Get Adobe Flash player

 

Ka Goblamay iyaga oo Nool! – W/Q. Muuse Dalmar

Adduunyooy magacaa be’. Hadday geeri ku dayso, gabow baan ku daynayn. Alla maxaan ayaamo xoog badan lahaa, oo xarrago dhexdu ila liicday. Libinteeda nolosha ninna laansan  maayoo, waa hadhkaa wareegee,

maxaa aniga oo dhag iyo dhaban leh, oo gurigiii aan ku dhashay jooga Dahabo Dheer laygu yeedhay. Muxuu ina rag raadkayga guray, oo gayaankay in badan i haybshay. Wacanaa, oo sharaf badanaa marka aad dalkaagii nabad ku joogto, ee aad wakhti la qaadanayso indho-garadkaagii. Wax raagaa rag kuma sama’e, waxaan maanta inyar idiinka qadhiidhi doonaa, taariikh nololeedkayga iyo mahadhooyinkii i soo maray.
Bishii Jannaayo 31, 1972 ayay ahayd maalintii iigu danbaysay waddankaygii hooyo iyo magaaladii ay xuduntaydu ku aasnayd ee Hargeysa. Maalintaas wixii ka danbeeyay waxaa ii bilaabmantay nolol cusub. Aniga, xaajiga aan u dhaxay ee Samatar Dheere iyo laba carruur ah oo aan dhalay, waxa baal cusub oo nolosha ahi nooga furmay qurbaha, gaar ahaan waddanka Sweden. In aanu qurbaha u guurno may ahayn  mid ay col iyo abaari keentaye, waxay ahayd uun digaroga nololeed oo aanu dareenkaasi la qabnay dhigayagii aanu nolol wadaagta ahayn waagaasi.
Dhaqanka, diinta, cimilada, dadka iyo guud ahaan noloshuba waa mid ka duwan noloshii aan ku soo koray, ee aanu  ayaamo ka hor uun ka soo xamaan urursanay. Muddo  aanu indhaha  taag taagnay oo aanu ka yara feegnay nolosha aad moodo inay kaayagii ka soo horjeedo kadib, waxay dani keentay in aanu dadka dhinac ka raacno. Hore ayay Soomaali u tidhi, meeshaad  timaaddo haddii  il la laayahay, il baa layska ridaaye, waxaa noo bilaabmantay nolol cusub oo hor leh. Waxa aan ahaa hooyo da’ yar oo horena wax u soo bowsataye, waxa aan markiiba xooga saaray sidii aan luuqada Iswiidhishka u baran lahaa. Ilaahay waa ii dhib yareeyaye, sannad gudihii baan luuqadii ku gabo gabeeyay. Kadib waxaan dhexda  u xidhay sidii aan shaqo u heli lahaa. Fursadaha shaqo oo yaraa awgood, waxa kaliya ee laga shaqayn jiray waxay ahaayeen shaqooyinka hoose, gaar ahaan nadaafadda xafiisyada. Iigama darayn oo duruufo badan baa igu gadaanaaye shaqadaas baan helay. Waxay ahayd shaqadii ugu horaysay ee aan noloshayda qabto. Waligay mushahar umaan xaadirin, laakiinse hadda bangiga waxaan ku yeeshay sanduuq ay xoolaha aan dhididaa  iigu soo dhacaan.
Wax kow la yidhi barako ma lahee, durbo waxaanu qurbaha joognay 20 sanno. Haddii aanu sannadadii hore hadal haynay dib u noqosho iyo dhulkii hooyo, hadda taasi meesha way ka baxday oo dal-tabyadii ka maydhanay. Qofka bini-aadamka ahi kolba waxa uu sanka uga tolan yahay duruufaha nololeed ee ku xeerani, dan ayaa noo run sheegtay. Maanu haysan aqoon sare ama adduun aanu dib ula noqono oo aanu waayaha waddankii isaga celinee, waxaanu nafta u sheegnay inay nolosha qurbaha laabta u sii dayso.
Haddii awal gurigu buuxay oo aniga iyo xaajigayga iyo carruurtuba nolol wadaag ahayn, hadda gurigu sidii waa ka qalo yar yahay. Wiilkaygii Diiriye  iyo inantaydii  Degmo’ba naga guure. Mid kastaaba waxa uu degay guri u gaar ah. Mid kastana waxaa noogu danbaysay maalintii uu naga guuray. Haddii laga tagi waayo, bishiiba hal mar bay taar noo soo diraan oo ay na bariidiyaan.
Haddii ay geeri ku dayso gabow baan ku daynayne, sannad ka hor ayuun bay ahayd markii aan galay da’dii hawl gabka. Samatar waa iga horeeyay oo isagu imika toddoba sanno ba waxa uu qaadanayay gunadii yarayd ee hawl gabka. Haddii aanu awal ahayn lammaane xoog ah oo hiil iyo hooba isla garab taagan, oo jacaylka isla daadihiya, hadda dan baa noo run sheegtay. Markii aan ka badin waayay xanaanayntii odaygana waxaa isaga la geeyay goobta dadka weyn lagu xanaaneeyo. Aniga waxaan kali ku noqday oo aan telefiishanka weheshayday  gurigaygii baryo  buuxay. Markii uu qofku weynaado, ma waayo juuc juuc iyo cabasho’e, hadda waxaan yeeshay xanuuno badan. Waxaa igu dhacay  macaan, dhiikar iyo xusuus guur dhaawac weyn u gaystay maskaxdayda. Waxa ii socota daawo, maalintiina saddex jeer ayay gabadh kaaliso ahi ii timaadaa oo ay daawo  iyo cuntaba i sii saa. Talow kuwii aan dhalay aaway? Mooji! Awal bishiiba hal mar bay ila soo hadli jireene, hadda lix bilood warkoodii ma hayo. Malaha ma saaloona? Ilaahow cadowgooda jabi  ileen beer wax dhalay baan ahaye.
Musa Dalmar
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
www.musadalmar.wordpress.com
© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.