Get Adobe Flash player

 

Dooranaha Is Doorsha – W/Q. Cabdirashiid Shibbiin

Waa Ibni Aadamka dabeecaddiisa hanka durugsani. Wuxuu jecelyahay inuu "wax" noqdo, waxna hiigsado, "meel" gaadho, meel kalena uga gudbo, kasii gudbo, ka badiyo, ka badsado. Farxaddiisa ayaa ku jirta, waa aasaaska jiritaankiisa.

Wuxuu hir ba hir u dhiibo, hayaanba hayaan ugu furo, heddiisa ayaa gasha, hankiisana goysa. Dabadeeto markaasuu sidii wankii aan illaa la bireeyo cirka arki jirin miyirsadaa, isna su’aalaa intuu gabay intuu gaadhay, inta dhiman, intaan dhalan. Wax yaroo ku waynaa badnaayee, wax waynoo la yaraa badnaaye; aheey ah, saacaddoo dib loo celin karaa fiicnaan lahayd.
Haa hanka durugsani waa hugiisa. Wuu dooran yahay, Allaa doortay. Malaa’igta Ilaahay quwadda u dhaliyay ayaa abuurtiisii ka hinaastay; wuxuu weeleeyey cilmi iyaga cajsi galiyay, markaasaa Rabbi amray inay sujuud maamuus ku sharfaan fooddana dhulka u dhigaan. Wuxuu ka toox wayn yahay badaha, kana ballaadhan yahay berriga, Duufaanadu ma qaadaan, dabaylna daa hadalkeeda. Birtu ma goyso, biyo ma maydhaan oo cadceedaaba ka caajista inay dubkiisa diiriso. Buuruhu taag iyo tamar uma tartantan dhigtaan, oo wuxuu dagta u ritay masuuliyad tannaad iyo awood ay u waayeen. Haa isagaa u sareeya inta uuman, isagaa u san dheer inta aasan. Waa boqorkooda, Allaha boqorka dhabta ahna wuxuu uga yahay wakiil arligan.
Ninka ugu il dheerbaa dadka ugu ayaan daran  ayay xikmad Soomaaliyeed tidhaahdaa. Waa xaqiiqo, oo maamuus kasta waxaa ka dambaysa masuuliyad, fadilnaanta Alle fadilay Ibni Aadamkana waxaa ka dambaysa imtixaan adduunyaddan inta uu ku nool yahay la mariyo, iyo aakhiro oo lagala xisaabtamo nimcooyinkii adduunyada uu ku helay, iyo galladdii Ibni Aadam nimada. Marar badan ayaa ay quraanka ku soo noqnotaa aayadaha uu Allah ku xasuusinayo addoonkiisa sababta loo uumay, iyo inaan micno darro adduunkan loo keenin.
Nasiibxumo ibni aadamku in badan wuu ka gaabiyaa masuuliyadda saaran. Mar wuxuu ku kibraa nimcooyinka Alla siiyay, hankiisaana hoda oo wuxuu sheegtaa amaano Ilaahay u dhiibtay. Sankuu taagaa wuxuu oo sheegtaa boqor, madaxwayne, aqoonyahan, wax garad, reer hebel. Shaydaan ayaa ku yidhaa adaa dadka u sareeya, markaasuu inta kaloo dhan hoos u eegaa, oo u qaataa qudhaanjo. waxbase kama dheefo oo wuxuu noqdaa ka u dulisan inta u dulaysan, Ilaahay baa tusa taagdaradiisa, if kuu ku xaqirmaa, haddaanu ka toobad keenina waxaa uraaca ciqaab aakhiro.
Markalana dareenkiisa qof ahaaneed ayaa dar jiidhsiiya, hadhuudhlahana ku dara. Ibni Aadankii Ilaahay garaadka ku galladay ayaa hankiisa hoos mara, oo caqligiisu calooshiisa dhaafiwaayaa. Dabadeetona wuxuu hoos ugu daadagaa darajada duurjoogta iyo nimcoolayda, xaqiiqdii waabu kaba sii hoos maraa oo xayawaanku arsaaqda Ilaahay inuu hayo way yaqiinsan yihiin oo way u dareeraan’uun, isagase waxaa indhuhu ku casaadeen hunguri intuu dajin lahaa door horeba Eebe baal ku daabacay.  
Iimaanka dhabta ah, qiritaanka Eebe, iyo Islaamnimo taam ah ayaa ka badbaadisa guul darada intaa leeg. Caqligiisu uma miciino, haddii aan Ilaah ka soo gaadhin isagaa ugu horeeya inta ka takhalusta. Uma baahna taasu inuu hankiisa hilmaamo, taa lidkeeda wuu kasii badiyaa, gardaadiyaa hankiisii, kana dhigaa mid dhaafsiisan inta muuqata, inta maqan, adduunyadda iyo inta dhex taala, janno iyo in aan hankiisii cirka waynaa weelayn karin, ku riyoon karin, inuu ku hamiyana iyada haba sheegin.
