Get Adobe Flash player

 

Si-u-aragga Toolmoon! – W/Q. Muxammed Amin Cabdiraxmaan

Waxa aad isku beddelay midabkiisa, wuu dhoolla-caddeeyay waxaanu u bogay sida aan filayo waxa dhaayihiisu qabteen. Cabbaar wuxu kelidii hadba dhan isu la rogaba isaga oo aan

ka war qabin ayuu igula soo jeestay “Allah ya cizak, afku kuma go’o,” waxa sidaa u hadlay shan da’ood baa noo dhaxaysa ee ka warran! Aftahan dheh.

War badan kama hayo farriinta deeqday ee saaxiibkay farxan la faro batay, waxa se qudhayda I hiyi kicisay sida uu ugu bogay uguna faanay Si-u-arag aanu isagu lahayn oo waliba ka soo yeedhay wiil aad gedo ahaan sida uu tirsanayo uga yar.

Waan is hayn waayay dabeedna waxan anoo heellan ku idhi “Abtima gabaybaa”. Waxan qabatimay uun kaliya sadarrada la isla raadsado ee dhaqan ahaan bulshadeenu ku xaajo gudato marka dheguhu dhugtaan uun inay riyaaqaan.

Waar maya waa laba eray oo uu kala tilmaamay, isaga oo xiisuhu wali gubayo ayuu dhankayga u soo duway “Jacayl iyo Ka helid”, iina bilabay inuu ii akhriyo itusana awooda uu wiilku isticmalay isaga oo aan jiifto iyo jaandheer toona tuman.

 “Waa suuro gal in aad qof jeclaato sidaa si la mida waa suuro gal in aanu wax kuula qaadan qofkaasi halkaana ay ku burburto u jeedo iyo hiigsi tiira dheera oo aad maaganayd.

Waad se ka heli kartaa qof adigoo aan amar iyo afgarasho toonna uga baahnayn kaskaaguna aanu ku xidhnayn ficil celinta ruux kale”.  Anigo on dhabanka gacanta ka qaadin buu wuxu ii raciyay bal hadda day sida aan anshaxu ka maqnayn ee dadkii u jawaabay uu ugu war celiyay, kani waa wiil fal celin ka bixiyay odhaahdiisii “ waa murti dhaxal gala iyo waliba si u’arag heer sareeya” .

Fiiri waa kane isagoo mabsuuda buu eray madaxayga ka waynaaday igu yidhi “ waxa la yidhi saaxiibkaa halkuu u qurux badan yahay ka raace Si u’araga toolmoon adaan kaa raacay saaxiib”.

Muhamad Amin Abdirahman

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Sheeko-faneed © WeedhsanCorporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.