Get Adobe Flash player

 

Jacaylkii beer caddaaday! – W/Q. Cali Dhanaaniye

Waxaad helayso waxaad haysataa laga dhigaa, waxaanad helayna waxaanad haynbaa laga dhigaa! Waa murti aad u xeel dheer oo ku qotonta macne gun dheer. Ma ogtahay isbeddelka waayahu inuu aafayn karo naftaada iyo

tayda? Wakhtiga iyo waayuhu way dumin karaan hankaaga, wayna kaabi karaan hiigsigaaga iyo horu-socodkaaga nololeed.

Waa hubaal inaad la yaabi doonto waxa i helay, marka aan qalinka iyo waraaqda la miciinsado  inaan kuu soo tebiyo wixii I haleelay. Ma anaa doqon ah mise wakhtigaa doqon ah?  Waxaan jantay oo ay laabtaydu jeclaatay qof sheeko mooyee aanay shaahid u arag!! 

Bi’i waa jacaylow
Boodhari inuu diley
Been baan u haystee

Bi’i waa jacaylow
Boog aan la dhayinoo
Cidi baanan karrino
Beerkiyo wadnaa iyo
Bogga kaaga taalliyo
Inuu yahay bir caashaqu
Been baan u haystee –
Hadraawi

Ammintu waa casar liiq ay cadceedu u sii xamaama guranayso inay jiciirato illaa iyo godkeedii, anigoo dhacadiid u jiifa maqsinka aan ka degenahay gurigayaga ayaan maqlay qof ii yeedhaya, markii aan laba jeer maqlay magacayga waxa aan u soo baxay si deg-dega, markii aan daarada Istaagay anigoo leh hee, maxaa dhacay? ayay walaashay igu tidhi:- dhibaato ma jirtee kaalay eeg wiilkan fanaanka ah ee tvga ka heesaya, Intaa kadib waxa aan u soo dhaqaaqay qolkii lagu daawanayey Tvga. Markii aan hoos fadhiistay telifishankii ee aan cabaar indhaha iyo dhegahaba la raacay codkii macaanaa ee wiilka da’da yar ee heesaya aadbaan ugu bogay, balse intii aan dheehanayey oo dhan waxa  aan ka shaqaysiinayey maskaxdayda waayo wiilkani waxa uu iila ekaaday sidii qof aan hore u arkay. Laakiin waan soo saari waayey meeshii aan ku arkay, daqiiqado yar ka dibna waxa dhammaaday barnaamijkii aan kala socday shaashada Tvga waxana aan u kacay xaggaa iyo qolkii aan markii hore joogay.

Sow aniga oo faxan

Oo aan fayoobahay

Fallaadh caashaq uu ganay

Fiid cawl igu ma dhicin – Cumar Dhuulle

 Illaa hadda waxay maskaxdaydu isa sii su’aakaysaa xagaad ku aragtay wiilkii cajiibka ahaa ee heesayey,  ku maan guulaysan inaan jawaab u helo su’aashan uu qalbigaygu I waydiinayo. si fiican u maan wada daawan barnaamij faneedka ee waxaan la kulamay gabagabadii haddana wiilkii aan halacsaday waxa uu raadeeyey maankayga, wixii saacadaa ka danbeeyey waxa uu wiilkii noqday mid igu sawiran oo igu reebay xasuus badan!!   Markii ay degi wayday laabtaydu hadh iyo habeen waxa aan goostay oo aan naftyada ku samir siiyey inaan raad-raaco wiilkaa sida kediska ah u dhex qaaday,  balse waxa iigu sii daran wiilka aan calmaday garan maayo meel uu uu kaga nool yahay afarta waaxood ee dunida,  adduunyooy xaalkaa ba’a garana maayo meel aan wax ka bilaabo.  Waxa aan galay raadacayn iyo baadi goob, waxana aan wargeliyey asxaabtayda  oo aan arrinkan u bandhigay oo aad iila yaabanaa, adba waad dareemi kartaa sida looga maadsanayo ee riwaayada looga dhiganayo qof TV wax ka jeclaaday. Balse horaa loo ydhi nimba meesha bugtaa isagay bel beshaa dheg jalaq ugamaan siin kaftankooda iyo dheel-dheelkooda. Waa ka kasta oo ii baryaa waxa uu iigu baryayey weji gaara iyo dareenka wiilkaas oo igu sii baahaya,

