Get Adobe Flash player

 

Qabiilka CIISE iyo Ururkii SNM – W/Q. Cabdalle Xaaji Cusmaan (Qaybta 2aad)

S N M iyo Shirkii Burco (1991): Qaybtan waxaan ku soo qaadan shirkii Burco, kii Boorama iyo saami-qaybsigii beelaha Somaliland. Bishii January 1991kii ayaa dawladdii Kacaanka ahayd afka ciidda loo daray.

Ururkii S.N.M. waxa uu gacanta ku dhigay dhammaan gobolladii la isku odhan jirey Waqooyi-galbeed. S.N.M. waxay berigaa samaysay arrin wanaagsan oo loo baahnaa.
Beelihii Somaliland oo dhan bay baaq nabadeed u dirtay si looga wada hadlo nabadaynta dalka, dabadeed bishii May 1991kii ayaa shir ballaadhan oo beeluhu u dhan yihiin ka bilaabmay magaalada Burco. Halkaas oo qabaa’ilkii dawladdii Siyaad Barre hubka iskugu dhiibtay nabad ku wada gaadheen isla markaana waxa lagu dhawaaqay 18kii May 1991kii gooni isku taagga Somaliland. Cabdiraxmaan-tuur ayaa muddo laba sannadooda madaxweyne loo doortay. Muddadii dawladdii Cabdiraxmaan-tuur markay dhammaatay ayaa 1993kii shir-weyne la iskugu yimid Boorama.
Shirkaas waxa ka soo qayb galay beelaha Somaliland oo dhan, ururkii S.N.M. iyo siyaasiyiin kale oo ruugcaddaa ah. Shirkaas oo muddo lix bilooda socday waxa madaxweyne loo doortay Alla ha u naxariistee Maxamad Xaaji Ibraahim Cigaal. Waxa kale oo la soo dhisay gole baarlamaan iyo gole guurti ah.Golayaashaas oo si cadaalada oo saami qaybsiya oo raalli laga wada yahay loo qaybsaday. Qabiilka Ciise waxay yeesheen (4)Afar mudane oo baarlamanka ah.(5) Shan mudane oo Guurtida ah.
Sidaan kor ku soo sheegay waxa madaxweyne loo doortay Allaha u naxariistee Mudane Maxamad Xaaji Ibraahim Cigaal (Isaaq).Madaxweyne ku-xigeenna waxa loo doortay, Mudane Cabdiraxmaan Aw-Cali oo loo yaqaan (Cabdiraxmaan-tolwaaye) (Gadabuursi).Guddoomiyaha baarlamankana waxa loo doortay Maxamad Cabdi Xaabsade( Dhulbahante).Guddoomiye ku-xigeenka koowaadna Cabdulqaadir Jirde( Isaaq). Guddoomiye ku-xigeenka labaadna waxa loo doortay Mudane Cilmi Xirsi(Ciise).Guddoomiyaha guurtidana
Waxa loo doortay Sheekh Ibraahim(Isaaq) dawladdii la soo dhisayna dhammaan qabaa’ilku wasiirro ayey ku lahaayeen.
Saami-qaybsigii bilawgii lagu heshiiyey wuxu ahaa mid cadaalad u dhaw oo dhammaan beeluhu sida muraayadda uga dhex muuqdeen awoodda dalka Somaliland ee curdinka ahaa.
1995-1996kii, Dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay gaar ahaan Hargeysa iyo Burco markii laga heshiiyey ayaa beelihii dalku mar labaad shir-weyne u fadhiisteen1997kii magaalada caasimadda ee Hargeysa si loo soo dhiso golayaal cusub, (Baarlamaan iyoGuurti). Madaxweyne iyo ku xigeen .Sidii heshiisku ahaa ayaa qolo walba saamigeedii ku soo darsatay Baarlamaanka iyo Guurtida.
