Get Adobe Flash player

 

SOOYAAL: Buug furay Dood loo baahnaa – W/Q. Sayid-Axmed Yuusuf

Gu'gii inna dhaafay ee 2012kii, waxa soo baxay buug la magacbaxay "Sooyaal" Ina Cabdille Xasan ma Sheekh buu ahaa mise? oo uu qoray Cabdiraxmaan Guribarwaaqo. Waa buug lagu soo ururiyey xogo badan oo qoraagu uu raadraacay

qoraallo iyo buugaag hore. Waxa uu qoraagu isku deyey in aanuu ka jawaabin weydiinta uu magaca buuggu xanbaarsanyahay. Waxa uu u dhaafay warcelinta akhristaha. Waxa aan qabaa Cabdiraxmaan Guribarwaaqo, waxa uu bilaabay dood loo baahnaa. Waa dood horeba u dhextaallay bulshada soomaaliyeed, balse aan hab qoraal gelin. Buugga waxa ku jira gabayo farabadan oo uu tiriyey Maxamed Cabdille Xasan, oo u badan aflagaaddo, cay iyo hanjabaad. Qoraaladii laga qoray buugga iyo aragtidii akhristayaasha, kama warcelinayo oo qof kastaaba aragtidiisa waa u xor. Muhiimadduna waa in qofka banii'aadamka ahi xor u ahaadaa aragtidiisa, dooddiisa iyo faalladiisa inta aanuu ku xadgudbaynin qof kale xorriyaddiisa.
U malayn maayo in muran ka taaganyahay in aad loogu kala tagganyahay Daraawiish iyo hoggaamiyahoodii. Waxaase la saoo maray xilliyo kala aragti iyo dareenba ahaa oo soomaalidu soo martay. Bal aan buugga halkaa yara dhigto oo dib u eego kala duwanaanshaha la soo maray. Qarnigii 19-aad oo ah markii ay reer Yurub yimaaddeen carriga soomaalida, waxa jiray kala daadsanaan ay ku noolaayeen bulshadii u badnayd reer guuraaga. Waxa weerar xooggan ku hayey dhulka soomaalidu degto boqorkii Axmaarada ee la odhanjiray Mililik-II. Waxa uu ku taamayey in uu qabsado Berbera, Saylac ilaa xeebta dheer ee soomaalida inta uu ka gaadhi karo. Waxa uu boqorkaasi xoog ku qabsaday Herer oo ahayd goob ama caasimaddii maamulkii Islaamka ee muddada dheer ka soo talinayey Adari (Harar).
Xilligaa waxa aad looga danbayn jiray Culimada iyo madaxdhaqameedka beelaha. Go'aamadii ugu horreeyey ee ay madaxdhaqameedyadaasi ku tallaabsadeen waxa uu dhacay 1884-1886kii oo ay heshiisyo ilaalin ah la galeen maamulkii Ingiriiska ee fadhiyey Cadan/Yaman. Waxa sooyaalka ku cad in markaa uu soo gaadhay ciidankii Mililik magaalada Jigjiga oo aan markaa ahayn magaalo. Waana goobtii ay ku istaageen Axmaaradu. Joogsiga Axmaaradu, si fudud kuma iman ee waxa uu Mililik la saxeexday boqoraddii Ingiriiska heshiis kale oo aanay markaa soomaalidu ogayn oo ahaa kan lagu sameeyey xadka maanta aynu la leenahay Itoobiya. Xaalku si kastaba ha ahaadee, dedaalkii odayaashii xilligaasi waxa uu ahaa uun bal in aan dalkooda la qabsan. Waana markii ugu horraysay ee soomaalidu dareentay in weerar lagu qabsanayo. Xilligaa waxa jiray rag taladooda laga danbayn jiray, go'aankooduna ahaa mid la ixtiraamo oo dadku u soo joogsadaan.
Dhanka Culimada, waxa xilligaa deegaan ballaadhan taladiisu gaadhi jirtay Sh Madar Axmed Shirwac oo fadhigiisu ahaa magaalada Hargeysa. Magaalada Sheekh waxa fadhiisin weyn ku lahaa Sayid-Adan Axmed Madar oo hoggaamiye u ahaa Dariiqada Axmadeiya/Dandaraawiyah. Halka uu Sh Madar na u ahaa Dariiqada Qaadiriya oo aan ku cusbayn dhulka soomaalida. Magaalada Berbera ilaa Saylac waxa joogay culimo aad looga danbayn jiray oo aqoon diimeed lahaa. Dhanka madaxdhaqameedyada Q-19-aad waxa jiray Garaaddo, Suldaanno iyo Ugaasyo. Waxa aan ka xusi karaa suldaan Diiriye oo sameeyey maamul iyo kala danbayn, deegaankiisuna ahaa deegaanka Hargeysa. Waxa kaloo jiray Suldaan Nuur oo fadhiggiisu ahaa deegaan ballaadhan oo aan ka tilmaami karo Burco iyo Oodweyne oo fadhigiisu uu u badnaa.
