Get Adobe Flash player

 

SHEEKADA QURBEJOOG – Qiso Qof, Qoys iyo Qaran! – W/Q. Maxamed Haaruun (Qaybtii 1aad)

Tibaax iyo tilmaan: “Sheekadani waxay kaalinta kowaad ka gashay tartankii Sheeko iyo Shaahid 2012, waxana halkan dib loogu dabacay oggolaansho rasmi ah oo waafaqsan sharciga xuquuqda faafinta iyo xeerka barnaamijka

Sheeko iyo Shaahid, oggolaanshahaas oo laga helay maamulka barmaamijka. Xuquuqda halabuurku waxay u dhowran tahay qoraaga oo lagala xidhiidhi karo: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. .”
Sheekadani waxay isku hal mar tooshka ku ifinaysaa, dhaqamo qal-qalooca oo bulshada afka Soomaaliga ku hadasha naafeeyay, kuwaas oo qaar qadiim ah iyo kuwo gadaal-soo-bax ahba isugu jira. Sheekadu sedan bay u dhacday ee aan idiin kala baxo:
Qaybta koowaad:
“Waxanu nahay xisbi cusub, xisbi qaran, xisbi loo dhanyahay; waxanuna u taaganahay inaanu bulshada u horseedno badhaadhe iyo is bedel dhan walba ah.”
Ereyadan iyo kuwo kale oo la nooc ahba waxa ayaamahan ku tasbiixsada ninkii Aw Mirqaan ahaa. Sababta ay ugu yimaadeen, iyo goorta ay u yimaadeen midkoodna ma hubo, wuxu se hubaa inay bedeleen hadaladii lagu yaqiinay markii uu joogay fagaarayaashii London ee uu caanka ka ahaa. Goobaha uu Aw Mirqaan caanka ka aha waxa dabcan ugu mudan uguna muhiimsan marfish qayilaadeedkii magaca dheeraa ee ay isaga iyo saaxiibadii ula baxeen “Jaamacadda”, marmarna ayba seexan jireen ee ku yaalay Wadada Eslington. Makhaayad cunteedii uu karis-xun ula baxay, haddana aanu ka maarmi jirin ee ku taalay tubta Edminton, iyo dabcan gurigii qolka kaliya ka koobnaa ee uu isagu waa hore u bixiyay “Maqaamka” ee saaxiibkii Been-ma-sheege u kiraysnaa.
Sadexdaas goobood noloshiisa, gaar ahaan labaatankii sano ee u dambeeyay si wayn bay muhiim ugu yihiin, waxaanad moodaa magaalada London inaanu meel kaleba ka aqoonin. Muxuuba meel kale ka rabaa wixii noloshiisa uu uga baahnaaba intan uun baabu ka helee. Marmar la yar waayo, oo aanu goobahan kaba soo daahirin baa jira, xiliyadaasna saaxiibadiis si wacan bay u yaqaaniin. Waxa xiliyadaas uu Aw Mirqaan ‘muquurto’ ka mid ah, uguna badan, mararka xaaskiisii ay geesna ilmaabtiga ka ahaayeen, ee lixda qof u dhashay ay is yar fahmaan sababtu si kastaba ha ku timaadee. Ilaa todobaad ama laba ayuu is yar dhawraa oo naftiisa ka xakameeyaa waxyaalaha qaarkood, meelaha qaarkood iyo dhaqamada qaarkood, ma se waarto. Hoos buu isugu yidhaahaa, “waxaad walaftay, oon wad kaa helin, ka waantoobay, waa war loo noqon! Intaas buu naftiisa ku qanciyaa si uu rabitaankiisa garawsho ugu helo, kadibna sidii wax waalan buu is maqiiqaa. Mararka kale ee la waayaa