Get Adobe Flash player

 

Su’aalahaa Nolosha ugu Mudan! – W/Q. Mukhtaar Xasan Maydhane

“Markay dani meeday tidhi

Maxaan talo meel ka dayey,

Markay dani maaha tidhi

Weydiiyey qof meel ka dayey,

Markay dani maaha tidhi

Ku laabtay halkaan ka dayey,

Markay dani maaha tidhi

Ka sii dayey meel la dayey!”

Maansadii Dabahuwan oo uu curiyey Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi”

Inteena rumaysan ta weyn, ta yari lama sii ridna. Saamiga aad ka helayso bagadho, kolay waa wax intaas ka yar uun, gaar ahaan marka la qaybsanayo.

Markaanse ka hadlayno kartida bagadhadu u bixin karto dhir, waa arrin ka mug iyo muraad weyn asalkii bagadhada. Waa abuur firidii ku jirtay leedahay dihasho geed soo saara in ka badan intii bagadhada ku jirtay. Laga yaabe, iyadoo nooca abuurkaas ku xidhan tahay, inay soo saarto kiintaalo ama saxarado midhihii ah. Waxase abuurkaas iyo midhahaas u dhexeeya milanka wakhti, dhul, dedaal, biyo iyo cadceed. Haboonaanta milankaas iyo ogolaansha Weynaha ayuu ku imanayaa isbedelka firidii engagsanayd ku dhalayso geed, geedkuna ku dhalayo midho badan oo dad iyo duunyaba quutaan.

Marka laga yimaado Ta Dambaysa iyo waxaynu u dhitaysanayno, Eebbe wuxuu inagu ladhay baahiyo badan oo lurkoodu ku egyahay ifka. Baahina waxa tira helitaan; midna waxa tira baabi'in laga masaxo maanka iyo muruqa.

Baahiyaha waxa loo ablayn karaa laba: mid uu qofku u qabo guusha iyo mid uu u qabo farxadda. Guusha waxa ku hoos jira wax kasta oo la xoogsado lagulana soo baxo karti jidheed, maskaxeed ama mid wadajir u adeegsata labadaba. Farxadda waxaan halkan u adeegsaday si ka ballaadhan ereyga sida inta badan aynu u isticmaalno. Waxa ka mid ah dhammaan wixii deeqa maankaaga ee raynrayn, deganaansho iyo qanaacad laga helo ama lagu helo.

Dambaysada warkeedu wuu iska cad yahay: ku guulayso janno, Eebbe ayaa kuu ballanqaadaya inaad farxi doontee. Dunidana waxa la inoo sheegay in jacaylkeedu nafta sii hodo uun sidaas darteedna, sida habooni ay tahay inaynu u xamaan gurano Dambaysada Waarta. Ciddii halkaa isku mashquulisana ayna waayey deganaanshaha ay u baahan tahay intay dhex mushaaxayaan nolosha adduunka ee lurkeeda iyo laab la kaceedu badan tahay.

Imika waxase kasoo soke maray fikrado badan oo ku saabsan macnaha guushu leedahay iyo macnaha farxaddu leedahay. Gaadhista magaca uu yeeshay qof kale iyo derajada lagu taxay qayrkaa ayaan in badan isku mashquulinaa. Waxaanan sidaas darteed ku soo hoynaa guulo badan oo mid waliba dedaalkaan u galnay sarreeyey, laakiin farxaddii aan ka filaynay aan ku hungowno. Qaarkeen hoos ayey u ooyaan oo si aan indhaha dadku uga siiban u qarsadaan qoonka gaadhay qalbigooda. Qaarkeenna kor ayey u ooyaan oo si qaawan dadka ugu sheegaan wixii ay shalay ku qatalmeen.

Laakiin si kasta oo ay ahaato, waxaynu is aragnaa in weli baahidii aan u qabnay guul iyo farxad aynaan ka bixin. Inagoo rajaynayna in guushu inoo keenayso farxad ayaan marar badan waxaan kor iyo hoosba isku weydiinaa “Maxaad jeceshahay inaad ku guulaysato?” Intaas uun ma aha ee waxaan isku daynaa inaan ku tallaalno taasi lafteeda ubadkeena iyo inta aynu jecelnahay ee da'doodu inaga yar tahay: “Adeer, maxaad jeceshahay inaad mustaqbalka noqotid?” Markasta oo uu ilmuhu inoo sheego han aan u aragno mid kooban waxaan la soo boodnaa, “Ma intaasoo keliya?” Ama mararka qaarna si kale ayaan u dhignaaba saluugeena: “Qof waliba wuu jecelyahay inuu danyarta u adeegee, laakiin shaqo maxaad rabtaa inaad qabatid?”

Marka la inoo sheego in hanka qofku yahay digtoor, bare sare, injineer, ganacsade, siyaasi IWM, waxaan ku ammaanaa qofkaas inuu leeyahay han sare oo wanaagsan. Dhiirigelin badan ayeynu u samaynaa. Sababtoo ah waxaan akhrisanay ama la inooga sheekeeyey in hamiga sare uu la socdo waxsoosaar badan. Waxa inagu qufulan in damacu yahay dariiqa loo maro horumarka. Waxa inagu ribdhan koolkoolinta fikirkaagu ka helay bulshadu inay tahay astaanta lagu garto saxsanaanta fikirkaaga iyo suurtagalnimadiisa.