Xilliga uu yimi Maxamed Cabdille Xasan waa markaa aan soo tilmaamay. Sida buugga SOOYAAL ku qoran, waxa uu Berbera ka bilaabay dariiqo dadka ku cusbayd oo la yidhaa Saalixiya. Bilawgiise dad taageeray wuu helay, laakiin muddo yar ka dib ayaa la qoonsaday oo ergo loo dirtay maamulkii Qaaddiriya oo ahaa Sh Madar. Sida uu qoraagu buugga ku iftiimiyey waa lala dooday Ina Cabdille Xasan, waana laga biyo-diiday aqoontiisii. Inkastoo qoraagu inoo faahfaahiyey in uu Ina Cabdille Xasan, ka baxsaday dareenkii tabnaa ee kaga yimi dadkii reer Berbera, halkii uu ku horreeyey ee uu tegay aan inyar ka tilmaamo.
Culimadii Dariiqada Axmediya/dandaraawiyah oo fadhigoodu ahaa magaalada Sheekh ayuu u tegey. Sida la soo weriyey, waxa uu ka codsaday in ay taageeraan Dariiqada Saalixiya, oo uu u sheegay in ay Saalixiya iyo Dandaraawiyah, labaduba ka mid yihiin Dariiqada Axmediyah. Waxa la sheegay, Culimadii uu goobta Dariiqada Sheekh ugu yimi, inay weydiiyeen su'aalo badan, oo uu ku margaday ama u cuntami weyday jawaabihii uu ka bixiyey. Si cad ayaanay u diideen hawshii uu watay. Waxa uu u gudbay Suldaan Nuur oo ahaa Suldaan aad looga danbeeyo, deegaan ballaadhanna maamulkiisu gaadho. Taageero ballaadhan ayuu halkaa ka helay, laakiin markiiba waxa soo baxday kelitalisnimo iyo hebel wuu xujoobay. Arrimahaasi waxa ay keeneen khilaaf ka dhexdhacay intii taageertay iyo intii diidday. Waxaana batay intii diidday.
Waxa bilawgiiba dhacay waxyaabo aan hore loogu arag carriga soomaalida oo ah in koox sheeganaysa in ay aqoon diimeed leeyihiin ay dhacaan geela, laayaan dadka, xataa umolo doox ayaa la gaadhsiiyaa wararka qaar. Waxa aan kaga baxayaa qaybtaa dul-kaxaadiska ah. Suldaankii taageeray, oo ahaa Suldaankii Habaryoonis, waxa la sheegay in uu Ina Cabdille Xasan dilay, Garaadkii guud ee Dhulbahante, inuu dilay, dhanka Culimada in badan baa la sheegaa oo Sh Aways ka mid ahaa. Ina Shixire oo ahaa ninka la tilmaamay inuu arrimaha xidhiidhka dibedda si xooggan uga soo taageeray, ayuu laayey innamadiisii "Arki maysid Ina Shixiriyoow innamadaadiiye ayuu weliba gabay ku mariyey. Buugga SOOYAAL, waa buug arrimahaa wax ka tilmaamaya, kuna tusaya sida ay u noqotay in lagu weeraro siyaasad ahaan xataa xilligan aynu joogno beelo gaar ah oo laga dhigo inay ahaayeen gaalo-raac, kuwo kalena halgamaa.  
Qarnigii 20-aad badhtamihiisii waxa bilaabmay dabayl kale, oo lagu diiddanyahay maamulkii Ingisriiska. Laakiin may jirin dad urursan ama nidaam iyo kala danbayn leh. Mana jirin xanuun si toos ah u taabanayey oo Ingiriisku ku hayey dadka. Xanuunka ugu badani waxa uu ahaa cashuurta bixiya iyo bixin mayno. Waxaase la soo gaadhay kontomaadkii, waana markii uu lahaa Cabdilaahi Suldaan Timacadde IHUN " Sayidkii Taleex degey, markay turunturraynaysay, haddaad maalintii taabcdaan tani ma joogteene. Waxa kaloo lixdankii tix taa la mid ah ka tiriyey Axmed Ismaaciil Qaasim. Sida uu qoraaga Hawd tibaaxay, waxa ay xilligaasi ahayd xilli loo baahnaa in la liqo wax kasta oo dadku ku kala tagganaayeen. Xataa Ina Cabdille Xasan in aan loo arag inuu ahaa Shufto, ee looba aqoonsan karo inuu ahaa halgamaa. Sababtuna waxa ay ahayd, in qofkasta oo la dagaalamay Ingiriiska uu halgamay. Waxa ay ahayd xilli kala guur ah oo soomaalidu u jeellanayd in ay iyadu is maamusho. Maxaase ka danbeeyey?
