Get Adobe Flash player

 

Qabiilka CIISE iyo Ururkii SNM – W/Q. Cabdalle Xaaji Cusmaan (Qaybta 3aad)

DABADEED MAXAA DHACAY?: Intaan u gelin arrimihii foosha xumaa ee ka dhacay gobollada Ciisuhu ka dego Somaliland gaar ahaan Lughaya iyo Saylac, aan dib u jalleecno 1990kii wixii ka horreeyey.

1960kii markii dalku gobannimadiisa uu gumaysigii Ingiriiska ka qaatay iyo ka horba, meelaha aadka loo dayacay ee haba yaraatee aan waxba laga qaban dhinacay doontaba ha noqotee, xag waxbarasho, xag caafimaad, xaga soo saarka biyaha iyo waddooyinka haba yaraatee waxba looma qaban dadka Ciisaha.Haddii qof ka bukoodo,amma haweenay xaamila iyo xataa dhallinyarada shaqa doonka ah Jabuuti ayey si toosa ugu xidhan yihiin.

Haddii ay Hargeysa oo caasimaddii dalka ah u baahdaan inay tagaan, gaadiidkii iyo waddadii baan u saamaxayn, midda kale qaraabadii iyo eheladii oo dhan baa Jabuuti deggan.Waa sababaha dheliyey inay Jabuuti toos ugu xidhnaadaan.

Dhinacaa marka laga eego Ciisaha Somaliland waxay isku duruufo yihiin Isaaqa dega gobolka Soomaalida Itoobiya gaar ahaan Gaashaamo Bari iyo Harta Sheekh.Labadaa degmo Isaaqa u dhashay noloshoodu gebi ahaanba waxay ku xidhan tahay Burco iyo Hargeysa(Somaliland).Dadkaasi haddii ay u baahdaan dawo( Mid dad iyo mid duunyaba),waxbarasho, shaqo,ganacsi iyo taakulayn intaba Burco iyo Hargeysa ayey u soo doontaan.Magaalada Jigjiga ee gobolka Soomaalida laga xukumo dhib mooyee dheef kuma qabaan.

Dhinaca maamulka, 1960-1989kii waxa Saylac soo guddoomiyey,Mudane Cilmi Nuur Faarax, mudane Khaalid Cabdi Diiriye iyo Daahir Xirsi Cali oo isagu 1989kii ku geeryooday dagaalladii isaga oo SNM ka tirsan.

Aan u soo dego doorashadii 28-kii Oktoobar 2012kii laga qabtay Somaliland. Doorashadani waxay noqotay, tii ugu liidatay doorashooyinkii dalka soo maray. Sumcad xumadii, dhibaatadii iyo cadaaladdarradii ay soo jiidayna weli dalku uu la daalaadhacayaa. Cadaaladdarradii u wayneyd  waxay ku dhacday deegaannada Ciisaha. Sidee bay wax u dhaceen?

Waxa dhacday in madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland ee dalka iyo dadkaba u dhaartay uu toos u yimaaddo gobo ka tirsan degmooyinka Ciisaha,waxa uu horseed u noqday sanduuqyo madhan oo sidii la rabay loo cabbeeyey. Arrintaas oo madaxda iyo odayada Ciiseba aad  uga biyo diideen, waanay ku gacan saydheen. Cabshadoodii iyo dacwaddoodii waxay gaadhsiiyeen guddida doorashooyinka. Cabashadoodii dheg jalaq looma siin,waxayna guddidii doorashadu sheegtay in ay guushu raacday dad aan qabiilka Ciise u dhalan oo dhulka dool ku yimid.Qabiilka Ciise sidaa kumay joogine waxay iska soo xuleen guddi ka kooban odayo,siyaasiyiin, aqoonyahan iyo dhalliyaro, waxay mar labaad iyo mar saddexaadba cabashadoodii iyo cadaaladdarradii ku dhacday hor dhigeen iyagoo weliba wax yaabo caddaymo ah wata.(Madax meel ka sarraysa oo la taabto ma jirtee).

Madaxweynaha dalka Somaliland Mudane Axmad Maxamad Maxaamuud (Siilaanyo).Madaxweynaha oo ay hareera fadhiyaan la taliyayaashiisu wuxuu hadal ku soo gooyey, doorashadu waxay u dhacday si xor iyo cadaalad ah.Ku darsoo waan kuu soo dhaafaye, 2010kii markuu Siilaanyo madaxnimada ku guulaystay, xukuumaddii uu soo dhisay, waxa uu xisbigiisa Kulmiye Ciisaha ka dhacay hal wasiir-ku-xigeen oo ay Ciisuhu xaq u lahaayeen. Waxa Ciisaha loo reebay oo keliya hal wasaarad oo weyd ah.

Haddaba, waa yaab iyo yaabkiise, doorashada sida cadaaladda ah looga qabtay dhulka Ciisaha iyo  meelo kale oo dalka ka mida waa tee? Miyaanay ahayn tii aynnu warbaahinta ka daawannay iyadoo sanduuqyo madhan waraaqo laga buuxsanayo.

