Get Adobe Flash player

 

Hargeysa illaa Jabbuuti: Xuska 40-Guurada Far-Soomaalida iyo Sheekooyinkii Jidka – W/Q. Mustafe Sh. Cumar (Qaybtii 1aad)

Hargeysa ayay nagaga bilaabantay baadhistu! Kaantaroolkii koowaad ayaa oday naga soo hoomaayay. Wuxuu ahaa nin aan da’diisu ka yarayn 60 sannadood oo u muuqday

baadidoon, hase ahaatee sidii ciidamada loo tababaray inay la dagaallamaan koontarabaanka ayuu nagu shiday toosh iftiinkiisu weyn yahay oo la moodo inuu muddo dheer ku soo shaqeynayay.
Waa 16-kii bishii hore, waxaanu u soconnaa Djibouti, waxaannu taagannahay kaantaroolka dhinaca Waqooyi ka kulaalaya ama ay ka gaadhayba caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Markii uu ka bogtay wejiyada rakaabkii baabuurka saarnaa ee uu haddana hubsiimo noola soo noqday isaga oo ku dhawaaqaya Waar Cabdiraxmaanow ha is qarinine soo dhaadhac, ayaanu anana is weydiinay duqan nagu wareegaya waxa ka lumay. Waxaana weydiintii nooga soo baxay in odaygu ku raad-joogo wiil dhalinyaro ah oo uu dhalay oo Tahriib hadal-hayay, islamarkaana, xalay oo kale dadkii yaqaannay ay ugu danbaysay. Waxa sidoo kale, gurigii uu ka toosay wiilkaasi laga waayay sidda aanu markii danbe xogta ku helnay Dahab kooban oo haweenka qoysku ay lahaayeen, waxaana isu geynta wiilka la waayay iyo dahabka maqan reerkan baafinta ku jira uga soo baxday in wiilkoodii Tahriib u dhaqaaqay, sidaas darteed waxay doonayaan in ay qabtaan inta aanu magaaladda ka bixin qiyaastii.
Baadhis ka dib waanu ka gudubnay Kaantaroolkii, waxana rakaabka sheekadoodii u badatay oo aanu isku barannayba tahriibka iyo sida wakhtigan uu u batay ee dhalinyarada rag iyo dumarba uu u madax maray. Waa baabuur kooban oo Laankuruusar ah, laakiin la caddibay. Toban qof ayaannu ku saarannahay. Aniga iyo afar qof oo kale mooyaane, lixda kaleba show sheekadani waa ay saameynaysaa.
Hooyooyin carruurtii ka tahriibtay, wiil walaashii iyo hablo kale oo tahriib ah lagu qabtay Lowyacado oo soo celinaya ka sokow waxaa baabuurka nala saaran gabadh iyo wiil da’yar oo labaduba suudal ah, balse aan wada socon. Intan sheekada la wado ee gaar ahaan laba haween ah oo carruurtoodu tahriibtay ka calaacalayaan duruufaha kala soo gudboonaaday ubadkii ay dhaleen, labadan ruux ee hawsha ku jiraa sheekada waxba kuma ay darsan, marka laga reebo dhextaal kooban oo ay ku difaacayaan tijaabada geeddigan muranka iyo dhibka badan, balse waxa ka muuqatay sida ay u diiddan yihiin in la naqdiyo jidka ay hayaan.
Intii hore sheeko ayay ahayde, markii aannu ku waaberiisannay Lowyacaddo ayaannu la kulannay tobannaan dhalinyaro ah oo weliba hablo u badan oo ku jira meel aad mooddo Xero guul. Mid ka mid ah rakaabkii aannu wada soconnay oo ahaa wiil baadidoon ku ah walaashii oo baxsad ah ayaa judhiiba dhexqaaday oo ka baadidoonay, laakiin, waxa uu goor danbe ogaanayaa in walaashii iyo hablo weheliya ciidamadu xidheen kuwan aannu dul taagan nahay se ay yihiin wax sugaya Aboole ama dadka ka ganacsada koontarabaaninta dadka iyo wax durba sahaydii ka go’day. Waxaan isku dayay bal in aan badhkood waraysto, “Ha la soo degin kamaradda, miyaad waalan tahay, adeer haddaanu war baxa doonaynno dhuumashaba kumaanu jirneene na weydaaro.” Hadallo sidan u eg ayay mar keli ah isu jiibiyeen koox hablo ah oo qiyaastii aanay midkoodna gaadhin labaatan jir. Bal haddana, waani ayay naftu i tidhi, anigii baaba wacdi la ii galay iyo maxaad dalka aad ka sheekaynayso noogu haysaa.
“Anigu saddex hablood ayaan ku guursaday halkan” Sidan waxaa igu yidhi mid ka mid ah muruq-maalka ku nool magaalada Lowyacaddo, waxaana uu intaas ii raaciyay in saddexdaba ay sahaydii ka go’day oo laba ka mid ah weliba dhalinyaro kale oo ay wada socdeen kaga tageen meesha. Hadda waa dalka gudihiisiiye garo, kama sheekaynayo Saxaarihii u dhexeeyay Liibiya iyo Sudan. Yaan dhibaatada tahriibta ku rafan’e aan ku dhaafo waxay arrintaasi u baahan tahay gurmad qaran iyo in siyaasad cad laga yeesho sidii looga wacyi gelin lahaa dhalinyarada dabaysha dhoofka oo si weyn u madax-martay, shaqooyinna loogu abuuri lahaa!
