Get Adobe Flash player

 

Hargeysa illaa Jabbuuti: Xuska 40-Guurada Far-Soomaalida iyo Sheekooyinkii Jidka – W/Q. Mustafe Sh. Cumar (Qaybtii 2aad)

Xaqiiqdii shirka abaabulkiisu waxaa uu ahaa mid si hufan loo aggaasimay, islamarkaasna leh qorshe wanaagsan  haddii loo fuliyo sida loo dhigay.

Waxaa uu ku soo beegmay waqti dadka qora afka Soomaaliga guud ahaan, gaar ahaan, inta ku hawlan warbaahinta dhibaato ka haysato ama ay ku hayaan qoraalka ayaa waxaa furitaankiisa khudbado ka jeediyay madax kala duwan.
Aan u kala horaysiiyo siday u kala horeeyeen oo aan ku bilaabo, Aadan Xasan Aadan Gudoomiyaha ururka Qalinleyda Soomaalida ee Somali PEN. Aadan waxaa uu ku dooday in urur ahaan ay xil iska saaraan kobcinta farta  aanan qirayo in ay faan ugu filantahay Qaamuus Af Soomaaliga ah oo madasha lagu soo bandhigay, runtiina ah dhaxal iyo talaabo muhiim ah, waxtarna u leh dad-yawga ku hadla afkan. Kaasoo xanbaarsan Todobaatan kun oo eray iyo kumanaan sawir. Islamarkaana, muddo sadex sanadood ku siman laga shaqeynayay, waxa taageeray kuna amaanan fulinta hawshaas Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti.
Sidoo kale, waxaa ka hadlay wasiirka Warfaafinta Jamhuuriyadda Jabuuti Cabdi Xuseen Axmed oo doorkiisa u dhigay soo dhaweynta madaxda kala duwan iyo aqoonyahanka ka soo qayb-galay kulanka.
Axmed Guure Bisle Wasiirka Dhaqanka Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa xigay, waxana uu tilmaamay in ay aad ugu faraxsanyihiin maamul ahaan in lagu casuumo munaasabadaas iyo shirarka lagu muujinayo qiimaha farta Soomaaliga. Sidoo kale, mudane Bisle Waraysi gaar ah oo aan la yeeshay waxaa uu ku muujiyay in Afka Soomaaliga iyo fartiisu ay u dhexeeyaan dadka Af Soomaaliga ku hadla, sidaas darteedna waxtarkiisa iyo waxyeeladiisuba ay saameynayaan dhamaan ummada geeska Afrika.
Madaxweynaha dawlada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo munaasibada ka hadlay ayaa muujiyay khibradiisa iyo waayaha uu u soo joogay, waxaana dadka qaar markiiba u dhadhamiyeen hadalkiisa inuu u awood sheeganayo siyaasiyiinta ka qayb-gashay shirka oo aan todobaatanaadkii saaxada ka muuqan.
Siilaanyo, waxaa uu sharaxaad kooban ka bixiyay waqtiga la qoray Farta Soomaaliga oo uu Xukuumaddii Kacaanka ka hayay xil Wasiir. “Markaa guddigii farta ayaa soo jeediyay in wasaaradda Qorsheynta loo bixiyo wasaaradda jaangooyadda, waan ka diiday oo waxaan xasuustay dhaqankii miyiga oo jaangooyada waxaa la odhan jiray sarta inta lugta la saaro ayaa  lagu jaan-goyn jiray Kabta, marka waxaan idhi taasu wasaaradda maaliyada ayay ku fiican tahay.” Waxaana uu sheegay in lagu raacay Erayga Qorsheyn oo loo bixiyay Wasaaradii uu madaxda ka ahaa.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isagu sheegay inuu waqtigaas ahaa arday.“Anigu shaqsiyan waxaan ka mid ahaa ardaydii iyo shaqaalihii dalka ee loo diray gobollada Dalka si ay u faafiyaan qorista iyo aqriska” Ayuu yidhi.
