Get Adobe Flash player

 

Jaadadka Keligii-Taliyaha Reer Afrika – W/Q. Mukhtaar Xasan Maydhane

Saddexlayda (trilogy) Jaadadka Keligii-Talliyaha Reer Afrika waa hawl ballaadhan oo Nuuradiin Faarax ku koobay saddex buug hirdanka dhexyaalla

keligii-talliyaha iyo bulshada uu u taliyo. Saddexdaas buug oo mid kastaa ka hadlayo siday isula falgaleen keligii-taliyaha iyo qoysaska ama shaqsiyado cayimani isla markaana iskugu soohmeen halganka ay ugu jiraan inay difaacaan ama dumiyaan nidaamka keligii-talisnimo, qaarkood iyagoo ka war haya waxay samaynayaan iyo ujeeddooyinkooda qaarna aanay kaba war hayn, waa dhigaal dhaxalgal ah.
 Ujeeddada qormadan gaabani ma aha in aan ku dhalliilo ama ku lafa-guro saddexlaydan. Ujeeddada ugu muhiimsani waa inaan si kooban daaha uga rogo si inta akhrisan karta u akhristaan buugaagtaas, inta kalena ee Af Soomaaliga uun taqaannana ugu abuuro dhadhan ay ugu baahdaan in loo turjumo.
Saddexlaydan waxa lagu tilmaamaa hawlaha ugu muhiimsan ee uu qabtay Nuuradiin, iyadoo aanay ahayn saddexlayda kelliya ee uu qoray. Waxay la kowsatay tobban-guuraddii kacaankii uu hoggaaminayey Keligii-Talliyihii Siyaasad Barre (1979). Sidaas darteed, qoraagu wuxuu u doortay sida qoysaska iyo shaqsiyaduhuba ugu hoos nool yihiin.
Buugga koowaad, Gadhoodh Macaan (Sweet and Sour Milk), wuxuu ka hadlayaa kacdoon qarsoon oo kasoo horjeeda Jeneraalka (waa magaca uu saddexlayda oo dhan u isticmaalayo keligii-talliyaha) kaasoo xubin firfircoon uu ka yahay Sooyaan. Sooyaan waa mataanka Looyaan. Sooyaan wuxuu ka shaqeeyaa madaxtooyada. Habeenka naftu ka baxaysay Sooyaan, oo aan wax shaki gaar ah lihi ka muuqan, waxa la joogay Looyaan oo Baydhabo ka yimid. Wuxuu dhimanayaa isagoo magaca Looyaan afka ku haya laakiin Tawraddu waxay u bedeshay inuu u dhintay isagoo leh, "Shaqadu waa sharaf. Jeneraal aan keena ahaynina ma jiro."
Sidaas ayaa Jeneraalka oo hannan waayey Sooyaan markii uu noolaa, inkastoo uu u shaqaynayey, uu ku hantay ruuxdii Sooyaan oo loo cimaamaday Halgamaa. Markiiba waxa loo guntaday buunbuuninta sida uu u hannuunsanaa Sooyaan iyo sida uu u hadh iyo habeen ugu hawlgalay barakaynta iyo bilista kacaanka. Waxa la bilaabay in la abaalmariyo waalidkii soo barbaariyey magaciisana lagu xarriiqo mid ka mid ah waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho si uu tusaale wanaagsan ugu noqdo kuwa da'da yar ee laga rabo inay ku daydaan.
Ma suurtogasheen in laga been-abuuro ereyada ugu dambeeyey Sooyaan haddii aan gargaar laga helin, ama hal-abuurba, wakiilka dawladdu ku leedahay qoys kasta. Qoyska Sooyaan wiilka ka yahay waxa aabbo ka ah nin sirdoonka ka tirsanaa oo markii mid ka mid ah maxaabiistii uu gacanta ku hayey ciqaab naftu kaga baxday laga dejiyey derajadii si kacaanku isugu furto. Isaguna si uu isku furto wuxuu guursaday gabadhii uu ka geeryooday ninka loo tiriyo ciqaabtiisa inuu ku dhintay.
