Get Adobe Flash player

 

Weji furan ku Noolow – W/Q. Cali Dhanaaniye

Fahanka iyo la-dhaqanka bulsho meel ku nooli, waa xeelad u baahan inaad ku dhisto oo aad sal uga dhigto aqoon, adiga oo ku daraya waaya-aragnimo ballaadhan, si aad ugu kuur-gasho

kala-duwanaanshaha dabeecadaha iyo dabciga abuureed ee dadkaas. Ogow oo marna ha illaawin in qofkasta oo dunida ku nooli leeyahay dabeecad iyo hab-dhaqan shaqsiyadeed oo ka duwan kaaga iyo kuwa dadka kaleba. Waa abuur Ilaahay in qof waliba uu qaab u fekero, u dhaqmo, una noolaadaa. Ogow inaanay isku mid noqon karin labba qof oo ay hooyo wada dhashay, haddaba isku day inaad qof kasta ku ixtiraamto, kulana dhaqanto dabeecada aad ka aragto iyo dookhiisa. Hana ku khasbin waxaanu rabin, ama aanu jeclayn, ogowna horaa looyidhi “waxaad ceebta u taqaan, qof bay caadadiisa tahay”  marna haku fekerin inaad qof kula mida ka hortimaado waxa uu xiisaynayo, jecelyahay, ama damaciisu yahay, waayo isna taaduu ka hor imanayaa, kaana ciidaynayaa. Ula dhaqan bulashadaada iyo bulshooyinka kaleba sida ugu haboon ee aad u bad-baadin karto aragtidaada maskaxeed iyo naftaadaba.
Qof kasta dareensii inuu yahay bani-aadam kula siman, una nool-yahay sidii uu u gudan lahaa kaalintiisa, una anfici lahaa naftiisa, dadkiisa, diintiisa, dalkiisa, iwm. qofna ha ku odhan ilama sinid, waxba ma qaban kartid, waxba ma tihid (use less), waxba ma soo kordhin kartid (Good for nothing) haddii aad markasta ku tidhaahdo ereyadaas inuu ku dilaa waxba kuma ah. Dareensii qof kasta inuu nolosha kaalin ka qaadan karo, waxana qaban karo, waxna dumin karo.
Ogow talo aad qof siiso waxa ugu fiican ta aad naftiisa kala taliso.  Hadal dheeri waa abaare waxaan ku leeyahay adigoon is dhibin samee sida ugu fudud ee aad ku fahmi karto dabeecadaha dadka kale si’aad ugu wada noolaataan  sida ugu habboon. Ogowna markasta oo aad dad badan la dhaqanto waxa aad baranaysaa dabeecado iyo dhaqano badan oo kala gedisan.
Farxaddu waa jawharad ku dhex aasan qalbiga qofka bani-aadamka ah, laakiin waxa adkaata sida lagu helo, waana dareen uu qofku isku arko xilliga uu la kulmo wax maankiisa iyo maskaxdiisa soo jiita, oo ay aad uga hesho raalina ku noqoto. Waxana muhiim noloshaada u ah inaad raadiso ama ku guulaysato inaad hesho wixii ku farxad gelin lahaa. Isku day inaad ahaato qof adag oo aan isu jilicin wakhtiga iyo waayaha, waayo geesinimadu waa adiga oo u badheedha nolosha, halgana u gala sidii aad u hanan lahayd hadafkaaga.  Isku day inaad xaaladaha nolosha kulayl iyo qabowba aad adigu maamusho naftaada oo aanay ku hogaamin, waa inaad naftaada jaraha u haysaa oo aad adigu u talisaa. Ammin kastana ka dhigtaa mid deggen, faraxsan oo ku raalli ah qaddarka eebe.
Waxa la ogaaday in farxadda iyo qosolka oo aad caadaysataa ay yareeyaan culayska iyo mashaakilaadka nololeed dunida. Farxadda iyo dhoolla-caddayntuna waxay wanaajisaa xidhiidhka iyo macaamilaadka idiin dhexeeya adiga iyo dadkaaga.
Qofka muslimka ah diinteenna suubbani way kala dar-daaran tay inuu cadhoodo, waayo cadhadu waxay bur-burisaa oo ay gebi ahaanba ku tumataa wadajirka iyo xidhiidhka wanaagsan ee u dhexeeya adiga iyo noolaha kale.
Inaad guulaysatona  waxa kuugu filan barashada iyo ku camal falidda dhaqankii suubbanaa ee nebigeenii iyo xabiibkeennii Muxammed (CSW) oo ahaa qofka ugu mudan in la raaco jidkiisa, ama lagu daydo sifihiisa wanaagsan. Aqoonyahannada ku takhasusay cilmi-nafsiga (psychology) waxay caddeeyeen in farxaddu fududayso nolosha..
Waxaan gebagebada ereygayga ku odhanayaa kula noolow dadkaaga weji furan iyo hadallo badhax tiran oo ka nadiifa muran iyo dagaal, kuna dheh dheh hadallo samaynaya macno buuxa oo xanbaarsan waano dhaxal gala oo aad ajar kaga hesho ilaahay agtiisa!
Cali Maxamed Ibraahin (Cali Dhanaaniye)
Qalinleyda © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.