Get Adobe Flash player

 

Khudbad-Sannadeedkii Madaxweyne Siilaanyo: War intaas ka Waafisan baa laga sugayay! – W/Q. Dr. Maxamed Cismaan Fadal

Madaweynaha Khudbad Sannadeedkiisu way dheerayd isla markiina  dalooladeedu way ka badnaayeen kuwa shaandhadii lagu kala hufay ee lagaga reebay

wararkii muhiimka ahaa dadku ka filayey. Waxa laga hufay sida doorahsadii degaanka ay Xukuumaddu uga qaybgashay in ay Kulmiye boobka ku taageerto. Waxa laga hufay sidii nabadgelyada ay dawladu u wiiqday markay aaminiweydey in mayarada habka dimuqraadiga lagu doorto; waxa laga shaandheeye  waxay ka yeelayso wadahadalada Ingiriisku soo qaaday iyo meeqaanka ay  ku tegeyso ama ay kaga hadhayso hadday weydo; waxa laga shaandheeyey saylad geyntii dekedda Berbera waxay ku dambaysay; Waxaa  laga shaandheeyey intaas meelood oo kale oo ay dadku xoqanayaan cuncunkana dayn layhay’.

Xagga Doorashada: Waxaynu ognahay in Wasiirada iyo weliba Madaxweyne Ku Xigeenka  loo kala diray Gobolada  oo dhan wakhtigii doorashada toddobaad ka hadhsanaa. Haddaba, gawaadhida ay wateen, shidaalkooda, kiradooda qarkood, wakhtigii dadka ay u shaqayn lahaayeen iyo gunnada ay qaataan markay baxaan Intuba ma waxay ka soo baxayeen jeebkooda – oo weliba ay sii dheertahay tii ay siyaasadda ku khasirayeen. Wasiirka Duulista Hawada, Wasiirka Difaaca, Wasiiru -dawlaha Maaliyadda, Wasiirka Degaanka intuba Ceerigaabo ayey isugu tageen ; ma waxay u socdeen in ay doorashada caddaaladeeda sugaan, mise waxay u socdeen sidii ay Kulmiye ugu garabgeli lahayeen sidii ay codka bariga sanaag ugu booby lahaayeen, sidii ay ciidanka qaranka ugu adeejin lahayeen iyo sidii Komishanka ugu gacan maroojin lahaayeen. Mala intaba waxa ugu muhiimsanayd sidii murashaxa tirada ugu badan helay sidii ay uga duudsi lahaayeen hankiisa inuu kursiga Mayarnimada mar kale isu soo sharaxo.

Ku Dhaqanka Dimuqraadiyadda:  Madaxweynuhu wuu hirgelyey doorashadan siduu u balanqaaday, laakiin ma waxa uu u sameeyey in kursi walba uu Kulmiye gar iyo gardarroba ku qaato mise in dimuqraadiyadda la hirgeliyo dadka codkoodana lagu kala baxa? Habdhaqankii Kulmiye ee Doorashadii Degaanka ee u damabeeye ee ay Xukuumadda ku wada shaqaynayeen werwer badan ayuu ku abuuray dadka, waxaana la isweydiinayaa “haddii ay tii degaanka sidaa ka yeelayaan kuwa Madaxweynaha iyo Golayaashna  soo boob aan gabbasho lahayn lama soo socdaan”.  Waxa dadka u sii quusgoysay markii Gola Degmo oo keliya loo oggolaanwaayey in ay iskood isu doortaan ee farogelin dawladeed midwalba loola tegey – intii ay qayladdu circa isku shareertayna waxa ka mid ahaa: Ceerigaabo, Berbera, Ceel Afweyn iyo Seylacaba. Farogelintaasu waxay ina daxalsiisay in shaki bulshadii wada deganayd lagu abuuro, meelaha qaarkoodna muwaadiniini ku nafweydo. Waxa looga baahanyahay  Xukuumadda in ay qiimayn ku samayso  khaladaadkii dhacay, dadkana u soo bandhigto wixii xal iyo talaabbo ah ee ay ka dawaynayso. Waxa kale oo xukuumadda looga baahanyahay in dadka iyo xisbiyadaba ay u caddayso sidii doorashooyinka soocda aan xoolaha iyo wakhtiga ummadda Kulimye loogu adeegin lahayn looguna darayeyn lahayn xisbiyada kale ee la tartamaya.

Arrimaha Doorashooyinka soo socda

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Diiwaangelin nooca   “civil registration”  ah  la samyanayo.  Eryadan oo aynu ku tarjumi karno “Diiwaangelin Maddani ah” nuxurkeedu waa  diiwaangelintii caadiga ahayd Dawladda Hoose laga samayn jiray marka kaadhka aqoonsiga la qaadanyo, oo aan gaar u ahayn doorashada. Haddaba waxa Xukuumadda  looga baahanyahay: sida diiwaangelintaasu doorashooyinka loogu isticmaalayo; sida ku shubasho looga ilaalinayo, iyadoo aynu ognahay tii Komishank  iyo caalamkuba faraha ku hayeen ee wakhtiga gaaban lagu qabtay wixii inaga gaadhay. Arrintaa waxaan ku soo koobayaa in  talo loo gogol balaadhiyey oo  gacan weyn ku yeeshaan xisbiyadu qaranka, bulshada rayidka iyo khibrad caalami wixii la helayo. Waa wixii ka soo baxaya lagu kalsoonaan karo in aan qolo ama xisbi ku bursanayn,  wax dhaxalgal  ummadda u noqon karana laga soo saaro. Khatarta ugu weyni waa iyaddo Xukuumadda iyo Kulmiye sedbursad halkaa ka doonaan maadaama ay Maayarada badankooda maroorsadeen shaqadan ay saldhig ay u tahay Dawladda Hoose. Halkaa waxa lagama maarmaan ah in la helo cid dhexdhexaad ah oo hawshaas fulisa.

