Get Adobe Flash player

 

Tuwaal bay cuna na leeyihiin! – W/Q. Maxamed-Cirro

Odhaahdani waxay ku jirtey sheeko uu nooga sheekeeyey wakhtigii aan dhiganayey dugsigaygii sare ee Nuuraddiin macallinkaygii Biology-ga, Alle Cimriga iyo caafimaadkaba ha u barakeeyee Xasan Axmed Jaamac (Xasan-Biology). Macallin Xasan waxa uu

noo sheegay in wakhti ay siminaar galeen iyaga oo caddaan iyo madow ka koobnaa, inkasta oo aanan xasuusan goobtii ay ku galeen. Kaddibna kooxdii madoobayd maalin ay u sheegayaa intii caddaanka ahayd in ay maanta ku casuumayaa cunto Afrikaan. Cuntadii bey soo samaynayaan oo kaddibna miiskii cuntada la soo dhigayaa. Cuntadu waxay ahayd Canjeero ama laxoox-xabashi, qof ba sida uu u yaqaanno; sida aan sheekada ka dhadhansadayna Macallin Xasan dhankooda Ethiopian kamuu madhnayn.  Cuntadii miiska taalley haddiiba loo holladay in la cuno, kooxdii caddeyd bahashii canjeerada ahayd laabta ayay wada saareen, oo tuwaal ay cuntada uga dhigayaan dharkooda si aanay u marmarin ayaabay ka dhigteen, oo malaha balladhkeeda iyo midabkeeda ayay Tuwaal ugu maleeyeen, waxayna sugayaan cuntadii tuwaalka (canjeeradii) laysaga dhigay in la keeno. Markii ay Macallin Xasan iyo kooxdoodii casuumadda samaysay aragto sida wax ay yidhaahdeen kooxdii u casuunnayd, ayay u sheegayaan in waxan ay laabta saareen aanay ahayn tuwaal, ee ay cuntadii la cunayay tahay. Kooxdii caddayd fajac baa ka soo hadhay, waxa maankooda ka gadmi waayaya, wixii ay tuwaalka u haysteen in ay cunaan, markaasey ku tiraabayaan hadalkaa halka sare ku xusan ee “Tuwaal bay cunna na leeyihiin”, ugu dambeyna kooxdii casuunayd waxa lagu qancinayaa in ay cunaan.
   Waxa sheekadan ku xasuustey halka aanu kala taagnayn canjeerada intaanaan heshiin. Imika sidaanu isku nahay aan idiin danbeysiiyee, intaanaan is baran waxaan ka aaminsanaa cunto xoog u dhanaan badan, dhadhana lahayn, oo cunto daayoo aan la ag mari karin. Inkasta oo Muddo aan dhaweyn aan maqli jirey magaceeda, haddana maalintii iigu horreysay ee aan arkaa waxay ahayd, maalin nin aanu saaxiibnahay oo cabdilaahi xasan la yidhaa oo bahashaa ka dambeyn jirey, aadna u jeclaa uu igu qasbayo inaan cuno, oo meel lagu iibin jirey oo magaaladda Hargeysa, agagaarka isgoyska Togdheer, ee degmadda 26juun ku taalay i gaynayo . Waan ka ogolaanayaa laakiin waxaan ka codsanayaa in aan guriga la tago, waayo maalintaas hawl aanan hadda xasuusan baanu kuwada jirney  ilamaa aroornimadii, oo soomal haad, kulayl iyo daal badanba waanu  dareemayeynay, oo anigu waliba cunto ku horee isma lahayn, maydhoo yara nafis baan is  lahaa. Saaxiibkay shardigii iga ogolaa oo labadayadba weelka halka mar la isticmaalo na loogu soo rid bahashii canjeerada ahayd. Gurigii hadaaban tagay oo aan maydhay, waxoogayna iska nastay ayaan u holadey inaan ballankii tijaabadda ee saaxiibkey aan ka qaadey oofiyo. Hadiiba aan furey, markii hore weelkaa ku daboolnaa oo maan arkeyn muuqaalkeedee, wax aan maskaxda galin kari waayey in aan cuno ayaa igaga soo baxay. Baladhkeeda waxa igaga darnaa muuqaalkeeda. Intaan waxoogay yara eegeegay anigoo xitaa faraha kala xishoonaye;istaaqfurulla, xumaan igamay ahayne, midabkeeda iyo qaabkeedaan liqi kari waayee. Ayaan qaadanayaa inaan la tijaabin Karin, oofina Karin balankii saaxiibkey. Intaan telefanka ka garaaco baan isagii u sheegayaa, waxoogay markaanu hadalka isku celcelinaynay taydii baa meel mareysa, oo iska daa waayahee buu i odhanayaa. Anna intaan soo qaado, baan Ri,dayadii Cudbi, ee dhogorta badnayd ku casuumayaa, iyana ilayn waa farriide, waa halkii ayeydey Caashee, si wanaagsan bay iiga gudoomaysaa, oo waliba aanaan maqlayne, waad mahadsan tahayna waabay i lahayd malaha.
