Get Adobe Flash player

 

Waraysi Khaas ah: Cabdinuur Allaale iyo Xusuusta Halabuurkii weynaa ee Ibraahin-Gadhle – Qaybtii 4aad

Dhalinyaro badan baa joogtay waddanka. Waa Ololihii oo Fannaaniintiina way wada maqan yihiin. Cabdi Cali Weyd oo aannu marti u ahayn ayaa yidhi: “Raggu waa innaga cidda ay martida u yihiin,” waxaana nala geeyay Hudheel Ubax la odhan jiray. Marka aannu qadaynno ayaa Qaadka naloo soo qaadaa oo ay noo

yimaaddaan. Annagu war kama hayno waxa ay wadaan, ee show waxa jira Barnaamij dejisan oo ay ku gudo-jiraan. Laba habeen markaan la qayilnay ayuu Cabdi Cali Weyd igu yidhi: “Goormaad noqonaysaan, miyaydun se Barnaamij lahaydeen,” dabadeedna waxaannu ugu jawaabnay: “Wax Barnaamij ah oo aannu leennahay ma jiro, waayadaasna waannu joognaa.” Wuxuu markaas noogu jawaab-celiyay: “Ma laga yaabaa inaydun nagala qayb-gashaan Barnaamij baannu wadnaaye, kaas oo lagu qabanayo Beerta Xorriyadda, loona qabanayo ardaydii ka soo laabatay Ololaha” iyo “Haa.” Heestii ugu horreysay aniga ayaa la ii dhiibay, beenna sheegi maayee Lix jeer ayaa Biis! dadku yidhaadeen. Habeenkaas ayaan is ogaaday inaan Fannaan buuxa ahay, maxaa yeelay? Waxa sacabka ii tumay Beertii Xorriyadda oo intaas oo qof ay joogaan. Ereyada heestaas waxa ka mid ahaa:

“Jacayl waa belaayoo,

Waa boog qarsoonoo,

Waa cudur aan bi’inoo,

Lay-skama bogsiiyee,” 

Intaas dabadeed waan noqday. Mar kale ayaan soo noqday 1977-kii, annaga oo wadna Riwaayaddii: Halgankii ummadda & Hooggii Isticmaarka. Waxa ii xigtay 1980-kii oo aannu wadnay Riwaayaddii: Sir Jacayl ee uu hal-abuuray Axmed Xuseen Kaahin (Jig-jigaawi). Censura-da ayaa mudan inaan xuso in nalagaga eegay, Tiyaatarka Hargeysa. Wuxuu ahaa runtu waagaas Fanku mid dhisan oo waxa joogay raggii waaweynaa oo eegi jiray Fanka, sida: Cali Sugulle, Cismaan Askari, Maxamed Cumar Huryo iyo Yuusuf Aadan. Aadan Tarabbi oo Jabuuti naga soo raacay ayaa Riwaayadda isna heeso ku lahaa. Riwaayadda markii uu Cali Sugulle dhegaystay kelmad la reebo ma leh ayuu yidhi, aan ka ahayn, halka aad ka leedahiin: 

“Caashaqa sed uma hadhin,

Wixii saami u lahaa,

Soomaali wuu cunay,”

Waxa ku habboon: 

“Caashaqa sed uma hadhin,

Wixii saami u lahaa,

Sow dunida muu cunin!”

Ninkii dalka haystay ee wadaaddada laayay ayuu is odhanayaa baan anigu u qaatay isaga ayaa loo jeeda oo saamayn gurracan ayay la imanaysaa, sidaas ayuu u caalamiyeeyay.

Su’aal: Riwaayaddaas ay ku jirtay: Maxaa deyr-cad geel hallaaboo, heesta tidhaahda: Dadka hayska weynayn, adiga iyo gabadh ayaa wada qaada, siyaalo badan-na waa loo sheegaa, ma afar-tan beyd bay  ahayd bilowgiiba, mise laba beyd ayuunbay ahayd, laba siyood ayaa sheekadaas loo hayaa?

Jawaab: Heesta, Maxaa deyr-cad geel hallaabay, daran-doorri ayay ahayd oo laba beyd oo aniga ah iyo laba gabadha ah. Waxa se aniga la igu yidhi markii heesta la samaynayay inanka oo keli ah ayay ahayd. Dabadeedna, Cabdi Qays iyo Ibraahim Gadhle ayaa is weydiiyay oo yidhi: “Dee haddii ay inantu inanka neceb tahay, inta uu qaadayana ay iska ag joogayso uun, maad labadii beyd ee jawaabta ahaa u samaysid.” Cabdi Qays ayaa dabadeedna labada danbe sameeyay, sidii baanay inantii u qaadday. Waa tan odhanaysa: 

“Ima waansho qayrkaa,

Iimana warrami karo,

Wed intaan ka noolee,

Weydiinta hadalkana,

Adoon weedh ka soo celin,

Ama waranka qaabilin,

Wiil-Waal sidiisii,

Warac haysku sheegine,

Wadnahaygan caashaqa,

Wanaag kuma abuurnee,

Wejigaagan iga qari,

Dadka hayga weecine,” 

Ma ogtahay nin liitaa,

Meel guluf ku weeraray,

Geel kama waraabshee,

Adigoon waraaq qorin,

Heesaha wardina tirin,

Sidaad wada-jirkeenniyo,

Wehel iiga doontaa,

Ruux aanad weli arag,

Wacad hore la sii dhigan,

Waddada haysku taagine,

Waqti mid uu ku dhaafshoo,

Waqalkaa daruurtiyo,

Cirka weehanaysaa,

Warba kuuma haysee,

Wejigaaga iga qari,

Dadka hayga weecine,”

Gabadha aniga ila qaadaysaa waa Faadumo Axmed, laakiin marka kale waa Qormo.

DHAMMAAD

Halkan ka akhri Qaybtii 1aad ee Taxanahan: Waraysi Khaas ah: Cabdinuur Allaale iyo Xusuusta Halabuurkii weynaa ee Ibraahin-Gadhle

Halkan ka akhri Qaybtii 2aad ee Taxanahan: Waraysi Khaas ah: Cabdinuur Allaale iyo Xusuusta Halabuurkii weynaa ee Ibraahin-Gadhle – Qaybtii 2aad

Halkan ka akhri Qaybtii 3aad ee Taxanahan: Waraysi Khaas ah: Cabdinuur Allaale iyo Xusuusta Halabuurkii weynaa ee Ibraahin-Gadhle – Qaybtii 3aad

F.G. Xasan Maxamed Yuusuf waxa uu Xogwarrankan u hibeeyay bahda WEEDHSAN

©Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.