Arrinka Guurtida ee Madaxweynuhu yidhi “Xulasho” ayeey ku imanayaan waa arrin weli in la qabyo tiro u baahan. Doodo badan bay bulshada Somaliland arrinkaa ka yeelatay, mar haddii iminka xukuumaddii xilku saarnaa ay soo jeedisay, waa in aynu iyana lafa gurnaa: side ayey xulashadu ku imanaysaa yaase xulaya? Xisbiyad qaranku arrinkaa hore talo ugamay gelin oo waa in hadda taladeeda la wada yeeshaa. Wakhti badan oo ka hadhsani doorshooyinka ma jiro ee waa in degedeg arrinta  loo gudagalaa.

Waxbarashada: istaatistikada aan la sharixini marar badan waxay qarisaa xogo hoosta ku qarsoon – Maxay Khudbadduka tidhi in dugsiyo badan oo tirada ugu jira Xukuumadda ay madhanyihiin oo aanay bulshadii miyiga ee loo dhisay aanay awood dhaqaale u hayn sidii ay caruurta dugsiga ugu hayaan – in xaaladaas oo kale lagu maarayn karo hab ay dawladdu u damaano qaaddo xaqsoorka bushada iyo u sinaanta adeegyada qaranka oo hubiso in dugsi walba caruurtii loogu talagaly ay jirto. Waxaynu ognahay in gobolada dalka kala duruufo duwanyhiin oo qayb weyn oo ka mid ahi aanay ka faa’iidaysan Karin horumarka dawladdu sheegaynayso. Waa in dawladdu tashiilaad dheeraad ah keentaa oo ka gudubtaa tirokoobyada daaraha hay’aduhu dhiseen. Xaq-qaybsiga khayraadka qaranka iyo caddaladda bulshaduba waxay saarantahay Dawladda.

Xagga Dhaqaalahainta uu Madaxweynuhu sheegay wax cusub kuma jirin marka laga reebo xagga macdanta iyo shidaalka iyana looga fadhiyaa sida ay u dhacdo. Halka warkeedii khudbadda laga shaandheeye waa arrinta Dekedda Berbera  oo ah isha dhaqaale ee weyn maanta- ummddu waxay kala socotay warbaahinta in xayn Wasiiro ahi Imaaraadka u tagtay wax la xidhiidha Dekeddaas, warar badan oo ku-tidhi- ku- teen ah ayaa dadka soo gaadhay – miyaanay ahayn kaalintii Khudbadda Madaxweynaha in maanta looga warramo wixii jira iyo waxa lala damacsanyahay isha dhaqaale ee u weyn ee ummadda reer Somailand haysato – wixii isbeddel ah ee ku imanaya isticmaalkeeda caalami saamayn weyn bay ku yeelanaysaa qaranka, markaa taladeeduna waa inay noqota mid ha’aydaha qarankuna ka qaybgalaan, dadkana warkeeda laga dhergiyo.  Arrinka kale ee xagga dhaqqaalaha ay khudbaddu ka talaabsatay waa maxay Dawladdu u soo kordhisay dhalinyarada shaqada la’ ee buuxdhaafisay makhaayadaha magaalooyinka? Intee in le’eg ee ardadii Jaamcadaha ka soo qalinjebiysey ayaa shaqo helay sannadihii ay Dawladdanu xukunka haysay. Meel ay Khudbadda kaga muuqataa ma jirto qorshe midho dhal ah oo dhalinyarad lagu hawlgelinayaa; Somaliland khayraadkeeda dadkeedaa ugu muhiimsan, oo weliba dhalinyaradu siday shaqo u helaan ayaa muftaax horumarka noqonaysa.  

SIyaasadda Dibedda

Waxa uu yidhi Madaxweynuhu, “Aqoonsi buuxa oo qarankani ka helo dunida waa bartilmaamedka koowaad ee siyaasadeena arimaha dibadu ku wajahan tahay, waxaana la diyaarin doonaa Siyaasad qorshaysan (weli diyaar ma aha 3 sano ka dib), xidhiidh furfuran iyo iskaashi fiican oo ku wajahan Beesha caalamka sida Africa, Dunidda Carabta, Yurub, America, Urur Goboleedka IGAD, AU iyo Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa. Sidoo kale, waxaa la xoojin doonaa doorka uu qurba-jooga Somaliland ka qaadan karo ictiraafka.” Miyaanay u eekayn in dawladdu hadda shaqada bilaabayso? Miyaan dadku ka sugayn wakhtigan oo saddexdii sanadood u dhammanayaan: in wax la taaban karo oo u qabsoomay la inoo sheego – intee dawladood ayaa baasboorkeena lagu tegi karaa? Intee dawladood baa u diyaara ama u dhow in aynu xafiisyo isweydaarsano? Maxaa ka soo kordhay halkii ay ugu yimaadeen siyaasadda xidhiidhada caalamka ee Somaliland. Ummaddu Dawladda waxay u dooratay in ay shaqo u qabato waana lala xisaabtamayaa, waana la mucaaradayaa oo waxa la weydiinayaa himiladii iyo rajadii weynayd ee laga lahaa maxaa ka hirgalay. Waxa la leeyahay maxaa soo kordhseen xagga xidhiidhka Somaliland iyo caalamka iyo aqoonsi raadintii. Waanu dadaalaynaa aqbalnay, daacad baanu nahayna aqbalnay ee xisaabxidhkii siyaasadda dibedda ma casaan baynu ku jirnaa mise madow waa waajib la idinku leeyahay ee warkeeda caddeeya.

WBT

Maxamed Cismaan Fadal

Xisbiga Waddani

© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.