Get Adobe Flash player

 

Hubsiimo Hal baa la siistay – W/Q. Cabdalla Xaaji Cismaan

Waxa dhawaan degellada Soomaalida qaarkood ku soo baxay maqaal uu qoray qoraageenna Ibraahim Hawd. Maqaalkaas oo cinwaan kiisu ahaa:  “Daraawiishi yaa ay ahayd?” uuna kaga hadlay Ina Cabdille Xasan iyo

daraawiishtii uu hoggaaminayey iyo aragtiyaha kala duwan ee laga qabo. Qoraagu bilawga maqaalkiisa waxa uu ku sheegay inuu soo akhriyey buug dhawaan soo baxay oo uu qoray qoraaga caanka ah  Cabdiraxmaan Faarax (Barwaaqo). Buuggaas oo cinwaankiisu yahay: Ina Cabdille Xasan ma Sheekh buu ahaa, Mise?  Bilawgiiba markaan isha qac ku siiyey maqaalka Ibraahim Hawd waxaan laabta gashaday in sidii looga bartay uu gorfayn iyo naqdi ku samaynayo buugga uu cinwaankiisa xagga hore soo dhigay, hasa yeeshee taasi ma dhicin oo waan ku hungoobay. Waxa uu la mid noqday qof dahab laga sugayey oo naxaas iyo maar la shir yimid.
Waxa uu qoraagu eedo ballaadhan u soo jeediyey rag uu yidhi sooyaalkii dhabta ahaa ee Sayidka iyo daraawiishtii ayey ka been sheegeen. Intaas waxa uu raaciyey in Sheekh Jaamac Cumar Ciise oo ah qoraaga labada buug ee kala ah taariikhda Ina Cabdille Xasan iyo Daraawiish iyo Diiwaanka gabayada Sayidka uu isku dhiibay Jamhuuriyadda Jabuuti iyo madaxweyne Md. Ismaaciil Cumar Geelle Waxa kale oo uu isla markaana Sheekh Jaamac ku eedeeyey inuu wax ka beddelay daabacaaddii labaad ee Diiwaanka gabayada Sayidka, si uu Sheekhu ugu raalli geliyo buu yidhi madaxweynaha Jabuuti.
Markaan wada akhriyey bay ila noqotay inaan wax ka idhaa maqaalka Ibraahim Hawd.
Qalinka uma qaadan inaan afhayeen u noqdo ragga uu qoraalkiisa ku weeraray Ibraahim Hawd iyo inaan naqdiyo midna, keliya waxaan rabaa inaan saxo gef ay hubsiimo la’aani u geysay qoraaga iyo dood aan ka qabo gabay uu Sayidku tiriyey oo ujeeddadii la duway. Gefkaa ay hubsiimo la’aantu u geysay iyo gabayga ujeeddadiisii la duway waa kuwee?
Si aan uga warceliyo weydiintan aan soo qaato qaybta aan u dan leeyahay ee maqaalka qoraageenna oo sidii uu u qoray ah.
Isaga oo sidaas ah ayay wadaadka mashaqo aan tii hore ka yarayni la soo daristay. Isaga iyo qoraalladiisii uu jeclaa ee uu boorsada ku sitay waxa ay mar kale magan iyo marti u noqdeen kelitaliye kale oo la yidhaahdo Ismaaciil Cumar Geelle. Aw Jaamac Jabbuuti buu isu dhiibay, halkaas ayaana buugaagtiisii loogu daabacay. Laakiin Ina Geelle wax bilaash ah ma bixiyo, sidii aan Maxamed Siyaad Barre wax bilaash ah u bixin jirin. Kelitaliye waliba cod uu dadweynaha ku sixro ayuu doonayaaye ma u haysaa? Haa, aw Jaamac maanta ninkaa dadkiisa madaxa kaga taagan ayuu gelinka hore iyo gelinka dambeba ammaanaa. Intaas uun ma aha ee isaga dartii ayuu qoraalladiisii hore dib u furfuray oo wax ka beddelay. Ugu yaraan beddelid halis ah ayuu Cabdiraxmaan-Barwaaqo buuggiisan innagu tusay.
