Get Adobe Flash player

 

HARGEYSA & HAWD: Xarumihii Halganka iyo Nabadaynta Somaliland – W/Q. Siciid Gahayr

Waxa lagu dhawaaqay natiijadii doorashada Golaha Deegaanka Hargeysa taas oo muran ka dhalisay qaybo ka mid ah caasimadda Hargeysa. Waan ka garaabayaa tabashada jirta iyo saluugga hadda taagan, waayo aadamigu

kalamaan wuu ku noqon karaa aragti, waxaanse ku kalsoonahay in cakirnaanta aloosani aanay noqon doonin mid kala geysa shacbi-weynaha Somaliland ee walaalaha ah iyo xukuumaddooda. Aniga oo aaminaad  buuxda ku qaba sooyaalka, maamuuska iyo milgaha ay leeyihiin taageerayaasha iyo hoggaanka urur-siyaasadeedka Xaqsoor iyo madax-dhaqameedka ehlu-sharafka ah ee Hargeysa iyo Hawd.
Mujaahid Xasan Ciise Jaamac waa siyaasi magac weyn iyo ruug-caddaa samo-talis ah, abtina waan u ahay, ehelna waanu nahay. Waa hanad ka mid ah aasaasayaashii SNM welibana hantidiisa, maskaxdiisa iyo muruqiisaba geliyay sidii dalka loo xoreyn lahaa. Waa diric ka hufan xurgifihii sokeeye iyo shaqaaqooyinkii ka huray waddanka 1992-1996ka, kana doorbiday inuu ka maqnaado gulufyadii xigaalku isku dhacay oo sita shaadh cad ah oo nadiif. Kolkii uu ahaa madaxweyne ku-xigeenka Somaliland waxa uu door ka qaatay daminta colaaddii Burco ka aloosantay horraantii 1992-ka isaga oo markaa ahaa ku-simaha Madaxweynaha, xilligaas waxa uu C/Raxmaan Axmed Cali ku maqnaa dibaddda. Xasan waxa uu Hargeysa ka diray guurti damisay colaaddii Togdheer, waxaana kala qayb galay waxgarad ka yimi Boorama iyo Laascaanood.
Sidoo kale waxa uu door libaax ka qaatay daminta rabshadihii Berbera ka dhacay 1992-kii iyo Shirkii Sheekh ee Tawfiiq. Waa hormoodkii jideeyay hannaynta ee 1993-kii sida xasilloonida leh xilka qaranka u wareejiyay 1993-kii markii la qabtay shirka Boorama 1993-kii. Maantana anigoo og samaanta iyo garaad-suubbanidiisa waxa aan filayaa inuu qaadan doono ixtiraam mug leh iyo go’aan xoojiya wada-jirkeenna qarannimo.
Deegaanka Gobolka Hawd iyo caasimadda Balli-gubadle waa xaruntii hoyga u ahayd hayaankii iyo higsigii soo celinta gobanimadeenna. Si yoolkaas loo gaadhana waxa ay bulshadeedu hureen naf iyo maal aan tiro lagu koobi karin. Waa deegaan lagu yaqaanno niyad-wanaag, dulqaad iyo dibindaabyo la’aan. Inta aan ogahayna waxaan 100% ku uursamahay in ay sii labanlaabi doonaan horseednimada dhanka khayrka, ee cid ku labaysa mooyaane ay kow ka ahaan jireen. Hawd iyo Hargeysi waa dhulka uu ka soo jeedo halyeeygii weynaa, Suldaankii geesinnimada ku astaysnaa, madax-dhaqameedkii hibadu saarnayd, daadidihiyihii gacalka, daadifeeyihii duudsiga iyo furihii horseedka u ahaa ammaanka aynu hadhsanayno.
