Get Adobe Flash player

 

Ku-dhaca Hoggaanka iyo Kalsoonida La-Hoggaamiyaha – W/Q. Hamse A. Khaire

“Ma dadwaynaha oo qof-qof u noqda xilkas isla markaana wanaagsanaada mise hoggaamiye-yaal karti, aqoon, daacadnimo  dheeraad ah  ayaa ah meel dhow, abdo leh oo laga bilaabi karo isbedel togan oo loo aayo” ayaa ah

dood in badan igu soo noq-noqotay. Doodan ayaa ah mid si wayn loogu kala qaybsamo oo dadka qaar ku fogaadaan dooda oo ay gaadhaan ilaa xadka ay yidhaahdaan “ intaad tiin beerato, timir ma filan kartid” oo ay uga jeedaan ‘Dad wanaagsan ayuun bay ka soo baxaan hoggaamiye-yaal wanaagsani’. Dhinaca kale ee dooddan ka soo hor-jeeda ayaa qira in dadka oo hagaag wacanaan lahayd  isbedelna keeni kari lahayd balse taasi la mid tahay ‘sacabkoo timo yeesha’. Qolyahan dambe kuwooda dooda ku talax tagaa waxay tusaale u soo qaataan in rusushii Alle (SWT) u soo diray umaddaha inaan loo baahdeen haddii dadka oo mar qudha wadda wanaagsadda ay tahay ‘jid aan jarre lahayn’. Iyagoo sii wata dooddooda ayay ku sii daraan dhinacyadani in isbedel kasta oo la mahadiyey oo dunidan ka hana qaaday uu bilaabay hal qof ama waxaan ka badnayn. Tusaalayaasha waxaa ka mid ahaa Nebigeenii Muxumed ahaa (NNKH),Halganaddii Gobanimo-u-dirrika ahaa ee Afrika, Kacdoonkii ka dhanka ahaa ‘ka-ganacsiga bani-aadamka’ iyo dhacdooyin kale oo badan. Labaddan dooddooba wax baa ka jira waxna way ka khaldan yihiin.

Anigu inta badan waxaan u jan-jeedhaa dhinacyadda aaminsan in isbedel waara, soo deg-dega oo sal-ballaadhan in laga geli karo toobiyaha dhinaca hoggaanka. Sidaas ay tahay, qoraalkan kooban lagagama gayoon karo mawduuca baaxaada wayn ee ‘Hoggaaminta Tolmoon’ iyo muhiimadda ay leedahay. Waxaan mawduucan ku beegsan doonaa wax dhibic biyo ah ka noqonaya badwaynta hoggaaminta – ku dhaca hoggaamiyaha, iyo kalsoonida la-hoggaamiyaha.

In badan markaynu ka hadlayno yaa hoggaamiye ah, waxaan ku daahnaa astaamaha shaqsi ahaaneed sida go’aaminta, aftahamadda,daacadnimadda, indheer-garadnimada, dhowrsanaanta, dad-aqoonimadda,marti-soorka, gacan-furnaanta, gacaltooyadda,gudoonka adag iyo kuwo kale oo badan. Tilmaamahan oo dhan muhim waxna kuma jabna balse waxaad moodaa in diiraddu saran tahay ‘qof’ keliya oo ah marba cidda  markaa la suuraynayo. Si jawaab waafi ah loogu helo ah ayaa ah hoggaamiye tolmoon, waa in aan la hilmaamin in shiishku ku foognaado ‘qofaf’ iyo xidhiidhka ka dhexeeyaa tayadda uu leeyahay sababtoo ah hoggaamintu way ka ballaadhan tahay hal qof waxayna ku lug leedahay hoggaamiyaha iyo la-hoggaamiyeyaasha oo , aalaaba, ah dhowr qof iyo wixii ka badan. Waxaa kale oo hoggaamiyaha ay tahay in lagu qiimeeyo nooca xidhiidhka uu la leeyahay cidda uu hoggaaminayo iyo hiigsiga iyo himiladda uu xanbaarsan iyo, ugu dambaynta, mugga iyo dhuuxa isbedelka uu dhalliyo mustaqbalka fog.