Buuggii SOOYAAL, baan kala saafayee, hadmaan weydaartay seeraha, surimada saruu xulay.?
Aan ku soo noqdo buugga Sooyaal. Waa buug dhaliyey dood loo baahnaa. Waxa ku jira taariikh badan oo aan dadka badidiisu maqal ba. Waxa ku jira maansooyin badan oo qaar ka mid ah afkaba aanaad soo marin karin. Haddii la odhan lahaa gabayada waa laga been abuuray, dhaqanka soomaalida, in badan baa ay dhacdaa been abuur, laakiin ma hana qaado, sida: Gabay aan anoo yar maqlay, oo ahaa "Wed Isaaqa laayaa ku jira Maandhaw Weysada,e, Web markaan ka siiyaa indhaha wahab ka duulaaye, ma wareero mana waayo, naxariisna waan kala wareegnaaye, oo la odhan jiray Ina Cabdille Xasan baa tiriyey. Waa ay iska beenawday, oo beeni lug bay leedahay. Laakiin Gabayada uu qoraaga buuggani soo bandhigay, waa kuwo horeba qoraal u galay xilli hore, oo la beenayn kari lahaa. Balse aan cidina beenayn. Waxa kaloo aan cidina beenayn karin dilka iyo dhaca uu geystay Ina Cabdille Xasan iyo ciidankiisii.
Waxa aan aad iyo aad ugu ammaanayaa Cabdiraxmaan Guribarwaaqo in uu u hawlgalay dood sixitaan ah. Dood markii hore dhinac keliya ahayd, oo xilligii maamulkii Maxamed Siyaad Barre qofna sida dareenkiisa ah wax ugama qori karayn. Waxa uu badka soo dhigay, qoraaladii la bedelay sida gabayga ay ku jirtay "Ciisaha Bakhtiga hiigaya iyo huqay midgaan baa leh, oo lagu qoray in uu Ina Cabdille Xasan u jeeday Ciise Muuse. Taasoo ah wax laga xishoodo, in faahfaahintaa la raaciyo buugga. Oo noqonaysa badheedh cad oo been abuur ah laguna leexinayo sidii dadku u yaqaannay. Waxa uu qoraagu inoo soo gudbiyey heshiisyadii ay odayaashii soomaaliyeed ee beelaha deegaanka Somaliland oo si qeexan buugga ugu yaalla. Waxa uu innala wadaagay Culimadii xilligaas iyo waxtarkoodii. Waxa ku jira buugga taariikh badan iyo suugaan badan oo aan hore la isugu keenin buug. Waana buuggii ugu horreeyey ee jaadkan loo qoro.
Ma doonayo in aan buugga meelo innooga soo garooco ama tilmaamo. Waa se buug aad heli karto, si aad adigu aragtidaada iyo dareenkaaga ugu cabbirto. Waxa aan ku soo afmeerayaa. Gabaygii ay tirisay Qoran Sugulle Shugxiye, markii ay Daraawiishtu gubtay deegaankii Dariiqada Axmediya_Dandaraawiyah ee magaalada Sheekh, xilli ku beegan 1901/03 waxa ka mid ahaa.
Insigii la soo diray, markuu nagu arooryeystay,
Qarraxdoo in doora ah, markii nalagu Eedaamay.
 Asyaaddii Ilaahay markay nala itaalaysay,
Ashahaado mooyee, markii qaylo la illoobay.
Waxba yaan aroosiyo la helin, Aqallo waaweyne,
waxba yaan adduuniyo la helin umaradeenniiye.
Xamdi mahad, Allahayoow haddaan nala agoomaynin.

...Qoran Sugulle Shugxiye IHUN/tee inankeeda ayaa habeenkaa Aqalgalay ay Daraawiishtu soo weerartay Dariiqada Sheekh.
Sayid/Axmed M. Yuusuf – Sweden
Qalinleyda © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.