Get Adobe Flash player

 

SHEEKADA ‘QURBEJOOG’ – Qiso Qof, Qoys iyo Qaran! – W/Q. Maxamed Haaruun (Qaybtii 2aad)

Tibaax iyo Tilmaan: “Sheekadani waxay kaalinta kowaad ka gashay tartankii Sheeko iyo Shaahid 2012, waxana halkan dib loogu dabacay oggolaansho rasmi ah oo waafaqsan sharciga xuquuqda

faafinta iyo xeerka barnaamijka Sheeko iyo Shaahid, oggolaanshahaas oo laga helay maamulka barmaamijka. Xuquuqda halabuurku waxay u dhowran tahay qoraaga oo lagala xidhiidhi karo: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. .”
Qaybta labaad – Ayaamo badan iyo sanadoba waa tageen, duconna lagama hagran Xaaji yaasiin, wax astaan ah oo muujinaaya in ducadii la aqbalay se ma hayo. Waxa si gaar ah dabcan Xaajiga xanuun ugu haya aduunkii xerta kaga baxay! Sidii uu jeclaa cakiskeeda, sadexdii sanno ee uu Maqaamka fadhiyay Qamar sadex hablood, oo laba ay mataano yihiin bay lixdii hore ku xigsiisay. Bilcantiisii Qamar ahayd, ee dumar ba ugu dabeecada iyo dhegta roonayd, ee waagii  uu guursadayna uu ‘dumar ugu fil-roon’ ula baxay, waayadii dambe waakii “Hablo-dhala” u bixiyay. Waa hubaal inuu dareenkii quustu Xaaji Yaasiin haatan si wayn ugu xididdaystay, Sheekhiisii Tusbaxle ahaana xidhiidhkoodu baryahan ma wacna, xertii se kama bixin. Sababta ugu way nee xerta ku sii haysay jacayl uu Sheekha u qabbo ma ahayn ee cabsi bay ahayd. Waakii wax badan maqlay rag xerta ka goostay, amaba ‘baadiyoobay’, sida maqaamka looga yaqaano, oo intoo sheekhu habaar u guntay, isla markiiba inkaar wayni siyaalo kala duwan u cuskatay, meelo baddana ka soo weerartay. Taas buu maanka ku hayaa, laakiin isma waydiiyo sababta sheekha inkaartiisu u soo dagdagto, dadka ay cuskatay kuwa ay yihiin, iyo waliba, sababta ducadiisu ay u soo dagdagi wayday midkoodna! Wuu maqlay inuu Sheekhu u sheegay in ducada aqbalkeedu raago, laakiin isagu hadda wuu ka rajo dhigay.
Mar kasta oo ay gabadhi u dhalato, ama caruurtiisa la su’aaloba, iyadoo aan la is ogayn bay xertu ku odhan jireen, “Habluhu waa “Hoodo, iyaga ayaa khayr badan!” Wuu ogyahay inaan gabdhaha cidi jeclayn ee ereyadaas isaga uun loola jeedo in culayska lagaga fudaydiyo. Kalmada “Habluhu waa Hoodo” ee uu mararka aan tirada yarayn maqlay waxay u keentay inuu dib ugu noqdo magacii uu waagii inantiisa wayni dhalatay ula baxay ee Hoodo. Si hoose ayuu marar badan isu yidhaahaa, “Waar malaha Hoodona maaha ee iyadaa waxan oo dhan soo hor kacday.” Dhagahiisu wax ay maqlaan wuxu ugu necebyahay su’aalihii inkaarnaa, ee inta badan aan kala hadhi jirin, ee badiyaa dadka ay isku cusubyihiin, iyo kuwa ay kala raagaanba ay waydiin jireen. “Caruurtii ka waran, ama caruuri ma