Get Adobe Flash player

 

Degalyahow ba’ay yaa ku leh?! – W/Q. Saddaam Carab

Waxa ay ahayd galab isniineed. Waxa aan dhex qaadayey qaar ka mid ah mareegaha soomaalida ee wararka iyo weceelka kaleba lagu qoro. Waxaan badanaa booqdaa mareego ii astaysan, oo qoraallo iyo qubanayaal kale

ka buuxaan. Kama aan madhnayn bar-bulsheedka sida geel harraadani darka ugu hayaamo, ay dadku ugu hoobtaan hareer kastana ka joogaan. Waa mareegta fays-buug  (Facebook) oo  kulmisay kumannaan aan is aqoon iyo kuwo kala dhuuman jirayba. Waa madal aqoon iyo akhlaaq wanaag laga barto, anshax xumo iyo edaab darrona laga helo, qofbana waa dookhii iyo darka uu ku arooro.
Ka sokow dadka ku kulma, waxa jira goleyaal (Groups) ay dad gaar ahi samaystaan oo fikrado iyo falanqaynba la isku waydaarsado. Waxaan helay wargelin (notification)  qoraal la geliyey madal aan ka tirsanahay, wuxuu ahaa qoraal uu  saaxiibkay Mustafe Adam Nuur soo dhigay madashaa aanu ka wada tirsanahay. Haddii aan sii raacay dabarka wargelintii (Notification) waxa uu ahaa waydiin waaqici ah oo waqtigeedii la joogo, waxay ahayd waydiinta keentay inaan hallado qoraalkan, waxaanay u dhignayd sidan: “Dadkeenu waxay ku nool yihiin dhuxusha oo ay wax ku karsadaan, dhuxushiina waxaa laga soo shidaa waayadan dambe geedo qoyan. Dhulkii wuu sii nabaad guurayaa, maxaa lagaga hor tegi karaa masiibadan foodda innagu soo haysa ee aan qarsoonayn?” Waa waynta ballaysinka u noqonaysa maqaalkan.
Dhuxul, dhir la gubo, deegaan la arradiyey…Haa inaguma yara, waynu ognay badi se kama damqano. Waa aafo aan yarayn iyo ummad af-rogan ku socota, waa ibtilo aynaan badi dhaadin wali, mooyi goor aynu u dhugmo yeelane!
Sida aynu ognahay dadku waxa ay ku noolyihiin xoolaha iyo dalagga ka soo baxa dhulka, xooluhuna ciid cun ma ahee waxay quutaan waxa uu alle uga qoray ee ka baxay dhulka guudkiisa. Halkaas ayaynu ka soo dhiraan dhirin karnaa odhaahda kulminaysa labadan odhaahood oo ah  “dadka noloshoodu si buuxda ayey ugu tiirsantahay deegaanka ay  hadba ku dhaqan yihiin”.
Hawlaha lagu xaalufinayo deeganku kuma yara dalkeenna, hadh iyo habeenbana waa mid ay dad gaar ahi heegan ugu jiraan. Iyada oo aad mooddo in inteenna maqasha iyo inta maaruqda dhirtuba ay dhoohan yihiin ama iska indho tiraan dhibka ka iman kara. Haddana waxa hubaal ah in dharaar dhow guryaha uu inoogu soo galayo dhibkeedu isaga oo lugaynaya waa haddii aynaan dabbaaline. Masiibaduna madax qabatinbay ku fiicantay, oo daba qabatinkeedu ma hawl yara.