Diiwaankii maansada iyo taariikhda Ina Cabdalle Xasan, ee uu aw Jaamac Cumar Ciise ururiyay, waxaa ku qoran tixda caanka ah ee ay soomaalida badankeedu taqaanno. Waa tixda uu dagaalyahankaasi ugu talagalay in uu ku maago gabyaagii ay xafiiltanka lahaayeen ee la odhan jiray Cali Jaamac Haabiil, ha yeeshee uu soomaali oo dhan ku caayay. Ina Cabdalle Xasan tolalka uu tixdaa ku aflagaaddeeyay waxaa ka mid ahaa qabiilka Ciisaha, kaas oo uu ku yidhi: Ciisaha bakhtiga hiigayiyo haqay midgaan baa leh. Caydaasi ka ma duwana wixii uu ninkaasi reeraha kale oo dhanba ku yidhi, ha yeeshee aw Jaamac kol haddii uu Ina Cumar Geelle magan u yahay, waxa ay la noqotay in aanu wax san mooyee wax silloon dhegtiisa maqashiin. Sidaa darteed meeriskaa gabayga ah macnihiisii wuu dooriyay, waxa uuna qoray: “Ciise wuxu ula jeedaa Ciise Muuse – Habar Awal”! Soomaaliyi meel ay joogtaba qeexiddaa waa ay ku qoslaysaa. Laakiin aw Jaamac waa ay ka suurtowday. Dabadeed waxaa qasab ku imanaysa iswayddiin ah: Aw Jaamac imisa wax oo taa la mid ah baa ka suurtoobay muddadii dheerayd ee uu dadka soomaalida wax uga sheegi jiray Ina Cabdalle Xasan iyo daraawiish? Imisa jeer buu sheegay wax uu Maxamed Siyaad Barre ama cid kale ku raalligelinayo?”
Haddaba aan ka warceliyo hubsiimo la’aanta iyo gefka qoraageenna. Waa marka koowaade aan u sheego Ibraahim Hawd in Jamhuuriyadda Jabuuti aanay ahayn dal la isku dhiibo sida dalka Sweden ee uu maganta u yahay. Jabuuti waa dal Soomaaliyeed oo marti iyo mudanaba soo dhaweeya isla markaana maamuuskii, dhaqankii wanaagsanaa iyo xeerkii ku dheggan. Waxaan rabaa inaan sheego oo aan caddeeyo sidii uu Jabuuti ku yimid Aw Jaamac Cumar Ciise iyo sidii ay isku barteen madaxweynaha Jabuuti. Waxaan ka warramayaa xaqiiqo aan u joogay ee ma'aha ku-tidhi-kuteen iyo male awaal.
Sannadkii 2002dii waxa Jamhuuriyadda Jabuuti iyo madaxweynuhu marti geliyeen shir lagaga wada hadlay sidii erey-bixin midaysan loogu samayn lahaa warbaahinta af Soomaaliga adeegsata. Shirkaa waxa ka soo qayb galay wariyeyaal caan ah, qorayaal iyo abwaanno Soomaaliyeed. Waxa ka mid ahaa Maxamad Ibraahim Warsame (Hadraawi), Cali Sugulle, Maxamad Xaashii Dhamac “Gaarriye” (Allaha u naxariisto), Axmad Faarax Cali “Idaajaa”, Yuusuf Garaad Cumar, Axmad Xasan Cawke, Siciid Faarax Yare, Cabdi Xaaji Gobdoon, Cabdulqaadir Xirsi “Yamyam” (Allaha u naxariisto) iyo akhyaar kale oo bulshada dhexdeeda magac iyo maam,uus ku leh. Waxa kale oo iyaguna goobjoog ahaa weriyeyaal ka socday Raadiyow Hargeysa, Raadiyow Addis Ababa, iyo qaar kale. Aw Jaamac waxa uu ka mid ahaa aqoonyahankaa iyo waxgaradkaa martiqaadka loo fidiyey. Gebagebadii shirka waxa khudbad ka jeediyey madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Maalintaa madaxweynuhu waxa uu sheegay in dhawaan Jabuuti laga aasaasi doono Machadka horumarinta afafka islamarkaana ciddii buugaag dhaxalgal ah qorta loo daabici doono. Hadalkaa madaxweynaha ayaa markii u horreysay dhiirrigelin iyo ididiilo hor leh ku abuuray Aw Jaamac Cumar Ciise, waayo waxa sanduuq Nayroobi yaallay uga buuxay wax alla wixii uu taariikh iyo suugaan uu soo ururiyey kontonkii sano ee aynnuu soo dhaafnay.