Jeneraalka iyo Sooyaan Aabihii wax badan ayey wadaagaan: Sooyaan Aabihii sida uu keligii-talliye uga yahay qoyska ayaa Jeneraalkuna uga yahay dalka; Aabihii sida uu uga dhoohan yahay baahidda dhabta ah ee taal qoyskiisa ayuu Jeneraalkuna uga dhoohan yahay ta wadanka; iyo Aabihii sida uu u bedelo rabitaanka qoyskiisa ee magacii ilmihiisa uga dhigay lidka wuxuu u taagnaa si uu ugu qadhaabto ayuu Jeneraalkuna ugu qadhaabanayaa bulshada inteeda kale.
Looyaan hulada ku bannaanaatay iyo baadhitaanka uu u galayo sidii uu u ogaan lahaa noloshii Sooyaan iyo sababta loo rogay wixii ugu dambeeyey ee uu yidhi waa inta neefkuba u dhintay. Kolba hog madow ayuu inoo faydayaa, oo inta uu inaga tuso iyo inta uu ogaal la'aanteed inagaga teggo aanad kala garanayn siday u kala badan yihiin. Looyaan wuxuu helayaa kacdoonkii qarsoonaa ee lidka ku ahaa Jeneraalka, isla markaana ku biirayaa kadib markay u caddaato in suurtogal tahay in Sooyaan la shirqoolay kadib markii ay qoreen wareegto lid ku fikradaha kacaanka. Laakiin isla  kacaankuna wuxuu u magacaabayaa Looyaan safaarad inuu hoggaamiyo. Ma noloshii walaalkii ayuu isaguna dib ugu noolaan?
Buugga labaad ee saddexlaydu waa Saaradiin, (Sardines), oo dhinacna kaga taxan halgankii bilaabmay buuggii horre, dhinac kalena kaga go'an sida qoysas kale iyo shaqsiyado kaleba ugu jiraan halgankaas. Halkan jileyaasha ugu muhiimsan waxa ka mid ah Mediina oo ka sokow inay la dagaalamayso Jeneraalka ay u dheertahay la dagaalanka dhaqan fog oo Carbeed oo waalidkeed ay ka dhaxashay. Mediina waxay ka soo jeedaa Carabtii deganayd Muqdisho. Hooyadeedna waxay degan tahay guri ay ka dhaxashay awowyadeed. Waa islaan dhaqanka aad ugu adag.
Mediina waxay is qabaan Samatar oo isaguna ah shaqaale dawladeed. Samatar waa nin aad ugu tiirsan xaaskiisa markay noqoto kartida maamulka qoyska. Dhib badan isaga taasi kuma hayso, laakiin hooyadii waxay u aragtaa nin la falay ama aan raganimo lahayn mar haddii xataa biilku ku dhaco qasnad ay maamusho Mediini. Waxay ka dhiidhidaa hooyadii in guriga uu degan yahay xataa isagu lahayn ee uu yahay mid Mediina leedahay. Mararka qaar ayeyna u dhaqantaa sidii aanay marti u ahayn Mediina iyo Samatar.
Mediina oo tifaftire ka noqotay Xiddigtii Oktoobar waxa shaqada laga soo fadhiisiyey kadib markii ay isku dayday inay tifaftirto murtida Jeneraalka. Yaa wax ka bedeli kara qiyaasta murtiyeed ee Jeneraalku ugu talogalay inuu ku quudiyo dadweynihiisa? Intaas wixii ka dambeeyey waxaba laga mamnuucay Mediina inay wax qorto. Imikana waxa ku hadhay inay inanteeda, Ubax, oo keliya u turjunto kolba sheeko. Doorka ugu muhiimsan ee Mediina wuxuu ku dambeeyey inay noqoto shucladda jiilka soo kacaya ku habta fikrado katiinadaha ka jebiya waxkasta oo Jeneraalku u taagan yahay iyo hooyadeed, oo ku adkaysata in markasta dhaqanka lagu dheganaado, iyo weliba sodohdeed, oo iyadana ay kaga dhegan tahay in Ubax loo guddo si fircooni ah.