Cabdiraxmaan Aw-Cali oo madaxweyne ku-xigeen ahaa ayaa meesha ka baxay waxana lagu beddelay Daahir Rayaale Kaahin (Gadabuursi). Waxa kale oo meesha ka baxay guddoomiyihii Baarlamanka,waxa beddelay Mudane Axmad Maxamad Qaybe(Dhulbahante).Qabaa’ilka Somaliland saami-qaybsigaa bay heshiis ku ahaayeen kuna soo caano maaleen. Intaa dabadeed waxa loo hawl galay sidii distoor waddanku ku dhaqmo oo heshiis lagu wada yahay loo qori lahaa. Markii distoorkii la dhammays tiray ayaa ururradii siyaasadda la furay. Bishii Dis. 2OO2dii  ayaa loo dareeray doorashadii u horreysay ee golayaasha deegaanka,taas oo ay ku soo baxeen saddexdii xisbi-qaran ee kala ahaa, Udub,Kulmiye iyo Ucid.
Bishii May ee sannadkii 2003dii waxay tii Alla u timid madaxweynihii dalka Allaha u naxariistee Maxamad Xaaji Ibr. Cigaal.Distoorka dalka u yaal waxa uu dhigayaa haddii madaxweynuhuu xijaabto amma uu iscasilo,waxa si ku meel gaadha u sii qabanaya guddoomiyaha Guurtida.Taasi ma dhicin oo isla maalintiiba waxa madaxweyne buuxa loo dhaarshay madaxweyne ku-xigeenkii
Mudane Daahir Rayaale Kaahin.Isweydiintu waxay tahay,maxaa looga tallaabsaday distoorkii heshiiska lagu wada ahaa ee inta badan laga dooday? Waxa la yidhi, “Oday reer u weyn iyo haweenay ummuliso ahi, labada midna siday wax u ogyihiin uma sheegaan”. Sheekh Yuusuf oo guddoomiyihii guurtida ahaa iyo Xaaji Cabdi-waraabe ayaa gartay inay Daahir Rayaale u dhaariyaan madaxnimada dalka,taas oo ay ku jirtay maslaxadda iyo badbaadada dalka Somaliland. In odayadu disrtoorka dalka ka tallaabsadaan si ay danta dalka iyo dadka u ilaaliyaan sax bay ku ahaayeen,waayo dalka danihiisa iyo sida uu nabad ugu waarayo ayaa wax walba ka horreesa.Muddadii uu Daahir Rayaale madaxa dalka uu ahaana dhawr goor baa distoorka la garab maray sii loo ilaaliyo danta guud ee dalka Somaliland.Halkaa waxa ka cad in aanu distoor keligii waxba tarayn haddii aan maslaxad lagu darin sida ay yeelaan waddamada jaarka ah ee ay Somaliland isku duruufaha yihiin.
Sannadkii 2005tii waxa la qabtay doorashadii baarlamanka.Waa xilligii ay bilaabantay  cadaaladdarro si tartiib-tartiiba u wiiqday saami-qaybsigii qabaa’ilku ku heshiiyeen sannadkii 1993kii.
Doorashadii waagaa waxa inta badan kuraastii baarlamanka qaatay marka la isku geeyo labada xisbi ee kala ah Kulmiye iyo Ucid.    
Doorashadaa bilawgeedii waxa qabiilka Ciise laga dhacay (3)saddex kursi oo Baarlamakan ah, hal kursi oo keliya ayaa loo reebay.Bilawgii baarlamaanka cusubi uu shirayna, labadii xisbi ee sheegtay inay aqlabiyadda baarlamanka ku guulaysteen waxay si indha la’aan ah u boobeen labada jago ee kala ah guddoomiyaha baarlamanka oo saami ay u lahaayeen qabiilka Dhulbahante. (Waa arrimaha sii fogeeyey walaalaheenna Dhulbahante). Waxay guddoomiye u doorteen Mudane Cabdiraxmaan-Cirro( Isaaq-Garxajis-Habar-Yoonis). Guddoomiya ku-xigeenka labaad oo qabiilka Ciise lahaana, waxay u doorteen Cabdicasiis Max. Samaale (Isaaq-Habar-Awal). Cadaaladdarradaa waxa mas’uuliyaddeeda iska lahaa labada xisbi ee kala ah (Kulmiye iyo Ucid).Beelihii
