Get Adobe Flash player

 

Abwaan Hadraawi: “Haddii aad ka go’aysaan Soomaaliya iyo haddii kalaba, idinka ayay arrintaasi idinka go’daa”

Hargeysa, April 10, 2013, (Weedhsan) – Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo ka mid ah halabuurrada ugu caansan Soomaalida dhexdeeda ayaa ka hadlay aragtidiisa

ku aaddan goonni-isku-taagga Somaliland, taas oo ay dadku fekrado kala duwan ka aaminsan yihiin, marar badanna ku murmaan.

Abwaan Hadraawi waxa uu arrimahan ka hadlay mar uu xalay Muxaadiro ka jeedinayey Jaamacadda Admas xarunteeda magaalada Hargeysa oo uu ku soo bandhigayey qaar ka mid ah maansooyinkiisa, taariikhdiisii halabuurnimo iyo xabsigii Qansaxdheere oo uu muddo shan sanno ah ugu xidhnaa Taliskii Maxamed Siyaad.

Hadraawi waxa uu si kooban u muujiyay sida uu uga dheregsan yahay xanta dadka Somaliland qaarkood ku sheegaan inuu taageersan yahay mabda’a Soomaaliweyn, isaga oo sheegay in dadka reer Somaliland ay iyagu ikhtiyaar u leeyihiin inay ka go’aan Somaliland iyo inay ka mid ahaadaanba

“Fule xantii ma moogganee, ma waxaad maqasheen ardayeey Hadraawi Soomaaliweyn ayuu taageersan yahay? Saw Somaliland la idinma yidhaadho oo calan ma lihidin oo xorriyaddiinna dib ulamaydaan soo noqonnin? Ikhtiyaarka idinka ayaa iska leh haddii aad Soomaaliya ka go’aysaan iyo haddii kaleba oo idinka ayay arrintaasi idinka go’daa”.

© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.