Ma taasay guddida doorashada, dawladdeenna iyo madaxweynaheennuba cadaalad u yaqaanniin? Ma Ciisaha dhulkoodii iyo dadkoodii qabiil kale dusha laga saaray ee la yidhi u taliya,ma taasaa xor iyo xalaal ah? Waa yaab iyo yaabka-yaabkiis. Amma garta amma ha garanina ee madaxweynaha iyo la taliyayaashiisuba arrimahaa ugubka ah ee ay dalka Somaliland u horseedeen waa wax yaabihii ay Soomaalidu isku dili jirtay waligeedba. Sayid Maxamad baa laga hayaa “Xasad iyo xumaan la isku dilo, xiisad beled baa leh”.Haddii  madaxdeenna Somaliland aanay wax ka baran sooyaalkii Soomaalidu soo martay,miyey illoobeen cadaaladdarradii ay dawladdii Siyaad Barre ummaddan kula kacday iyo wixii ka dhacay?

Haddii aad indhaha ka qabsateen aan idin xasuusiyo tuducyo ku jiray gabaygii dheeraa ee Durdur ee uu tiriyey Maxamad Maxamuud Yaasiin ( Dheeg)(1983kii,) wuxu yidhi:

Rag toodii Amxaar duudsiyey iyo, caydho dalandoola

Oo an magan ku daynaayey baa, daarihii galaye

Dayfkii martiyey reerka ee, daacadduna soortay

Ee markuu dibbiray xoolihii, reerka kula dooday

Illayn kama duwana tanay wadaan, nimanka Daaroode.

Raggaa uu Dheeg ku sheegay gabayga damacoodii halka uu ku dambeeyey waan wada ognahay dhammaanteen .Kuwa imika damacu wado ee moodaya in sanduuqyo madhan oo habeen madow waraaqo laga buuxiyo dhul lagu helo,waxaan idin leeyahay waad mala-habowdeen ee sidaa dhul laguma helo.

Dhinaca kale, cadaalad xumada lagula kacay qabiilka Ciise cid ka hadashay weli ma hayno,hadday tahay golaha guurtida,hadday tahay golaha wakiillada iyo labada xisbi ee mucaaradka ah intaba. Taa waxa ka sii daran, maalintii reer Saylac ay mudaaharaadka nabadeed u soo baxeen si ay cabashadooda u muujiyaan,ciidammada milateriga ayaa loo dalbaday oo rasaas mariyey halkaana  ku dilay hal ruux siddeed kalena dhaawacay.Maalintaana cidba ma soo tacsiyaday hadday xukuumad tahay iyo goleyaal kaleba.

U dambayn, marka hore xukuumadda talada haysaa ha ogaato in qabiilka Ciise aanu marna oggolaanayn in qolooyin kale oo damac dhuleed wado gobolkooda ku dul xukumaan, taasi waa mid ka go’an Ciisaha xitaa haddii shan wasiir la siiyo. Midda labaad, shacabka Somaliland dhammaan waxaan u sheegayaa gaar ahaan waxgaradka iyo siyaasiyiinta, haddii maanta laga hadli waayo oo laga aamuso cadaaladdarrada lagula kacay walaalahood, ogaada in idinkana ay niigu iman doonto gobol kasta, sidii berigii dawladdii Kacaanku dalka ka talin jirtay looga aamusay xasuuqii ay kula kacday shacuubta Majeerteenka iyo Isaaqa ee ay muddo yar dabadeed aanu gobolna ka badbaadin. Cadaaladdarrada ku dhacday Ciisaha waxa kale oo ay sii fogaynasaa walaalaheenna gobollada bari dega(Dhulbahante iyo Warsangeli).Markay fiiriyaan Ciisihii shalay raacay ee la saftay SNM sidaa loola dhaqmay, candhuuftooda ayey dib u liqayaan iyagoo is xasuusinaya sheekadii ahayd “Ishaa Cali ninkii dayey, digniin wowgu filan tahay”. Sii foogeynta iyo cadaaladdarraduna saadaal wanaagsan uma soo sidaan qaddiyadda Somaliland. Madaxweynaha, xukuumaddiisa iyo golayaasha(Guurtida iyo Wakiillada)waxaan ku adkaynayaa isla markaana aan ku baraarujinayaa inay si dhakhso ah arrintan wax uga qabtaan oo aanay dhayalsan.

(Belaayo madax la qabto ayey leedahay ee dabo la qabto maleh.)

Allahayow jidka toosan iyo caddaaladda nagu hanuuni. AAMIIN

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Dhammaad.

Halkan ka akhri Qormadii 1aad ee Taxanahan:

Halkan ka akhri Qormadii 2aad ee Taxanahan:

Cabdalla Xaaji Cusmaan

Djibouti, Djibouti

Qalinleyda © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.