          Waagii dambe ayaan hoygii canjeerada imanayaa. halkan aan immi wax kaleba lagama yaqaan, waa cuntadda dhaqanka, waa cuntada ugu qaalisan, waa cuntadda dabaqad walba oo bulshadda ka mid ahi cunto, waa cuntada qarranka, waa cuntadda casuumadda, waa cuntadda cid kasta iyo mar kasta; sirta ku duugan ee qiimaha intan leeg loo siiyeyna gadaal baan ka ogaadey. Intii hore cunto Somali iyo bariiskii aan raadiyee, maalmihii dambe dan baanu heshiis aan cidna na dhexdhexaadin wada galaynaa canjeerada, oo colaadii dhexdayadu way dhamaanaysaa, markaas baa iyana ii ogolaanaysaa inaan noocyadeeda iyo qaababka kala duwan ee loo sameeyo kolba mid ku dul dakeeyo. Awal canjeero uun bay ii ahayde, waxaan baranayaa noocyadeeda kala duwan; canjeero dibsi, Canjeero Bin-aynet, canjeero Fir-fir, canjeero Qaywadad, canjeero hebla iyo heblaayooyin kale, Alla noocyo badanaa miyaan dhamayn karaa. Illaa afar nooc oo ka mida noocyadaas waan cunay. Sawtii dhanaanayd?,  Jaw! dhadhaan baad sheegaysaaye, haddadaas baan u haliilyoonayaa, horaa loo yidhi dameeri maxay sinjibiil ka taqaanaaye, sida dameertaas baanan u aqoon waxay canjeeraddu tahayba. Imika ismana jeclin, iskamana nabsi galno oo colaadi dhexdayadda ma miranayso.
            Ka hor intaanan idiin sheegin waxa igu kalifey in aan mawduucan u qallin qaato iyo  dareenkii dhaliyeyba, ila wadaaga macluumaad aan badneyn oo aan ka ogaadey Taariikhda canjeerada, hana iiga qaadanina inaan idiin faaninayo.
 Sida  Ardeyda isku jaamacadda nahay qaar ka midda, oo inta badan dhaqanka qoomiyadaha kala duwan ee dalkan midowga ah iska wareysano ii sheegeen, waxa muddo hadda aan la qiyaasi karin cunto ahaan u soo isticmaali jirey  Qowmiyadaha Amxaara-da iyo Tigrey-ga, laakiin sannado aan dhaweyn ka hor ayey ka gudubtay xayn daabka labadaas qowmiyadood, iyadoo canjeeraddu gaadhey heer ay dad fara badan oo ku kala nool gobolo kala duwan, kana soo jeedo qawmiyado kala duwan, ka dhigtaan cuntadda ay cunaan saddexda wakhti, maalin kasta, sannadka oo dhan. Waxana canjeerada laga hellaa hudheeladda darajadda koowaad ee ku yaal dalkan iyo dalal kale oo afrikaan ahba, waxana sidoo kale lagu sameeyaa hudheelo ku yaala qaaradaha yurub iyo mareykanka oo dad dalkan u dhashay iska leeyihiin. Canjeerada waxa loo sameeyaa habab kala duwan iyo farshaxan kala gadisan, taasoo sahashay in kalideed la qabatimo. Haddii dadkeena hadda nool ee somalida ahi yaqanaan abtirsiinta noocyo kala duwan oo cuntooyin dibadda looga soo waarido ah, halkan waxa loo abtiriyaa oo noocyadeeda la yaqaanaa cunto dhaqan, la horumaariyey oo casriga la jaanqaadeysa ,oo dadkani samaystaan.
Waa tahay waxaan filayaa in canjeerada hadda wax idiinka iftiimeen.