Hankiisaa lamaan, ayuu dhankiisa lamaan u iishaa, kiisa galoofta ahna ka iishaa, dabedeeto isagoon ku daalin la kulmaa, meel dhow oon dheerayn ku dhaafaa mid uu baadigoobkeeda orod iyo ayaanba ku la'aa, imikase aan qiimihii ay la haanjirtay lahayn. Ayaankiisa kuma gaadho taa, orod iyo xoog toona laguma helo.
Dad kula mid ah, sagaal sidaada ku dhashay iyo intaad ku dhalatayba, ayaa markay intaasoo dhan garwaaqsadeen guntaday inaanay geeridoodu shil noqon. Sow rag kula mid ah may ahayn kuwii iyagoo caalamka intaa leeg u taliya, intay doonaana kaa mansab iyo adduunba badan kabahoodu barkinta u ahayd, dharna halka go’ kaga kaafoomay? Ma hilmaansantahay in qaar kale naftooda u hureen sidii dhaqanka iyo diinta suuban eed dhaxalka adigu u taqaan kuu soo gaadhi lahayd, bal tiri oo imisaa ka haajiray dhulkoodii maantana ku aasan mashriq iyo maqrib? Bal buugta kabadhadeena dhasku ku dilay eeg? Sow dad kula mid ah may ahayn kuwii gama’a iyo gogoshaba ka soomay si ay kuu soo gaadhsiiyaan, saw Saxiixul Bukhaariga aad dhayal ku akhrisataaba nin kula mid ahi shabaabnimadiisii iyo indhihiisii maaha? Wax kasta oo aad ku raaxaysato eeg, kor iyo hoos gurigaaga u fiiri, oo imisaa raaxadooda ku doorsaday taada? Irbad baaba shay toshee, adigu ma falaawir baad tahay tolow? Oo malaha way ka a fadilnaayeen kuwaasu, mise nabiyaad u taqaanba? tolow ma su’aal ka wayn ta inaga ina sugaysaa iyaga sugaysa?
Hadal waa kii kooban ee kaalin gala ayay Somalidu tidhaahdaa. Farise tog dheer bay kula xushaa, malaha dagdag baan kabaha u xidhaye mawduucuna ka gudo wayn mid bog iyo laba uu ku soo koobi karo mid sidaydaa aqoon iyo waaya aragnimo labadaba wali ka sabool ahi. Aanse naftayda iyo taadaba u dhaafo Su’aalahan, jawaabuhu way igu yaryihiine:
Jalleec ilmaha ugu da’da yare ee kuu xiga, maxaad soo kordhisay if iyo aakhiro marka laga tago intaad daaqday? Daymood qofka ugu da’da wayn ee kuu xiga, ma hubtid inaad gaadhi ee kaba soo qaadoo maxaad “maalintaa” maanta kaga duwanaan lahayd?
Lawada jecel bahashaase Madaxnimaddu ma tie la xidhiyo gaadhi qufulan baa, ma ina hebel baa ma reer hebel baa? Tolow maxaynu yeeli maalinta ay teena noqoto, teenu sahaala’e ummad iyo qaran dhan oo gashi inagu lahaa  soo xaadiro? Malaha dhiman ba mayno oo boodhigaadhka ina hor boodaa wad kana wuu celiyaa?
Jeclidaa in lagu yidhaa waa taajir ina taajir! Hadii Ilaahay kuu nimceeyay maal adduunna ku siiyay ma kaligaa dheregbaa? Quraanku aduu kula hadlaaye Al-Humazah iyo At-Takaasur ma akhriday?  Tolow jaarkaaga imisaan dab shidan maanta? Oo miyay kula shaqaysteen maxaa kaa galay!
Aqooneey xaalkaa ba’! Aqooni ma dhuunay dhaafi wayday? pHD du qiima darnaydaa, sow malcaamad quraanna lagama dhiso! Malaha waxa wax loo baranayay darajo, darojana xafiis iyo kursay ku idlaatay? Darajooy ku nacay! Calooleey adna darajo xun, illaa iilka laggalo ma mid aan laga qalin jabin baa jaamacaddaadu? Abaal daran! Cudur iyo cadaab mooyee ma wax kalood tartaa jira???
Abdirashid Ibrahim Yousuf (Shibbiin)
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Kampala, Uganda.
Qalinleyda © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.