Intaas waxa barbar socota sheeko kale oo ku saabsan hooyo iyo inanteed, waa Sagal iyo Hooyo Ceeblee, oo iyaguna isku dayaya siday ula noolaan lahaayeen guulna uga dhallin lahaayeen dhaqan iyo dawlad aad uga duwan. Sagal waxay quudataa buugta iyo fikradaha Mediina joogto ula wadaagto. Waana dad aad isugu dhaw. Sagal waxay rumaysan tahay in raggii la guursan lahaa ay u qaybsameen laba: qaar dhoofay iyo qaar la xidhay. Inta kasoo hadhay waxay u haysataa Sagal inay yihiin dambas innaba laga dayi karin diirimaad.  Sidaas darteed, hamigeeda ugu weyn waa inay ka qaybgasho tartanka dabbaasha si ay u baxsato markay dhoofto. Haddii intaas ay weydo, waxa u qorshaysan inay muujiso siday lid ugu tahay macangagga, iyadoo rajaynaysa inay xadhiga kula kulanto wixii bannaanka ay ku weyday. Riyadeeda waxase ku ciyaaraya marka kuwii ugu dhawaa tartanka la xidho ee kacdoonka huraya ay hablahaasi ka noqdaan halyeeyo. Yaa lala tartami?
Wareegtadii Sooyaan u dhintay weli waxay ka shuuqaysaa gunta sheekada. Kacdoonkaasi waxa carqalad ku ah dad ajnabi ah oo isku haysta inay fahamsan yihiin duruufta ka taagnayd waddanka, laakiin aan waxba ka duwanayn fikradaha gumaysiga cusub ee u haysta inay naftaada adiga kaa yaqaanaan. Waxa kasii daran marka iyaga lagula dhaqmo waxa ay ku dhaqmayaan heli ogaa. Markase ay iyagu samaynayaanna, ka indho la'aa. Mediinase hal dib uma dhigato ay is leedahay saaxiibadeeda ajaanibka ahi way seegayaan.
Falgalkaas badan ayaa ka dhigaya ilaalinta joogtada ah ee Mediina u leedahay inanteeda, qoyskeeda, iyo weliba dalkeeda mid su'aalo badan dhaliya. Mediina ma laga yaabaa inay iyaduna noqotay Jeneraal-Yare oo qoyskeeda ay ka tahay waxa Jeneraalku ka yahay bulshada? Ku dheganaanta fikir sax ahi maka dhigi karaa qofka keligii-talliye, haba ahaado mid wanaag soo wadee? Haddii wanaagu noqdo waxa lagu sababeeyo keligii-talliska, yaa go'aaminaya marka uu wanaagsan yahay iyo marka kale, mase lagu gaban karaa?
Inagoon ka dhergin waxaasoo dhan ayuu Nuuradiin gacanta inta uu ina qabto inoo gundhinayaa buuggiisii ugu dambeeyey saddexlaydan, Sisin Xidhan (Close Sesame), oo aad uga duwan labada kaleba. Halkan waxaynu baranaynaa Diiriye oo ahaa nin lasoo dagaalamay gumaysigii kadib markii reerkiisii gumaystuhu kusoo weeraray inay magan geliyeen wiil dhiig ka galay gumaystaha. Diiriye waxa xidhay gumaystihii. Dagaallo riiqday oo lagu le’eday iyo xorriyadii kadib, Diiriye haddana wuxuu isku dhex arkay isagoo dagaal kula jira nidaamyadii ka dambeeyey oo gumaystihii oo diir madaw uun. Intan dambese ee uu da'da noqday, waxa ku hadhay inuu iska cibaadaysto.