Ku-dhaca iyo kalsoonidu waa laba qodob oo lama-huraan u ah hoggaaminta wanaagsan. Ta hore, oo ah ku-dhaca, waa tayo ay tahay inuu la yimaad hoggaamiyuhu halka, ta dambe oo ah Kalsoonida, ay tahay mid u dhex ah hoggaanka iyo la hoggaamiyaha iyaddoo waliba hoggaamiyuhu abqaali karo ama bi’in karo. Ku-dhucu waa badheedhaha iyo dhiiranaanta in hoggaanku riyooodo, hiigsi la yimaad kadibna geed-dheer iyo mid gaaban u fuulo siddii uu rumayn lahaa riyaddaas isagoo abaabulaya cidda uu hoggaaminayo isla markaana wixii hanti iyo hayn jirta isla fal-gelinaya. In hoggaanku riyoodo waa ‘alifka’ hoggaaminta. In hoggaanku riyaddiisaa ku qanciyo dadka kalena waa ‘inta alifka ka soo hadhay  oo dhan’. Ku qancinta dadka kale inay kula riyoodaan isla markaan aad dedaal-wadaareed ku xaqiijisaan riyadaasi waxa u baahan tahay inaad haysato Kalsoonidoodda. Kalsoonidu waa isku-hallaynta, aaminaadda, iyo jacaylka la-hoggaamiyayaashu u hayaan hoggaamiyaha ama sida kale (hoggaamiyuhu u hayo dadkiisa). Kalsoonidu waa geed iniintiisu ku jirto gacan hoggaamiyaha kuna baxa hab-dhaqanka, taariikhda, dhiiranaanta, balaalaynta iyo ku-dhaca hoggaamiyaha. Waxaa bi’iya ma naxaanimadda, laba codlaynta, hadhaanimadda, ku dhicid iyo kalsooni la’aanta.

Waxaan, akhriste, kula waddaagi sheeko mala-awaal ah oo dhex martay wiil yar oo kuwa basaska Hargeysa kaariyadda ka ah iyo sheekh magaaladda ku cusbaa una joogay inuu ka qayb-galo kulan sanadeedkii daaciyiinta ama tabliiqa ee kal hore. Sheekhu ka yimid xaafaddaha Hargeysa, wuxuuna u socdaa Masaajidka Tabliiqa ee barriga magaaladda Hargeisa oo uu ka socdo kulanku. Wuxuu soo raacay bas ka keenay xaafaddii u ku soo deggay wuxuuna ka dheregsan yahay inuu bas labaad u raacayo Masaajidka waxaase sheekha mad-madow kaga jiraa kobta ay ka baxaan basaska aadda dhinacaa iyo masaajidka tabliiqa.

Basku wuxuu soo gaadhay suuqa dhexe oo ah halka ay ku soo af-go’aan basaska kala duwan ee ka yimaad xaafadaha kala duwan ee magaaladdu isla markaana ay ka baxaan marka dadku dib u guryo-noqonayaan. Waa xudunta ganacsiga iyo dhadhaqaaqa guud ahaan dalka iyo gaar ahaan caasimadda. Dadkii baska la saarnaa sheekhu dhamaantood way degeen waxaana isku soo hadhay wadaadka laftiisa, darawalkii baska iyo wiil kii yaraa ee kaariga ahaa;

Wiilkii Yaraa:  Sheekhaygii ha isku iloobin meesha, baska halkan ma dhaafaya’e

Sheekhii:  Darawal miyaanad gaadhayn halka ay ka baxaan basaska aada masjidka tabliiqu?

Darawalkii: Halkaa ma gaadhno sheekh balse kaamaba foga oo laba tallaabo..

Sheekhii:  Oo waa halkee…

Darawalkii: Halkaa mar, toos u soco, halka caanaha riyaha la yidhaa ka lab, markaad joogto Masjid Jaamaha waa kuwa basasku dhiniciisa koonfureed ka tuban.

Sheekhii oo u muuqda in aanu fahmin tilmaanta dirawalka hasa ahaatee kursigii ka kacay baskiina aan ka deggin ayaa ku yidhi darawalkii  oo la tacaalaya hoonka iyo saxawanka baabuurta uu ku gudban yahay baskiisu oo la waddo kale “liibaan’e miyaad intaa I gaadhsiisid”

Darawalkii: Sheekh basku halkan ma dhaafee bood….

Wiilkii Yaraa:  una jeestay jihadi u ka yimid. Madaama gaadhigu aan taagnayn ayaanu sheekhu ka boodin inkasta oo kadinka baska ku soo dhawaaday isagoo xajisanaya kuraasta madhan)

Darawalkii: Sheekh waa anigaa joogsaday hore u deg-deg yaynaan wadda xidhin mar labaad’

Sheekhii oo aan tilmaantii hor waxba ka weelayn ayaa codsaday in la darawalku inanka yare e kaarigiisa ah ku darro si uu u geeyo baska uu rabo istaankiisa.

