Get Adobe Flash player

 

Isku Xoolo haddana kala Xeer! – W/Q. Saddaam Carab

Tuug waa is-qariyaa,

Halka uu ka xado tulud,

Tahan buu ka guuraa,

Toddobaadkan Xaajow,

Mid tiriig sitaa yimid.” (Ibraahim Gadhle)

Daborogan mise afrogan, ka aad tidhaahba waa ta dusheena ka onkodday maanta, doobyaysa oo dabar iyo hoogkana goosatay. In ay jabiso gebiyada qofnimada iyo soohdimaha dadnimaduna waa “Ina Daanwayne”, haddii aan duuh la iska odhan, ama dib loo kara celin. Xatooyo badheedh ah, waliba idho la’aan mararka qaar ah, dabka maanta holcay ayaa ah. Hareer walba dagamsan xataa hooseheenna ku dheh oo. Waa dhaca badheedhka ah ee lagu fuliyo hantida maskaxeed ha noqoto mid  qofeed ama kooxeed, taas oo keenta furidda illinnada dib u dhaca, xidhana tubaha horumarka. Aan ku dul geeyo xaqiiqooyin xeerkii dabarka u ahaa dhaafay iyo kuwo seetada loogu adkeeyay si sharciga dhaaftay oo daliil kuu noqda. Wax badan uma haysid waqti laakiin laba hal oo dhacdooyinkan iswaydaarka ah aan ku dul geeyo lafahooda oo cad cad. Waa dhacdooyin heego daruureed iyo hog abeesaad intay isku jiraan kala ah, ama habeen iyo maalin isku noqonaya, haddana isku hoy ka dhaca, isku cidna ku dhaca! Indhahaygu waa laba, mayee waa mid iyo mid kale! Muranba yay galine waa  kuwan labada dhacdo:

Dhacdada hore:

Maalin aan sii dheerayn aniga oo masaajid ku sugan, gudanayana salaaddii faralka ahayd ee Cishaha  ayaa buuq iyo qaylo aan looga baahnayn baydka Alle mar kaliya ka bilaabmantay masaajidka xaggiisii danbe. Waxa lagu jiray  badhtamahii  salaadda, qofka ku jiray salaadduna ma u ogaan karayn waxa lagu buuqay iyo cidda buuqday toona. Waxa se la dareemayey hugun hoose iyo hadal dhaadheer oo gadaal ka baxayey. Hadallada la is waydaarsanayey baa mararka qaar wax kaaga baxayeen, mararka qaarna kaa bixin gaadhayay salaadda. ‘Dilla dulliga aan xishoonayn’, ‘Mayee horta masaajidka dibadda uga saara’ iyo hadallo kale ayey ku hadrayeen dadku. Mise hadalkii oo ay wali isku hayaan ayey dhagahayaga martiday tantoomo xooggan oo si daran doori ah qof ugu laba dhacaysay ‘Dam..Dam.’ iyo qofkii oo af labadii qaylo ciirsaday! Haddii aad ku jiri lahayd salaadda waad sahwiyi lahayd sidayadii, haddii aad buuqaa dadka ku jira noqon lahaydna waad sii wadi lahayd oo salaadda maad soo gasheen sidoodii. Wax yar ka dib qayladii iyo qaxarkiibaa  joogsaday, waana gabogabo ku dhawaadkii salaadda. 