Diiriye intii uu da'yaraa xaaskiisa inta badan wuu ka maqnaa. Ubadkiisu waxay koreen isagoo maqan. Sawirada guriga yaala oo dhan wuu ka maqan yahay. Wuxuu ku maqnaa jeel. Sawirada iyo waa la isku shin tirin karaa jeelkiisa oo midba la sheegi karaa ka uu ku jirey. Intan dambe ee uu weynaadayna, xaaskiisii way ka maqan tahay. Inta uu ku xidhan yahay jidhka la amaanaysiiyey, iyadu waxay qaadatay xorriyadda nolosha dambe. Sidaas darteed, Diiriye hadda wuxuu la nool yahay ubadkiisa. Mar wuxuu la deganaa Dhakhtaradda Saynab marna Mursal. Guriga Saynab ayuu Diiriye ka jecelyahay ka Mursal maadaama gurigaasi yahay guri Soomaalinimadu dhuuxa kaga jirto halka ka Mursal xaaskiisa Yuhuudiyadda reer Maraykan ahi ka dhigtay guri u baahan in laga fiirsado inta aan la iman. Waa in qofku ballan haysto oo lasii ogyahay si Diiriye guriga Mursal loogu soo booqdo halka ka Saynab daf la iska soo yidhaahdo amin kasta iyo maalin kastaba. Cudurkiisa neefta darteed, Diiriye lama joogi karo Saynab maadaama gurigaas la dhisayo oo neefta iyo boodhkuna aanay isku san-bannaanayn.
Shucladdii kasoo bilaabantay sheekadii Sooyaan ayaa Mursal, Mukhtaar iyo Mahad sii hurinayaan. Iyagu ma aha oo keliya aqoonyahano, waxase ay ku abtirsadaan halgameyaal ay kasoo nuugaan saamigooda geesinimo iyo indheergaradnimo. Sheekooyinka, tusaale ahaan, ay wadaagayaan Mursal iyo Aabihii Diiriye waa sheekooyin ku salaysan fikirka ka dambeeya la dagaalanka Jeneraalka iyagoo adeegsanaya xujooyin taariikheed, dhaqan, fikir, ama diimeed. Halka buugtii hore ay ka ahaayeen qaar aad moodo jileyaashu inay ka go'naayeen bulsho-weynta, waxaad moodaa inay kuwani ka xidhiidh fogyihiin. Tusaale ahaan, shirka Jeneraalku ka dalbaday beesha Diiriye inay isugu yimaadaan oo fad-qalalooyinkii ugu dambeeyey ee dhacay iskaga berri yeelaan waxa Mursal iyo kooxdiisa uga soo waramaya sida shirku u socdo carruurta degan xaafadda iyagoo ka faa'iideysanaya in cidina ayna ka shikiyeynin carruurta yaryar ee bilaa dembiga ahi in loo adeegsan karo basaasid. Silsiladaas carruurta waxa ka mid ah Sama-wade oo uu dhalay Mursal. Halkii Sooyaan walaashii, Ladan, ama xataa Looyaan aanay waxba kala socon waxa Sooyaan ku jiro, halkan Sama-wade waa dhambaal-wade. Ama eeg Ubax yar oo Mediina markasta oo ay ka hadlayso arrin xasaasi ah kaga dhuumato af qalaad oo aanay Ubax garanayn.
Haddiise Diiriye dhiiranaa dhallinyarnimadiisii markii uu gumaysiga la dagaalamayey iyo markii uu diidanaa talada dalka ee gacan keliya ku ururaysa, maanta wuxuu magan ugu yahay wiilkiisa sidii uu uga qaybgelin lahaa si uu uga badbaadiyo wiilkiisa iyo xaaskiisa Natasha inay kala fogaadaan. Waxa kale oo la is odhan karaa, wuxuu diidan yahay in sida isagu sawirro badan uga maqan yahay wiilkiisuna uga maqnaado haddii uu da'diisan gaadho.