Darawalkii: waa bal kaxee oo halkaa caanaha riyaha gaadhsii…

Wiilkii Yaraa:  (isagoo caga-jiidaya) aa’ bal ina mari

Sheekhii: (isagoo cagtii u dambaysay kala sii dagaya isla markaana sii daymoonaya darawalka) jasaaka laah akhii…

Haddii la gaadhay halkii caanaha riyaha balse basaskii aadayay  xagaa iyo masaajidka aanay muuqan ayuu yarkii ku yidhi wadaadkii’

Waa ku-kaa

Sheekhii: Meeyay basaskii, halkay ka muuqdaan

Wiilkii Yaraa: markaad taa dhufatay ee aad dhaafto sekedan ayay halkaas ka soo muuqan doonaan

Sheekhii: Akhii muslim, miyaad intaad is raacsatid oo aad I gaadhsiisid

Wiilkii Yaraa:  miyaad ku cusub tahay magaaladda

Sheekhii: Maya’e waddadii baa iga yar baxday, magaaladduna waxaad moodaa inay intii kal hore ka yar buuq badatay ee I tus baska kadibna iska noqo

Wiilkii Yaraa: bal soo soco niyahow (ayuu si karaahi leh u yidhi)

Wiilkii Yaraa: Waa ku kaa, sow basaskii kumaan dul keenin

Sheekhii intuu u mahad-celiyay una duceeyay yarkii baskii muu fuuline, codsigan ayuu u soo qaddimay yarkii isagoo hadalkiisa ku bilaabay “liibaanteena aduunyo iyo aakhiro waxay ku jirtaa inaan wanaaga is farno, xumaantana iska reebno iyo…”

Berri haddaa waxaan ku qoran nahay dawrad la magac baxday “ Dariiqu Jannah” ama “Toobiyaha Jannadda loo marro” dee markaa ilawba ila khayrkaa ka soo qaybgal..

Wiilkii Yaraa:  U malayn maayo in aan u baahan nahay inaan imaad…

Sheekhii: Waayo ! Khayrka ha ka baaqan…

Wiilkii Yaraa:  Waayo dee, adigoo garan la’ dariiqa basaska masaajidku sideed ku garan kartaa dariiqa jannadda !!!

Haa, ku-dhicid la’aantii sheekhu ku dhiiran wayay inuu iskii u yimaad istaanka basaska isagoo ka duulay tilmaantii darawalka iyo tii wiilkaba ayaa mugdi gelisay kalsoonida wiilka yar ee la xidhiidha inuu sheekha ka iibsaddo inuu tusi karo ‘toobiyaha jannadda’. Sheekaddu waxay iftiin baac wayn ku shidaysaa sida kalsooni la’aanta la-hoggaamiyuhu carqalad ugu noqon karta hoggaaminta guud ahaan iyo sida, gaar ahaan, ku-dhicid la’aantii sheekhu (hoggaamiyuhu) u shini bi’isay kalsoonidii la-hoggaamiyaha.

Marka la soo koobo, xaqiijinta hiigsiga iyo riyadda hoggaamiyaha xaqiijinteedu waxay u baahan tahay taageeradda iyo kalsoonida la-hoggaamiyaha taas oo gacanta ugu jirta hoggaanku inuu abqaalo kadibna gurto midhaheeda xilliyadda kadh-khadha iyo mugdi badan oo ah geediga hoggaaminta. Haddii geedigaasi guuri karo waayo, kalsooni la’aanta hoggaanka awgeed way adag tahay in la gaadho hir cusub oo noqda waayo roon oo loo tiriyo hoggaankaas. Xataa haddii hoggaanku la yimaad ku-dhaca loo baahan yahay, la hoggaamiyeyaashu muddo ayay ka baaran degi doonaan inay kalsoonida ku siiyaan (fiiri sawirka la socda maqaalkan.

Hamse Kheyrre

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Qoraha Hamse Kheyrre Kala Xidhiidh barta FACEBOOK

Halkan ka akhri Qoraalladii hore ee Qoraaga Hamse Kheyrre ee lagu daabacay Mareegta WEEDHSAN

Qalinleyda © WeedhsanCorporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.