Get Adobe Flash player

 

Suugaanteennu miyay ka hiilisay Saaxiibtinimada? – W/Q. Maxamed Cirro

Qofka bani aadamka ahi maaha sida geed meel cidlo ka taagan, ee waxa barbar taagan iskuna xidhan yihiin dad fara badan, oo kala duwan, oo midba xidhiidh gooniya iyo xeerar gaar ahi isku xidhaan.

Inta badan ee nolosha cimrigiisana qofku waxa uu ku qaataa barashadda iyo is dhex galka qof iyo qofaf kaa kala duwan, ee mid kasta xidhiidhka gooniga ahi ka dhexeeyo, oo mid ba waaye iyo duruufo kala gadisan oo is barraa ay jiraan. Barashadda iyo is dhexgalka dadkaasna qofka waxay la kowsataa muddada bilowga noloshiisa, oo ka bilaabanta aqoonsashada wajiga iyo codka waalidkiisa, iyo barashadda walaalka ama inta gurri kula nool, sidaasaanay ku garrab gashaa koriinka qofka oo marba marka ka dambaysa ay u balaadhataa tiradda dadka uu qofku barranayo ama ay is dhexgalayaan. Mudooyinkan dambena harukaca Tiknoolajiyadda iyo korodhka cilmiga bani aadamku waxa uu ikhtiraaqay aalladdo sahlay in qofka ay is baran karaan dad faro badan, oo ku kala nool aagag kala duwan, oo kala fog.
Haddaba Is dhexgaladdaa iyo is barashadaa qofku la wadaagayo dad kale waxa ka dhasha shabakaddo xidhiidh oo kala jaad ah, kuwaas oo qaar ka mida ay isku hayaan guntimo wada dhalasho iyo ehelnimo, kuwa kalena ay ku dhisan yihiin danno wada shaqeyneed, halka qaar kalena ay isku hayaan dabarro saaxiibtinimo; Xidhiidhkan ugu dambeeyaana, ee ku salaysan saaxiibtinimadduna, waa ka kaliya ee sees u dhigiisu ka unkamo  is fahamka iyo ujeedo wadaaga laba qof ama ka badan, oo dabeecaddo isla jaanqaadi kara leh ama duruufo gaar ah wadaaga, waana mid qofku xor u yahay goortuu doono in uu ka baxo. Sidoo kalena waa ka ugu saamaynta badan leh hab dhaqanka qofka. Waxaana laysku raacay in qofku uu yeesho ama la mid noqdo hab dhaqanka qofka uu la saxiibka noqdo samaan iyo xumaan ba, sidaasi daraadeed marar badan waxa qofka looga digaa in aanuu la saaxiibin dadka xunxun, ee uu xusho saaxiibka aan if iyo aakhiro midna seejinayn. Inta badana waxa saaxiibo noqda dad  isku da,a ah ama da,doodu isku dhawdahay, iyadoo mararka qaarna la arko dad da,doodu kala fog tahay oo saaxiibo ah, inkasta oo ay dhif iyo naadir tahay.
Xidhiidh saaxiibtinimo waa laba nooc oo midi ku salaysan yahay danno dhaw iyo dareen iska yeelyeel ah, midina waa mid seeskiisu ka unkamo dareen wadaag run ah. Haddii ka runta ah aan qeexidiisa isku dayi lahaana waxaan ku sifayn lahaa:- “waa xidhiidh dareen wadaag oo salka ku haya daacadnimo iyo isku kalsoonaansho. waa xidhiidh ka madhan danaysasho iyo ujeedooyin muddaysan. waana xidhiidh aan xad lahayn oo sii jira haddii dadka wadaaga baddaha waaweyn cidhifyadooda iyo dhulka baaxadda leh koornayashiisa kala tagaan. waana xidhiidh aan xilli iyo wakhti go,an lahayn, oo aan dugoobin haddii uu sannado badan baarka ka gooyo. Waa xidhiidh labadda ama dadka uu ka dhaxeeyaa indhaha ay iska gartaan hadba xaaladda uu qofka kale ku sugan yahay. Marna Saaxiibtinimadda runta ahi waa garrabka lagu dul ooyo iyo gacanta illinta tirta marka murugadda, waana baalasha lagu duullo iyo gegida lagu damaashaado marka farxadda. Markalena saaxiibtinimadda dhabta ahi waa naf hurka aan shuruuda lahayn maalinta caawimo loo baahan yahay iyo darreenka cidladda fogeeya. waana isku haynta qadarin iyo ixtiraamka balaadhan, iyo is maqalka iyo is xasuusnaanta joogtadda ah.
