Get Adobe Flash player

 

Kaalintii Cabdillaahi Siciid Dheere ee Aasaaska WADDANI – W/Q. Siciid Gahayr

Cabdillaahi Siciid Dheere waxa uu ka mid ahaa siyaasiyintii ka baxay UCID ee aasaasay WADDANI oo shirweynahooda 08-09/04/2012-ka. Waa kan qaabkii uu u dhacay Qaabkii uu u dhacay Shirweynaha Waddani oo ka soo

xiganayo Wargeyska Waaheen ” Shirwaynihii koowaad ee urur siyaasadeedka WADDANI oo laba maalmood ka socday huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa ayaa la soo gabogabeeyay ka dib markii lagu doortay hoggaanka rasmiga ah ee hagi doona.

Shirwaynahan oo ay ka soo qayb-galeen ergooyinka goboLlada dalka iyo dalka dibadDiisa ka socday oo tiro ahaan kor u dhaafayey 500 iyo waliba dad intaasi aad uga badan oo lagu marti-qaaday isla-markaana si toos ah looga tabinayey telefiishanka Madaxa-banaan ee HCTV, ayaa shalay soo xidhmay. Shirwaynaha ayaa waxa lagu ansixiyey xeerka ururkaasi yeelanayo iyo barnaamijka siyaasadeed ee uu dalka ku dhaqi doono haddii uu ku guulaysto talada dalka, kuwaasi oo ergooyinka shirwaynaha loo qaybiyey isla shalay markii wejiga labaad ee shirku furmay.

Shirwaynaha koowaad ee urur siyaasadeedka WADDANI, waxa kale oo loogu codeeyay guddida fulinta oo ka kooban 35 xubnood oo halkaasi magacyadooda laga akhriyey iyo xubnaha ka mid noqonaya golaha dhexe ee ururkaasi oo ka kooban 250 qof.

Shirka oo socday muddo dhowr saacadood ah isla-markaana ay hadalo ka jeediyeen qaar ka mid ah hogaanka ergooyinka gobolada dalka ka yimid iyo wakiilo qurba-joogta Wadani shirka u soo direen, ayaa waxa lagu doortay hogaanka rasmiga ah ee urukaasi haggi doona, waxaana si gacan taag ah loogu codeeyay:

·    Guddoomiyaha ururkaasi oo noqonaya Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo shan guddoomiye ku xigeen oo kala ah

·    Axmed Muumin Seed oo loo doortay Guddoomiye ku xigeenka koowaad,

·    Faarax Maxamed Cabdille oo loo doortay guddoomiye ku xigeenka 2-aad,

·    Cabdilaahi Siciid Ismaaciil (Cabdilaahi Dheere) oo loo doortay  guddoomiye ku xigeenka 3-aad,

·    Cabdi Siciid Raygal waxa loo doortay guddoomiye ku xigeenka afraad,

·   Halka Milgo Maxamed Cilmi looga doortay Guddoomiye ku xigeenka 5-aad ee urur siyaasadeedka WADDANI.

Shirwaynaha ayaa sidoo kale waxa cod gacan taag ah lagu ansixiyey xoghayaha guud ee ururkaasi yeelanayo oo loo doortay Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde oo sidoo kale ahaa Maayar ku xigeenka Caasimadda Hargeysa.

Gabogabadii shirwaynaha koowaad ee ururka WADDANI ayaa waxa kalmado mahad-naq ah ka soo jeediyay Masuuliyiinta la doortay waxayna ergooyinka shirkaasi joogay ku bogaadiyeen doorashadooda”. Sidaas ayaa Cabdillaahi Siciid Dheer loogu cumaamaday Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee WADDANI. 

Bal aynu eeggana milicsanno  kelmad uu C/Raxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Guddoomiyeha Xisbiga Waddani, ahna Guddoomiyeha Golaha Wakiillada Somaliland sooyaalku markuu ahaa 25/Jenewari/2013-ka ku cabbiray shakhsiyadda iyo aqoonta uu u lahaa Cabdillaahi Siciid Dheere… Waxa uu yidhi, “Bismillaahi raxmaani raxiim… Cabdillaahi Siciid Dheere Ilaahay ha u naxariisto. Intii aan Somaliland ku soo noqday ayaan bartay, xilligii hore maan aqoon.. Waxaanu wada bilawbay hawlaha siyaasadda markii la unkay Somaliland.. Waxaan odhan karaa wuxuu ahaa shakhsiyad naadir ah wuxuu ahaa nin dulqaad badan. Wuxuu ahaa nin guurtiya, wuxuu ahaa nin runtii ku wanaagsan xallinta khilaafaadka.. Wuxuu ahaa nin saaxiibtiinnimada iyo maamulka ku wanaagsanu … Wuxuu ahaa nin karti badan, intii aanu wada shaqaynaynay waxaanu soo wada marnay duruufo badan oo isugu jira kuwo qallafsan iyo kuwo jilicsan… Wuxuu ahaa shakhsiyad xusuustayda ku raagi doonta haddii Alle yidhaahdo… Wuxuu ahaa abbe wanaagsan oo aanu qoyskiisa iyo carruurtiisa saaxiib nahay. Geeridu xaq weeye, laakiin kaalin weyn oo ay adag tahay in la buuxiyo ayaa nagu bannaanaatay markuu geeriyooday….. Cabdillaahi ciidamada ayuu sarkaal ka ahaa… Intii dambe ee la qaxayna waxa uu ahaa maamule dadkii qaxay qof walbaaba ka abaal-sheegto… intii dambe ee uu nala joogayna nin sifahaas leh ayuu ahaa…. Geeridu xaq weeyee Ilaahay ha u naxariisto… Runtii nin weyn oo Somaliland tebi doonto ayuu ahaa… Innaa Lillaah Wa innaa Ilayhi Raajicuun”

Halkaas ayuu Cabdillaahi Siciid Dheere isaga oo ah Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee WADDANI kaalin laxaad leh ka qaatay ololihii doorashada goleyaasha deegaanka Somaliland ka dhacday 28/Nov/2012-ka, gaar ahaanna xulista murashixiinta u tartamaya WADDANI... Laakiin heddu kuma simin inuu goobjoog noqdo WADDANI oo noqday Xisbi Qaran waxaanu shil-baabuur ku geeriyooday galabnimadii 16/Oktoober/2012-ka.. Qormooyinkan waxa aan ku xidhayaa duco aan leeyahay ” Ilaahay Cabdillaahi Siciid iilka ha ku siiyo neecaw qabaw, naruuro iyo naxariistii jannada. Inta la derista dadka wanaagsanna ha ku daro. Kulaylka iyo cadaabkana ha ka nabad-geliyo. Ehelka, axsaabta, ummadda Somaliland iyo Xisbiga Waddanina ha ka siiyo samir run ah”. Diricii halkiisa buuxin lahaana waa loo fadhiyaa haddii Guulle oggolaado.

Dhammaad

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Akadamiga Waxbarashada iyo Cilmi-baadhista (ERA) 

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Facebook: Saeed Mohamoud Gahair

Taxane © WeedhsanCorporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.