Get Adobe Flash player

 

Furista ururrada Siyaasiga ah iyo doorkii Cabdillaahi Siciid Dheere – W/Q. Siciid Gahayr (Q. 9)

Ballan-qaadyadii uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamed (Siilaanyo) ololaha ku galay xilliga doorashada 2010-kawaxa ka mid ahaa inuu furayo ururrada siyaasadda

kolkii uu kursiga fuulayna waxa soo baxayay guux iyo dareen dadku ka qabeen rumaynta axdigaasi oo aad moodaysay inay u dheg-taagayeen halka ay ku dambayn doonto. Laakiin 15/March/2011-ka ayuu madaxweynuhu magacaabay guddiga qaran oo kasoo talo-bixisa furista ururrada siyaasadd.

C/Laahi Siciid Dheere AHUN waxa uu ka mid ahaa gudidaa. Xubnaha guddigaasi oo ka socday  Golaha Guurtida JSL, Golaha Wakiilada JSL, Saddexda Xisbi ee Kulmiye, UDUB iyo UCID, Aqoonyahaanada, Jaamacadaha dalka, Guddida Xuquuqul Insaanka, Ururrada Bulshada, Culimaa’udiinka, Madax dhaqameedyada, Ganacsatada, Beelaha laga tirada badan-yahay iyo La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Xisbiyada iyo Doorashooyinka. Waxay kala ahaayeen:

Xildhibaan Sh. Maxamuud Xirsi Faarax: Golaha Guurtida JSL

Xildhibaan Saleebaan Cali Koore: Golaha Wakiillada JSL

Keyse Xasan Cige: Xisbiga Kulmiye

Canab Cumar Ileeye: Xisbiga Kulmiye

Cabdilaahi Siciid Dheere Xisbiga UCID

Xasan Xuseen Cod-Yare: Xisbiga UCID

Maxamuud Siciid Maxamed: Xisbiga UDUB

Yuusuf Ciise Talaabo: Xisbiga UDUB

Barkhad Jaamac Xirsi: Beelaha laga tirada badanyahay

Prof. Xuseen Xasan Guleed: Aqoonyahan

Dr. Maxamed Cismaan Fadal: Aqoonyahan

Maxamed Cabdilaahi Ducaale: Jaamacadaha

Aamina Cabdilaahi Axmed: Guddiga Xuquuqul Insaanka

Khadar Nuur Aw Cabdi: Ururrada Bulshada (SONYO)

Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi: Ururrada Bulshada (NAGAAD)

Jaamac Maxamuud Cigaal: Ganacsatada

           

Sheekh Almis Sheekh Yaxye: Culimada

Suldaan Axmed Daahir: Madax dhaqameed

Dr. Maxamed Rashiid Sh. Xasan: La Taliyaha Madaxweynaha JSL

Maxamed Muuse Abees: La Taliyaha Madaxweynaha JSL

Guddidan waxa loo xil saaray:

Cilmi baadhis (Ra’yi ururin iyo doodo) la xidhiidha rabitaanka Bulshada ee ururrada siyaasadda.

Ka soo tallo bixinta baahida sharci ee ku gadaaman ururrada siyaasadda iyo adkaynta hannaanka dimuqraadiyadeed ee ka hirgalay Jamhuuriyadda Somaliland.

Daraasad ku saabasan duruufaha siyaasadeed, dhaqaale iyo nabadgelyo ee saamaynta ku yeelan kara ururrada siyaasadda.

Guddigani waxa ay shaqadoodii u guteen si habsami ah marka laga reebo labadii xubnood ee UDUB oo ka baxay.. Waxay guddoomiye u doortaan Xildhibaan Saleebaan Cali Koore.. Waxa ay kulanno la yeesheen qaybaha bulshada ee ku kala sugan gobollada iyo degmooyinka Somaliland. Ugu dambatiina waxa ay soo saareen warbixin ka warramaysa aftidii mugga lahayd ee ay sameeyeen oo biya-dhaceedu yahay in dadweynuhu rabaan furista ururrada siyaasadda. Warbixintaasi waxa ay qayb ahaan u dhignayd sidan:

Ujeeddo: Warbixin Hordhac ah Guddida ka soo tala bixinta furasahda Ururrada Siyaasaddu, waxay Saxaafadda u soo gudbinaynaa warbixin kooban oo hordhac ah oo la xidhiidha hawshii loo xilsaaray oo ku saleysan tilmaantii ku suntaneyd warqadii summadeedu ahayd JSL/M/MG/O8/399/03011, kuna taariikheysneyd 14.03.011, qodobadan soo socdana xambaarsanayd:

1. (Cilmi Baadhis) Doodo iyo Ra’yi-uruurin) la xidhiidha rabitaanka bulshada ee furashada ururrada siyaasadda.