Inta aanaan u gudbin dalka Djibouti, waxaa kale oo iyana si weyn aagaas Gobolka Selel looga hadal-hayay sanaadduuqdii doorashada Golayaasha deegaanka oo waqtigaas ku xannibnaa degmada Saylac, isla markaasna, murankeedu taagnaa welina aanay hadhin hadal-haynteedu. Aragti ahaan dadku sida magaalo kasta oo kale tahay ayay ahayd oo fikirka waa la kala duwan-yahay, balse, dabcan, dadka aaggaasi waxay u badnaayeen kuwo aaminsan in doorashadii golayaasha deegaanku u dhacday sifo khaldan oo loo baahan yahay in dib loo eego.
Dadkaas aannu la kulannay qaarkood waxay aaminsanayaayeen in aan sidoo kale saxaafaddu door wanaagsan ka qaadan arrintan baadhisteeda, waxayna nagu dhiirrigeliyeen inaannu ku laabanno magaalada Saylac si aannu xaaladda ugu sameynno deraasad. Laakiin, taasi suurtagal nooma ahayn oo qorshaha safarka nooguma jirin in aanu dhacdadan u kuurgalno, wakhtiguna waa uu nagu koobnaa, sababta oo ah shirka aanu ku soconnay ee xuska afartan-guurada far-Soomaaliga ayaa ka furmay Huteelka Kaambeski maalinta aannu Lowyacaddo maraynno lafteeda oo ahayd 17/12/2012. Sidaas darteed, waxaannu ku wargelinnay in ay nagu adag tahay oo aanan ku noqon karin Saylac.
Aan taasna ka gudubno, waxaa noo yimi Baabuur ballantu ahayd inuu naga qaado xuduudka Somaliland iyo Djibouti wadaagaan.
Dalka Djibouti waxaa maalmahaas si xawli ah ugu qulqulayay marti sharaf aad u badan oo ka imanaysa daafaha dunida, si ay uga qayb galaan xuskan oo uu soo qabanqaabiyay naadiga Qalinleyda ee Somali Pen oo la kaashaday wasaaradda dhaqanka iyo warfaafinta Djibouti.
Xuskan, dadka lagu marti qaaday waxaa ka mid ahaa madaxda dhulka Soomaalidu degto ee geeska Afrika, kuwaas oo kala ah: Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Faroole, Madaxweynaha dawladda deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Cabdi Iley iyo mas’uuliyiin ka socday Gobolka Waqooyi-Bari ee dalka Kenya. Waxaa kale oo furayay madaxweynaha Dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle . Sidaas darteed, ammaanka aad ayaa loo adkeeyay, waxaana aanu laanta socdaalka ee dalka Djibouti kala kulannay waxoogaa su’aalo ah; iyada oo, markii aannu ka gudubnayna dib la noogu soo celiyay oo la nooga yeedhay Kaantaroolkii aannu ka qaadannay dal-ku-galka ee baabuurkii la noo soo diray naga qaaday. Waxa ay saraakiisha waaxda socdaalku noo sheegeen in arrimo kooban la saxayo, waana la saxay oo dib la noo fasaxay. Runtii caddibaad ayay nagu ahayd qudhayda iyo saaxiibbadii aannu martida u ahaynba, sidaas oo ay tahay, annaga oo eegayna xaaladda gobolka geeska Africa sanadihii u danbeeyay guud ahaan ku jirtay oo saameeyay arrimo badan oo isusocodku ka mid yahay iyo gaar ahaan shirka ka socday dalkaas waannu ka garawnay cudur-daarka saraakiisha. Sidoo kale, waxaannu dareennay intii aannu hawshaas aannu ku jirnay isku xidhnaan weyn oo ka dhaxaysa hay’adaha ammaanka Djibouti iyo sida aanay uga xog la’ayn laamaha kala duwani, gaar ahaan, Nabadsugidda ama sirdoonka, socdaalka iyo warfaafintu socdaalkayaga oo judhii la is weydiiyayba la isla gartay in aanaan ahayn kuwo u socda waxaa ay sheegteen wax ka baxsan iyo dhibaato.
Shirkii ayaanu tagnay, shirka waxaa hogganaya oo lagu marti qaaday ruugcaddaa badan oo aan muddo madal keli ahi kulmin iyo taariikhyahanno door ah oo waxtar u leh ummadda Af-Soomaaliga ku hadasha ee Geeska Afrika. Waxaa ka mid ah dadka joogay xubnaha ka nool gudi 21 qof ka koobnaa oo loo xilsaray hirgelinta Farta Soomaaliga toddobaatanaadkii, kuwaas oo kala ah; Shariif Salax Maxamed Cali oo ahaa guddoomiyihii guddigan Xuseen Sheekh Axmed Kadare, Sheekh Jaamac Cumar Ciise, Cabdillaahi Xasan Insaaniya, Dahabo Faarax iyo Cumar Aw Nuux, Halabuur xoog leh oo aan ka xusi karo Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), Cabdullahi Macallin Axmed, (Dhoodaan), Xasan Xaaji Cabdilaahi (Ganay), Aadan Tarabbi, Maxamuud Cabdillaahi (Singub). Waa badnaayeen, sidoo kale, Qorayaal aan tiradoodu yarayn iyo Af-yahanno badan ayaa joogay ka sokow xeel-dheerayaasha Afafka iyo Farta.
La soco qaybo kale oo xiise badan……………….
Email: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Tifaftirka © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.