Get Adobe Flash player

 

Calafkii soo safray! – W/Q. Maxamed Muuse Tiyo

Waa galab barkhadeed, roobkuna da’aayo cadceeddana aad moodayso in  jeegaanta iyo daruuruhu ka xoog bateen cirku waa shuux aad aan kuu qoynaynin , shanqadhuna ay yartahay oo aad maqlayso uun dhibaca dhulka ku dhacaaya

iyo hoonka gaawadhida ,dhaxan yarina way jirtaa isagoo ku talo-galkiisu ahaa inuu sawir uu habeen sii horaysay galay uu soo qaato oo ku socda dhinicii sawirlaha oo gawaadhida jidka kusoo jirta iska eegaaya ayuu ,mar kaliyaata ku baraarugayaa agtiisa kubab inta dhulka la dhigaayo ka dhuuban kuraantaana aad moodo cutiya nashqad qurxoon oo xine ahna lagu farayaraystay inta inyar laga qaaday marda aayar tal-talaabsanaayo isagoo ku maqan luhigii ayuu kor u eegay waaba gabadh qalanjo ah shalmad wayna hogoogan diraca faraqa haysata oo sidii daa’uuskii marna lugta bidix qaadaysa marna ta midi oo qoyaanka iska dhawraysa iyadu ma arkayso oo gawaadhida ayay iska eegaysaa oo ninkan la saaqay war uma hayso oo dhinaca ay baabuurtu ka soo socdaan ma ahee dhinaca kale ayuu isna taaganyahay  isoogood moodo inuu qadhqadhaayo dhinacna la yaaban gabadhan ayay isha ku dhufanaysaa isagoo soo eegaaya intay yara xishooto oo ay hagoogta wajiga dhinaca ka qarninaysaa iyadoo dhoola cadaynaysa  (subxanaka yaa cadiim)
Wiilkii inta la saaqo ayay ku soo dhacaysaa  heestii abwaan Gaarriye  ee Carshigii Jamaalka
cabdiyoow tallabada
cutiyaan idhaahdaa
timahaay cawayskii
cidhifyada u saartee
ku ciyaara laydhee
cawryeen haldhaayadu

