Get Adobe Flash player

 

Qabiilka CIISE iyo Ururkii SNM – W/Q. Cabdalle Xaaji Cusmaan (Qaybta 1aad)

Sooyaalku waa diiwaan kaydiya wixii la soo maray xumaan iyo samaan,  Markaad kala furtaba sidii arrimuhu u dheceen oo hufan baad ugu tageysaa, cid wax ku dari karta iyo cid wax ka dhimi kartaa ma jirto, hadday cidi isku daydana.

iyadaa ku ceebowda, Waxaan halkan ku soo daabacayaa qoraal dheer oo aan kaga hadlayo kaalintii uu Qabiilka Ciise ka qaatay dagaalkii ururkii S N M ku qaaday dawladdii Siyaad Barre si looga baxo dhibtii ay ummadda ku haysay iyo markii dalka laga xoreeyey taliskii Kacaanka ee lagu dhawaaqay Somaliland.Waxaan si kor ka xaadis ah u dulmari shirkii Burco,kii Boorama, saami-qaybsigii iyo doorashooyinkii inna soo maray.Waa qaybtii koowaad ee sidaa ula socda haddii Alla idmo

Guud ahaan dagaalkii SNM,Ciisuhu waxay u arkayeen mid lagu dirqiyey oo waddo kale oo bannaan la waayey, sababta oo ah.Waa marka horee qabiilka Isaaqu waxay hormood u ahaayeen midnimadii 1960kii lagu midoobay oo ay rabeen in Soomaali-weyn la dhiso taas oo loogu abaal guday aakhirkii dil,dhac, xadhig joogta ah iyo dhulkoodii oo laga soo barakiciyey.Dadka intaas oo dhan lagu falay way caddahay in dagaal wax aan ahayn oo u bannaan aanay jirin.

Gabyaa qabiilka Ciise ka dhashay oo la yidhaa Cali Yaabe Hufane oo berigaa arrintaa ka gabyey isagoo la hadlaya dawladdii Siyaad Barre waxa uu yidhi.

 Ma og tahay Isaaqaad xasadi, kuma xatooyeyne

Adoo xiisaheed qaba miyuu, xurriyad kuu keenin

Calankaa xariirta ah miyuu, xamar ka soo taagin

Xeerbeegtidiisii miyey, xukunka kuu dhiibin

Miyey ka xarragoon way, xoogsan karayeene

Waqooyiga indhaha laga xidhaye, iilka ku xabaalan

Xildhibaannadeedii midnimo, kugula xaajooday

Xigmad laga tixraaciyo miyey, shanta u meel xaadhin

Xanjaad iyo miyey dhabar ka talin, lagu xasuusnaado

Xaal gobeed miyey kugu lahayn, xus iyo maamuus leh

Xurda gelidu saw gardarro, laga xishoon maaha

 Sidigtii xulaadeed midnimo, loogu xilanaayey

Xaskii maashay oo xigatayoo, xoox yar laga waaye

Xeedhyaha karuur buuxiyaa, xag kastaba kaa yaalle

Xaasaanka weydoobayeed, wada xanfaaraysay

Xayndaabo inaad ula tagtaa, saw xadgudub maaha

 Aakhiro xisaab baa jirtiyo, naarta xoogga lehe

Intaad xayga tahay baa dulmiga, layska xeeraaye

Nimaad xooluhuu kugu darsaday, ka xakamaynayso

Hadduu kugu xanaaquu warmaha, xawga ka caddeeyo

Wuxuu xeer u leeyahay inaad, u xaqdo weeyaane

Ul-xarbida inaad u lulushaa, saw xad gudub maaha

 Hashii loo xarbiyey ee dagaal, lagu xalaaleeyey

Gaaweheeda xoorka leh markaad, ku xalus weynaatay

Kayma xays ku hooriyo raggii, xamilka soo daajay

Ee xerada soo tu’iyey baad, ka xinninaysaaye

Xamaasaha kacay iyo adaa, xuladdadaa shidaye

Xakamaha ku ruug wiil Isaaq, soo xamaan guraye

Waxa jiray gabayaa kale oo la odhan jirey Cali Cubeesh oo dagaalladii

berigaa gabayo badan ka tiriyey isagoo dadka Isaaqa ee cadaaladdarradu ku dhacday isbarbartaagay.

Ururkii SNM markii xarutiisii loo soo raray Itoobiya ee qaxootigii ka soo cararay cadaadiskii taliskii Siyaad Barre ka soo tallaabeen xuduudda, beesha Ciisaha Itoobiya way soo dhaweeyeen.Qaar ka tirsan madaxdii ururkii SNM ayaa magaalada Diridhaba kula kulmay Allaha u naxariistee ugaaskii Ciisaha, Ugaas Xasan Xirsi iyo guurtidii la shaqayn jirtay.Kuwaas oo ay kala kulmeen soo dhawayn diirran.Ugaasku waxa uu berigaa Ciisaha meel ay joogaanba

faray inay soo dhaweeyaan dadka shacabka ah ee ka soo qaxay dagaalka.

 Dhinaca kale,markii Jabhaddu gulufka ku qaadday Hargeysa iyo Burco dadkii ka soo qaxay Hargeysa iyo wixii galbeed ka soo xigay una soo jeeday Jabuuti waxa in badan ka badbaadiyey ciidammadii dawladda, Ciisaha deggan jiidda xeebta galbeed,waayo milaterigii talisku qof qabiilka Isaaqa ah may bixin jirin (taasi waa arrin lawada ogaa).                  

W/Q. Cabdalla Xaaji Cusmaan

 This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Qalinleyda © Weedhsan Corporation

 

Weedhsan Magazine: Download Free

.