Dareenka dadka tukanayey wuxuu diyaar u ahaa ogaanshaha waxa dhacay, judhii laga baxay salaadda ayaa qofba kii garabkiisa fadhiyey  waydiiyey qayladii baxaysay iyo qofkii la oofeeyay sidii ooy kala war roonaayeen. Markiiba buuq kalaa  aloosmay, oo kii hore ka badan. Ilaa mar dambe naloo sheegay in nin kabo aanu lahayn masaajidka ka qaadanayey uu keenay waxan oo sawaxan iyo sahwi ah. Markii aan dul istaagay halkii lagu dilay dilanahan daalacmay ayaan arkay dhiig laga qubay.  Abid waxay ahayd dhiiggii u horreeyay ee aan masjid ku arko. Wuxuu ahaa dhiiggii afka iyo sanka ka yimid garaaciddii loo midaysnaa ka dib. Markaasaan iswaydiiyey Maxay sidan dadku u samaynayaan? Ugu yaraan miyay dibadda ula baxaan hadday dilayaan lama dilaha dilan? Maxay sidan u samaynayaan miyaanay iyagu dadka tukanayey iyo masaajidka toona ka xishoonayn? Mise adiga oon ku raagin warcelintooda ayaa markaaba waxa kuu soo boodaysa –Xeerarka bulsho ee xatooyada ka yaal ayaa fududeeyay in sidan la yeelo, sidaas awgeed ayuu dareenkooduku dirqiyey ka gilgilashada xumahan dhaca ah ee tuuggani ku kacay iyaga oo ka indhosaaban buqcadda ay falka ku gaysanayeen. Haba iska liito waxa la xadayey e. Haa waa  dhaqanka iyo mabda’ bulsheed ee ilaaliya xuquuqda qofka sababta la isugu waafaqay garaacidda ninka labada jaamood isku raray waliba dhiigga lagaga shubay aawadood. Taasi dhacday ahayd se bal tan kalena ila wadaag! Ogowna isku dareen bay ka dhasheen, isku cidbaana fashay. Waa tan dhacdada dambe:

Dhacdada Dambe:

Waxa ay ahayd goor caways ah waxaanan ku  sugnaa gurigayga. Anigoo dhex  mushaaxaya mareegaha wararka ee af-soomaaliga ku qoran ayuunbay mar kaliya inshaydu ku dhacday qoraal ciwaankiisu  si toos ah ugu suul dhabaaleeyay maankayga, wuxuu ahaa qoraal summad wacan leh. Ishaan la sii raacay oo waxaan u holladay inaan qoraalka oo dhan akhristo.   Markii aan saddex meeloodoow hal akhriyay  ayaa illeen af, indho, dhego iyo carrabba waxbaa lagu dhadhansadaaye qoraalkii ii dhadhamay, dabadeed aan wax diiday! Mayee aan wax xasuustay, Mayee taa hore dheh! Mid ay ahaataba, si aan murankan uga baxo ayaa inta dareen ee wax laga dhadhansado - dhegaha, afka/carrabka, indhaha iyo maskaxda oo xisaabtooda xidhaysayba aan hawl galiyay dhammaantood. Wali waxbaa siya! Dareemayaashu way murmayaan oo markaan badhtanka sii wado akhrinta ayay isku buuqayaan oo uu joogsanayaa akhrisku. Maskaxda bina aadamku waxay awood u leedahay kaydinta dhacdooyin ay maqashay, aragtay ama akhridayba. Adiga oon kaydinna waxay awood u leedahay in marka labaad ee ay aragto isla dhacdadii hore kuu soo martay mid la mid ah in ay isku dabarto labada. Walow aad horeba isula garan waydide marka dambe ayaad garataa is-lahaanshahooda. Qoraalkan waxa caqabad ka dhigtay sii akhrintiisa, murankana igu dhaliyay xusuusta maskaxdayda oo qoraal hore ku dabartay awgeed iyo isku ekaanshahooda. Haa… Goor  fikir kooban maskaxdaydu hurtay ayaan ogaaday in aan qoraalkan hore u akhriyey. Iga wallee waa qoraalkii..aadbaan u garanayaa goortii aan akhriyey iyo goobtii aan ka akhriyeyba, sidoo kale ciddii aliftay qoraalka asalkiisii ayaan si cad u garanayaa! Waa qoraal aad ka dheehanayso waqtiga la geliyay badnidiisa iyo awoodda lagaga soo tuujiyey maskaxda dhashay culayskeeda. Haddii aan hoos u waday qoraalka saa xagga hoose waxa ku suntan magac kale waliba lagu ta’kiidinayo lahaansha qoraalkan! Oo ma indhahaygaa tolow, hubiyey oo hubiyey ee waa magac kale. Ma ahayn qofkii dharaartaa hore ku suntanaa. Gadaal baanan ka xaqiiqsadayn in ninkani iskaga qortay magaca oo dhacay xoolaha. Waliba ay tahay dhac hanti maskaxeed oo qoraagaas loo gaystay shaki la’aan. Tan iyo boqolaalka la midka ahi waa tuugannimo la gef ah ama ka daran xoolo inta lagaa soo dhacay summadna la iskaga dhufsaday, waliba meel aan kaa dheerayn oo seero dhexdii ah lagu celceshanayo. Waa mid xeer seeto u ah iyo dabar xadeeyaa aanu jirin xatooyada jaadkan ahi. Xaaraan aan ka ahayn dhexdeenna, xalaalna ma nidhaa!