Madal la isku arkay ayay ahayde aan soo qaato sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo marti loo ahaa. “Waxaa loo baahanyahay in loo sameeyo Afka Soomaaliga saldhig adag kaasi oo adkeynaya jiritaankiisa” Ayuu ku yidhi Khudbaddiisa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Aan ka gudubno, Isla maalintaas, furitaanka shirka ka dib waxaa la gudo galay doodo iyo aqoon is weydaarsiyo lagu darsayo sidii wax looga qaban lahaa qoraalka iyo Afka Soomaaliga. Sidaan hore u xusnay dad badan oo wax ku ool ah ayaa joogay wax badana ku soo kordhin karayay ama kordhiyayba horumarinta Afka, haddii ay yihiin hal-abuur, qoraa, Gabyaa iyo Aftahamo kalleba. Laakiin, dhibaato ayaad moodaysay inay ka jirtay dhinaca haggayaasha kulanka iyo xubnaha ku talagalku ahaa inay ka qayb-galaan lafo gurka. Tusaale ahaan, qorshihii shirka loo dajiyay iyo hormaynta ka qayb-galayaasha lafteeda ayaa dhibi ka taagneyd. Aan sii iftiimiyo halkaase, waxaa sii qornaa oo tilmaame cad lagu muujiyay hanaanka hawshu u socoto iyo saacad-kasta,  shan maalmood oo la joogay waxaa la qabanayo ama cidda arragtideeda gudbinaysa waxna la weydiinayo. Marka ay sidaas tahay ee aad ku soo tala-gashay maalintaas ama mudadaas cayiman inaad kooxda hebel iyo heblaayo ka mid-yihiin dhagaysato ama wax weydiiso oo ay Mimbarka u baxaan, Qolo arrin sidaas ah ka hadlaysaana ku xigto, sidaas la isu daba socdo, ayaa la waayayay oo koox kale loogu tagayay, taasina markii ay dhowr jeer dhacday waxay u muuqatay In intii danbe lala qabsaday oo marka xubno la waayo waxa buuxinayay kuwo kale, marka koox xiligeedii lagu cidhiidh-yana ragbaa waqtigu ka lumayay oo meesha ku xiiqay. Rag badan oo madasha u yimi filayayna in si weyn loo waraysto ayaa iyana waxaa ka muuqday niyad-jab iyo qaadan waa, tusaale ahaan Gabyaaga Soomaaliyeed Cabdilaahi Macalin Dhoodaan ayaan maalin maalmahaas ka mid ahayd la xidhiidhnay. Waxa aanu ugu tagnay Hoteel Djibouti oo uu degenaa si aanu waraysi ula yeelano, waanu isu sheegnay Anniga iyo Mustafe Janaale oo Hadhwanaagnews ka socday ayaanu ahayn, sidoo kale waxa na weheliyay Siciid Maxamuud Gahayr oo ka mid ahaa qoraayadda la marti qaaday. Xaajigu maalintaas waa uu cadhaysnaa sidaanu u fahamnay oo waxa uu diidanaa habka wax loo wadday. Waayo, Markaanu meeshii tagnay ee la hadlayba waxaa uu bilaabay canaan, waxaana uu si hiif leh noogu sheegay in aanu wax waraysi ah diyaarba u ahayn marka hore, ta labaad waxaa uu yidhi. “Meesha ma sawiro ayaanu u nimid addeer wax ka badan ayaanu doonaynay in aanu soo kordhino’e’” Ereyo sidaas u dhadhamayay ayaan ka sii xasuustaa hadalkiisii.
