Get Adobe Flash player

 

Tabliiqii Afka Soomaaliga – W/Q. Muuse Dalmar

Shalay oo ay taariikhdu ku beegnayd 01.12.2012, ahaydna maalin sabti ah, goor ay saacaddu ku beegnayd sagaalkii subaxnimo ayaa aniga oo ah Muuse Dalmar iyo walaalkay  Qoraa/Abwaan Maxamed Xirsi Guuleed

´´ Abdibashir´´ ka amba baxnay magaalada Stockholm oo ah caasimadda waddanka Sweden. Waxaanu isla markiiba ku dhacnay tareen bilicsan oo ah nooca dheereeya. Markiiba waxaanu salka la helnay kuraasidii ay ahayd inaanu fadhiisano, ee tigidhada noogu yaallay. Waxaanu sidanay laba shandadood oo waa weyn oo buugaag tiro badan oo Af Soomaali iyo afaf kale isugu jiraa ka buuxaane, waxaanu ku hubsanay qolkii alaabaha rakaabku sitaan loogu talo galay.
Waxa ay ahayd maalin qabow, oo baraf badan ayaa da'ayay, halka kii  ayaamo ka hor da'ayna uu weli dhulka tuulnaa. Intii aanu tareenku nala dhaqaaqin, waxa ay indhahayagu qabanayeen shaqaalo badan oo lebbis hurdi ah wata, oo majarafado barafka kaga gurayay waddada uu tareenku maro. Tareenkii nala soo dhaqaaq, una soo jiciiranay halkii uu muraadkayagu ahaa, oo ahayd magaalada Alvesta oo ku taala koonfurta waddanka Sweden, magaaladaas oo aanu isla maalintaas ku lahayd barnaamij suugaaneed aanu ku soo bandhigaynay buugaag iyo suugaan kale duwan. Waxaana barnaamijka magaalada Alvesta buddhig u ahaa, daahfurka buugga cusub ee Aan Ooyee Albaabka Ii Xidha ee uu qoray qoraaga Maxamed Xirsi Guuleed iyo waliba riwaayadda cusub ee Tayo Beelka Carruurtu Waalid Buu Tebeyaa oo uu sameeyay Muuse M. Ciise ´´ Dalmar´´.
Wakhti k beegan abbaaro kowdii duhurnimo ayaanu gaadhnay magaalada Alvesta. Asxaab qiimo badan ayaa xarunta tareenka nagu sugaysay, oo si fiican noo soo dhawaysay. Kadib markii aanu qado iyo nasasho isku darsanay waxaanu u kacnay dhankii madasha hawshu ka dhacaysay, oo ahayd hool qurux badan oo si wacan loo bilay. Wakhti ku beegan saddexdii galabnimo ayuu barnaamijku si rasmiya u bilaabmay. Barnaamijka oo ahaa mid si weyn dadweynuhu u xiisaynayeen ayaa markiiba waxa madasha soo camiray dad weyne tiro badan, oo rag, dumar  iyo carruur isugu jira.
Barnaamijka oo uu daadihinayay Khadar Cumar ayaa waxa uu ugu horayn u yeedhay Mubaarig Ciise si uu barnaamijka ugu furo aayado Quraan ah. Intaas kadib waxaa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay Cabdirahmaan Sheekh oo ah guddoomiyaha ururka Soomaalida ee magaalada Alvesta. Cabdirahmaan oo ahaa guddoomiyaha ururka barnaamijka soo qaban qaabiyay ayaa madasha ka soo jeediyay kalmad soo dhawayn iyo mahadnaq ah. Intaas ka dib waxaa la gudo galay ubucdii barnaamijka maalintaas, waxaana codbaahiyaha la wareegay Qoraa Maxamed Xirsi Guuleed oo ah madaxa Akademiga Afka Sooomaaliga ee xaruntiisu tahay magaalada Stockholm. Maxamed ayaa si mug weyn leh u soo bandhigay suugaantiisa iyo waliba waxqabadkiisa halka qoraalka. Maxamed oo madasha ku soo bandhigay in ka badan 10 buug oo uu isagu qoray ayaa si qolo dheer ugu sii dheeraaday buuggiisa cusub ee Aan Ooyee Albaabka Ii Xidha, buuggaasi oo ah mid uu Maxamed ku soo ururiyay suugaan badan oo ah suugaantii halganka gobonimo doonka oo ay tiriyeen hal abuuro badan oo Soomaaliyeed. Dhanka kalena Maxamed waxa uu madasha ku soo bandhigay suugaantiisa, isagoo si gaar ah u soo qaatay maansooyin koob-kooban oo uu ka tiriyay nolosha qurbaha iyo duruufaha ay ku jiraan dadka Soomaaliyeed.
