiga

Oo dunida ila sima,”

Waxa kale oo ka mid ahaa heesahii udub-dhexaadka u ahaa Masrixiyaddaas:

“Caawa waxaan la siman-nahay,

Habeenkii kufaartii,

Maka ay col gelisee,

Cumar binu Khaddaab-iyo,

Abu-bakar cadhoodee,

Cali seefta qaatee,

Cidhib-tiray Yuhuuddee,

Carrafadu jidowdee,

Carro aan dad lagu layn,

Ciid aan dhiig cas lagu shubin,

Cadaw kama fogaadee,

Calankeennu wuxu yaal,

Qori caaradii iyo,

Cag maroodi hoostii,

Caynka lagu helaayana,

Cududdeenna weeyaan!”

Raggii nagula jiray waxa ka mid ahaa Maxamuud C/laahi San-gub. Tiro ahaan, waxaannu ahayn 30 qof, 15 Canfar ah iyo 15 Soomaali ah. Halkan (Hargeysa) waxa naga raacay nin Kaleerliinta tumi jiray oo la odhan jiray Soodaani iyo nin Cali la odhan jiray oo Boongada tumi jiray. Markaannu Xamar tagnayna, Maryan Mursal, Maandeeq, Nakruuma iyo Ina Xudeydi ayaa nala socday, waxaanna dusha naga haystay nin la odhan jiray Sahal Macallin Ciise oo ka socday N.S.S-ta, Nakruuma-na lacagta ayay noo haysay. Waxaan xasuusanahay habeen aannu ka dhigaynay Berbera oo uu San-gub ku metalayay Cali Caarif, kaalintiisiina ay ka mid ahayd tuducyadani:

“Xoroobi mayso Jabbuuti,

Oo anigaa xannibaaya,

Xoroobi mayso Jabbuuti,

Oo xabbad baan ku idlayn,”

Haddii cid kastaaba ka dooddo, waa wax cad in hooyada Fanka Carbeed ay tahay Cadan. Aniguna si taas la mid ah, waxaan aaminsanaa in hooyada Fanka Soomaaliyeed ay tahay Hargeysa, illaa aan tago-na aanuu Fankaygu noqonayn mid kobocsan oo tis-qaad leh. Sidaas darteed, waxaan imid gobolladan Waqooyiga, aniga oo ku soo horreeyay magaalada Boorame 1975-kii. Waxa ila socday nin la odhan jiray Cabdi Cali Abraar (Shibbiin) oo Laxamiiste/Giitaariiste-ba ahaa, korontadana u shaqayn jiray. 26-kii Juun ee 1975-kii ayaa markaas toddobaadkaas soo galaysay, waxaana markaas joogay nin Faadumo Axmed Dhinbiil iyo nin C/laahi Fadheen la yidhaa oo Boorame iyo Hargeysaba iminka jooga iyo Cumar Subagle la yidhaa oo Kabanka tuma. Waxa markaas DC Boorame ka ahaa Maxamed Yuusuf nin la odhan jiray. Taladayadu waxay ahayd inaannu munaasibaddaas 26-ka Juun kaga qayb-gallo Hargeysa. DC-gii baa loo tegay oo lagu yidhi niman Fannaaniin ah baa halkan joogee ha inoo joogaan illaa caweyska Dabbaal-degga, anana habeen-kii xigay ayaannu Hargeysa dhuumasho ku soo galnay. Jaad baannu qaadannay, deetana waxaannu raadsannay gurigii Aamina C/laahi oo ku yaallay Biriijka tallowgiisa. Aamini markaannu tagnay way ka maqnayd, waxa se fadhiyay C/raxmaan Dheere, Axmed Cali Cigaal, Cabdi Khadar iyo labo nin oo aanaan garanayn. Albaabka waxaan ku sii dhaafay Khadra Daahir oo Cabdi Cali Weyd qeybsiinayo heestii ahayd: Awrkii cirkaan xalay. Khadra-na markaas waa ardayad Iskuul dhigata oo aan waqtigaas Fanka-ba ku jirin. Gudihiibaannu galnay, waanaanu iska fadhiisannay. Hees aan leeyahay ayaaba la tumay. Ragga illaa hadda isma garanayno, oo ismaannu baran, laakiin Axmed Cali Cigaal ragga aan codkooda weligayba xiiseyn jiray ayuu ka mid ahaa. Goor ay xataa heestaydu soo gaadhay Soomaaliya mabaan ogeyn. Heestii ayaaban iska qaaday oo aan labadii beydba dhammeeyay. Aniga oo dhammaadka marinaya ayay Aamina C/laahi soo gashay oo ay tidhi: “Oo miyaad is barateen?” intaas dabadeedna way isku kaaya sheegtay, waayo? Iyadu waxay joogtay Riwaayaddii aan ka qaadayay oo uu Xasan Cilmi lahaa.

Dhallin-yaro badan baa joogta xilligaas waddanka. Waa Ololihii oo Fannaaniintiina way wada maqan yihiin. Cabdi Cali Weyd oo aannu marti u ahayn ayaa yidhi: “Raggu waa innaga cidda ay martida u yihiin,” waxaana nala geeyay Hudheel Ubax la odhan jiray. Marka aannu qadaynno ayaa Qaadka naloo soo qaadaa oo ay noo yimaaddaan. Annagu war kama hayno waxa ay wadaan, ee show waxa jira Barnaamij dejisan oo ay ku gudo-jiraan. Laba habeen markaan la qayilnay ayuu Cabdi Cali Weyd igu yidhi: “Goormaad noqonaysaan, miyaydun se Barnaamij lahaydeen,” dabadeedna waxaannu ugu jawaabnay: “Wax Barnaamij ah oo aannu leennahay ma jiro, waayadaasna waannu joognaa.” Wuxuu markaas noogu jawaab-celiyay: “Ma laga yaabaa inaydun nagala qayb-gashaan Barnaamij baannu wadnaaye, kaas oo lagu qabanayo Beerta Xorriyadda, loona qabanayo ardaydii ka soo laabatay Ololaha” iyo “Haa.” Heestii ugu horreysay aniga ayaa la ii dhiibay, beenna sheegi maayee Lix jeer ayaa Biis! dadku yidhaadeen. Habeenkaas ayaan is ogaaday inaan Fannaan buuxa ahay, maxaa yeelay? Waxa sacabka ii tumay Beertii Xorriyadda oo intaas oo qof ay joogaan. Ereyada heestaas waxa ka mid ahaa:

La soco qaybo kale oo xiise badan……..

Halkan ka akhri Qaybtii 1aad ee Taxanahan: Waraysi Khaas ah: Cabdinuur Allaale iyo Xusuusta Halabuurkii weynaa ee Ibraahin-Gadhle

Halkan ka akhri Qaybtii 2aad ee Taxanahan: Waraysi Khaas ah: Cabdinuur Allaale iyo Xusuusta Halabuurkii weynaa ee Ibraahin-Gadhle – Qaybtii 2aad

F.G. Xasan Maxamed Yuusuf waxa uu Xogwarrankan u hibeeyay bahda WEEDHSAN

©Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.