Get Adobe Flash player

 

Khudbaddii Madaxweynaha ee Labada Gole Baarlamaan – W/Q. Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan

Hordhac:

Madaxweynuhu wuxuu maalintii Arbacadii labada Gole ee Baarlamaan ka hor jeediyey khudbad Taariikhi ah. Khudbaddaas oo ahayd mid dhinacyo badan

waxay ahayd khudbad sanadeedkii dastuuriga hayd ee ahayd in madaxweynuhu kaga hadlo wixii sanadkii ina dhaafay qaranka ku soo kordhay, iyo jihada ay tahay in qaranka loo hoggaamiyo, caqabadaha iyo hawlaha soo waajahay, iyo sida ay tahay in caqabadahaas lagaga gudbo. Waxay ahayd khudbad uu madaxweynuhu ku qiimeynayey maamulkiisa, ku soo bandhigey hirgelinta in badan oo ka mid ah ballan-qadayaydii xukuumaddiisu samaysey, isla markaan tibaaxaysey babac-dhigyada (challenges), fursadaha (opportunitires), iyo guud ahaan baahida loo qabo midnimo qaran.

Muddeynta khudbadda:

Madaxweynuhu wuxu khubadda la eegtay xilligii ugu habboonaa ee reer Somaliland ugu baahi badnaayeen in dhibaatooyinkii taagnaa wax laga yidhaahdo, fasiraad laga bixiyo oo weliba uu shakhsi ahaan madaxweynuhu ka bixiyo.

Kalsooni abuurid iyo Niyad Dhis:

Khudbadda Madaxweynuhu waxay ahayd mid dib u soo celisey kalsoonidii ay reer Somaliland isku qabeen oo arrimo dhawr ah oo iska daba yimid ay ruxeen. Khudbadda Madaxweynuhu waxay ahayd mid hoosta ka xarriiqeysey inay reer Somaliland ay dhabbadii ay jeexdeen hayaan, cid dib uga waabin kartaan aanay jirin. Khudbaddu waxay tibaaxday inay Somaliland maanta ugu xoog roon tahay, uguna raja roon tahay, taasna ay markhaati ka tahay waxa badan ee reer Somaliland qabsadeen, in Somaliland isku kalsoon tahay, mawqifkii saaxiibadeedii debeddana aanay wax ba iska beddelin.

Maxa keeney kalsooni darrada iyo Werwerka?

Waxa khudbadda Madaxweynaha qiimo gaar ah u yeeley arrimihii taagnaa kuwaas oo ay ka mid ahaayeen:
1) Waxay ahayd xilli ay is biirsadeen dhibaatooyin dhawr ahi, ay ka mid yihiin xanuunkii ka dhashay, doorashooyinka dawladaha hoose ee dhacay 28kii Nofember, kuwaas oo keeney tafaraaruq iyo muran xoogle oo turxaan ku beery qaybo badan oo bulshada ah; raad xun ku yeelan gaadhay midnimadii qaranka;

2) Maraykanka oo ku dhawaaqay inuu aqoonsaday xukuumadda Fedraalka Soomaliya joojiyeyna siyaasaddii la magac baxaday dual track, oo inkastoo saraakiisha xukuumaddu ay ka hadlaeen hadana aany cidna shaafiyin, cidna qancin

3) Dawladda Britaaniya oo si kedis ah muwaadiniinteeda ugu baaqday inay dhakhso uga baxaan Soomaliland iyo Soomaaliya, iyagoo sabab uga dhigaya in la filayo inay Somaliland ka dhacaan hawlo aragagixso iyo afduubyo lala beegsanayo dadka ajaanibka, gaar ahaan kuwa u dhashay Britaaniya iyo Maraykanka.

Khudbaddii Madaxweynuhu waxay dawo u noqotay arrimahaa is biirsaday ee soo foodsaaray qaranka Soomaliland. Soo celinta kalsoonida iyo yuhuunta dadweynaha waxa ka marag kacaya, yididiiladii iyo taageeradii ka muuqatay dadweynihii isugu yimid goobtii uu madaxweynuhu ka khudbadayanayey, waxa kale oo ka marag kacaya sacabkii iyo u riyaaqddii ay labada gole ku qaabileen khudbadaas iyada ah.

Difaacidda waxqabadkii xukuumadda:

Madaxweynuhu wuxu soo bandhigey wax-qabadkii xukuumaddiisa mudaddii labada sano iyo badh-ka ahayd ee ay talada haysey. Cid kasta oo u fiirsata wax-qabadkaas oo dhammaantood ah waxa la taaban karo aad ayay xukuumadda ugu sed kordhinaysaa.

Haddaba waxan is lahayn, wax qabadkaas muuqda ee xukuumaddu ku tallaabsatay iyo dhaliisha joogtada ah ee ku wajahan xukuumadda. Xaggee ayay salaaddu ka xidhmi la’dahay? Ma qaybaha xukuumadda ayaa ku guuldarraystey inay dadweynaha ka iibiyaan wax-qabadkaas muuqda?
Beryihii hore, waxa jirta in dadka ajaanibka ahi ee Somaliland yimaaddaa ay la yaabi jirtey nabad iyo horumarka ay ku tallaabsatay, haseyeeshee qolyahaasi waxay inagu dhaliili jireen in aynaan caalamka ka iibin wanaagga badan ee reer Somaliland gaadheen. waxad moodaa in weli arrintaasi sii socoto oo aynaan dadkeenii ka iibin Karin waxa badan ee u qabsoomay iyo ku tala-gakeena ku aaddan wax qabashada baylahda tirada badan.