         Maalin dhaweyd aniga iyo koox galaaskayga ah oo ka wadda sheekaysanay canjeerada iyo kaalinta ay ugu jirto dadka dalkan ku nool, ayuun buu mid naga mid ahaa si kadisa u yidhi hadal dareenkayga taabtey, warwar badan igu dhaliyey, oo i dareensiiyey in umadda aan ka soo jeedaa maantana waxba ahayn, qorshahana ugu jirin in ay wax noqoto. Waxa uu yidhi “Cuntadu waa waxa ugu weyn ee aan laga maarmi karin,Umadda aan cunto samaysan karina, waligeed waxay ku hoos jirtaa Talladda cid kale, Qof kasta oo halkan ku noolina sababtaas buu Canjeerada u jeclaadey, oo cuntadiisu cid kale uga sugayn”. Bilaa caleeg sidee hadalkani kuu taabanayaa adigaba?, maxaad daremi lahayd marka uu sidan u fikirayo kii cuntadiisa ku filnaadey? Ee adiguna dakadda waxa ka soo dagga iyo bariiska nin hindiga ahi beero sugayso?. Intaan khajilaad dareemay, oo is yidhi malaha Umadda aad ka mid ka tahay buu ujeedaa, inkastoon ogaa in qofka sidan lihi somalida waxba ka aqoon, waxay cunaan iyo waxay xidhaan toona, ayaan halkaa kaga hadhay sheeko wadareedii. Anigoo halkii fadhiya baan naftayda dood jilbaha is galinay, hadii qof kale biyaha gacanta kuugu qabto sideed ugu haraad baxaysaa baan is weydiiyey.
         Akhriste bal adiguba is weydiiyoo illaa goorma ayeynu ku jiraynaa in cid kale waxay soo beerto ku tiirsananaano? Ma lagu kalsoonaan karaa cuntadda dalal kale kaaga timaada, ee warshad soo marta, ee waliba waxyeeladeeda waxaan ku hubino aynaan haysan? Miyaynaan cunto dhaqan lahayn? Miyaynaa karayn in Galleydii,Digirtii,Garwogii iyo kuwii kaleba  aan horumarino, oo casriyeyno, oo ku faano, oo cunno, oo dadyowga aduunka barno? Miyaynu ka liidanaa dadka cuntadoodii dhaqan gaadhsiiyey heer aduunka iyo qarrado ka fog fog geyigooda laga helo? illaa goorma ayuu bariiska Hindiya laga keeno iyo baastada Talyaanigu laga soo waaridaa ina wadayaan? Ganacsatadeena maalin kasta malaayiinka dollar dibadaha inooga saraa, ma waxay garan waayeen beeraha dalkeena ku maal galiya?, hadii layna yidhi, oo aaminay in bariisku Surbiyahan yahay dee miyaynu beeran kari weynay?. Maalin baa jirtey aan maqlayey bariis dalka laga beeray baa xaflad loo  qabtey, oo madaxweynuhu ka qayb gallay, laakiin hadiiba la tijaabiyey in uu dalkeena ka bixi karo, maal gallin buu u baahan yahay,in la dhiirigaliyo cidda beertay baa loo baahan yahay, in ganacsatadeena dukaamadda iska daba furata, lagu jiheeyo in dadkeena cunto laysku halayn karo u helaan baa loo baahan yahay.
Awal subagga iyo caanaha dareeraha ah baa jirey wax aan xoolaheena ka helno oo aan dibadda inooga soo degin, iyana hadda waxaa la tartamaya, oo lagana yaabaa in ay suuqa ka saaraan subag iyo Caano  warshado inoo soo farsameeyaan oo iyagoo qasacado iyo karaatoon ku jira dekadda inooga soo dega. Una malayn maayo in xoolaheena aan ka weynay Subag iyo caano, oo weynaga xoolo badni awgeed malaayiinka sannad kasta u dhoofina dibadaha ee waa Qorshe xumo iyo xisaabtan la’aan. Hadday sidan wax ku socdaana Waxaan ka baqayaa in dhawaan Hilibka geelana warshadi inoo soo samayn doonto oo dibadda kala soo degi doono.
Wax kastaaba waa salleellee, waxa jabku joogaa, haddii maalin marin biyoodkaa cuntadu inoo soo martaa xidhmo, ama kuwa sameeyaa cuntadaynu cunno inoo diidaan, halkaynu cunno ka heli doono. Malaha maalintaas beynu girif-girif leyn doonnaa, oo cunto dhaqankeenii iyo wixii aynu beeran jirney raadin doonaa, oo sida Indhoolaha dhirbaaxo dabadeed gabban doonaa! Dhammaad
Maxamed Ibraahim Maxamuud “Cirro”
Email: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.  
Facebook.com/Måxåméd Çîrrõ
Qalinleyda © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.