Get Adobe Flash player

 

CABDILLAAHI SICIID DHEERE: Bare iyo Siyaasi Hufnaan looga Marag-furay - W/Q. Siciid Gahayr (Q. 4aad)

Marka la faaqido summadaha dadnimo ee uu lahaa C/Laahi Siciid Dheere, marxuumku waxa uu ahaa qof cibaadada ku wanaagsan oo aan salaadda, soonka, masaajidka, sadaqadda, jacaylka culimada iyo acmaasha

wanaagsan aan kaga mashquulin wax kale. Waxa uu ahaa qof nadiif ah oo aan balwad lahayn. Kana hufan qabyaaladda, iskudirka iyo xumaaanta oo dhan, sida uu ku marag-furay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo ay wadaageen socdaallo iyo shaqooyin door ah intii ay ku kula jireen Axsaabta Siyaasiga ah ee dalka ka dhisan. Waxa aad loogu xasuustaa Cabdillaahi Siciid Dheere ka qaybqaadashada nabadaynta dalka iyo xasilintiisii, isagoo ka soo qaybqaatay nabadayn farabadan oo waddanka gudihiisa laga qabtay sida Shirkii seeska u dhigay nabada Somaliland ee Burco 1991, dagaalkii ka dhacay Daroor, Buuhoodle iyo Kalshaale intaba. Marxuumku wuxuu ahaa addoon samatalis ah oo mar walba arimaha ka abaara dhanka maslaxaddu ku jirto. Waanwaanta uu doorka ku lahaa waxa aynu ka dheehan karnaa tacsidii Madaxweyne Siilaanyo oo lagu xusay inuu ka mid ahaa aqoonyahankii ka soo qayb qaatay nabadayntii iyo dawladnimada Somaliland. Qaybo ka mid ah hawlaha ammaan-sugista iyo daminta colaadaha ee Cabdillaahi ka hawl-galay oo faahfaahsan waxa aynu ku xusi doonnaa qormooyinka dambe haddii Alle idmo.

Haddii aynu cabbaar ku hakanno muujinta iyo cabbiraadda hab-dhaqankii C/Laahi Siciid Dheere Dabeecadihiisa ayaa ALLA ha u naxariistee dhammaantoodba ahaa qaar wanaagsan oo ay dadkii uu la soo shaqeeyayba ay ku sifeeyeen qof nadiif ah, akhlaaq ahaan, dhaqan ahaan iyo tacaamul ahaanba. Wuxuu ahaa qof ammaano leh oo aan khiyaamada aqoon taas waxa kuu caddaynaysa in uu Cabdillaahi Siciid dheere uu ahaa madaxa dhammaan qaybaha bulshada iyo guud ahaanba magaalada Rabaso ee waddanka Ethiopia waqtigii uu waddanka ka talinayay Maamulkiii Siyad Barre iyadoo ay gacantiisa ku soo dhici jireen dhamaan mucaawinooyinka iyo deeqaha ay bixiyaan hay’adaha qaramada midoobay ee xilligaas ku sugnaa meesha taas oo uu Cabdillaahi Siciid sida ugu hufan ee loogu wada qanacsanaa uu ugu maamuli jiray. ALLA ha unaxariisto’e. marka uu hadlayo waxa uu ku hadli jiray hadal ujeeddo leh oo aan gabbasho iyo baqasho midna lahayn. Wax uu ahaa geesi, deeqsi ah oo  ku dhac leh, isla markaana markasta abaari jiray xaqiiqada markaas laga hadlayo.

Waqtiyada fasax uu leeyahay cabdilaahi Siciid dheere wuxuu aad u jeclaa in uu ehelka booqdo siiba dadka xanuunsanaya ee dhakhtarka ku jira iyo kuwa gaboobay ee guryahooda jooga, wakhti masaajidka ku qaato, isagoo marar door ah galay Safaro dacwadeed oo lagu faafinayo Diinta Islaamka, waxa uu sidoo kale wakhtigiisa fasaxa ku qaadan jiray gurigiisa oo uu la qaadan jiray ehelkiisa.