waa marka ay saaxiibkiis Ilko-boqole ee mulkiilaha marfashka ah, ee mararka qaarkoodna uu meesha la iibiyoba is dilaan. Sababaha taas keenaa way badanyihiin, badiyaa se way ka heshiiyaan oo danta ay isku qabaan baa ka sii badan, iskuna tosha. Aw Mirqaan sheekadiisa tirade badan loogama maarmo, sidoo kale, ninka Ilko-boqole ah ee marfashka lihi waxaanu ugaba maarmin dirirta badiyaa afka ah, iyo cayda beesha Reer-Qansax iyo beesha Reer-Qodax ee uu Aw Mirqaan sida halista ah u yaqaano. Ma isagaa melba ka doona reerahaas caydooda. Waa hubaal inuu Aw Mirqaan ku guul-daraysan lahaa hadii lagu xujeeyo inuu aduun buuran helaayo, laakiin bil-shuruud uu Reerahaas war wacan ka sheego! Wax kaleba ma isagaa yaqaana cimrigiisa intii ugu wacnayd wuxu ku dhameeyay qaad iyo qabyaalad. Waataas muuqaalkiisu todobaatan jir u ekaaday in kastoo uu badhtamihii tobankii shanaad ee cimrigiisa ku jiro. Wax badan buu ku doodaa, naftiisana ku amaanaa inuu yahay nimaan qawl la laabmin, laakiin se waxaanu malina is waydiin qawlka uu sheeganaayo inaanu la laabmin nooca uu yahay, iyo tayadiisa toona. “Waar ilayn af aanad lahayn ma qabatid,” in badan bay waxgarad ehel iyo asxaaba isugu jira oo hadaladiisa ka xumi sidaas ku calaacaleen.
Magaca Aw Mirqaan maaha midkii hooyadiis iyo aabihiis ula baxeen markii uu dadka ifka jooga ku soo biiray muddo haatan ku dhawaad nus qarni laga joogo. Wuxu ahaa Fatxi magaca loogu wanan qalay waagaas, laakiin naanaystan baa ka xoog roonaatay. Inyar oo dadka ka mid ah uun baaba magacaas u taqaana. Xiligaas uu dhashay, in isaga magac loo bixiyaa waxay ahayd muhiimad aad u culus. Waalidkiis oo kaliya muhiimadaasi may daalinin, ee sidoo kale, waxa iyana ku daalay, oo raadinta magaca wiilka cusub wakhti aan yarayn iyo doodi ba ka gashay qaraabadii iyo dariskii Reer-Xaaji Yaasiin oo ahaa qoys la wada yaqiinay. Wiilka dhashay oo ahaa ilmihii tobnaad ee qoyska Xaaji-Yaasiin waxa ka horeeyay sagaal caruur ah, dahmaantoodna gabdho ayay ahaayeen! Gabdhahaas sagaalka ah ee wiilka ka waawaynaa wakhti laguma qaadan jirin helista magacooda, xataa odayga Xaaji-Yaasiin ahi mabuu ka fikiri jirin magaca loo bixinayo hadba gabadha u dhalata, iyo cidda bixinaysa toona. Markii ugu horaysay, uguna dambaysay magac uu bixiyo waxay ahayd markii ay dhalatay curada qoysku ee uu isagu Hoodo u bixiyay, kadib se dan iyo heelo toona  kama galo. Xataa marka uu u yeedhaayo hablihiisa midkood, uma aabo-yeelo magaca uu ku dhawaaqaayo, iyo hablaha midda uu u jeedaa inay is leeyihiin, ee magacyadaas hablaha midkood ayuunbuu iskaga tiraabaa, kamana waantoobo inuu ku andacoodo inay magacyadu iska dhex galeen.
