Get Adobe Flash player

 

Gobtii Gumowday! – W/Q. Cali Dhanaaniye (Qaybtii 2aad)

Maantana waynu og nahay jabka ummaddeenii ku dhacay ee keenay niyad jabka iyo kala taga baahsan ee sababay inaynu noqo col daahii go'ay oo aan dabka kala qaadan. Aad baan uga damqanayaa waxa ku dhacay dadkaygii.

Waxay ahayd muddo hadda laga joogo 30 sanno markii ay doofaarrada reer galbeedku u shireen, burburinta iyo kala goynta ummadda Soomaaliyeed, waana lagu guulaysatay go'aanadii la wada qaatay ee ay gaadheen.
1960 kii aya ahayd markii uu ingiriisku xornimadoodii siiyey gobolladii waqooyi ee dalka waa (Somaliland) maalmo kooban ayay ka danbeeyeen kuwa koonfureedna, waxa dhacay midowgii Soomaali weyn ee aakhirkii guul-daraystay, hadda kama waramayo guul-darradiisii ee waxaan wax yar ka warramayaa faa'iidooyinkii uu dhalay iyo sababtii keentay inay gobollada Waqooyi la midoobaan, gobolada Koonfureed ee dalka, markii ay isticmaarkii ka xoroobeen gobollada Somaliland ayaa waxa u ingiriisku qorsheeyey in Itoobiya gacanta loo geliyo, oo ay xukunto muddo 10 sanno ah waxaan tusaale cad kuugu soo qaadan karaa gabaygii uu Abwaan Cabdilaahi Suldaan Timacadde kula hadla yey Itoobiya ee ahaa (annagoon gantaalaha dhaciyo, haysan qori gaaban.
“Hashaan gaadda-weynoow libaax uga gabboon waayey, Inaan gorayo-cawl ga tagaa, waa waxa soo gudhay...” Haddii aan halkaa ku dhaafo tuducyadaas aan ka soo qaatay gabaygaa abwaankeenna weyn ilaahay ha u naxariistee, israacii soomaalidu  waxa uu baajiyey gumeysigii itoobiya ee gobollada Waqooyi ku dhici lahaa, wixii maalintaa ka dabeeyey  aan wax yar kaa tuso haddimooyinkii dhacay ee lagu af-genbiyey dalkeenii dhisnaa, muddo lag joogo 17 sanno wakhtigii ay Soomaalidu xorowday ayaa waxa dhismay awoodeedii dadnimo, dawladnimo, diineed, iyo tii dhaqanba, wax barbar socday awooddeedii milateriga ee xiligii afweyne, waxana dhacay 77 in itoobiya lagu qaaday weerar baahsan, ujeeddooyin badana laga lahaa, wixii la doonaba ha laga lahaadee, in badan laguma guulaysan haddafkii la doonayey, aduunyaduna way baraarugtay markii ay aragtay halka ay soomaalidu marayso, waxana la qaadan waayey umadda xorta hayd 17 sanno ee 10 sanno dhaqaaleheedii kor ugu qaaday, 7 sanno na awoodeedii milateri iyo dhismihii dalkeeda buuxisay, waxana liqi waayey doofaarradii reer galbeed oo u laba laxaad saday inay dumiyaan dalkjii iyo dadkii isku mawqifka ahaa, waana lagu guulaystay in dadkii iyo dalkiiba si fudud lagu bur-buriyo, waxana laga soo galay dhanka siyaasiga oo dabadhilif u noqday  reer galbeedkii, waxana la goostay in lacag lagu harqio siyaasiga Soomaalida.
Waxa dhabarka la taabatay xukuumadii wakhtigaa joogtey oo loo adeegsaday dumintii dhulka soomaalida, waxana dhacay in dadka la laayo oo gumaad kii soomaaliya ka dhacay uu ku baaho dalka, waxana la ogaa xaggee maskaxda ugu badani taalaa dalka soomaaliya, waxana la ogaa in aqoonta iyo maskaxad intaa le'egi taalo gobolada waqooyi ee dalka waa somalilande waxana la yidhi iayada hor bur-buriya, inagoo adeegsanayna dawlada dalka maamusha ee talada haysa waa siyaad barre, idiinka sheekayn maayo wixii dhacay, oo waadka dhereg santihiin in xasuuqii ugu balaadhnaa uu ku dhacay gobolada waqooyi, oo diyaarado lagu garaacayey. Aakhirkiina waxa loo soo  jeestay goboladii koonfureed oo cagta la mariyey. Intaa waxa dheer nacayb la inagu beeray oo la ina kala fogeeyey. Soomaalaay garaadla, waxa aduunayadu goosatay in la inoo taliyo waana la fuliyey arrinkaa.
129. Nin door taliyey lahayd
130. Marwiyo degel bay lahayd
131. Duq iyo garashay lahayd
132. Haween darbban bay lahayd
133. Barbaar diran bay lahayd
134. Habliyo dardaray lahayd
135. Halyey diriray lahayd
136. Darmaan boqran bay lahayd
137. Duud iyo oday bay lahayd
138. Da’ weyn iyo da’ dhexay lahayd
139. Da’aad yaryar bay lahayd

140. Is daadihin bay lahayd
141. Deryaale cad bay lahayd
142. Dalaandaliyey lahayd
143. Horweyn dalmaray lahayd
144. Irmaan dararey lahayd
145. Hal iyo dalawey lahayd
146. Wan dool culus bay lahayd
147. Sal iyo daab bay lahayd
148. Dallaayad saray lahayd
149. Shishiiyo duluc bay lahayd
150. Wixii dumey bay lahayd.
Hadraawi
Intaas ayaa kugu filan. Hadday kugu filnaan weydo, bal intanna ila eeg:
Garaad ma lihid soomaalidaay, gebi ahaantaaye
Gadhku nimuu caddaadiyo barbaar, waa gu’ baas jira e’
Ma qabyaaladdii lagu gubtaa, godadka loo doontay
Ma wixii hore u soo gabay ayay, galabta raadcaysay
Kanaa gun ah kanaa gob ah, miyuu gobol ku sheekeeyay
Gondaha ways wada goyn jirtaye, ma isu soo guuxday,
Garba duub haddad uga xidhoo, gaadhna ka ahaato
Gacantii nin lahi goynayaa, waa gommadantaaye
Nin walaalkii geed ugu jiraa, geesi noqon waaye
Abwaan Cabdillaahi Suldaan Timacadde.
Dhammaad
Cali Dhanaaniye
Aragti © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.