intii uu heestaasi soo xasuusanaayay ayay inantii jidkii ka talaabaysaa ,isaguna waa uu taganyahay ,maxaa helay talow bal adba!
Cabaar markuu taagnaadu ayuu isna ka talaabayaa jidkii isagoo yara guclaynaaya si uu u gaadho inantii ,oo haduu gaadho muxuu odhan miyuu garanayaa ? haa waa uu garanayaa waa inantii saaqday , salam ayuuba ku bilaabay ku’ye walaalo ma fiicantahay ?,inta yara qososhay ayay cod aan xabeeb lahayn oo aad moodo caano saafi ah oo cunaha kuu maraay ayay ku tidhi { haa walaalo waan ficnaahay} ayay waliba u raacisay {maad dhaxa moonaysaa walaalo ] inta isna yara dhoola cadeeyay ayuu ku yidhi {qof wax garad ayaad tahay haa in aan badnayn ayaan yara dhaxamonayaa } ….. intaasi markii ay is waydaarsadeen ayay inantii ku odhanaysaa walaalo halkan ayaan  u socday ee garabkaaga .inta sidi qof baxsanaa hadlka ula soo boodo ayuu ku odhanaya waayahay walalo ee ma halkan ayaad gashaan iyana ayay ugu jawaabaysaa haa walaalo hotelkasi ayaanu dagenahay gartay intuu ku war celiyo ayuu mahadsanid ku odhanayaa iyana adibgaa mudan ayay ku dhaafaysaa .
Akhristayaal waa saaxiibkeen oo is badalay ! oo maxaa ku dhacay dee bal adba !
Isagoo la yaaban quruxda iyo wanaaga ay u muujisay ayaa inta uu u sii socdo meeshii uu u socday ee sawirlaha ayuu maankiisa iyo afkiisu isla sii faqayan waar qalanjadanoo kale maad arag markaasuu afkiina ku odhnayaa car maanta uun wax dheh oo inantaa mar kale hadal ku dheh  iyo igu eeg inaan la hadli waayo hada waa afkii iyo isagii ayaa isla sheegaysanaaya
Markuu goobtii sawirlaha soo gaadhay ayuu odhanayaa waxaan u baahanaa sawir aan galay habeen hore , loo baadh sawiradii. Shaqadoo badan awgeed ayaa lagu odhanayaa bal sawiradaasi ka eego ,waayahay ayuu odhanyaa  isagoo is leh malaha kuumay soo saarin sawirkaagii , marba mid qaad isagoo eegayaa dana aan ka lahayn sawirada kale . maxaa ka galay ku kale bal adba !
Markuu dhawr sawir eegay oo uu ku arkay rag ay asxaab yihiin sawiradoodii ayuu mar kaliyaata ku arkayaa sawir gabdheed oo si fiican loo sawiray wajigeedana uu hore u arkay markiibaa ka shaqaysii maskaxdii qaaradahoo dhanna il bidhiqsi ku mar, waxaa uu maankisu u soo qabtay inay tahay qalanjadii galabta ay is arkeen ee quruxda iyo qotonkaba alle u dhameeyay inta uu hoosta ka qoslay dhawir sawir oo ay lahayd si fiican ugu bogay iyo dhawar sawir oo kale oo ay kula jirtay hablo kale , markuu dhamaysatay ee uu sawiradiisiina ka qaatay ayuu isagoon warba isu hayn soo baxay , shaw waa loo dhawaaqayaa inankii sawirlaha hayay ayaa ku leh lacagtii maad bixin ! garoo waa uu isku soo ilaabay lacagtii nin meeli u cadahay meeli ka madow ayay soomaalidu ku maah maahdaaye inta uu bixiyay lacagtii ayuu socdkiisii ku beegay dhinicii huteelkii ay daganayd inantii waxa uu soo socdaba markii uu soo gaadhay meeshii , waaba inantii oo taagan afaafka hore ee huteelka isagoo la hadal is leh ayaa halka huteelka looga yeedhayaa inantii wayna jaleecaysaa adigu wax la waydiinaayay ayay uga jawaabaysaa dabadeeto inankii oo hor taaganba
Alla qurux waynaa ayuu uurka ka leeyahay, isagoon wax kale ku odhan ayuu odhanaya {walaalo sawiradiinii waa la soo saaray ee u doonta sawirlaha } inta ay ilka daaha dibnaha ka qaado oo ay dhoolo cadayso ood moodo waa halkii Gaarriyee
dibnaheeda culayga ah
cirridkeeda dhuxusha ah
ilkaheeda cadaanka ah

