Get Adobe Flash player

 

Cabdalla Xaaji iyo Hargeysa – W/Q. Nuur Sh. Iimaan

Aqoonyahanka u dhashay dalka Jabuuti ee la yidhaa Cabdalla Xaaji waxa lagu yaqaannay nin ururiya oo qora suugaanta iyo hiddaha Soomaaliyeed, isaga oo shaqadaas ka hayay dalkiisa Jabuuti.

Waxyaalaha uu qoray waxaa ka mid ah buugga la yidhaa ”Xeer Ciise”. Machadka Afafka ee Jabuuti iyo Ururka Somali Pen labadaba wuu ka tirsan yahay. Shaqadaas ayaa Cabdalla Xaaji lagu ogaa. Waxa se soo korodhay odaygu maalmahan in uu Somaliland ka dhex kalluumaysto. Siduu u joogay ayuu u xuub siibtay nin qabyaalad ka shaqeeya. Wuxuu bilaabay inuu u dhaqmo sidii afmiishaarradii goor walba qabiilka iyo qabyaaladda ka walaaqan jiray.
Cabdalla Xaaji waxaa la ogaa in uu yahay nin Reer Jabuuti ah, walow aanay dadka soomaalidu xuduudba kala lahayn. Laakiin maalin dhowayd ayuu intuu Hargeysa yimid sheegtay in uu yahay Reer Hargeysa. Taa xaq buu u leeyahay, waxaase hubaal ah imaatinkiisa Hargeysa iyo sheegashadeeda inuu ugu waddo xaadhayey ujeeddo uu dib kala soo baxay. Ujeeddadaasi waxay ahayd inuu ka dhigto fursad uu ku faro geliyo siyaasadda gudaha Somaliland iyo qabiilooyinkeeda. Cabdalla Xaaji wuxuu bilaabay qaylo dhaan iyo olole uu kaga hadlayo arrimaha bulshada iyo siyaasadda Somaliland. Oo tolow waayo? Taa waxaynu kaga jawaabaynaa sida soo socoto.
Muddo aan sidaa u sii fogayn saxaafadda Af Soomaaliga ku hadasha waxaa ka socotay dood dheer oo ku saabsanayd Taariikhdii Daraawiishta. Dooddaas uu bilaabay qoraaga Reer Somaliland ee la yidhaa Ibraahin Hawd waxay ahayd tu qallafsan oo laysku mari waayay. Denbiga ugu weyn ee meesha lagaga hadlay wuxuu ahaa inay jiraan dad taariikhdaa iyo taariikho kale oo Soomaalida ka dhexeeya afduubay oo si xun u dhigay. Cabdalla Xaaji oo dadkaa denbiga lagu qaaday difaacaya ayaa doodda soo galay. Wuxuu difaacay gabay Maxamed Cabdalle Xasan tiriyey oo laga been sheegay. Wuxuu kaloo Cabdalla Xaaji difaacay xidhiidhka ka dhexeeya dadka la eedeeyey iyo Maamulka Ismaaciil Cumar Geelle. Ibraahin Hawd oo ahaa ninkii doodda bilaabay taa wuxuu ku sheegay Ismaaciil Cumar Geelle inuu yahay “kelitaliye” jecel dadkaasi in ay sacabka u tumaan. Haddaba waa halkaa meesha Cabdalla Xaaji soo kicisay ee Hargeysa keentay.
Been ma aha oo waa la wada ogyahay Ismaaciil Cumar Geelle inuu yahay kelitaliye aan cidi dooran oo dadkiisa xoog ku haysta. Wuxuu ka mid yahay dhawrka keligii-taliye ee dunida ku sii hadhay wakhtigooduna gabaabsiga yahay. Awoodda dalka Jabuuti oo dhan waxaa loogu adeegaa ilaalinta ninkaa keligii-taliyaha ah. Isaga iyo qoyskiisa oo qudha ayaa nool ummadda Jabuuti inteeda kalena bakhtigaa u xalaal ah. Cabdalle Xaaji isaga oo aqoonyahan ah, oo qoraa iyo indheergarad ah ayuu haddana ninkaa daacad u yahay oo u shaqeeyaa. Taasi waxay ballan fur ku tahay xaqa uu shacbigu aqoonyahanka ku leeyahay oo ah inuu codkooda ku hadlo oo dulmiga uga hiiliyo. Haddaba waxa Hargeysa keenay waa qayb ka mid ah shaqada uu u hayo Ismaaciil Cumar Geelle ee ah jaho wareerinta ra’yul caamka.
Cabdalla Xaaji wuxuu Hargeysa u yimid qorshe Madaxweynihiisu ka dambeeyo oo ah dhaqdhaqaaqa xorriyad doonka ah ee ka soo hor jeeda in loo raad gado oo buuqa iyo dacaayadaha meel kale loola kaco. In Hargeysa laga abuuro muran iyo buuq lagaga jeesto dulmiga siyaasadeed ee Jabuuti ka jira ayuu Cabdalla Xaaji Hargeysa u yimid. Taas ayaa gelisay hawlo aan lagu aqoon oo ah qaylo dhaan qabyaaladeed. Taas ayaa gelisay inuu isku mashquuliyo khilaafyada yar yar ee ka jira Somaliland oo ah dal xor ah oo dimuqraaddi ah. Taas ayaa gelisay inuu waxaas oo awood ah ku bixiyo Saylac iyo Ciise iyo Gadabuursi oo ah reero walaalo ah oo kolleyba khilaafkooda dhammayn doona.
Ninkani inta uu Somaliland ka dhex qaylinayo, meeday shaqadiisii uu Jabuuti ka hayey? Runtu waxay tahay, shaqadaasi waa isla tan uu Hargeysa ka wado. Qabyaaladda iyo qaylo dhaanto uu Cabdalla Xaaji Somaliland kula soo dhex dhacay sidaa ha loo arko. Isaguna yuu na moodin inuu naga caqli badan yahay oo dadkayaga isku dirka ha nooga daayo.
Nuur Sh. Iimaan
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Aragti © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.