Saamiyadooda laga dhacay markay cawdeenna waxa loogu jawaabay,waa doorasho si dimuqraaddiya, xor, xaq iyo xalaal ah u dhacday.Haddaba waa yaabe doorashooyinka inna soo maray ee xalaasha u dhacay waa kuwee? Miyaanay ahayn kuwii indhaheenna oo shana qof walba inta goor ee uu rabo uu codaynayey.Ma kuwaa baan xaq iyo xalaal ki tilmaannaa? Waxa wanaagsan in aynnu indhaha hoos u soo rogno dabadeedna aynnu xaqiiqada waajahno. Dalkeenna Somaliland Yurub iyo Maraykan maaha, isku duruufana ma nihin, isku dhaqaalana ma nihin, inaynnu isku dhererino maaha.Waxa wanaagsan in marka hore aad looga fiirsado oo la isweydiiyo halka maslaxadda iyo danta dalku ku jirto, dabadeedna doorashada la waafajiyo.U fiirso, waddamadan bariga Afrika ee annu isku duruufaha nahay.( Itoobiya, Jabuuti, Kenya, Ugaandha iyo xataa Suudaan).
Waddan kasta dantiisa iyo maslaxaddiisa ayuu doorashada ku saleeyaa(Kuma lihi si cadaalada ayey doorashadoodu u dhacdaa).Tusaale haddaan u soo qaato dalka Itoobiya ee aynnu jaarka nahay. Berigii boqorkii Haile Silaase qawmiyadda Amxaarada ayaa qawmiyadaha kale oo dhan dhakada kaga taagnayd,xilligii Mangistu Haile Maaram na, in kastuu Shuuci ahaa haddana Amxaarada umbaa dalka iska maamulanaysay.
Qolyahan imika Itoobiya xukuma,waagii ay maamulka qabsadeen 1991kii, dhammaan qawmiyadihii iyo qabaa’ilkii dalka oo dhan bay miis soo wada fadhiisiyeen.Qawmiyad walba gobolkeedii isxukun hoose ayaa la siiyey. Amxaaradii waddanka Itoobiya oo dhan isku baahisay ee gobol walba waan xukumaynaa odhan jirtay,gobolkiinna umbaad xukumi kartiin baa lagu yidhi, taas oo weli ay liqi la’yihiin.
Tusaale dhaw haddaan soo qaato Magaalada Harar waxa gacanta loo geliyey dadkii lahaa ee Harariyiinta, oo ay hore markii ay dhibaato ka soo gaadhay Amxaaradii, dibadaha u yaacay. Inkastoo tiro ahaan laga badan yahay haddana doorasho kasta iyagaa xaq u yeesha inay soo baxaan.Waayo? Waa dalkoodii.Xitaa jagooyinka amma mansabyada dalka Itoobiya ugu sarreeya waa muraayad ay iska dhex arkaan qawmiyadaha dalku.
Dhinaca baarlamaankana qawmiyad walba tiro go’an oo 1991kii la siiyey ayaa doorasho walba u soo baxa,xisbigay doonaan ha ka soo baxaane.
Dalkeenna Somaliland, 2005tii markii doorashadii baarlamaanku dhacday, waxay ahayd in lagu saleeyo saamiyadii lagu heshiiyey 1993kii ee shirkii Boorama.Labadii xisbi ee sheegtay inay aqlabiyadda heleen xeer maahayn inay gudoomiyaha u doortaan mudane Isaaqa,waxay ahayd inay keenaan mudane mucaaradka ka tirsan oo Dhulbahante ah. Sidaas oo kale guddoomiye ku-xigeenka labaadna waxa xeerku ahaa inay u doortaan mudane ka soo jeeda qabiilka Ciise si saami-qaybsigii aanu meesha uga bixin.
La soco qaybo kale oo xiiso badan……
W/Q. Cabdalla Xaaji Cusmaan
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Qalinleyda © Weedhsan Corporation
Halkan ka akhri Qaybtii 1aad ee Qormadan

Weedhsan Magazine: Download Free

.