Markaas baan xasuustay tuuggii cadey qaataha ahaa ee jaamihii masaajidka uu ka qaatay awgood dhiigga looga shubay, iyo midkan caqli qaataha ah ee dhiigga iyo dheecaanka wixii loo huray banaanka ka sheeganaya lahaanshahooda iyo sida ay isku yihiin! Waliba cid kula yaabtaa ma jirto kan dambe, sharci dabbaalana ha sheegin. Run ahaan dhexdeena ma jiro xeer qabanaya qofka caqligaaga dhacay, aan ahayn damiirkiisa. Midka kabahaaga qaatay se sharci iyo xeer kuu diidayaa ma jiro xataa inaad qudha ka jarto! Waa taas ayaan darradeennu maanta. Qoraal, gabay iyo aragtiba wuu galay dhacani. Ma dhacdo marar kooban ee malaayiin goor bay soo noqnoqotay. Markaasbaa inta yar dareensani odhanayaan xaalkeennu waa wada xoolo, haddana kala xeer! Inta kalena mooyi.

Hadda bal qiyaas dareenka hal-abuurkii la dhacay hantiisa, hortiisana lagu maalayo! Ciilalyada iyo calool xumada uurkiisa iyo oogadiisa lagu beeray ka sokow, miyaanay ahay farriin ku odhanaysa: Cesho inta kugu hadhsan ee caqli ah, intii la magac dheban lahaa? Illeen cid u ilaalisaa ma jirto’e. Saw curyaamin kuma aha unkidda fikir kasta oo cusub taasina? Saw ma aha dhammaadkii horumarka iyo bilawgii dib u dhaca?  dad badan oo boobkan fikradeed loo geystay ayaa nafta ku saba kuna samirsiiya ereyadii Cabdi Qays ee ku jiray maansadii Darmaan iyo Dalxiis. Iyaga oo waji gabaxsan caqli gaagaxsan iyo cod gaaban ku leh:

“Haddaan diintu qabanayn
Sharci kaa dabbaalayn
Dabar kaa qabtaa jirin
Dadku waa belaayee
In dameerka aadmigu 
Darajada ka hoos maro 
Ama  dawladaha qaar
Xayawaanka duurkiyo
Dugaaggii ka liitaan
Kumay jirin duruustee
Diiwaanka waayaha
Dib ma loogu qoraya” (Cabdi Qays)

In geel ama xoolo kale la kala dhacaa wax sahlan ma aha manay ahayn markaad eegto dhaqanka Soomaalida, dad iyo xooloba waa loo huri jiray soo dhicintooda. Waxana loo arkayey qofka dhacaas geysta mid dhaafay xeradiisii, kuna xad gudbay hantida qof kale. Haddaba fikir maskaxeed oo kasoo maaxday maskax qofeed, in qof kale isku suntaa miyaanay u dhigmin qof xoolihiisii laga dhacay oo kale?  Miyaanay mudan ka ahayn hantida maskaxeed midda adduun ee kale? Miyaan nafo iyo xoolaba in loo huro aanay galabsan?  

Haddii aynu isla waafaqsannahay in hantida maskaxeed  ka mudantahay kuwa kale, maxaynu isugu waafiqi la’nahay in samaynta xeerkeedu ka mudanyahay ilaalinta xeerarka kale?

Saddaam Xuseen Carab

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

www.saddaamcarab.blogspot.com

Hargaysa, Somaliland

Qalinleyda © WeedhsanCorporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.