Toloow waa kuma ninkaasi? Alle ha u naxariistee waa Suldaan Maxamed Suldaan Faarax Suldaan Mahad oo ahaa beel-daajihii koowaad ee si toos ah ugu biiray halganka SNM gu’gii 1983-kii,  welibana laf-dhabar u ahaa guurtidii SNM ka taakulayn jirtay dhaqaalaha, ciidan-ururinta, abaabulka iyo xallinta khilaafaadka. Markii dalka la soo galay ee la waday hub-ka-dhigista maleeshiyaadka daydayga, Alle ha u naxariistee Suldaan Maxamed iyo beeshiisu waxa ay ahaayeen kuwii koowaad ee sida cadceedda u iftiimiyay inay hubkooda ku wareejinayaan dawladda. Waana amintii shirka hub-dhigista uu AHUN Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal kaga dhawaaqay Garoonka Kubbadda Cagta ee Hargeysa Stadium. Waa sooyaal aan duugoobahayn iyo mudan taariikheed oo xuskooda leh. Mar kale ayaan u dhiganayaa xuska doorkii AHUN Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, timaaddadana waxa ay ka soo saari doonaa dhigane (buug) haddii Alle idmo.
Hargeysa iyo Hawd waa halka ay ka soo jeedaan gabyaayadii caan-baxay ee Faarax Nuur iyo Cabdi Iidaan Faarax Alle naxariista Janno ha ka waraabiyee oo aynu ognahay siday keenadiidka u ahaayeen, hilfahana ay ugu laabeen Gumeystihii Ingiriiska iyo Xukunkii Milatariga Soomaaliya.
Waxaan maskaxda ku hayaa dardaaran waafi ah oo ay saaka Istaadyoonka ka jeediyeen madax-dhaqameed iyo siyaasiin waawayni, dulucdiisuna ahayd in dhallinyarada loo caqli-celiyo, arrinka lagu dabbaalo laguna gorfeeyo nabad iyo negaadi. Garaadkayga waxa ka buuxa xusuus aan duugoobin, qiime weyn iyo qaayo miisaan leh oo aan u hayo Suldaanka Guud ee Beelaha Hawd iyo Hargeysa Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo ah hal-door ku habboon buuxinta jagadii aabbihii, kana hidde-raacay astaamo badan oo la isku majeerto aqoon gaar ahna aanu isu leennahay. Halkuu Suldaan Cumar innaga xigo waxa jooga raggeeddii iyo beel-daaje yaqaanna kaalinta ku aaddan. Marna werwer kuma jiro inuu Suldaan Cumar guntiga dhiisha u xidhan doono dhanka khayrka, joojinta dhiig daata iyo ololaha ambaqaadkiisu yahay midnimo, wadajir iyo walaalnimo waarta. Suldaanka duco ayaan raacinayaa waxaan leeyahay “Alle ha kugu guuleeyo hadafka san ee aad u kacday”. Guud ahaanna waan u laab-xaadhanahay walaalladay inay yar iyo waynba isku raacayaan deggenaanta ay ammaanta ku mudan yihiin, dalkana horyaalkana ugu yihiin ee ay ku caan-baxeen. Bulshada Somaliland wada lehna waxaan u sheegi lahaa inay dhegahooda ka saaraan dhiillada iyo durbaannada shar ee sheydaanku garaacayo.
Dhambaalkan waxaan ku gunaanadayaa baaq aan u dirayo Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Xukuumadda talada haysa oo aan leeyahay:
1.      Waa in kor iyo hoosba loo eego tabashada Urur-siyaasadeedka Xaqsoor.
2.      Xukuumadda waa ku waajib inay bixiso khasaaraha ka dhashay natiijada doorashada nooc kasta oo uu yahay dhaawac, dhimasho iyo mid hantiyeedba.
3.      Waa in xukuumaddu hawl-geliso culimo, aqoonyahan, waxgarad, salaaddiin, guurti iyo nabad-doonno waafi ah oo maareeya mashaakilka taagan iyo cid kasta oo xamaasadda jirta yarayn karta.
4.      Xabbadi xal maaha! Shacbiga bannaanbaxaya maaha in loo adeegsado cudud oo rasaas nool ku gummaada bulshada cadaaladda u baahan.
Guul iyo gobanimo
Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Facebook: Saeed Mohamoud Gahair
Qalinleyda © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.