QORAALLADA IBRAAHIN HAWD

Raadi

FOLLOW US ON FACEBOOK

Weedhsan Corporations, (www.weedhsan.net www.weedhsan.com, www.weedhsan.org www.weedhsan.co) waa mareego taxan oo dhowaan curtay. Waxa loo abuuray inay ka kaaliso bulshoweynta adduunka, kuwa Qaaradda, iyo laba-daraale dadyowga Soomaalida ah, helista warar iyo barnaamijyo sugan, diirran, dheelli-tiran, kasha na bila. Waxay abbaari doonaan feydidda xogo daahan iyo ibofurka duni qarsoon.
Waa dhab inay jiraan mareego Soomaaliyeed oo badan ama sii badanaya dhowaanahan. Si taas la mid ah, lama dafirayo inay gudbiyaan farriimmo isku wada mid ah oo nabaad-guuriyay xiisihii iyo dardartii lagu qaabili lahaa. Markan ayay bannaan tahay is-weydiinta ah, maxay Weedhsan News Agency kaga geddisan tahay degelladan tiro beelay ee isku wada sinjiga ah?
Walow halhays hore ahaa, War jiraa ba Cakaaruu iman!, haddana, waxaanu hubnaa inaydun mareegtan ka durduuran doontaan xidhmooyin qoraallo, codad, muuqaallo iyo taswiiro iskugu jira oo ku dhereren dhinacyada aqoonta, sooyaalka, hawraarta iyo wax-soo-saarka hibooyinka kale ee Soomaalida. Waxa taas ku lammaan inaydun si gaar ah ugu diirsan doontaan halaanbeynta, lafagurka iyo gorfeynta dhacdooyinka dharaaraha taagan iyo kuwii tegayba.
Hadal iyo dan; waxaannu ku kalsoonnahay inaannu xaqiijin doonno yoolkayaga ah; KA DUWAN, DARKII HORE!
Ugu dambaynna, sidii Hadraawi-ba u yidhi; “Bulshadaa tixraaciyo, Taladiyo guddoonka leh”; Waxaannu aaminsannahay in dadka nagu xidhmi doonaa ka jawaabi doonaan, naguna kaalin doonaan qiimeyn iyo dareen-celin u dhiganta dedaalladayada!

Mohamed S. Omar,
Managing Director, Weedhsan Corporations
Contact: contact@weedhsan.com, editor@weedhsan.com or mareegahaweedhsan@gmail.com
Websites: (www.weedhsan.net www.weedhsan.com www.weedhsan.org www.weedhsan.co)
Tel: + 252 (7) 9111181 or + 252 (2) 4160271
Hargeisa Head Quarters.

WEEDHSAN MAGAZINE - Download Free

Weedhsan Issue 5

Weedhsan Magazine Issue 2

Who's Online

We have 116 guests and no members online

Find us on Youtube
Find us on Facebook
Follow Us