Saaxiibtinimo dhab ahi waa isu boholyoowga iyo is muhashada qalbiyadda marka la kala maqan yahay, waana xiiso goyn la,aanta haddii muddo badan la wada joogo.  Saaxiibtinimo run ahi waa dabar u adag sida dhiiga wada dhalasho ee walaalaha Hooyo iyo Aabe wada dhaleen isku haya, waana guntimaha aanay furfuri karin dabaylaha damaca iyo danaysigu.” , waa tahay haan intaa ku koobo waxa saaxiibtinimadda dhabta ah maskaxdayda yarri ku qeexday, oo haan u daadago dulucda qallinkayga.
Bulshooyinka ku uuman dhulka guudkiisa, xidhiidh saaxiibtinimo waa mid dhexdooda ku caan ah, waana soo jireen laga helo dhaqanka bulsho kasta. Waxana hubaal ah in caalamka aynu ku nool nahay in badan laga helayo dad saaxiibo ah; saaxiibtinimo run ah ama mid aan magaca dhaafsiisnayn kay doonto ha noqotee.
Marka bulsho muslim ah laga hadlayana, diinteena islaamku waxay si weyn u dhiirigalisey in saaxiibo la noqdo, oo wanaaga lagu saaxiibo, sida ay inoogu bushaareysayna, Saaxiibtinimadda ku dhisan dar Illaahay iyo wanaag, oo ka madhan doco kale, waa mid ka midda todobadda sababood ee lagu hadhsanayo hadhka Alle maalinta aan Hoos kaloo la hoos galaa jirin, ee kulaylka Qorraxda awgeed dhididkoodu dadka qaar hafinayo. Sidoo kalena Qur,aanka kariimka ah ayaa  xusay in Nabi Maxamed (CSW) lahaa saaxiib ay dhib iyo dheef ba wadda mareen oo ahaa Khaliifkeenii Abu Bakar Sidiiq.
Guud ahaana dadka soomalida ahina, bulsho weyntaas aduunka iyo dunida muslimka ah ayey kala siman yihiin jiritaanka dhexdooda ee xidhiidho saaxiibtinimo, waliba saaxiibtinimo waa kelmad ka caan ah dhamaan geyiga somalida iyo dhaqankooda guunka ah .  waana xaqiiqo in dad badan oo soomaali ahi waxa ugu weyn ee ka dhexeeyaa yahay saaxiibtinimo, waliba la helayo dad saaxiibtinimo dhab ahi ka dhaxayso oo nafta isku hura, oo ceeshoo milixa.
Hadaba suugaanta oo ah halka laga helo xogta dhaqanka bulsho leedahay iyo hodantinimadda dhaqankeedaas, qayb wayna ka ah diiwaan galinta dhaqankooda soo jireenka ah iyo tixraaca taariikheed ama sooyaalka nololeed ee bulshadaas. Marna ah dareenka wanaagsan ee dadka isu haya iyo halbeega ee lagu qiimaysto wax badan oo garasho iyo dhaqan ah. Soomaliduna tahay dad ku caan ah suugaanta, oo ku xusa doc kasta oo hab dhaqankooda ah, iyo waxa ay gaarka u leeyihiin ee ka soocey bulshooyinka kale. Marna soomaalidu Suugaanta si weyn u qadariso, una ah buug ay ka higaadsadaan hab dhaqanka fiican, dhacdooyinkii soo maray iyo waayo aragnimo ba, heer intee leeg bey ka tilmaamtay saaxiibtinimadda ama ka tidhi xidhiidhka saaxiibtinimo?.