Dhanka kale, sheekadani waxay leedahay xiiso kale. Maadaama weli Jeneraalku xoog leeyahay, waxa qoraaga la is odhan karaa way u cadaatay inaan Jeneraalka bilaa wehel waxba lagaga qaadi karin. Sidaas darteed, weheladda halganku way ka muuqan ogyihiin imika intii buugtii hore ee saddexlaydan. Ma aha oo keliya in laga garan og yahay, laakiin waxtarkooduna wuu ka muuqan og yahay kuwii hore. Tusaale ahaan, isku tiirsanaanta Diiriye, Rooble, iyo Cilmi-Tiir ma aha uun saaxiibo sheeko wanaagsan isla doontee, waa kuwo isku hiiliya marka midkood liito. Intii Diiriye iyo Rooble hoganayeen jeelka, Cilmi-Tiir ayaa quudin jirey reerahooda. Saaxiibtinimada Mursal, Mahad iyo Mukhtaarna kuma iman ka-ma' ee waa kas.
Inkastoo buuggan ugu dambeeya aad mooddo inuu xididadii u siibay Jeneraalka, gaar ahaan kuwii uu ku lahaa qoys kasta, welise awooddiisii ma lumin. Ka badbaadista isku-dayga dilka ee Jeneraalku waa astaan in meelo badan laga soo qabsaday, inkastoo awooddiisu weli jirto. Labada hore, midna lama gaadhin halkaas. Ku darsoo, waxaad moodaa Jeneraalka inay isku mid noqdeen Yaasiin. Yaasiin waa wiil ay isku da' dhawyihiin Sama-wade oo qal-qaali ah, ciddii uu arkana dhagaxa ku tuura. Bilaashna ma aha in Yaasiin wax looga nuuriyey Diiriye oo markuu daaqadda ka arko Diiriye doorsoomi jirey.
Sidaan kor ku sheegay, intani waa ifin kooban. Waxay ifinaysaa fikirka iyo miigganaanta mid ka mid ah wiilashii ugu indheer-garadsanaa dirka Soomaaliyeed, aqoonyahan lagu tilmaamo inuu yahay codadka ugu mudan Afrika ee aragtiyihiisa qaaraddu ugu macquulsan yihiin. Waa buug ka sokow waxay kasoo gudbinayaan keligii-tallisnimada, wax ka badan ka gudbinaya dhaqanka, suugaanta iyo bulshada Soomaaliyeed. Waa buug lagu cufay maahmaahyo, murti, iyo sheeko xarriir oo bogba ka kale kuugu dhiibayo si hammuun badani ku dheehan tahay.
Nasiibdarro, buugtaasi cidday ka sheekaynayaan baddankoodu ma akhrisan karaan. Inkastoo laga garaabi karro wakhtigii la qoray inaanay suurtogal ahayn in lagu baahiyo dalkii la odhan jirey Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya, waxase aan laga garaabi karin in ilaa maanta, waa ogaalkaygee, aan lagu turjumin Af Soomaali. Waayo? Malaha dad badani waxay u qaataan marka laga sheekeeyo keligii-tallis inuu ku eg yahay uun Siyaad Barre oo nolosha Soomaaliyeed marnaba aan lagu arki doonin taas oo kale. Haddii loo arko inuu ka hadlayey qof waxa lumay murtidiisii. Waxa uu ka hadlayaa waa duruufo isku tegay oo soo saaray qofkan oo ka bilaabmaysa qoys kasta iyo guri kasta. Laakiin sida maroodigu u arko takarta kale, ayeynu inagu u aragnaa uun marka la inaga maroorsado awooddii iyo xaqii aynu u lahayn inaynu nafteena ugu fikirno sida mudan. Markase naftaadu samaynayso taas aad ka diidey in lagugu sameeyo, waxaad ku marmarsootaa, sida keligii-talliye kasta, waa wax wanaag ugu jiro bulshada ama ciddaas aad ka maroorsatay.
Hadraawi ayaa laga hayey, “Inta maanku gaajaysan yahay, guuli waa weli.” Gobo'du waxay tahay, haddii aanu baraarugin maankeenu, waa halkii dacawadii sheeko xarriirta ku jirtee, "walee reer aan ogahay ma guuro." Buugta noocan oo kale ahina, sida qaybaha kale ee suugaanteena, waa kuwa baraarujiya maankeena.
Mukhtaar Xasan Maydhane
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Qalinleyda © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.