Kalgacaylka baasee, Dhakhso iigu kediyaa, Kooraha i saaree, Isagaa kulaylkiyo, Kaarkiyo xanuunkaba, igu soo kordhinayee,(Cumar Dhuulle). Dedaal kama hagran naftayda ee waxaan u sahan tegey inaan xog buuxda ka helo wiilkii I dhaawacay.  waxaan wadoba horta waxaan ku guulaystay inaan soo ogaado meesha uu ku nool yahay, ku darsoo wakhtigaa may fududayn inaad  qof kaa dheer dhawaaq iyo dhanbaalba la gaadhaa oo waxay ahayd sanadkii 2008 sida maanta ay is gaadhsiinta  iyo internetka isticmaalkiisu u jilicsan yahay may ahayn, oo  xataa lama aqoon Facebook, twitter iwm ee waxa xilligaa shaqayn jirey keliya  Hotmail-ka oo ahaa isgaadhsiinta labaad ee dalkeena ka jirta marka laga yimaaddo telefoonnada. 

Si kastooy ahaataba haddana kama gaabin yoolkii aan higsanayey waxay sidii ahaataba waxaanu maalin danbe kulanay gabadh aanu habaro wadaag nahay, waxana aan uga waramay noloshayda iyo dhacdooyinkii soo maray ee layaabka lahaa, gabadhii aanu habro-wadaagta ahayn waxay ii sheegtay inay arrinkayga wax ka qabanayso waayo waxay ii sheegtayba inay ilmaabti yihiin gabadh ay wiilkan fanaankaa xagga aabbo ka walaalo yihiin, wixii maalintaa ka danbeeyeyna waxaan helay  macluumaad tiro badan oo ku saabsan nolosha wiilkii aan sida lama-filaankaa u caashaqay ee ay maanka iyo ruuxduba raaceen. Waxana macluumaadkaas ugu weynaa wiilkii oo aanu isku  qabiil noqonay, waxana wada hadlay oo xidhiidh sameeyey wiilka walaashii iyo inantii aanu habro wadaagta ahayn, waxana la isla meel dhigay in la iskaaya baro aniga iyo wiilka, haye yeeshee wiilka walaashii waxay beenisay oo ay barkuma taal ka dhigtay inuu wiilku xaas leeyahay.  

Markii aan maqlay wiilku xaas ma lehna waxaan raaciyey intii nafsadayda ka hadhsanayd oo dhan oo waxaan u qaatay hanti aan leeyahay oo la iga yara amaanaystay iina soo noqon doonta.  Waxana aan sugayey safar uu ku maqnaa oo uu ka soo laabanayo siday balantu ahaydna waxay ahayd inaan sugo inta uu soo laabanayo si la isu kaaya baro. Maalmo ka dibna waxa aan maqlay inuu bilaha xagaaga (summer time)  oo wakhtigaa fooda nagu soo hayey inuu waddanka imanayo, markii aan sidaa maqlayna waxaan doorbiday inaan marka uu dalka yimaado iskay u barto anigoon cidna u daba fadhiisan, walaashii oo ii balan qaaday inay I bartana aan iska fasaxo,  aduunyadu dhib badanaa ileen waa meel aan dhamaystirba loogu tallo geline iyada oo ay muddo bil ahi ka hadhsan tahay wakhtigii uu dalka iman lahaa anna aan sugayo ayaa waxa soo if baxay warar sheegaya inuu wiilkani xaas  iyo labbo caruura leeyahay!! 

Warkaasoo aan u qaadan waayey xoogna u dhibay laabtayda, guud ahaan naftaydana ku beeray salow, wel-wel, walaac iyo waalalow, wixii aan dhib mutayna waa mid aanaan weligay ka soo kaban karrin, goblan tallo adduunyooy waxa igu dhacay karaar jab, ay mar qudha guux iyo gariirba daysay maskaxdaydu fikir iyo oohin mooyaane,  waayo ma joogo meel aan dib uga laaban karo, ama aan qalbigayga ka soo ceshan karo. Waxaan murugo iyo muusanow ku qaato maalmo doora waxa aan go’aansaday inaan is ilowsiiyo oo aan uurkayga ka tir-tiro wiilkaa balse way adkaatay inaan si fudud ku illaawo.  Waxa intaa ii dheeraa oo aan ka guban jirey markasta oo aan arko wiilkaas oo heesaya, waayo fanku waa dhibaato iyo jaah-wareer shaydaan, waxana aan markasta ilaahay u baryi jirey inuu wiilkaa ka bad-baadiyo hadimada iyo halasaha fanka. Waxay  arrini isku dhabaqsanaatoba  waxa aan dhamaystay wax-barashadii dugsiga sare oo wakhtiga la I haleelay aan gab-gabo qorshaynayey,  waxana aan u baxay dalka Malaysia  si’aan halkaa uga sii wado waxbarashadayda iyo heerkayga aqooneed.   