 Intaa kadib waxaa hadalkii la wareegay Muuse M. Ciise ´´ Dalmar´´ oo ah madaxa ururka hiddaha iyo dhaqanka ee Hiddodhawr.org.  Muuse ayaa si guud uga hadlay buugaagtiisa iyo waliba suugaantiisa, isagoo madasha ku soo bandhigay maansooyin koob-kooban oo uu ka tiriyay nolosha qurbaha iyo waliba duruufaha ay ku jiraan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan waddamada reer galbeedka. Muuse oo isaga si gaar ah maalintaas looga sugayay soo bandhigida riwaayaddiisa cusub ee Tayo Beelka Carruurtu Waalid Buu Tebeyaa, ayaa si farshaxanimo leh u soo bandhigay riwaayaddan cusub oo ka hadlaysa nolosha qurbaha iyo qoyska Soomaaliyeed. Muuse ayaa aad uga sheekeeyay waxyaabihii ku dhaliyay in uu sameeyo riwaayaddan iyo waliba duruufihii ay la soo martay. Muuse ayaa ku dheeraaday faa'iidada ay leedahay in fanka wax loogu sheego bulshada iyo sida ay maanta bulshadu ugu ooman tahay fan qiimo leh oo wata madadaalo iyo wacyi gelin. Muuse waxa uu dhanka kale sheegay in Alvesta tahay magaaladii Siddeedaad ee uu riwaayaddan cusub ku soo bandhigo, isagoo sheegay in maalinta axadda ee 02.12.2012 uu ku soo bandhigi doono magaalada Växjö. Isagoo dhanka kalena sheegay inay barnaamijyadan oo kale ku wareejin doonaan dhammaan gobolada waddanka Sweden oo dhan iyo waliba waddamada Iskaandineefiyankaba.
 Bandhig suugaaneedkan wareega ah ee qorayaashu kolba magaalo ku tagayaan ayaa ah mid xiiso badan oo dad badani ay u arkeen in uu yahay Tabliiqii Afka Soomaaliga.
 Bandhig suugaaneedkii Växjö
 02.12.2012 oo iyana ku beegnayd maalin axad ah waxaa magaalada Växjö lagu qabtay bandhig suugaaneed ay weyn oo lagu soo bandhigay buugaag iyo suugaan kala duwan.
Maalintan oo ay iyana mart ahaayeen labada qoraa ee kala ah Maxamed Xirsi Guuleed iyo Muuse Dalmar ayaa waxay ahayd maalin aad u xiiso badan. Waxaanay qorayaashu maalintaas madasha ku soo bandhigeen suugaan kala duwan iyo waliba buugaag tiro badan oo ku qoran af Soomaali. Qoraaga Maxamed Xirsi Guuleed ayaa isagu si gaar ah madasha ugu soo bandhigay labadiisa buug ee kala ah, Hablaheenna iyo Aan ooyee albaabka ii xidha. Dhanka kalena Muuse Dalmar ayaa isna meesha ku soo bandhigay riwaayaddiisa cusub ee Tayo beelka carruurtu waalid buu tebeyaa iyo waliba suugaan kala duwan.
Barnaamijka oo ahaa mid si gaar ah loo xiisaynayay, dad badanina ay ka soo qayb galeen ayaa ku dhammaaday jawi aad u qurux badan.
Muuse Dalmar
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Sweden
© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.