Dhammaadkii shirka ka dib waxa Sheekh Jaamac laga codsaday in uu telefiishanka Jabuuti (RTD) u duubo sooyaalkii Sayidka iyo daraawiish. Arrintaas oo Sheekhu oggolaaday. Dabadeed lix iyo toban xalqadood ayaa laga duubay isaga oo ay weheliyaan Axmad Faarax Cali “Idaajaa”, Yamyam, Xaashi Cabdillaahi oo ahaa ninkii noo suurageliyey qabashada barnaamijka, Maxamad Cabdillaahi Riiraash iyo aniga oo doodda u qaybinayey. Markaa dabadeed Sheekhu Kenya ayuu ku noqday.
2003dii ayaa mar labaad shir lagu qabtay Jabuuti. Shirkaas oo ahaa kulan weynihii Ururka qalinleyda iyo halabuurka soomaalida ee Somali-Speaking-Pen.
Waxa lagu marti qaaday aqooyahanno iyo halabuurro tiro badan oo uu Aw Jaamac ka mid ahaa. Shirkaasi markuu dhammaaday, haddana Sheekhu Kenya ayuu ku noqday ee hayd goobtii uu kolkaa deggenaa.
Bishii koowaad ee sannadkii 2005tii ayaa Aw Jaamac oo wata buugaag badan oo u baahnaa uu Jabuuti ka soo degay. Muddo gaaban dabadeed madaxweynaha ayaa qaabilay. Kulankaas oo qaatay shan iyo toban daqiiqo waxa uu sheekhu hordhigay Ismaaciil Cumar Geelle shan buug oo uu ka codsaday in loo daabaco, madaxweyunuhuna uu ka oggolaaday. Sidaas ayaa buugaagtaas loogu daabacay shuruud la’aan isagoo u madax bannaan. Buugaagtaasi waxa ay kala ahaayeen afar Soomaali ku qoran iyo mid Carabi ah.
Sheekh Jaamac Cumar Ciise sababtaa ayuu Jabuuti ku yimid ee ismuu dhiibin sida uu qoraageennu ku sheegay maqaalkiisa. AwJaamac waa oday soomaaliyeed oo waayeel ah. Waa qoraa magac iyo maamuus ku leh bulshada dhexdeeda, in Jabuuti iyo madaxweynuhuba soo dhaweeyaan oo marti gelin, maamuus iyo sooryo tii u sarraysay la siiyo waa dhaqan iyo xeer soomaali oo dhan u dhexeeya. Waxa kale oo Jabuuti lagu marti geliyey oo deggan abwaanno iyo fannaaniin soomaalida dhexdeeda magac ku leh. Intaa waxa dheer in madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu Baastaboorka Jabuuti ku maamuusay ka dib codsi uga yimid abwaanno, fannaaniin iyo weriyeyaal caana iyada oo aan wax shuruuda lagu xidhin haba yaraatee,mana jecli inaan halkan ku taxo magacyadooda. Qorayaal kale oo buugtooda shuruud la’aan loo daabacayna iyna way jiraan.
Sidaan kor ku soo xusay Ibraahin Hawd isaga oo sii wata maqaalkiisa waxa uu Sheekh Jaamac ku eedaynayaa inuu meeris ku jira tix caana oo Sayidku ugu jawaabayo gabay uu Cali Jaamac Haabiil u soo tiriyey Sayidka uu macneheedii dooriyey si uu ugu raalli geliyo Ismaaciil Cumar. Meeriskaa oo ah: “Ciisaha bakhtiga hiigayiyo,haqay midgaan baa leh”. Waxaad mooddaa in qoraageennu aanu akhrinba gabayada Sayidka, daabacaaddii hore ee 1974kii iyo ta labaad ee 2005tii. Horta meeriskaa macnaha ma uu doorin sheekhu ee sidii uu ahaa buu u qoray, keliya caddayn umbuu ku daray daabacaadda labaad, si uu muranka imikaba jira meesha uga saaro. Caddayntaas oo ah, “Ciise waxa uu ula jeedaa Ciise Muuse, Habar-awal”. Caddaynta Aw Jaamac waan ku raacsanahay, sabab la’aanna uguma raacin ee waxaan soo daliishan arrimo cadcad:
Waa marka koowaade Sayidku waxa uu ka jawaabayaa gabay uu Cali Jaamac Haabiil daraawiish u soo tiriyey oo ahaa (Dameerkaa hariiryaha leh iyo, heer Dhulbahantaa leh). Garo oo Cali Jaamacna waa Ciise Muuse, Habar-awal.