Furidda Dastuurka

Madaxweynuhu wuxu khudbaddiisa ku tibaaxay furidda dastuurka qaranka. Dastuurku wuxu ka mid yahy caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan ama mugdi gelinaya meel marinta cadaaladda, dimuqraadiyada iyo horumarka. waa lagama maarmaan in dastuurka dib loo furo, lagana saaro wixii turxaan ah iyo is burin iyo mad-madaw ah ee ku jira. Waxa tusaale ahaan loo soo qaadan kara golaha guurtida oo dastuurku sheegayo inay tahay in la soo doorto, marna leeyahay waa xulasho, Madaxweynuhu wuxu dor bidayaa in Golaha Guurtidu noqodo gole dhaqan oo muraayad ay iska wada arkaan dhammaan beelaha Somaliland, qaybaha bulsho mid yar mid badaniba, noqodona mid ku yimmaadda xulasho. Waa mid ka mid ah baahiya keenya in dastuurka dib loo furo.

Mideynta Doorashooyinka

Mideynta iyo Isu-geynta doorashooyinka tirada badan ee qaranka ragaadiyey iyo hirgelinta diiwaangelinta muwaadiniintu, waxay ahayd arrin kale oo muhimaddiisa qaran leh oo madaxweynu is-dul-taagay. Wuux tibaaxay baahida loo qabo in doorashooyinka tirade badan la mideeyo, inta ka horreysana diiwaab-gelin la sameeyo. Madaxweynuhu wuxu sheegey in aannu diyaar u ahayn in habeen loogu daro muddo-xileedkiisa, taasoo oo micnaheedu yahay inuu ka feejignaan doono, in sidii caadada noqotay doorashooyinku dib u dhacaan taasina keento muddo kordhino ummadda jahawareer ku abuura.

Soo Noolaynta Kootada Haweenka iyo Dadka laga Tirada badan Yahay

Arrimaha kale ee Madaxweynuhu khudbaddiisa ku soo qaaday waxa ka mid ahayd, siduu u danaynayo inay golayaashu meel mariyaan arrintii Kootada haweenka iyo dadka laga tirade badan yahay. Waxa xusid mudan, in doorkii hore ee arrintani golayaasha sharci dejinta taalay ay xubno sar sare oo xukuumadda madaxweynaha ka tirsani ay si toos ah uga ololaynayeen hirgelinta kootada, taasoo keentey in guurtidu diido, kadibna golihii wakiilada ee hore u ansixyey diido. waxan filayaa in madaxweynuhu hadda wixii ka danbeeya arrintaa fiiro u yeelan doono oo ay wasiiradiisu noqdaan kuwo u hogaansan siyaasadihiisa ee aan hayn kuwo wata ajanadyaal kale.

Arrimaha Debedda

Madaxweynuh wuux khubaddiisu ku caddeeyey in aanay Somaliland xaasid ku ahayn Ictiraafidda Maraykanku siiyey dawladda Fedraalka Soomaliya , isla markaan waxa Madaxweynuhu akhriyey qoraal Maraykanku xukuumadda Somaliland u soo gudbiyey, kuna tibaaxayo in xidhiidh-kii Marykanka iyo Somaliland sidiisii hore yahay, hawlihii Marykanku Somaliland ka wadayna sidoodii u sii socnayaan. Isagoo dadweynihii ka shaafiyayey wixii walaac ah ee arrintaas ka dhashay.

Madaxweynu markii uu ka hadlayey dhawaaqiih dawladda Britaniya ka soo yeedhay, wuxu tibaaxay inay xukuumaddiisa iyo shicibka Somalilandba aanay garwaaqsan hadalkaas isaga ah, wuxuuna caddaeeyey in Somaliland tahay meel nabad oo isku kalsoon. Waxa kale oo madaxweynuhu hoosta ka xariiqay in mawqifkii Somaliland ee gooni-isutaaggu halkiisii yahay, isaguna geed dheer iyo mid gaabanba u korayo hanashada madax banaanida Somaliland.

Gebagebo

Khudbadda Madaxweynuhu waxay hoosta ka xariiqdey, in babac-dhigyada horyaal Somaliland ay yihiin kuw midnimo qaran lagaga gudbi karo, sidaas daraadeed wuxu qaybaha kala duwan ee bulshada reer Somaliland ka codsaday inay taageeradooda isla barbar taagtaan, isaguna u guntan yahay innuu ka midho dhaliyo meel marinta himilada fog ee reer Somaliland, taasoo ah inay Somaliland noqoto qaran madax-baan oo ka mid ah beesha caalamka ee xorta ah.

Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan

Mudane ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland

SI-ARAG © WeedhsanCorporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.