2. Ka soo talo bixin baahida sharci ee ku geedaaman furashada Ururrada Siyaasadda iyo Adkeynta hanaanka Dimiquraadiga ee ka hirgalay Jamhuuriyada Somaliland.

3. Daraasad ku saabsan Duruufaha Siyaasadeed, Dhaqaale iyo Nabadgalyo ee saameynta ku yeelan kara furashada Ururrada Siyaasadda.

Haddaba, guddidu waxay gudashada xilkaa u martay talaabooyinkan soo socda:

A. Guddidu waxay isu soo martay Gobolada waaweyn ee Somaliland ee kala ah: Awadal, Maroodi-jeex, Saaxil, Togdheer, Sool iyo Sanaag. Iyaga oo markaa doodo u qabtay qeybaha kala duwan ee  bulshada oo ay kamid yihiin hogaamiye Dhaqameedyada, Culimaa’udiinka, Aqoonyahanka, Ganacsatada, Haweenka, Dhalinyarada, Jaamacadaha, iyo Guddiyada horumarineed, Iyada oo guddidu u qabatay dadkaa doodo lagu waydiinayo ra’yigooda, lagana buuxiyey Foom ay kaga jawaabayaan (Haa), (Maya) iyo (Midnaba) iyo sababaynta in Ururrada Siyaasiga ah la furo.

Foomamkaa aanu dadka ka buuxiney oo halbowle u ahaa talo bixintayada, waxaanu tiriney maanta oo ay Taariikhdu tahay 07/06/11, intii horena way noo xidhnaayeen si aanu uga badbaadno ku tiri  kuteenka.

B. Waxa kale oo guddidu dhageysatay qoraaladii afar Sharciyaqaan oo ay u dirtay inay tallo iyo taxliil sharci soo siiyaan guddida.

C. Waxa kale oo guddidu warbixin la xidhiidha Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Nabadda ka dhageysatay Hay’adaha kala ah:

1. Koomishanka Doorashooyinka Qaranka.

2. Akademiga Nabada iyo Horumarka.

3. Dallada Sonsaf.

Haddaba, Markii la tiriyey Cododkii laga soo uruuriyey muwaadiniin Somaliland ah oo tiradoodu dhan tahay 1,769 qof. Waxay natiijadoodu noqotay sidan:

Gobolka

Haa

Maya

Midna

Total

1:

Maroodi_Jeex

190

302

11

503

2:

Togdheer

157

132

0

289

3:

Saaxil

91

94

5

190

4:

Sanaag

208

66

2

276

5:

Sool

185

39

9

233

6:

Awdal

171

104

3

278

Total:

1002

737

30

1769

           

Halkaas waxaa ka muuqda in bulshada rabitaankeedu ubatay in Ururrada Siyaasadda la furo sida ka muuqada shaxada sare.

Haddaba, markay guddigu yeelatay doodo dhaadheer iyo falanqeyn ku saabsan duruufaha la xidhiidha  sharciyada, geedi socodka dimuqraadiyada, dhaqaalaha, siyaasadda, nabadgalyada Somaliland  waxay ku tallo bixineysaa:

 

1. In la qabyo-tiro Sharuucda iyo Xeerarka Ururrada Siyaasadda, Xisbiyada iyo Doorashooyinka.

2. Dhisida guddi Joogto ah oo qaabilsan diwaangalinta ururrada siyaasiga iyo ku ilaalinta dimuqraadiyada Xisbiyada gudahooda.

3. In lagu talo galo kharashyadii ku bixi lahaa furashada ururrada iyo doorashooyinka.

4. In wakhti 18 Bilood gudahood ah lagu hirgaliyo diwaangalinta ururrada iyo qabsoomida doorashada deegaanka.

5. In la sameeyo xeerkii Xisbiyada Qaranka (Political Parties Act).

La Soco Qaybta 10aad haddii Alle idmo

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Akadamiga Waxbarashada iyo Cilmi-baadhista (ERA)

Email: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Facebook: Saeed Mohamoud Gahair

© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.