Sidaas darteed, waxa ina haysata abaar. Ma aha abaartii duunyada iyo dadku gaajada ugu dhimanayey. Waa abaar maanku qaadhay. Ma aha abaar ka dhalatay roob la'aan. Waa abaar ka dhalatay weydiimo. Ma aha abaar ka dhalatay weydiimo la'aan. In badan ayaan wax isasoo weydiinay. In badan baan ka eegnay meelihii lagu wada sheegay. In badan ayaan lasoo boodnay jawaabo aynu qaybnay. In badan baan sidii dad fahmay jawaabihii la qaybay ereyada ka bedelnay oo kuwo gaar ahaaneed ka dhiganay. Nasiibdarro, waxba kama tarin. Sababtoo ah waa abaar ka dhalatay weydiimo xumo.

In badan ayaan isweydiinay waxa ay tahay inaynu noqono si aynu u faraxno inagoon marnaba xaajada ka eegin in farxadda aynaan furin asalka horeba. In badan ayaan ka dhiganay halbeega guusha aragtida bulshada inagoon eegin inagu waxaan u aragno guul. Waxaan baranay su'aalo dhisan oo nafta la weydiiyo oo ku salaysan qiimaynta bulshada oo aan ku salaysnayn qiimaynta qof ahaaneed. Waxaynu ku noqonay nafteena muraayad humaaga ay kusoo celinaysaa aanay ahayn naftan horjoogta. Waxay soo celinaysaa waxay arkayaan indho kale oo aynaan u fahamsanayn si buuxda aanse male-awaalnay. Nasiibdarro, sidaasaan ku qiimaynaa nolosheena marar badan.

Waxa laga yaabaa inaad imika isweydiinayso su'aalihii aan ka hadlayey maadaama meesha calaamadeediiba ayna oolin. Ma rabo inaan dhiirigeliyo kala amaahashada su'aalaha waayo ma rabo in loo qaybo sidii aan u qaybnay jawaabo badan oo kale. Intii hore ayaaba xaabo loo la'yahay. Waxaanse kula wadaagi karaa kuwo aad ila eegtid qaab-dhismeedkooda sida loo dhigi karo ee lagu baadigoobi karo jawaabo ka duwan kuwaad weligaaba heli jirtay. Si aad u heshid wax ka duwan wixii aad weligaaba heli jirtey, waa inaad ka eegtid meel ka duwan halkii weligaaba aad ka eegi jirtey ama aad ku eegtid indho ka duwan kuwaad ku eegi jirtey. Bal hadda eeg su'aalahan:

1. Ha is weydiin, “Maxaad ku farxi lahayd inaad noqotid?” waxaadse isweydiisaa, “Maxaad ku faraxsan tahay inaad tahay maanta kaagana baahan inaad ilaashatid?”

2. Ha is weydiin, “Markeed ku guulaysan xilkaas/lacagtaas/IWM?” waxaadse isweydiisaa, “Markeed noqon qof ka dadnimo wanaagsan qofka aad maanta tahay?”

3. Ha is weydiin, “Markaad dhimato maxaa lagugu xasuusan?” waxaadse isweydiisaa, “Maanta sideed u noolaataa ee aanad ka qoomamayn beri ama maalintaad dhimatid?”

4. Ha is weydiin, “Sideed u heli lahayd xaaskaaga, ilmahaaga, ehelkaaga, iyo saaxiibadaa oo ka wanaagsan siday maanta yihiin?” waxaadse is weydiisaa, “Sideed ugu noqon lahayd iyaga qof wanaagsan?”

5. Ha is weydiin, “Maxaad jeceshahay inaad ku guulaysatid?” waxaadse isweydiisaa, “Maxaad ugu jeceshahay inaad ku fashilantid?”

Waa su'aalaha noocan ah kuwa nolosha qiimo u yeelaa. Gaar ahaan weliba su'aasha ugu dambaysa. Waa mid fahamkeeduna yara adag yahay, qiimaheeduna weyn yahay. Maxaa u dhexeeya inaad beegsato waxaad jeceshahay inaad ku fashilantid iyo waxaad jeceshahay inaad ku guulaysatid? Waxaad jeceshahay inaad ku guulaysatid waa arrin ku siinaysa dareen  macaan marka aad guusha hesho oo keliya laakiin saad joogto ah aan kuu siinayn inaad ku dheganaato dawgaas haddii qodaxdu ku badato. Haddaan laacu dhawayn, waxaad ka heshaaba waa hiif iyo qadaf.

Dhanka kale, arrinta aad jeceshahay inaad ku fashilantid waa arrin aad diyaar u tahay inaad isku daydo xataa haddii aad hubtid inaad ku fashilmaysid si aanad u beerdarayn haddii ay jiri lahayd fursad saxarna ka yari. Halkani, natiijada oo soo bixi weyda tii aad rabtay ma aha guuldarro. Guuldarada runta ahi waa inaad raadcadaas geli weydid. Waa cabsidaas iyo rajada yar ee bidhiiqa ah wehelka ugu weyn ee aad u haysatid jidka dheer ee cidlada ku darsaday bahala-galeennimo iyo weliba jidhif.

Ugu dambayntii, in muddo laga joogo ayaa mar ku qoray qormo af Ingiriis in guushu aanay ahayn sir. Arrintani halkee ayey kaga jirtaa? Tanina sir ma aha. In badan ayaad maqashay, gaar ahaan wakhtigii dugsiga, in “fahamka su'aashu tahay kala badh jawaabta.” Raadco kastana helisteeda waxa badh ka aha samaynta su'aal haboon. Raadco kastaana waa gaar, waxayna u baaqaysaa su'aal gaar ah. Intaanad ku mashquulin jawaabaha, su'aalaha hagaajiso.

Mukhtaar Xasan Maydhane

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Kala xidhiidh Qoraha barta FACEBOOK

Halkan ka akhri Qoraalladii hore ee Mukhtaar Xasan Maydhane ee lagu baahiyay Mareegta WEEDHSAN

Qalinleyda © WeedhsanCorporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.