Get Adobe Flash player

 

Qalinka iyo Qoraaga Ibraahim-Hawd – W Q. Sakariye-Awaare

Maalintii alle soo godoba waxaad aragtaa qof buug qoray, mid maqaal qoray, cid gorfayn qortay, kuwo feker keenay. Intaas markaad aragto waa-beriga, Galab noolba waxa xiga oo indhahaagu qabanayaan qof leh

Naqdin buuggii hebel/heblaayo qoray/qrtay, mid leh jawaab maqaalkii kaasi/taasi qoray/qortay, cid leh dhalliil gorfayntii hebel/heblaayo falanqeeyay, eedayn fekerkii kuwaasi keeneen. Yaab !!! Hadaba maxaad ula yaabi kooxdan qalin eegatada ah ee wax cambaaraysa illeen qalinleeyda manta badankoodu way istaahilaan waayo yagaa buugaag nuxur yar, maqaallo hays leh, gorfayn eexi ku jirtto, iyo afkaar dhinac ka raran qoree.
Hadaba waa xaqiiq oo garanay in qoraayada wakhtigan xoogoodu ay qalinka u sitaan yaan lagaa badin, yaan reerka laga taariikh waynaan, yaan carruurtiinna soo koraysa qoraa hebel wax gashan, yaan adna lagaa magac waynaan.!! Waliba waxa inttaa u dheer in ay wax kasta oo ay qorayaan ku saleeyaan waxa ay aaminsanyihiin ee dheelligu ku jiro. Hadaba dadka layskuma wada qaadee miyaanay qaybta Illaa-duba ina shaqaynayn, oo aynaan badh ka soo reebayn, haa waxa ku jira inbadan oo si far-shaxannimo leh wax u qora, oo wax nuxur leh oo bulshada dhitto unoqon kara qora, oo daah-fura wax cusub oo inaga dayrnaa, god kasta oo ay degaanna haday tahay suugaan,taariikh,siyaasad IWM xaqiiqada ka qora.
Cid kasta oo qalinkoodu maro ama saamayn ku yeeshana waxa ay ku amaanan-yihiinna u qira waxa ay ku dhalliilan-yihiinna sheega. Hadaba qoraayada sidan u qiimaha badan ee afka soomaaliga wax ku qora hibada fogna leh waxa ka mid ah ninka lagu magaacaabo Ibraahim Yuusuf Axmed (Hawd) anigu odhan maayo waa ka kaliya, ee waxa aan leeyahay waa ka mid.  Hadaba waxa jira dadka qaar nin qoraa ah tuurtta ku qaatta yaga oo aan u miidaan dayin oo hoos u dhugan qalinkiisa, ujeeddo ay ku sitaanba ama ha is hundo ogaadaan ama hayb hawga dhawaado, ama si kaleba haw sittaane. Mana ihi kawan oo kale. Aniga taydu ammaan maaha ee waa wax qiris.. Horta aan daadego’e Qoraaga Hawd aqoon uma lihi hadana waan aqaan.!! Waa mare aqoon uma lihiyoo waligay ma fool-arag shakhsi ahaanna ma maqal. Ma wadaagno wax aan hawdkaa ka ahayn oo soomaali haan-waliba lug kula jirtto gees illaa ka gees… marna waan aqaan oo waayo qoraaladiisa iyo buugtiisa waan akhriyay, codkiisana idaacadaha waan ka maqlay. Qofkana hadaad hadallkiisa lafo-gurtay khasab waad taqaan waax-ahaan waxa uu galo ama gudo. Ma beenbaa. Hadraawi oo ka hadlaya qofka aad gabayadiisa taqaan ama hal-abuurkiisa maqashay inaad shikhsiyadiisana ka dhex heli karto ayaa yidhi.
Marna waa humaag iyo
Qofka kula hadlaayoo
Intuu soo hankaabsaday
Iska rogay hagoogtoo
Kugu yidhi hankaygiyo
Habka maansadaydiyo
Hiyigaygu waa kaas”

Intaa ku dhaaf odoros-ahaan akhristaw su’aalaha adiga kaa dhex guuxaya…hadal iyo dhamaan teenna aynu u soo noqonnee qoraagan ka ra’yi ahaan waxa ku lammaan hibo dhalan ah oo ka baaxad wayn aqoontiisa uu ka dhex uruursaday kawnka waxa iiga muuqda maskax u abuuran,u samaysan,u tab-baran wax curin iyo wax ikhtiraacis. Ball eeg buugaagta uu isagu qoray. Soomaaliya Qaran Iyo Qabiil” Aaanadii Nageeye” Gorfayntta Deelleyda” Iyo dhamaan qoraallada kale ee ay ku taxanyihiin dhisme kaabayaasha luqaddan hodanka ah. Qalinkiisu wuxuu ku tusayaa awoodda laynaga qariyay ee afka soomaaliga wuxuu laaxin-tirayaa habka dhigaalka xuruufta. Qoraagu wuxuu maray waddo hirrig badan la leh tiro badan oo dhiggiisa ah waayo wali ma arag qalin kale oo waydaarankara karkaarrada uu ka tallaabay mar hore. Wuxuu indheheenna u jeediyay dhanka ay innaga xigaan quruxda sheeko faneedda, iyo male-awaalada lagu saleeyo sumad dhab ah, intta badan Qalinkiisu wuxuu xusuustaa danaha guud ee badan ee badda ah ee bulshada ee la illaway, Qalinkiisu badanaa wuxuu hagaa maanka umadda isagoo u iftiiminaya u fikiridda sida saxa ah, Qalinkiisu marka uu wax gorfaynayo wuxuu ka istaagaa meelo badan ama koone kasta sida ku cad tii ka dhacday Miisaanka Maansada, tii Deelleyda, iyo kuwo badan oo kale. Qalinkiisu had iyo gooraale wuxuu ka daba tagaa soo xaqiijinta wax badan oo bulshada madmadoow kaga jiray mudo dheer..
Hadaba  inoogama fadhiyo isaga iyo itta la midka ahiba inaynu aakhiro aboorka ka celinno ama aynu adduunka janno degatay uga yagleelnee waxani waa waajibkoodii la gudboonaa oo ay inoo hibeeyeen,inala wadaageen,inooga maarmeen, ee markay inala gudboonaato haday inoo cuntanto waxaa ay qoreen aynu u qirno oo dhiirri-galino. Hadii kalana aynu toosinno oo guubaabinno….!!!
Sakariye Saxardiid Axmed(Awaare)
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Qalinleyda © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.