Waxba yaan ku tiigaaline, shirku shirarkeenii ayuu ahaa Soomaali ahaan waliba ugu door roonaa marka dhinaca geedi-socodkiisa la eego. Waa arrin farsamo waxaan sida guud u naqdiyay, dhaqan ahaana ilaa hada dadkeenu waxaad moodaa in aanay ilaalin Xiliyadda, xataa haddii ay dunida ku baaheen oo meel walba mareen. sidoo kale, maamuladeenu heer iyo goob ay joogaanba jaantaa rogan kama dhamaadaan. Inahaas kooban ee gal-daloolooyinka ah marka laga yimaado iyo Guddoomiye Aadan Balalow oo daal badani ka muuqday, shirku wuxuu ahaa shir Qiimihiisu sareeyo. Aad baanu u dedaalay ururka Somali Pen iyo dalka Djibuuti ee hawlahan u fududeeyayba.  Waayo, Cilmi ayaa marayay madashaas wax badan laga baran karro. Mar haddii horena aan u soo qadimay Imikana aan ku cilinayo oo shirkaas la keenay Konbuyuutar Gabyaya oo isagu erayaddii inta uu tidco, oo xarafkii raaco miisaamo soo dhigaya gabay qorqoran oo xaraf iyo habdhacba leh iyo Konbuyuutarkii oo aad u yeedhinayso Af-Soomaaligii. Islamarkaana qoraya. Miyaanay Aqoonni meesha marayn. Halkan lafteedda aan ku hakado.
Waayo, waxaa la is weydiin karaa dadkuna iyadoo hore aan wax yar oo ka mid ah faahfaahinta arrintaasi ugu baahiyay Wargeyska Saxafi Igu soo celiyeen su’aalo aan filayay inaan ka jawaabay. Sidaas darteed, mar kale aan jaleeco qormadaas hore qayb ka mid ah.
Aqoon-yahan lagu magacaabo, Jaamac Muuse Jaamac oo doorka uu ku leeyahay kullankaas ay ka mid ahayd inuu ka hadlo Far Soomaaliga iyo adeegsida Kombuyuutarka ayaa waxaa uu ku soo bandhigay madashii shirka dhowr barnaamij (Software) oo ay u diyaariyeen fullinta hawlo uu ka midyahay Gabaygu, oo ay ku jirto sixida hingaadda farta, “Mar baan is weydiiyay tolow Kombuyuutar ma gabyi karaa?.” Ayuu yidhi, Waxaana uu ku dooday in jawaabta su’aashaas ay u mareen,  iyagoo addeegsanaya nidaam isku xidhan oo ka bilaabmaya Erayo ay kaydiyeen oo ay ku hayaan Konbuyuutarka, Xeerarka suugaanta ee xaraf-raaca iyo noocyada badaha maansada. Waxa uu sheegay in barnaamijkaas ku bilaabeen in Konbuyuutarku erayadda uu hayo ee isku xarafka ka bilaabmaya isku toosiyo oo uu tusaale ahaan gabay hore oo jiray sidiisii u ekaysiiyo.
Waxaa uu soo qaaday tuduc ku jiray Tixda Gudgude oo uu curiyay Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, kaas oo ah,
‘Gedgeddoonka maankiyo qalbiga, gocasho soo boodka,
Xaajada garlayliga jartiyo, gun u saluuggayga,
Gibladiyo mashxaraddayda iyo, farax la goohayga.’

