Get Adobe Flash player

 

Xog-warran Khaas ah iyo Abwaan Axmed Aw Geeddi: “Maxaa ka jira in Maansada KOR-DAHAB ay siyaasad ka hadlayso?”

Hargeysa, October 6, 2012, (Weedhsan) – Abwaan Axmed Aw Geeddi (Dheeraad) oo ka mid ah halabuurrada dhalinyarada ah ee Suugaanta Soomaalida kuwooda ugu farshaxansan ayaa

dhowaan curiyay Maanso cusub oo uu ugu magac-daray KOR-DAHAB.
Maansadaas oo dhowaan lagu baahiyay Mareegta Weedhsan iyo qaar ka mid ah Warbaahinta Soomaalida, waxa uu Abwaan Geeddi ku sheegay mid ka hadlaysa caashaqa gabadh uu ula baxay KOR-DAHAB oo uu u hurayo wax kasta oo uu hayo helitaankeeda.
Hase yeeshee, dad badan oo maansadan dhegaystay/akhristay ayaa ka bixiyay dareenno ka duwan kuwii uu abwaanku ka allifay, isla markaasna u turjuntay tix sarbeeb ah oo siyaasad ka warramaysa, laakiin loo maray hannaan sogordoh ah oo jacayl u tusinaya qofka akhristaha/dhegaystaha ah.
Sidoo kale, waxa maansada ka soo ifbaxay is-diiddooyin hor leh, iyada oo ay dadka qaar isku qaban waayeen hummaagyada kala durugsan iyo khiyaalka xad-dhaafka ah ee uu Abwaanku u adeegsaday Maansada.
Haddaba, si aannu arrimaha kor ku xusan uga gaadhno, Mareegaha Weedhsan ayaa Xog-warran arrimahan ku saabsan la yeeshay Abwaan Axmed Aw Geeddi, iyada oo waraysigaasina u dhacay sidan:
Su’aal: Abwaan maxay ahayd gabadhan iftiinkeedi uu dayaxa, xiddigaha, iyo qorraxdaba shiikhiyay?
Jawaab: Waa KORDAHAB!
Su’aal: Xaggay ku nooshahay?
Jawaab: Carro Edeg.
Su’aal: Carro Edeg halkee?
Jawaab: Waa inta xoolo daaqsatadu degto.
Su’aal: Magacu ma KUR-DAHAB baa, mise waa KOR-DAHAB?
Jawaab: Waa KOR-DAHAB.
Su’aal: Waa maxay waraabahan aad tidhi waa uu ducaynayaa, se muxuu ku ducaynayaa?
Jawaab: Wuxuu u ducaynayaa KOR-DAHAB, wuxuu odhanayaa:
Sarree oo dhereg,
Sanka Xoor geli.
Sare u bood bood,
Samo kuu yeedh.
Cadowgaa waa bush iyo bash iyo quraarad buur lagu tuuray.”
Su’aal: Casuumaddan aad Abwaan sheegtay ee aad tidhi dhammaan xoolaha dunida jooga ayaan qalayaa maxay ahayd, se xoolaha intan leeg halkeebad ka keenaysaa?
Jawaab: Sahal lee ahaa, Haddaan jeegga qorayaa ee KOR-DAHAB ma la helayaa!!
Su’aal: Abwaan waxaad sheegtay inuu dhurwaagu uu hadhow Suldaan noqonayo, Beeshee ayuu Suldaan u noqonayaa?
Jawaab: Wuxuu Suldaan u noqonayaa DIR DHURWAA.
Su’aal: Ugu dambayntii Abwaan waxay dadku isla dhex marayaan inay maansadu siyaasad ka hadlayso, maxaa ka jira?
Jawaab: Iyagaa yidhi, Afkayga lagama maqal.
© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.