Haddii aan waxoogaa milicsado xaaladdii C/Laahi Siciid iyo dharaarihii ay foodda is-dareen SNM iyo maamulkii milatariga ahaa waayadii dagaallada dib-u-xoreyntu ka socdeen Somaliland, waxa ay kumannaan qoys oo barakacay rug ka dhigteen, kuna sugnaayeen xerooyin qaxoonti iyo tuulooyin ku yaalla bariga Itoobiya, gaar ahaanna dhulka la yidhaahdo “Reserved area”. Meelahaas waxa ka mid ahaa Balliyalay, Kaam Abokor, Dulcad, Rabaso iyo Darroor, halkaas oo ay taakulo kaga heli jireen qurbe-joogga dibadda u fakaday iyo hay’adaha qaramada midoobay sida UNHCR. Waxa aan marnaba la illaawi karin, baal-dahabna ku sugan caawimadii iyo gacan-qabashadii dadka qaxay ay u fidiyeen dadkii ku noolaa Riseef Eeriya, gaar ahaana reer-guuraagii iyo beeralaydii deegaankaas joogay, oo caano, cad, sooryo, dib u dejin iyo kaalmaba la barbartaagnaa walaalladooda qaxoontiga ah.

C/Laahi Siciid  waxa uu ka mid ahaa dadkii nasiibka u helay inay ka samatabaxaan gumaadkii baahsanaa ee geyiga ku habsaday, isagoo degay qaxoontigii Rabaso ee ku yaallay Gobolka Dhagax-buur ee  Dawlad-deegaanka Soomaalidu degto ee Itoobiya Kolkii uu halkaas joogay hal gu’ ama 1989-kii waxa loo doortay guddoomiyeha xerada. Isaga  oo xilkaa hayay muddo dhan toban sanno iyo dheeraad, waxa uu kasbaday aaminaad buuxda oo ku helay bulshadii deegaanka. Isaga waxa ku xigay Abwaan Muxumed Cali Masmas sidoo kale waxa jiray xubno ku jiray maamulka. Dhammaantood si xilkasnimo leh ayay u qaybin jireen raashinka ay UNHCR ku caawiso barakacayaasha waana ta keentay in aan marnaba xilka laga qaadin. Markii dambena waxa uu noqday Guddoomiye guud ee saddexda kaam ee bari oo kala ahaa Abokor, Rabaso iyo Darroor oo maamul midaysan ku lahaa Rabaso. Maamulka Rabaso ka sokow waxa uu ka mid ahaa maamulka iyo macallimiinta dugsiga Rabaso oo uu sidoo kale amin majaraha u hayay Aadan Jaamac Kaahin.

Xilligaas uu af-gambigu ka dhacay Itoobiya ee uu talada la wareegay Xisbiga EPRDF ee haya talada dalkaasi C/Laahi Siciid oo ahaa Guddoomiyeha Xerada iyo Axmed Faruur oo maamulka ku jiray waxay ku maqnaayeen safar shaqo, waxaana maareeyay Xaaji CabdI-Waraabe, Abwaan Masmas iyo Faysal Haadaame, kuwaas oo joojiyay boobka raashinka dadka, iyagoo sameeyay ciidan ka kooban ardaayadii u badnaa deegaanka Rabaso oo ilaaliya hangarrada raashinka, isla markaasna magan-gelyo siiyay ajaanibkii ku sugnaa xerada. Fureyaashana waxa loo dhiibay Muhumed Ali (Masmas). Waxaana taas shahaado-maamuus ku siisay UNHCR. Sidoo kale maamulka Itoobiya ayaa milge weyn ku siiyay Rabaso abaabulka hufan ee ay ku sugeen shaqadii xerada muddadii dalkaasi ku jiray kala guurka.

La Soco Qaybta 5aad haddii Alle idmo

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Akadamiga Waxbarashada iyo Cilmi-baadhista (ERA) 

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Facebook: Saeed Mohamoud Gahair

Halkan ka akhri qaar ka mid ah Qoraalladii hore ee Siciid Gahayr ee lagu daabacay Mareegta WEEDHSAN

Taxane © WeedhsanCorporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.