Dad horaa wuxuu yidhi, Ma dawoobo caashaqu, Iska daana kuma tago, Dareenkaaga kama go’o. Waa  heestii Maxamed BK iyo Sahra Ilays.  Inuu yaraado ha sheegin inuu igu sii siyaado mooyaane, dareenkii shidada badnaa ee wadnahayga shiilay waxa uu u dhaadhacay dhuuxiyo hablowlaha, waxa isa soo taraya wer-werka iyo wareerka jacaylka waxa naftayda isku weegaaray calaacal, cataab iyo caloolyow nololeed.  Weli waxa aan ka damqanayaa wiilkaasi fanka uu ku jiro, waxana aan falowgeed hayaa sidii  aan ugu baaqi lahaa inuu wiilkaasi fanka iskaga baxo oo uu ilaahay u noqdo, waxaan raadiyey meel aan kala xidhiidho wiilkaasi aakhirkiina waxa aan soo helay ciwaankiisa Facebook xilligan aan ciwaankiisa helay waa sannadkii 2009 ka bishii 10-aad oo uu amintaa faceboogu xoog ugu baahay dacalada dunida.  Xilligaas aan fariinta u diray waxaan joogaa malaysia, waxana aan u diray dhanbaal aan ku dhigay dareen xoogan oo waano iyo wax sheegba ah. Balse si qiimo weyn leh oo aan laga filan karrin qof fanaana oo weliba fanka ku cusub oo wakhtigaas uu madaxa la soo kacay ayuu iigu soo jawaabay, aadbaanu uga qiirooday warqadaa aan u diray, waxana uu iigu soo mahadnaqay si aad yaabayso. Waxana uu maamuus iyo mahadnaqba igu  siiyey danaynta aan danaynayo naftiisa iyo aayaha noloshiisa danbe.  

Intaa kadib waxaan arkay inuu dhow-dhow yahay ninkani oo haddii waanada iyo hogatusaalaha loo badiyo uu ka bxi karo fanka, waxana uu ii sheegay inaanu wax jacayla oo weyn u qabin fanka ilaahayna uu ka baryayo inuu mar uun ka saaro. Intaa kadib waxa na dhex martay barasho duleed oo kooban, aniga oo aan mar qudha la soo qaadin dareenkayga iyo halka xaalkaygu marayo. Waxaan sidii SMS u diro isagu si qaaliya oo ixtiraam leh iigu soo jawaaboba waxa dhacay in asxaabtaydii ila joogtay malaysia oo markaa ogaa , kana warqabay xaaladayda nololeed ee sii tabcaamaysa markii aan is baranay wiilkii goosteen inay iyagu xidhiidh la sameeyaan wiilkaa, una bandhigaan arimahayga. Kadiba hablihii aanu isku asxaabta ahayn waxay E-mail u direen wiilkii, waxayna uga war bixiyeen noloshayda dabo iyo dacalba waxayna u sheegeen inaan ahay gabadha waanisa ee markasta SMSKA waanadaa u dirta.  Wiilkii waxa uu asxaabtii la hadashay u muujiyey hadal laga dhadhansaday inuu ku faraxsanahay inuu jiro qof ilaa xadkaa  wanaagsan oo jecel  qiimo iyo wanaag u hayaa. Balse waxa uu u sheegay asxaabtii hadal gara oo uu cudur daar ka dhigtay, waxan uu ku yidhi walalo waxaan ahay nin xaas iyo labba caruura leh, waanaad ogtihiin nolosha yurub inaan raggu awood lahayn ee ay dumarku taliyaan, wayna igu adag tahay inaan arrinka gabadhaas wax ka qabtaa.  Intaa kadib asxaabtii waxay ii soo gudbiyeen war bixintii iyaga oo raba inay igu samir siiyaan. Waxana an ugu jawaabay waan ogaa inuu sidaa odhanayo, waana sababta aan ugu sheegan waayey dareenka oo waxaan arkaa oo aan la fahmayaa  duruufta adag ee ku gudban, arrinkaasina maaha mid wax ka bedelaya dareenkayga.   Adduunyooy waayo badan waxay hawl aduun I heertaba , waxa adkaatay inaan sii wato arimahaygii wax barasho iyo hawlahaygii kale oo dhan, balse wax weli kaar igu haya weli wiilkan fanka uu ku jiro. Waxaan ka go’ay dheef iyo dhadhamo koley biyo tahayna!!! Ax ax ax caashaqu sida uu ii dhibay malaa ma jiro noole uu uu u dhibay cilmina ku dhehoo.