Waa marka labaade, qabaa’ilka soomaalida oo dhan kuma wada caayin gabaygan Sayidku, sida uu Ibraahim Hawd maqaalkiisa ku qoray ee waxa gabaygu ku socdaa waa qabaa’ilkii ay daraawiish colka ahaayeen oo keliya, sida Majeerteen, Warsangeli iyo Isaaq.
Waa marka saddexaade Ciise Madoobe iyo Daraawiish haba yaraatee colaad dhex martay lama hayo af iyo addin midna, degaankooduna aad buu uu kala fogaa.
Waa marka afraade, waxa jira gabay kale oo Sayidku tiriyey oo isna jawaab u ah Cali Jaamac Haabiil. Gabaygaas waxa uu ku bilaabmaa “Xuseenow ninkii hagar yaqaan, waa habaar qabe e.” Aan soo qaato tuducyo ku jira gabaygan si aan u sii xoojiyo dooddayda.
Axmad Nuuxa nirig haaruf badan, kabar u heereeyey
Ee hilinka meeshiyo Hiraab, habaqluhuu qaaday
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye
Muusa Carraha haragga iyo, hoodhka xidhanaaya
Ee qudhunka ay huursadeen, lagu hunqaacaayo
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye
Ciisaha bakhtiga hiigayoo, haadka qalanaaya
Ee calaha habuurka badan, hagida meeraaya
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye
Habar Yoonis iyo reer Jugliyo, Habar Magaadloo dhan
Iyo Caliga hoosada Berbera huluqa jiidaaya
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye.
U fiirso tuducdan aan kor ku soo qaatay, waxa uu Sayidku ku maagayaa waa qabiilka uu Cali Jaamac ka soo jeedo, xitaa haddaad gabayga oo dhan wada akhrido qolo kale kuma xusna. Waa yaabe xaggee Ciise Madoobe ka soo galay colaadda u dhaxaysay daraawiish iyo qabaa’ilkii ku xeerraa?
Sannadihii siddeetamaadkii marar badan oo aan fasax ku tegay Addis Ababa waxaan halkaa kula kulmay, Allaha u naxariistee Sayid Cabdikariim Maxamad Cabdille Xasan oo markaa ahaa wiilka keliya ee ka noolaa wiilashii Sayidka. Cabdikariim sooyaal badan oo aan xiisaynayey baan ka soo qoray, su’aalihii aan weydiiyey waxa ka mid ahayd tan ku saabsan gabayga uu Sayidku ugu jawaabay Cali Jaamac Haabiil. Isagoo weydiintaa iiga warcelinayana waxa uu Cabdikariim yidhi, “Horta gabaygu waxa uu ku jeedaa Cali Jaamac, Calina waa nin Ciise Muuse ah. Ciise Madoobe iyo daraawiishna wax dhex maray lama sheegin”. Si aan u caddeeyo kulanka na dhex maray aniga iyo Cabdikariim waxad daalacataa daabacaadda labaad ee buugga Diiwaanka gabayada Sayidka, geeraarka keliya ee qaafiyaddiisu Y da tahay anigaa ka soo qoray Cabdikariim Maxamad Cabdille Xasan, Aw Jaamacna magacayga ayuu halkaa ku xusay.
Caddaymahaas oo dhan baan u hayaa in meeriskaa ku jira tixda Sayidku sax ku yahay sida uu Aw Jaamac ku caddeeyey buuggiisa Diiwaanka gabayada Sayidka daabacaadda labaad ee 2005tii, ayna khalad yihiin sida Ibraahim Hawd inoo sheegay iyo sida Barwaaqo ku qoray buuggiisa
Gebagebo:
Waxa jira gabay kale oo Sayid Maxamad tiriyey cinwaankiisuna yahay(Awal maanso waataan balfay). Gabaygaas waxa ku jira tuducyadan hoos ku qoran{
Ciisihii badaawida ahaa, buulna laga waaye
Burco wuxu la tegey gaajo iyo, boohin iyo caydhe
Mahad laga bogsoo bahalihii, baabusha lahaaye
Ugu dambayn qoraageenna Ibraahim Hawd waxaan weydiinayaa, Ciisahan Burco la tegey gaajada, oohintiyo ciilka waa kuwee? Ma Ciise Madoobaa? Ma Ciise Muusaa? Ma Ciise Garxajis baa? Mise waa Ciise Maxamuud?
Intaanad falin ka fiirso, hubsiinana ogow
Cabdalla Xaaji Cusmaan
E-Mail: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.  
Qalinleyda © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.