jirtaa?” iyo “Caruurtu waa imisa?” iyo Midda ugu daranba oo ah, “Oo maxay kala yihiin wiilal/gabdho?” In badan wuxu u qaadan jiray dadku inay iska ogyihiin ee hadal-tiro uun ay ka tahay, marar badanna xanaaq buu arintaas ka muujiyay. Marar badan wuxu dadka Soomaaliyeed gabi ahaantoodba kaga eed sheegtaa inay su’aalo badanyihiin, laakiin hadana wuu ogyahay su’aalaha uu dareeenka ka qabaa inay qaar gooni ah uun yihiin ee aanay qaar walba ahayn. Dadka inta taqaanaa su’aalahaas maba ula timaado ee hadana qof khabaar mooge ah baanu kolnaba waayin, xaajo nimaan ogaynina, waatii la yidhi, indhuhuu ka ridaa.
Xaaji Yaasiin wuxuu maqlo wuxu ugu jecelyahay, laakiin aanu haatan rajo ka qabin, in lagu yidhaaho Qamar wiil bay dhashay. Talooyin badan, oo marar badan loo soo jeediyay, lagulana taliyay inuu gabadh kale guursado wuu iska diiday, sababtuna wax kale may ahayn ee laba arimood uun baa saldhig u ahaa. Waagii uu safarkii ugu horeeyay ku tagay Sucuudiga, ee uu adhiga geeyay waakii dhakhtarka xaga taranka la kulmay ee loo sheegay inaanu wax cudur ahi haynin, hablo dhalistuna aanay ahayn arin daawo loo raadsado. Markii uu qanci waayayna, waatii khabiirkii Dr Fisher ee Jarmalka ahaa, ee ku takhasusay cilmiga taranta aadamaha (Human reproduction biology) loo geeyay, isna uu u sheegay tibaaxda cilmiga ah ee sheegaysa inay sababta dhalista gabadha iyo wiilkuba ka timaado dhanka labka ama ninka ee aanay ahayn wax haweenayda ku xidhan.
Warkii dhakhtarka ee waagaas baa qanac wayn ku riday, oo waa sabab uu gabadh kale u raadsan waayay. Sababta labaadna waxay ahayd, iyadoo Xaaji Yaasiin uu ahaa nin lexejeclo badan, kuna tilmaaman raga bakhaylnimada xadkeeda dhaafay, ee heerka dhabcaalnimada gaadhay. Beesad kala jeex marar badan baa loogu yeedhi jiray, waa se loo qarin jiray. Sheekooyinka badan ee Xaajiga laga reebay, laguna qoslo waxa ka mid ahayd inuu odhan jiray – “Dadkuba way wada kori lahaayeen hadii waydiinta tirade badan ee lacagta laga daayo!” Inkasta oo sheekooyin aan dhab ahayn uu u qaadan jiray, hadana wax badan buu saaxiibadiis ka maqlay rag ay faxalnimo kaga sheekaynayaan, sida odaygii Cabdi Sabuub ee adhiga badnaa, ee martida iu roonaa, ee aan waligisba cid qadinin, iyo ninkii Xirsi ahaa ee uu Cali Jaamac Haabiil geeridiisa ka calaacalaayay, ee deeqsinimada uu ku sheegay, ee uu odhan jiray:
“Gab hadday martidu soo tidhaa, goor uu nala joogo.
Godka lagu janeeyoow hadduu, goosan la carraabo.
Garab-saar rag weeyee hadduu, gogosha soo qaado.
Gasiinkii la soo dhigay hadaad, gal iyo daad moodo.
Bakhayl baa gamiimee intuu, gawska ka qoslaayo.
Godolkuu ku haasaawin jiray, gocanaayee mooyi!”