Hurdo waan kala baadnay oo ma ledo habeen iyo dharaar,   xidhiidh aan la sameeyo waalidkay iyo dadkaygiii  ha sheegin , noloshii runta ahaydoo dhanna waan ka dheelmaday. Waxa aan noqday sagan-daaq (gooni-socod). Markii ay arrini halkaa maraysay ayay asxaabtii ila noolayd go’aan ku gaadheen sidii waalidkay iyo dadkaygii ula hadli lahaayeen ugana warami lahaayeen xaalkayga iyo in meeshan la iga  kexeeyo  , iyagoo sabab uga dhigay arrinkayga inuu dhoof I galay oo aanan wadi Karrin nolosha halkan . sidii aan dalka uga imi way tirsan tahay inta aan xidhiidh la sameeyey hooyaday iyo ehelkaygii, fasax keliya maan tegin Hargeysa oo ay reerkayagu degenaayeen  waayo waxaan diidayaa inay hooyaday aragto muuqaalkayga is dhalan rogay ee aanay cidiba I garanayn.  Waxaan mar-marsoodaba waxa malaysiya iigu timi walaashay oo hooyaday uga warantay waxa aan ku suganahay iyo inay maalinba maalinta ka danbaysa xaaladayda caafimaad sii daciifayso, waxayna iksu afgarteen in diyaarada la isoo saaro, la igu soo celi Hargeysa, markii aan waddanka imi hooyo ileen waxa laga soo dhaadhiciyey dhoofbay u bukootaye hooyo waxay igu tidhi hooyo inantaydiiyeey niyadda hagaajiso anaa dhoof kuu qal-qaalinayee,  bal sideebaan ugu sheegi karaa hooyaday inaanaan dhoof u bukine aan jacayl la golon-golay? Sow ayaan darro maaha haddii qof la yidhaahdo waxa lagaa daweynayaa cudur aanad qabinba? Cudurka laga gubo fardaha, Haddii laga gubo dameeraha, Dawada ma la gaadhayaa?!  

Arrinka aniga iyo hooyaday nakala haystaa waa kaaf iyo kala dheeri, jacaylkayguna waa jacaylkii beer caddaaday, saacad kasta waxaan ku fekeraa sidii aan uga dheeraan lahaa hooyaday, si’aanay u fahmin waxa I haya! Horaa loo yidhi hadaad dhimato geeridu marbay nolosha dhaantaaye, Maxaad igu la talin lahayd inaan sameeyo akhriste?  Weligaa ka ducayso inuu ku helo jacaylkii beer caddaaday oo kale, weligaa niyaddaada iyo nafsadaadaba hasiin qof aanad xog buuxda ka haysan noloshiisa, weligaa u dhabar adayg waayaha nolosha, waxaan rajeynayaa inaan maalin uun gacanta ku dhigi wiilkaa aan dartii nolosha uga hadhay ee aan mudadda 5 sanno ah u waliilay, ma og tahay inaan subax kasta ku waa bariisto dawakh iyo hiirtaanyo jacayl?!! Naftaydaay u samir waayaha nolosha ee aadka u dhibta badan.

Jacaylkii beer caddaaday waa qiso dhaba oo ku dhacday gabadh da’yar oo ku nool magaalada Hargeysa, waa gabadha u dhabar adaysan illaa maanta qof ay jeclaatay oo ay gaadhi kari weyday!

Cali Maxamed Ibraahin (Dhanaaniye)

Email: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

SI-ARAG © WeedhsanCorporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.