Intii ka dambaysay dhalashada shantiisa gabdhood ee hore, oo afar ka mid ah ay laba ba gooni mataano u ahaayeen, Xaaji-Yaasiin warwar aan yarayn bay ku haysaa inuu gabdho kale dhalo. Si kasta oo uu u diidanyahay gabdho u dhasha, hadana wuu ka dharagsanyahay inaanu waxba ka qaban Karin arintaas. Wuxu si xoogan u xasuustaa waagii uu dhalinyarada ahaa, ee uu miyiga joogay, ee gabdhihii Ilma Warfaa Xamdule, ee ay ilmaadeerka ahaayeen geelooda la odhan jiray geela hablaha. Wuxu ogaa, hablahaasi oo aabahood uu waa hore  geeriyooday inay geelooda la cadibnaan jireen goor kastaba, haba ugu darnaato marka ay aroorkiisa iyo oodiisu timaad. Waxaan kolnaba maskaxdiisa ka bixin markii ay inantii Ilma Warfaa ugu waynayd ay xili guur gaadhay, ay rag reerka ah oo ay cidba isu xigeen ku tashadeen in hablaha geela laga qaado intii ay reero kale ula gali lahaayeen. Waatii tashigaas la meel mariyay ee subax uun tobaneeyo nin oo isla reerka ah uun midba dhawr neef iska kaxaystay! Hablihii iyo hooyadood kolnaba kuma qancin sababtii loo sheegay oo ahayd in geela tolku haynaayo, waxaanay goosteen inay xayntii adhiga ahayd ee ay haysteen ula galaan reer abtigood. Qisooyinkaas iyo qaar kale oo uu maqlayba wuu ogyahay, malaha taas baana ugu wacan inuu gabdhaha cuqdad ka qaado, kaligiis se maaha ee mujtamaca oo dhan baa la qaba. Waa xanuun bulsho, oo ka mid ah cuduro badan oo bhulshadu ay ka tamarin la’dahay.
Si kastaba, markii ay dhalatay gabadha lixaad ee qoysku, Xaajiga waatii uu ku dhacay xanuunkii uu isaga oo qudhi ogaa ee sida ba’an meelaha badan uga weeraray, waxa se kaga darnaa qarsashadii uu qarsaday iyo sidii aanu u jeclayn inay xaaladiisa cidiba ogaato. Wuxu doonaayay inuu si buuxda u xakameeyo dareenkiisa hoose, laakiin, hadana waatii la yidhi war dhafoor buu ku yaalaaye, bulshada kama qarsoona dareenka Xaaji Yaasiin. Maalintii uu xisaabta adhiga ka soo dhamaaday, ee Xaaji Xariir ay wada socdeen, ee ay bakhaarka hortiisa taagnaayeen, waatii Xalwo oo ahayd xaaskii Xaajiga saaxiibkiis ahi u sheegtay inay xaaskiisii umushay, waxa intaas raaci doona ee gabadha ka soo yeedhaayana si wayn buu u malaysanaayay, sidii uu moodaayay baanay noqotay. Hal erey oo jawaab ah kuma celinin xaaskii Xaaji Xariir ee warka dhalashada gabadhiisa lixaad sheegtay, waxa se la maqlaayay isagoo hoos u sii leh, “Awalba hablaan dhali jiray!” Xaaji Xariir, xaaskiisii Xalwo iyo waliba wiilkii Bakhaarka hayay ee gacanyahraha ahaaba hadalkaas is moogaanta kaga soo baxay Xaaji Yaasiin way wada maqlaayeen, wax naxay iyo wax qosol isla hayn waayay ayaanay u qaybsameen. Kalmadii Xaaji Yaasiin magaalada guud ahaanteedba, gaar ahaan asxabtiisa iyo intii taqiinayba si sahlan bay ugu faaftay, waxaanay noqotay kalmad kaftan iyo hal-hays ah. In badan buu maqlay dad aanu aqooninba o isku leh, “Awalba hablaan dhali jiray.”