Ma hadhooyinka xaajiga ee dhanka lexejeclada waxa ka mid ahaa inuu Xaajigu bakhaarkiisa u hoyan jiray inta badan, dadkuna waxay ku tilmaami jireen sababtu inay tahay kharash ka carar iyo lecxejeclo. Iyadoo ay sidaas tahay, oo Xaaji Yaasiin uu ahaa nin aad uga feejig sabab kasta oo jeebkiisa weeraraysa, hadana qorshe kasta oo uu ku qanco inuu dadaalkiisa wiilal-goobista ah ka caawin karo kuma bakhyleen ee sidii maqamkii Tusbaxle oo kale ayuu kiishada u furi lahaa. Laakiin kolnaba guurka gabadh kale kuma qanacsana inay xal keenayso ee aduunyo baabiin uun buu u arkaa. Wax ay maalmuhu is daba socdaanba, wax ay sanaduhu is tiriyaanba, wax uu xaajigii Yaasiin ahaa gurigii iyo gabadhii Qamar ahaydba ka ordo, waagii dambe waatii ilmihii tobnaad calool galay. Wax loo shan tiriyoba, waataas Qamar sidkeedii dhamaaday, walaw Xaajigu uu u qabo inay Qamar Sagaalka bilood ee caadiga ah wax ka yar caruurta siddo. Sababtu waxay tahay ma hubo, laakiin sidaas buu aaminsanyahay. Haweenkii jaarka ee u soo ciidmay haweenayda foolanaysa waakuwaas dhexda xidhay ee sidii caadiga ahayd, gurmad intii tamartooda ah u fidiyay hooyada fooshu hayso. Haweenku intii ay Ilaahay ka tuugayeen inuu hooyadaas kala nabad keeno, in aad uga badan bay hoos-hoos iyo korba ugu ducaynayeen inuu Eebe markan wiil uga dhigo uur-ku-jirkan.
Fooshii Qamar ee sahlanaan jirtay intii hore markan way ka adagtahay, Hooyo Cosob Faarax oo Qamar ay saaxiibo ahaayeen, caruurteeda oo dhanna ka umulisayna way yaabantahay. Waxay la noqotay inuu ilmuhu gudbanyahay, laakiin se sidaas may ahayn. Wax ay Qamar baaxaadagtoba, wakaas madaxii ilmuhu soo dhaafay, ilbidhiqsiyo kadibna, ilmihii oo dhami soo baxay. Wakaas ilmihii cabaaday, waataas durba Cosob oo hogaamiyaha kooxda gurmadka ahayd, uguna khibrad badnayd ay ilmihii hoos u eegtay. Wataas sidii awal lagu yaqiinay caruurta ay Qamar dhasho cakiskeeda, uu ilmihii yaraa markan wiil noqday. Haweenkii oo dhan, oo indhahooda rumaysan l’a baa ilmihii isu dhiib-dhiibay si ay u hubiyaan warka, kadibna, Qamar oo sugi la’ayd baa laabta loo saaray. Geesta kale, isla markiiba waxa sokeeye iyo saaxiiba goobis ugu dhaqaaqay odaygii Xaaji Yaasiin ahaa si loogu bushaareeyo, waa se laga soo quustay. Goor laga soo hadh galay, ayuu Xaaji Yaasiin iska soo hoyday isagoo khabaar moog ah, waxa se dareen galiyay dadka tirade badan ee gurigiisa ku xoonsan. Hadiiba uu gurigii ku soo dhawaadayna, sadex gabdhihiisii ka mid ah baa aqalka hortiisa ku qabtay oo warkii dhalashada wiilka taabsiiyay. Xaaji Yaasiin si aan caadi ahayn buu warkaas ugu farxay, waanu u qaadan waayay. Dhowr goor buu sidii qof dhago culus oo kale, “Yaa… Yaa… maxaad tidhaaheen?” Gabdhihii ku celceliyay!
Xaajiga Yaasiin ah, waxa si walba uga sii darnayd Hooyo Qamar oo si shishe, meel shishe uga faraxday. Durba waxad moodaa inay xanuunkii foosha ilawday. Daal iyo xanuunba jidhkeeda wuu hayay, may se dareemaynin. Hadal xumo tiro badan, iyo tacadi aan xad lahayn ba xigaalka Xaaji Yaasiin ayay ka tabanaysay. Way ogayd inay dumaashiyadeed u bixiyeen  naanayso badan oo hablaha ku saabsan, waanay ogayd inay marar badan, si aan gabasho lahayn, iyadoo maqlaysa ay Xaaji Yaasiin ugu sheegi jireen inay gabadhaasi dhaxal seejin doonto, ayna tahay inuu raadsado gabadh kale intay goori goor tahay. Waxay qabaan, sida dhaqanku yahay, xoolaha habluhu dhaxlaan inay yihiin kuwo dayacmay marba haday hubaal tahay inay reero kale oo ay u dhixi doonaan xoolaha ula galayaan. Qamar iyadoo intaas iyo in kale oo ka badanba madaxa ku hayssa, ogna inaan manta kadib cidi hatigi doonin, ayay buraanbur ku aar goosatay iyadoo wiilkeeda oo ay laabta ku haysay ku hal-qabsanaysa, waxaanay tidhi:
“- Markaad dhalatee dhawaaqday.
- Dhadooy dhaxan bayga duushay!
- Dhirtaa ii wada magooshay.
- Dhulkaa ii wada iftiimay.
- Dhuuryooyin I weerari jiriyo.
- Dhurwaayaa iga dareeray.”

La soco qaybta saddexaad……………..
M. Haaruun
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Halkan ka Akhri Qaybtii 1aad ee Taxanahan
Taxane © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.