Dharaartii alle keenoba waxa magaalooyinka iyo tuuloyinkaba lagu soo daabulaa Jawaanno ay ka buuxdo dhuxuli. Waa dhir gudin  lagu gamuuray, gunta iyo baarkana laga ololiyey oo dab lagu bisleeyay.  Ma aha tiro aynu qiyaasi karno, waa tuulo kasta, degmo walba iyo magaalooyinka waawayn. Dhanka kale waxa kaynta ku jiran rag xooggooda iyo xiniinyohoodaba galiya sidii ay u soo saari lahaayeen dhuxul lagu cabbeeyo jawaanadani marka ay is dhimaanba! Dabcan markii ay dadka isticmaalaa badteen soo saarideedana waa in la badiyaa. Iska daa dadka magaalo iyo tuulo ku noole xataa dadkii reer miyiga ahaa ee xaabada lagu yaqaanay waxa ay maanta shitaan dhuxul. Si ay haddaba u soo saaraan dhuxul tiradaaba deeqda kooxdani, waxa ay si arxan darro ah u maaruqaan malaayiin dhir ah. Xidhadh dhan bay kasoo dhalaalaan oo ay dhulka dhigaan dhammaan dhirta ku taalla. Gudin looma quudho’e guntaa dab laga qabadsiiyaa. Dib inuu usoo baxaana maaha wax suura gal ah.
Iska dhaaf in dhirta qalashay laga shido dhuxsha’e, waxay maanta maraysaa in dhirta qoyan ee manka iyo magoolka qubaysa laftooda laga soo huriyo dhuxul. Bal qiyaas inta dhirtii qalashay la dhammeeyay oo haddana ta qoyan ee dhaameelka iyo gaydhuhu ka lushaan la rabo in dambas laga dhigo?  Xaggaynu u soconnaa haddaba? Marka uu kaynta bisleeyo  maan laawe aan dad iyo duunyo midna u danaynayn, oo mijin qaada hankiisu yahay! Waxa aynu sugnaa saw ma aha nabaad guur, iyo deegaan arradan. Waxa aynu sugnaa saw ma aha saxare bacad iyo boodhwayn inaynu u rogno dhulkan dhirta iyo daaqa huwan, saxare xoolo ku noolaada daaye dadku ka haajiraan saw ma yaboohsanayno?
Haddii xaalku sidaa kusii socdo waxay noqon doontaa aafo awow ka sheekee ah, waxay noqon doontaa ayaan darro aan lagasoo baaqsan, innaguna waxa aynu noqon doonnaa ummad ka arradday deegaan oo dalanbaabi iyo silic weheshata.
Hubaal, dhuxushu waxay laf dhabar u tahay nolosha dadka dalka ku dhaqan miyi ilaa magaalo, waxaana ugu yaraan reerkasta dab loo shidaa hal ama laba jeer maalintii. Waxa lagu shidaa waa dhuxusha ka timi dhirta la gubay iyo geedaha la shiday. Adiguba qiyaas inta geed ee maalintii lagu isticmaalo waddanka, ee dhuxul dambasawda uun laga dhigo!! Dhul dhan oo duudda qarisay awgeed aan la mari jirin dhowr sano ka hor, maanta haddaad marto waxaad mooddaa bankii giryaad. Illeen geed la hadhsadaana!
Haddaba waydiinta markaaba isa soo baraxaysaa waa haddii dhuxusha la joojiyo dadku maxay shidan maadaama uu sidan nolol maalmeedkoodu ugu xidhanyahay dhuxusha? Inta aanad warcelinba u doonin waydiintaa hore bal is waydii haddii uu deeganku sidan ku socdo halkee ayey dadkani ku noolaan doonaan? In wax la cuno waxa ka horraysa in la horta la helo meel lagu noolaado.
Ta hore ma aha waydiin aynu u warcelinteeda waqti ku lummino marka aynu eegno muhiimadda ta dambe ay leedahay. Maanta Aalado/Qalab casri ah ayaa waddanka laga helayaa kuwaas oo lagaga kaaftoomi karo shidashada dhuxusha kana fiican caafimaad ahaan sida ay khubarada caafimaadku sheegeen. Laakiin deegaankan hoolmaya ee hawa baaqsanaya marka aynu bi’inno ma jirtaa aalad casri ah oo lagaga kaaftoomayaa? “Haa” ku jawaabideedu inaga dheer.