Xaaji Yaasiin baryihii dambe wuxu bartay sheekhii Tusbaxle ee niman badan oo saaxiibadiis ah, oo iska ladani ay maqaamkiisa fadhiyi jireen. Qofba sabab buu Sheekh Tusbaxle ula saaxiibay, isaga se sabab kaliya baa u gaysay, waana inuu duco wiilal sabab u noqon karta ka helo ninkaas awliyada loogu sheegay, marar badanna uu maqlay in waxyaalo badan looga soo joogay. Saaxiibkiis Xaaji Haybe oo ahaa ninkii ku tirtirsiyay, waliba si ku celcelis ah, inuu dhanka sheekha na bal hadda u baydho wuxu u sheegay laba qodob oo muhiim ah, waxaanay ahaayeen inaanu sheekha aduunyo ka lexejeclaysanin, iyo wax kasta oo uu ka maqlo, ama ka arko inuu sidooda u qaato. Shuruudahaasi may dhibin Xaaji Yaasiin, bahasha aduunyada ah oo aan xageeda laga mari jirin na xataa kama didin ee sidii midho daray buu duuduub ku liqay. Wakaas Xaaji Yaasiin maalintii Arbacada ee dadka xerta ku cusubi maqaamka iman jireen uu is keenay isagoo joonyad jaad ah iyo lacag aan yaraynba walwaalaaya. Waatii Sheekhu uu horayba ka soo dhaweeyay, agtiisana soo fadhiisiyay isagoo gacanta ugu ishaaraaya inuu ku soo dhawaado. Hal erey na ku dhehoo Sheekha muu ka maqal intii uu ag fadhiyay, laakiin wuu arkaayay inuu marba circa eegaayo, indhahana isku qab-qabanaayo. Wuxuu garabkiisa fadhiyoba, wuxuu sheekhu jaad loo tumay afka ku ururiyoba, waakii mar qudha uun ka dalbaday inuu dhankiisa soo eego, kadibna wixii jaad afka uga buuxay, iyo biyo yar oo uu markaas uun kabaday oo isku qasan wajiga kaga afuufay.
Xaaji Yaasiin waatii qaarkaas sare oo dhan, gaar ahaan wajigu uu cagaar noqday. In kasta oo uu booday, oo kicis u holladay, haddana Xaaji Yaasiin waatii ay xertu mar qudha ku wada qaylisay ee loo sheegay inuu fadhiisto, waanu yeelay. Sheekhii kalmad kaliya ayaa ka soo baxday, waxaanu ku yidhi “Abshir”,, faraha gacmahiisana sidaas buu u firdhiyay, tusbaxyo badan oo ag yaalayna mid buu kala gooyay, kuushii ku jirtayna sidaas u kala daadiyay. Sheekh Tusbaxle wuu ilko la’aa oo Xaaji Yaasiin hadalkiisa, faraha uu firdhinaayo iyo tusbaxa uu saydhiyay toona danta uu ka lahaa ma fahmin, xerta ayaa se u sharaxday. Xaaji Yaasiin maalintii iyo habeenkii oo dhan halkaas buu is nabaayay sidii bakayle la qabtay, waxa se liibaan wayn u ahayd tafsiirkii uu muruudka sheekhu ka bixiyay qawlkii iyo ficilkii Tusbaxle. Waxa loo sheegay in ducadii la aqbalay, wiilal tiro badan, oo badan, oo midhaha tusbaxa tiro leeg na uu dhali doono. Taasi waxay u ahayd liibaan wayn wax kasta oo gaadhayba. Xaaji Yaasiin Maqaamka Sheekh Tusbaxle wuxu ka noqday xubin wayn, xoolo badani na way kaga baxeen meeshaas, dan se kama laha. Sheekh Tusbaxle waakii mararka qaarkood uga qisoon jiray taariikhdii Carabta ee Islaamka hortiis, waxaana marar badan uu ka maqlay inay gabdhahooda aasi jireen. In kastoo dhaqankaas Xaaji Yaasiin la yaabay, hadana wuu is ogyahay inuu garawsho buuxa u hayo qaab-nololeed kaas dugaagnimada ah. “Oo hadaa maxay samayn lahaayeen?” Ayuu marar aan yarayn hoos isu yidhi!
********* La soco qaybta labaad *****
M. Haaruun
Email: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Taxane © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.