Get Adobe Flash player

 

La-taliyayaal mise Kaaliyayaal? – W/Q. Prof. Cabdi Cali Jaamac

Mid mise mid. Midi waa khasab, ta kale se ma aha khasab. In madax laga dhigo qof kasta oo mutacallin ah khasab ma aha, mana suuragalayso. Laakiin in waxa uu tacliinta u leeyahay laga dhegaysto oo loola

noqdo iyadu waa khasab, gaar ahaan marka uu gaadho heerka khabiirnimada(expertise).  Taas macnaheedu waxa weeye qofkasta oo mutacallin sheeganaya wax la weydiin maayo ee waxa lala tashanayaa waa kuwa khubarada ku ah laan ka mid ah cilmiga. Kala garashada ka khabiirka ah iyo ka kale waa hawl u taal cidda madaxda  ah(policy makers). Taasina waxay ina faraysaa in cidda madaxda laga dhigayaa in ay noqoto cid aqoon iyo waxbarasho leh lafteedu, taasoo u suuragalin karta in ay kala sooci karto  qofka khabiirka ah iyo qofka aan ahayn. Arrinkaa talada la iska weydiinayaa waxu noqon karaa arrin nabadgalyo, sharci, dhaqaale IWM.
Waxan is weydiiyaa la taliyayaasha faraha badan ee aynu magacawnaa malaha waxay ku  fiicnaayeen in loo bixiyo kaaliyayaal, waayo inta badan looma adeegsado in talo la waydiiyo ee waxa loo haystaa sawir xagga siyaasadda ah. Markaa waxay ila tahay in iyagana shaqo kaaliye loo diro, isla markaana la sameeyo la taliyayaal dhab ah oo wax laga weydiiyo arrimaha waddanka. Farqiga u dhexeeya labadu waxa weeye: kaaliyuhu waa siyaasi laakiin la taliyuhu wuu ka fog yahay siyaasad. Taa daayoo,  iyagu wey la talin karaan xukuumad kasta oo timaadda. La taliyuhu waa khabiirka aynu kor ku soo sheegnay qeexdiisa.
Su’aasha is weydiinta lehi waxay tahay: ma khasab baa in la qaato talada khabiirka ama khubararda?. Horta go’aanka ugu dambeeya waxa iska leh qofka masuulka ah. Laakiin mid baa khalad ah. Taasi waa in qof kaliya oo khabiir sheeganaya ama ahba lagu kobo talada. Taasi waa khalad manhajiya. Talada uu masuulku ku hogaaminayo waddanka waa in ay isku raacaan illaa dhawr qof  oo khubaro ah. Haddii ay sidaasi dhacdo oo khubaro mid ka badani isku raacaan arrin, aniga waxay ila tahay waa waajib inuu masuulku qaato. Haddii kale oo uu qaadan waayo oo uu ku socdo fikrad uu isagu leeyahay, waxan qabaa inuu khiyaamo iyo khalad ku samaynayo waddankiisa iyo dadkiisa.
Tan lafteedu waxay meesha ka saaraysaa in qofka madaxda ahi xataa haduu khabiir yahay in aanu keligii is qancin ee uu wax weydiiyo khubaro kale si uu u hubiyo in talada uu  ku socdaa ay sax tahay iyo in kale. Maxaa yeelay qofku marku xil sare oo siyaasadeed qabto sida madaxweyne ama wasiir isagoo Matalan ah qof aqoon xeel dheer u leh arrimaha sharciga ama dhaqaalaha ama ciidanka ama caafimaadka,  markaa laga bilaabo looma aqoonsana qof khabiir ah illaa inta uu xilka dhigayo. Intuu xilka hayo waxa loo yaqaan siyaasi ama madax, sidaa darteed wuxu adeegsanayaa dad kale oo khibrad iyo waxbarasho leh xataa wixii uu yaqaanay ee isaga la weydiin jiray. Haddii uu ku adkaysto oo uu yidhaa anigu waxan aqoon baan  u leeyahay, waxa weli hortaalla tii aynu soo sheegnay ee ahayd khabiir kaliya laguma socon karo taladiisa ee waa in dhawr qof oo khubaro ahi isku raacaan arrinka waddan dhan lagu wadayo. Waxa sidaa loo yeelayaa khasaaraha  ka dhasha talo qaldan oo qaran aad buu uga weyn yahay oo shaqo kuma laha talo qaldan oo aad meheraddaada ama qoyskaaga ku dhaqdo.
Kolkaa haddii aan dib ugu soo noqonno mawduuceennii, dadkii waxbarashada ama qoonta lahaa ayaa badhna madax noqonayaan, badhka kalena khubaro lala tashado. Waa da’yartii  isku  iskuulka ama jaamacadda ahayd oo intii madaxnimada raadsatay mooyee, intii kale sii wateen cilmigoodii illaa heer takhasus, ka dibna ku shaqeeyay wixii ay soo barteen illaa ay ka gaadheen heerka loo yaqaan khabiirnimada.
Haddii aynu dadka waddanka ku nool u qeybino kuwo wax bartay iyo kuwo aan waxbarasho lahayn. Marka madaxda la xulanayo , waxa caqliga fayow ku farayaa in aad ka dhex doorato kuwa wax bartay adigoon marna ku tahanbaabayn ama ku warwareegayn kuwo aan tacliinta lahayn. Maxaa yeelay  ma jirto sabab aad sidaa u samayso . waayo,  haddii aad rabto qof karti leh, wuxu ku jiraa xeradan. Haddii aad rabto qof aftahan ah , wuxu ku jiraa kooxdan. Haddii aad rabto qof la aamini karo, wuxu ka mid yahay kuwan. Haddii aad rabto xataa mid reer hebel ah, kuwan baad ka helaysaa.
Sababta loo rabo in qofka xilka hayaa uu noqdo qof tacliin leh waa isagoo marka hore  garan kara qofka khabiirka ah iyo ka aan ahayn,  mar labaadkana waa isagoo si sahlan u fahmi kara talada la siinayo ahmiyaddeeda iyo dhumucdeeda, isla markaana kala naqaysan kara talada shilis iyo ta weyda ah,  xataa arrinka laga hadlayaa haddii uu yahay wax aanu isagu baran. Tusaale, qof dhakhtar ah oo madaxweyne ahi, mar hadduu yahay qof jaamici ah, wuu kala naqaysan karaa talada laga siiyo xagga melatariga ama ciidanka. Maxaa yeelay, khabiirkan kala talinaya xagga ciidanka iyo dhakhtarka hal wax baa ka dhexeeya kaas oo isku xidha mutacallin oo dhan. Halkaas shey waxa loo yaqaanaa maskax cilmiyeed( Scientific mind).
Si kastaba ha ahaatee, waxaan ku soo koobayaa : Labada kooxoodba ee mutacallimiinta iyo kuwa aan lahayn tacliinta(educated and non-educated) nacas iyo fariidba wey leeyihiin. Laakiin kooxda wax baratay fariidkooda iyo nacaskooduba waa waxtar. Waayo, haddii uu fariid yahay, madax baynu ka dhigan,  haddii uu doqon yahayna khabiir buu noqon karaa haddii uu wax ku  takhasuso. Hase yeeshee kooxda kale, fariidkooda ayuun baa waxtar yeelan kara, laakiin nacaskoodu meel la qaato ma laha…..bal adba.
Prof. Cabdi Cali Jamac
www.profabdiali.blogspot.com
Qalinleyda © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.