ayay ku odhanaysaa { waayahay walaalo mahadsanid }
ilayn waa kii ay Afkiisa iyo uurkiisu hashiiska kal dhigteen ah inuu inanta hadal ku ashqaraariyo e  waxa uu ku odhanayaa{ walaalo adigaa mudan ee magacaga ii sheeg?} haa walaalo waa qadan ayay ku odhanaysaa hadal dabacsan isagoo la kaftamaaya ayay ku odhanayaa ma khadan mise qadan intay il naxariised ku eegto ayay ku odhanysaa qadan intaa markii laysla maraayay ayuu telephonekiisii soo saarayaa oo u dhiibayaa  bal walalo numberkaaga iigu qor ayuu ku odhanayaa ,isagu waxa uu ka baqanayaa inuu numberku ka qaldamo  waayo talow bal idinkuba ! markaasu waliba u raacinayaa maxaad magaca igu sayf garayni inta ay qososho oo dhabankana ay yara godo ayay ku odhanysaa dee qadan, ladan ku dar ayuu ku odhanyaa ama qalanjo . inta ay kor u eegto ayay ku odhanysaa waa codsi kaa yimid markaasay ugu dul qoraysaa magaca qadan ladan
inta ay u qorto ayay u raacinaysaa laakin wali magaacii iimaad sheegin takale caawa ayaan ku noqonayaa magaaladii , inta uu yara khajilo ayuu ku odhanayaa waa naasir magacaygu laakin ma daganid magaaladan markaasay ku odhnaysa haa ma dagani oo safar ayaan ku joogaa walashay ayaa ila socota ayay u raacisay garawshiyo iyo waan gartay markuu ugu jawaabo ayuu isagoo la kaftamaaya ku odhanayaa miyaanad sawirkayga isiinaynin ?  
haa ayay ku odhanysaa aan soo qaado .
halkii waa laysku mahadcelinaya waana laysku bogayaa intaa ka dib ayuu ku odhanayaa meel ayaan yara gaadhayaaye aan kula soo hadlo iyana hawraarsan ayay ugu jawbaysaa iyo yaanan kaala tagin sawirka. Isagoo hoosta ka guuxaaya oo isleh intaad ku noqoto sawirlaha ma ka soo qaadataa ayuu hadana is  odhanayaa mayee iyadu ha ku siiso sidaasay sharaftu ku jirtaa iyo maamuuskuba
Haye ayuu ku odhanayaa aniga kula soo hadlaaya hadhow waayahay ayay ugu jawabaysaa . markii uu cabaar ka maqnaa ayuu soo wacayaa iyana way ka qabanaysaa markaasu ku bilaabayaa waan ku salaamay waa naasire maad joogtaa ayuu ku odhnayaa … isagoo hadalka wada ayay ugu jawaabaysaa maya ee hada ayaanu baxaynaa oo baabuurkii ayan saaranahayba ee bal istaankaasi kaalay markiiba waa uu ordayaa markuu gaadho ee lays maca salaameeyo ayay sawir qurxoon siinaysaa mahadsanid ayuu ku odhanaya iyadoo aan hadal badanba laysla gaadhin ayuu baabuurkii dhaqaaqayaa …..
Waa uu wacayaa isagoo leh
( aad ayaan kuu salaamayaa qadan ladan  walaalo qof wanagsan ayaad tahay alle ayaa qurux iyo dhererba kuu dhameeyay akhlaaqdana kuu raacshay walaalo aad ayaan kaaga haley waxaanan doonayay inaan xidhiidh wada yeelano laakinse wadigaa iga tagay qalbi galin  qudhqudhiyay wanagaaga ayaa cidlo dareemaaya  hadana khayr badan iyo nolol fiican ayaan kuu rajaynayaa insha allahna waad guulaysani sawirkaad isiisayna waan xifdinayaa inta aan murugoonaayo isaga ayaan waheshanayaa ) markuu intaasi ku yidhi ayay iyadoo qiiroonaysa ood moodo inay yara hiinfaadhaso ama ooyayso ayay iyana ku odhanaysaa
(aad ayaan kaaga qaaday salaanta walaalo naasir ,aduunyadu waa labadaa galin oo marna waad farxaysa marna waad murugoonaysaa waxanse mar kasta kaa raali galinayaa wixii dhinacayga kaaga imanaaya ,dhibna ma laha walaalo naasir maqnaashaha iyo fogaanshaha aan kaa fogaaday aniguba waan dareemay inaad tahay qof wanagsan ,markasta ogow in aynu soo wada xidhiidhno, takale bal adigu sawir ayad iga haysaaye bal ka waran xusuustayda cidloonaysa een sawirna kaa haynin )
Bartaa hada bartaasi saw ma arkaysid! halkee dee anigiibaad noola hadlaysaa sidii qof wax na tusayee ,sheekadu marakay halkaasi marayso ayaa la qotominayaa tiirkii ugu horeeyay ee nolosha cusub
Imika sheekadu waxay maraysaa halkii ugu saraysay indhaha ladan qalanjo qaali waa naasir cadde ,dhagaha naasir caddena waa ladan qaali .waxaan rajaynayaa in dhawaan maherkoodu dhaco aniguna aan arooska sii galbiyo
Idina akhristayaashow furitaanka fujaanada ayaan idiin daayay  sidaasaynu isku ognahay.
Maxamed Muuse Muxumed “Tiyo”
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.