Tuducaas ayuu sheegay inay Konbuyuutarka u direen, kuna amreen inuu mid la mid ah qaafiyad ahaan iyo dhisme ahaanba uu sameeyo,  Taasna waxaa uu tilmaamay inay ku guulaysteen isaga oo soo bandhigay Tuduc ka mid ah gabayadda Konbuyuurku isku hanaaniyay kaas oo uu u dhigay sidan:
“Gefkuddoonka maalkiyo qabsiga, gorayo soo haadka,
Xaabada dabli’idiyo jabkiyo, dar u xanuunkayga,
Gundhadiyo marxaladdayda iyo faham la’ giidayda.’

In kasta oo uu sidaas u dhisay haddana, Jaamac waxaa uu qiray in aanu Konbutarku sameyn karayn gabay ama hees macno leh oo ka turjumaysa xaalad jirta, ha yeeshee uu keenayo uun inuu isku toosiyo erayo, Qaafiyadii ilaaliyo iyo habdhicii tixda.
Sidoo kale, Dr. Nimcaan Cabdilaahi Qowrax oo madax ka ah machadka Sayniska iyo Taknoolojiyadda ee dalka Jabuuti ayaa madashan ku shaaciyay sidoo kale, Barnaamij la jaanqaadaya waqtigan casriga ah. Islamarkaana, fududaynaya in Kombuyuutarku qoro codka qofka Af Soomaaliga ku hadlaya ama akhriyo qoraalkiisa haddii loo baahdo sida luuqado badan oo kaleba xiligan loo fududeeyay.
Nimcaan, waxa uu sheegay in bilowgii hawshan ay ururiyeen kumanaan eray oo Af Soomaali ah, kuwaas oo ay ka soo qaateen baraha Intarnetka ee Wargeysyada Somaliland ka soo baxa, ka dibna kala saareen oo u dhiseen hanaan Konbuyuutarka u fududaynaya gudashada hawshaasi.
Qaybtaasna aan ka gudbo, doodaha badka la soo dhigay waxaa iyana ku jirtay oo si weyn loo naqdiyay waliba koox Saxafiyiin ahi aad u durtay bahda warbaahinta waqtigan ka hawl-gasha, gaar ahaan shabakadaha Intarnetka ee Soomaalida oo ay tilmaameen in ay inta badan dhibaato ku hayaan Afka Soomaaliga qoraalkiisa marka la soo ururiyo, waxaa kale oo la xusay inay dhalinyarada hawshaas ku foogan badankoodu ku liitaan xataa  adeegsiga ama xulasha erayada ku haboon wax ay doonayaan inay u gudbiyaan bulshada.
Dood kasta oo madasha ka dhacda waxaa ka dhalanaysay su’aalo, markaa waxaa la weydiiyay kooxdan suxufiyiinta ah in ay ogyihiin sidoo kale wax warbaahintu ku wanaagsan-tahay maadaama hadalkoodu u batay dhaliil.
Marwo, Aamina Muuse Weheliye ayaa ka jawaabtay, waxaana ay sheegtay in ay jiraan waxyaabo wanaagsan oo ay baahiyaan iyo warbaahin si wanaagsan wax u qortaaba. “Ma rabin in aan kala saar saaro, marse haddii aad na weydiiseen waxaan qirayaa oo arkay, si hufan oo wanaagsana wax u qora Weedhsan.com iyo Hiiraan.com” ayay tidhi inta ay kor u qaaday Nuqul ka mid ah Biiralaalaha ama Majalladda kal soo baxa ah ee Weedhsan oo aan shirka geeyay.
Arrimaha shirkaas lagaga hadlay haddii la wado oo muddooyin dhan la is yidhaa qoraal ahaan ku tabiya laga gayoon maayo’e, aan ku soo durko gabgabadii oo aan markaba ku boodo natiijaddii ka soo baxday.
Qodobbada laga soo saaray waxaa ka mid ah in la sameeyo akadeemiyad lagu lafa guro afka iyo suugaanta Soomaalida oo xarunteedu noqon doonto caasimadda Jabuuti, waxaana arrintaasi loo xil saaray guddi mudo ku qaadata  qorsheynta qaabka ugu habboon ee loo hirgelin karo mashruucaas. Iyaddoo la isku immanayo mar kale Bisha Juun ee sanadkan si loo dhiso Xaruntaasi oo loogga dan leeyahay inay noqoto xarun gobolka ama dadka afka Soomaaliga ku hadla ka dhaxaysa.
DHAMMAAD.

Mustafe Sheekh Cumar Geeddi
Halkan ka akhri Qaybtii 1aad ee Qormadan
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Tifaftirka © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.