Get Adobe Flash player

 

Iskaashigu waa Badhaadhe – W/Q. Cali Dhanaaniye

Xigmad ingiriisi ah ayaa odhanaysa markasta oo aad wax akhrido waxaad ogaataa wax badan. Qiimaha uu leeyahay wax akhrisku  waa mid aad u culus oo aanaan qalin ku soo wada uruurin karin, ogow inuu qofka

wax akhriyaa 50 sanno ka horeeyo ka aan waxba akhriyin. Aragtidayda oo taada lagu daray waxay soo baxaysaa wax aad u qaaliya, waxaan akhriste kuleeyahay ila dheeho maqaalkan adiga oo isu geynaya aragtidaada iyo taada, waayo murti carbeedbaa odhanaysa horumarka noloshiinu waa dareenkiina caadifadeed iyo awoodiina maskaxeed oo la isu geeyo, maahmaah soomaaliyeedna waxay tidhaahdaa (gacmo wada jirbay wax ku gooyaan) waxaan uga socdaa waxanoo murtiya bal hadda inaad wax yarna baraarugto.
Iskaashigu waa badhaadhe,
Nolosha lagu baadi goobo,
Barwaaqiyo horumarkeena,
Bulshadu dhidig iyo laboodna,
Ku buuxiso baylahdeeda
  (1) Cali Dhanaaniye
Ma ogtahay in ay fiican tahay in wax la isu geeyo? waayo maahmaah soomaaliyeedbaa tidhaahda (qudhaanjo ururtay mulac waa jiidaa)
Ma og tahay haddii aynu isu geyno cududdeena iyo awooddeena inaynu waxna qabsan karno, waxna dumin karno, ogowna murti caana ayaa tidhaahda way fududahay sida wax loo bur-buriyaa, laakiin waxa adag sida wax loo dhiso.  Haddii aynu bulsho ahaan u fahano siyaasadda nolosha waxa aynu noqon karnaa bulshada ugu yaabka badan bulshooyinka ku dhaqan dunida korkeeda, laakiin ayaan darrada jira ayaa ah waxba ma qabsankarno ilaa ay dawladda ama haayadi wax inoo qabato, runta hadaad rabto waxa aad leedahay waxaad keensato. xigmad carbeedbaa ahayd noloshaadu waa waxaad gacantaada kula soo baxdo. Sidda muuqata waxa innagu jira wahsi iyo shaqo nacayb, waxana aynu isku halaynaynaa noole kale oo isaga aabihii iyo awowgii u sii shaqeeyeen, inagu waa inaynu wax u sii tabacnaa ubadkeena si’ay aayaha danbe u intifaacsadaan oo ay ugu istareexaan. Ogow oo maanka ku hayso in wax waliba kaa yeelayaan sida aad ka yeesho oo kale, iimaamu shaafici ayaa laga hayaa (rc) waxaynu dhaleecaynaa wakhtiga laakiin nafeheena ayaa dafiica oo dhaleecaysan. Marna kama daalayo baraarujintaada, dhiirigelintaada, wax u sheegaaga, iyo waanadaada waayo waxaad tahay dadkaygii iyo mujtamacaygii.
Illaa daayin abidkay
Dawankaan rux-ruxayaa,
Falna waan ku darayaa,
Marka doobi buuxsamo
, (2) Hadraawi
Miyay badatay canaantaydu? waanka xumahay tan oo kale waxaa la yidhaahdaa guubaabo iyo hiyi kicin oo waxaa lagu baraarujiyaa noole iska seexday oo nolosha ka dhacay ama qarka ka jooga oo weli la mida dhoobiga adhiga la jooga ee baadiyaha ku nool. Ma og tahay inaad tahay suurad ilaahay abuuro ta ugu quruxda badan? Mase ogtahay inaad tahay bani’aadamkii ilaahay u abuuray kownka inta le’eg oo dhan, keliya ilaahay abuuristaada u jeedo kale kamuu lahayn oo aan ahayn inaad caabudo hadaad garan weydo sow hoog iyo jab kuuma aha, maaha inay ku duufsato noloshan beenta ahi:
Dhaqan reer galbeediyo,
Dhaldhalaalka ha u bogin,
Dheg xumada ibliiskiyo,
Ka dhiidhiya belaayada,
Reer galbeedku dhoobeen,
Ninka dhinaca xiirtiyo
Soo dhabaco shaydaan
Wallee waanaan kuu dhicin
Kuuna soo dhowaanoo
Kaa dhiganin saaxiib
Ha ii dhuuman weligaa
   (3) Cali Dhanaaniye
Waxa aan aad uga murugoodaa markaan arko han yarida dadkayga iyo han weynida doqon reer galbeed oo cadaawad iyo nacayb ba’ani na dhexyaalo iyo dadkaygii oo aan dhaadanaynba oo cadow ka dhiganaya walaalkiisii cid ugu xigay, hadda xumaatada iyo cadaawada soomaali dhexdeeda taala waxa uu gaadhay heerkii ugu sareeyey, reer walibana waxa uu shisheeye u arkay kii uu u irkan lahaa berri ka maalin markay runta gaadho. Horaa loo yidhi: (af nooli hadal ma daayee)  waxaan dadkaygoow ku odhanayaa
Qabyaaladdu waa belaayo
Belaayana looma baahna
Badheedhe nimaan lahayn
Baqiyo fulaybaa ku dhuunta
Kashiisu nimay baqayso
Ayaa bidoo ciirsi mooda
Dadkaygoow samaha beero
Dadkaygoow xumaha baaji
Dhulkeenniyo nabadda baano
Af keenniyo baaxaddiisa
Hiddiyo dhaqankeenna buuxa
Ka baaji inuu halaabo
  (4) Cali Dhanaaniye.
Email This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.    
Burco, Togdheer
© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.