Iyaba waa yaabe maxaa loogu ololayn waayay dabaqabatinka deegaankan heermay, sawta dooroshooyinkaad aragtay iyo danta gaar ahaaneedba aynu ugu ololayno af iyo adinba? Sawta  aynu af-labadii kaga qaylinno waxyeelada qof ahaanneed maxaa loo waayay cid uga dhiidhida waxyeellada ummadeed ee innagu soo foolka leh?  Shayga laga hadlayaa waa kobta aynu ku dhaqanahay, waa dhirtii dhuuniga iyo dhaqashadeenuba ku tiirsanayd. Haddii aynaan rabin inaynu sooba hadal qaadno halkee baynu isku wadnaa!? Waa yaabe ma martibaynu ku nahay deegaanka mise..?
Runtii waa arrin hoosayn innoogu filan in aynaan muhiimmadba siinin ama maankaba ku mashquulinin hawshani. Iska daa in aynu ka qayb galno’e waxa aynu niyad jabinnaa inta tirada yar ee ku hawlan badbaadinteenna. Waa tirada ugu kooban ee ka hawlgasha ama danaysa arrin sidan u muhiim ah inta aan abid  maqlay, waa laba ama saddex urur inta aan waddanka ku arkay. Iyaga laftoodana waxa ragaadiyey dhiirin la’aan, dhaqaale la’aan iyo dhalaysiba sida aan qabo.
Bulshada ka sokow cidda xilka ugu ballaadhina ka saaran waa dawladda gacanta dalka ku haysa, waa cidda ugu laxaadka wayn ee ka qaybqaadan karta joojinta xaalufintan dhirta iyo deegaanka lagu hayo. Haddii ay noqoto xag dhaqaale, sharci iyo xeer ciqaabeedba. Ugu yaraan waxay gacan ciidan ka gaysan lahaayeen kuna adkayn lahaayeen cidda u ololaysa joojinta xaaqidda deegaanka haddii aan dhaqaaleba loogu telo gelin.
Jiroo aanan deegaan yaqaaan aqoon sare u le ahayn haddana, malahayga arrintani waxay dhaaftay goortii lagu eegi lahaa inta deegaanka aqoonta u le ama ka shaqaysa. Waxa aan isleeyay qofba intuu karayo af iyo addin inuu kaga qayb galaa waxay dhalin kartaa in la soo afmeero ama ugu yaraan la yareeyo masiibadan aynu fal-gashannay. Qof iyo koox waqtigii lagu eegi lahaa hawsha baaxaddan lihi way dhaaftay, Karkaarada ayey jabisay waxaanay dhaaftii xadkii lagaga adkaysan lahaa, waana lagama soo kabtaan haddaynu sidan ku eeganno. Haddaynaan dhan ugasoo wada jeedsan dhaliisheedu waa dusheenna, dhibkeedana sahan dambe ayeynu garan!.
Aan ku soo gaba-gabeeyo, baydadkii gunaanadka u ahaa tixdii Gudimo ee uu tiriyey Siciid Maxamuud Gahayr oo ahaa:
Dhulki wuu gaddoomoo dhawaan, wuu goblamayaaye
Gawaan iyo wuxuu noqonayaa, goobo lama dego’e
Gurmad iyo wuxuu kaa rabaa, inad gargaartaaye
Geestaada yaan looga dhicin, giiji dhinacaaga
Qof kastoow bartii kula gudboon, hawsha ka guddoonso
Godka awd bannaanaadayoo, bii gobtahanyadanna
Isu geeya muruqiinna oo, guuto qudha yeesha
U daruura gaashaan kuwaas, guridda caadaystay.

Saddaam Xusseen Carab
E-mail: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Website: www.saddaamcarab.blogspot.com
Qalinleyda © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.