Inkasta oo baadhis mug weyn oo baaxad leh aanan samaynin, hadana Markii aan xidhiidh saaxiibtinimo iyo qiimaha uu somalida ugu fadhiyo ka dhex baadhay suugaanta soomalida intii karaankayga ahayd, waxa aan ka dhex waayey wax saaxiibtinimo ay ka tidhi ama ka tilmaamtay. Marka aan ka reebo hal hees, oo iyaduna aan cimri dheerayn oo la sameeyey intan fanka iyo sugaanta somalidu la bayhoofey dadkiisa, ee dacaladda dunida uu ka kala dhacay, taas oo uu midhaheeda sameeyey Jamaal Cali xuseen. waxa kale oo aan iyana xusi karaa in aan ka dhex helay suugaanta soomalida, gaar ahaan ta Abwaan Hadraawi, in saaxiibtinimo awgeed ubadka Saaxiibaddii dhaleen ka dhignaayeen kuwo uu dhalay uun, sidaas daraadeedna uu Sahra oo ahayd inan uu dhalay Rashiid Sheekh Cabdilaahi, ugu hal qabsanayey maansadiisii “Sirta nolosha”, isla markaana ugu hibeeyey dardaarankii balaadhan iyo murtida culus. in kasta oo uu si guud dadka oo dhan ula hadlayey, hadana in Sahra uu murtidaa magaceeda ugu qorro ay kaliftey Saaxiibtinimo awgeed oo ka dhaxaysay isaga iyo sahra Aabaheed Rashiid Sheekh Cabdilaahi, sida uu ku yidhi maansadaas:
“Suurtuu dhalaay heedhe
Heedhee Sahraay heedhe.
Waxaan adiga kuu saantay
Dadka kaaga soo soocay
Sahra kuugu yeedh-yeedhay
Siduu aabbahaa heedhe
Samo ii faraan heedhe
Kuu siinayaa heedhe
Sooyaalka taariikhdu
Iyadaan salguurayne
Murtidaan Sahraay heedhe
Sadar kuugu qorayaaye
– Sirta Nolosha – ©Hadraawi.
Ka sokow labadaas heesoodna inkasta oo sugaanyahanadda soomalida dhexdooda ka caan tahay marka ay maanso samaynayaan in ay ku halqabsadaan qof ay isku dhaw yihiin oo saaxiibtinimo ka dhaxayso, hadana ma arag wali suugaanyahan uga hadlay saaxiibtinimadda sida uu uga hadlay xidhiidhada kale ee jacaylka iyo ka waalidnimadu ka mid yahay. Iyadoo waliba xidhiidh saaxiibtinimo ah shabakad ka balaadhan labadaas xidhiidhba, oo ka dhaxayn karta dad fara badan, halka xidhiidh jacayl ku kooban yahay laba qof oo lab iyo dhadig kala ah, ama xidhiidh waalidnimo ka dhaxeeyo qofka iyo labadiisa waalid.
Sidaas awgeed tani waxay igu dhalisey dareen I tusey in suugaanta soomalidu ka hiilisay in ay xidhiidh saaxiibtinimo ka hadasho ama dhiirigaliso. Anigoon taas dhaliil iyo dhaleecayn uga dhigayn suugaanta hodanka ah ee somalida, hadana waxa is weydiin mudan hadii qof aan aqoon bulshadda somalida oo raba in uu ka dhex baadho dhaqankooda Suugaanta ay leeyihiin, fikradda uu ka qaadan karro sida soomalida iyo saaxiibtnimadu isku yihiin?
Ugu dambayn, waxaan fikradayda shaqsinimo ku doodayaa ama qabaa in suugaanta soomalidu hilmaamtay in ay xusto xidhiidhkaas baaxadda weyn leh, ee xitaa xagga Illaahay iyo diinteena muslimka ah qiimaha sarre ku leh.
Afeef :- Waxa iga afeef ah in ujeedadda qoraalkaygu ahayn inaan ku dhaleeceeyo ama gol daloola ugu yeelo suugaanta soomalida, sidoo kalena laga yaabo in ay jirto sugaan muhiimadda saaxiibtinimo ama xidhiidh saaxiibtinimo ka hadashay oo aan anigu awoodi kari waayey inaan helo, sidaas daraadeed waxaan kal iyo laab ba ku soo dhaweynayaa cid kasta oo fikrad taydan ka duwan haysa ama dood ka qabta, anigoo ka naawilaya in aan ugu yaraan ka heli doono aqoon iga dhimnayd ama iga qancin doonaan doodaydan.

Dhammaad
Qallinkii: - Maxamed Ibraahim Maxamuud “Cirro”

Email:- This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. /This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Facebook.com/Måxåméd Çîrrõ
Qalinleyda © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.